HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M. TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH KHAMSII 13-KA LUULYO 2023-KA

0
Thursday July 13, 2023 - 08:15:10 in Wararka by
  • Visits: 476
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M. TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH KHAMSII 13-KA LUULYO 2023-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Madaxweyne Xasan Oo Furay Shirka Wadatashiga Madaxdii Hore Iyo Siyaasi yiinta Ee Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay shir wadatashi ah oo uu la qaadanayo Madaxdii Hore iyo siya asiyiinta dalka. Sida Villa Soomaaliya ay shaac isay, shirka waxaa lagu gorfaynayaa xaaladda dalka, amniga, ciribtirka Shabaab, dib u eegista dastuurka, dimuqoraadiyeynta iyo doora sho yinka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ogola aday in lagala doodo oo uu dhageysto siyaasi yiinta ka biyo diidan qodobada heshiiska, tani waa inyar oo kamid ah farqiga dabacsanaanta siyaasadeed ee Xasan Sheekh iyo Farmaajo.

Xubno mucaaradka kamid ah ayaa waxaa la sheegay inay muujiyeen kalsooni ah in madax weynaha bedeli karaan oo waxyaabaha qaar ka fujin karaa. Hal qodob dhamaan waa la isku raacsan yahay, kaas oo ah in aan loo laaban karin noocii doorasho ee ugu dambeysay.

Si kastaba, wuxuu shirku kusoo aadayaa, xilli xasaasi ah, isla-markaana dalka ay ka taa gan tahay xaalad siyaasadeed oo ka dhalatay heshiiska ay gaareen Golaha Wadatashihga Qaran, sidoo kalena dood u dhexeyso baarla maanka iyo xukuumadda, waxaa kale oo mag aalooyinka qaar ka jira xiisado, sida Gedo, Ga roowe, Beledweyne iyo Laascaanood.

Xubnaha Golaha Wasiirrada cusub oo Baarl amaanka lagu hordhaariyay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarla maanka Jamhuuriyadda Federaalka Soom aal iya Md. Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madobe ayaa Dorraad shir guddoomiyay kalfadhiga seddaxaad kulankiisa 7-aad oo ajandihiisu ahaa dhaarinta xubnaha cusub ee Golaha Was iirada, hadal jeedinta Gudd oomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo qeybinta ajandayaasha guud ee Golaha Sha cab ka.

Kulanka waxaa go ob joog ahaa Gu dd oomiye ku-xigeena da Golaha, Guddoomi yaha oo hadal ka jeediy ay kulanka ayaa dul istaagay sidii Xildhibaann ada ay ugu hoggaansami lahaayeen Xeer-hoo saadka Golaha Shacabka, isagoo sheegay in la ilaa liyo anshaxa Xildhibaan ka uu leeyahay.

Guddoomiyaha ayaa xusay in kalfadhi yadii 1-aad iyo 2-aad la qaaday talaabo aad u wanag san, taas oo muhiim u ah han aanka geedi soc odka dowladnimada dalka. Guddoomiyaha Gol aha Shacabka ayaa dhanka kale Xildhibaanna da ka codsaday in kalfadhigan aad loogu doodi doono dib u eegista Dastuurka Federaalka Soomaaliya, kaas oo muhiimad gaar ah siinaya ku dhaq anka iyo fahanka dowladnimada dalka.

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo Shir gud doomiyey Kalfadhiga Saddexaad ee Aqalka Sare

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarl ama anka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya M. Cabdi Xaashi Cabdu llaahi oo ay wehliyaan ku xigeennadiisa, ayaa Dorraad shir guddoom iyay kalfadhiga Saddexaad kulankiisa 2-aad ee Golaha Aqalka Sare Ajandaha kulanka ayaa ahaa Akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeed ka ilaalinta iyo maaraynta deegaanka.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo isba dalka Cimillada XFS Khadiijo Maxamed Almak hsuumi, ayaa Sanatarrada Aqalka Sare u faah faahisay muhiimiyadda uu Dalka u leeyahay sharciga ilaalinta iyo maaraynta deegaanka.

Intaas kadib Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa faray Guddiga Khayraadka Qaran ka, kaabayaasha Dhaqaala ha iyo Gaadiidka Aqalka Sa re in ay la wareegaan Hind ise Sharciyeedka ilaalinta iyo maaraynta deegaanka si ay uga soo gutaan waajibaadka ka saran Golahana ay dib ugu soo celiyaan.

EX-R/W ROOBLE oo xog ka bixiyey shirkii Dorraad, shaaciyeyna in kuleylka shirka…

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo Dorraad ka qeyb ka ahaa shirkii wadatashi ee ka furmay magaal ada Muqdisho ayaa ka hadlay jawiga uu ku bil lowday shirka iyo waxa laga filan karo.

Md.Rooble oo la hadlay warbaahinta dowla dda ayaa ugu horeyntii waxa uu shee gay in shi rka uu jawi fiican ku billowday, balse kuleylkiisa la sugayo maalinta berri ah, taasi oo ka dhigan i n qodobada ugu adag ee la isku hayo ay ma daxdu ka dooddi doonaan maalinta berri ah.

"Shirkii Dorraad wuxuu ahaa shir la sugayay muddo, waxaana looga hadlay amniga, doora shooyinka iyo la-dagaalanka Khawaarijta. Jawi fiican ayuu ku billowday illaa hadda jawi fiican ayuu ku socda, kuleylkiisa berri ayaa sugeyna,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Ma xamed Xuseen Rooble.

Waxa uu intaas kusii daray "Shacabka Soo maaliyeed waxaa u sheegaya in loo mideysna ahdaaftii shirka uu ku billowday dhamaan waa laga mideysna, niyadiina kheyr u sheega, meel wanaagsan ayaa loo socda.”

Rooble ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in shirka uu ku jiro marxaladii billowga, islamarkaa na ay madaxdii hore iyo siyaasiyiinta warbixin ku aadan dagaalka Al-Shabaab laga dhageys tay madaxweyne Xasan Sheekh, ayna isku ra aceen in loo soo wada jeesto howl-galka arg agixisada.

"Dhamaan waa loo riyaaqay, waxaa la go’a ansaday in dhamaan intii shirka kasoo qeyb-ga shay ee madaxdii hore iyo siyaasiyiinta aheyd loo soo wada jeesto howl-galkaas oo aan qeyb libaax leh ka wada qaadano.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in war-murtiyeed mideysan ay dhinacyadu kasoo saari doonana shirka marka lasoo gaba-gabeeyo, ka dib markii dood adag laga yeesho go’aanadii shirkii Golaha Wadatashiga Qaran kasoo bax ay ee doorashooyinka la xiriiray.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa daah-furay madaxweyne Xasan Sheekh Maxa muud, waxaana ka qayb-galaya Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiye Shariif Xasan Shiikh Aden R/W Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, R/W Cumar Cabdirashid, R/W Xas an Cali Khayre, R/W ku-xigeen Ridwan Xirsi Maxa med, Wasir Cabdinuur Shiikh Maxamed iyo xildhibaan Cabdulqadir Cosoble Cali.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Maxam ed Xuseen Rooble, Cali Maxamed Geedi, Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Max amed Mursal Sheekh Cabdirax maan. Waa laba ra’iisul wasaare oo hore iyo laba guddoomi ye baarlamaan oo hore.

Si kastaba, Inta uu socdo shirka ayaa waxa si gaar ah diiradda loogu saarayaa dhameyst irka dastuurka, dimuqoraadiy eynta, doorashoo yinka, dib u xoreynta dal ka iyo guud ahaan siyaasadda.

Wasiirka cusub ee wasaaradda maaliya dda oo xilka la wareegay

Wasiirka cusub ee wasaaradda maaliyadda xukuumadda FS mudane Biixi Iimaan Cige ayaa Dorraad xilka kala wareegay wasiirkii xi lkan kaga horreeyey mudane Dr Cilmi Maxam uud Nuur, iyadoo uu goob joog munaasabad aasi ka ahaa Ra’iisal wasaaraha dalka mudane Xamsa Cabdi Barre.

Wasiirkii hore ee wasaaradda maaliya dda Dr Cilmi ayaa xusay in mudadii uu xafiiska joogay in wasaaraddu qaaday tallaabooyin badan oo dhaqaalaha dalka lagu horumarinayo, laguna xoojinayo wadashaqaynta ay Soomaaliya la lee dahay hay’adaha dhaqaalaha ee caalamiga ah.

"Intii aan xafiiska joogay wax badan ayaa noo qabsoomay oo aanu gaarnay haddii ay ta hay horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha dib-u-habeynta Maaliyadda, wali waxa aanu si wanaagsan u haynaa wadadii deyn cafiska ta asi oo guulo badan oo wax ku ool ah laga gaa ray, ayna dhawdahay dhamaystirkeeda” ayuu yiri Dr Cilmi.

Wasiirka cusub ee wasaaradda mudane Biixi Iimaan Cige ayaa dhinaciisa xusay in ay wasaaradda ay horyaalaan hawlo baaxad leh oo dalka muhiim u ah, uuna xoogga saari doo no sidii looga mira dhalin lahaa.

"Waan garwaaqsanahay baaxadda ay leeda hay masuuliyadda la ii igmaday iyo kaalinta ay wasaaraddu kaga jirto dib u habaynta iyo kob cinta dhaqaalaha dalka” ayuu yiri Mudane Biixi.

Ra’iisal wasaaraha dalka mudane Xamse Cabdi Barre ayaa wasiirka cusub iyo hawlwad eenada kale ee wasaaradda kula dardaarmay inay dalka ugu adeegaan si hufan oo isla xisaabtan leh.

Dowladda oo sheegtay in howlgal lagu dilay Saraakiil & Xubno katirsan Al-Shabaab

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soom aal iya iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa howlg alo dhowr ah oo lagu dilay daga alamayaal ba dan oo ka tirsan Al-shabaab ka sameeyay deegaano ka tirsan Jubbo oyinka

Howlgalka ayaa xoogiisa ka dhacay dee gaanka lagu magacaabo Weel Maaroow iyo deegaano kale 42 KM u jira degmada Jilib ee go bolka Jubbada Dhexe.

War kooban oo lagu daabacay warbaah inta dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheeg ay in howlgalka lagu dilay 40 ka mid ah Al-shabaab oo ay ku jiraan madaxii qaraxya da u qaabilsa na Shabaab deegaanada Jub booyinka oo magaciisa lagu soo koobay Farxaan iyo ku xigeenkiisa Cabdi Mahad iyo xubno kale.

"40 ka tirsan Al-Shabaab oo ay kamid yihiin horjoogayaal iyo madaxii Qaraxyada Jubooyin ka Farxaan iyo ku xigeenkiisii Cabdi Mahad ay aa lagu khaarajiyey howlgalka , Sidookale sara akiisha Al-Shab aab ee lagu dilay waxaa kamid ahaa madaxii maaliyada ee deegaanka Weel-Maaroow” ayaa lagu yiri warka lagu daaba cay Warfaafinta dowladda Soomaaliya.

Ciidamada iskaashanaya ayaa sidoo kale la sheegay iney burburiyeen Saldhigii Al-Shabaab ku laheyd deegaanka Weel Maaroow iyo goobo kale oo Al-shabaab gambaad ka dhiganayeen.

Si kastaba ha ahaatee ciidamada dow ladda iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa si aad ah u kordhiyay mudooyinkii dambe howlgalada ka dhanka ah Al-shaba ab ee ku sugan deegaa nada gobolada Jubbooyinka.

Munaasabad xil-wareejin oo ka dhacday Wa saaradda Caafimaadka

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulsh adda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay aa Dorraad oo ay taariikhdu tahay 12 July 2023, lagu qabtey Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay xilka kula kala wareegay een Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Caaf imaadka Dr; Guuleed Cabdijaliil Sheekh Cali iyo Agaasimihii hore ee Wasaradda Mr; Axmed Yuusuf Cabdulle.

Xafladda oo ka dhacday Xarunta dhaxe ee Wasaarad da Caafimaadka wa xaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya Dr: Cali Xaaji Aadam, Wasiirka Wa saaradda Dhallinyarada XFS, Wasiiru Dowllaha Wasaaradda Caafimaadka Dr. Maryan Maxa med Xuseen, Xildhibaano ka tirsan lab ada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuur iyadda Federa alka Soomaaliya, Agaasima yaal, Xubno sare oo ka socday Xafiisyada kala duwan ee Dowl adda iyo dhamaan agaasime waaxeedyada Wa saar adda Caafimaadka iyo Shaqaalaha Wasa aradda.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo dary eelka bulshada Xukuumadda Federa alka So omaaliya Dr; Cali Xaaji Aadan ayaa si rasmi ah xilka ugu kala wareejiyay Agaasimihii hore ee Wasaaradda Caafima adka Mr. Axmed Yuusuf Cabdulle iyo Agaasimaha cusub ee Wasaaradd a Dr; Guuleed Cabdijaliil Sh. Cali.

Munaasabadda oo ay ka hadleen Madaxada Wasaaradda iyo Mas’uuliyiinta kale ee kasoo qeyb gashay ayaa laga soo jeediyey khudbado wax ku ool ah oo si gaara ugu hadlaya howlaha agaasinka Wasaaradda Caafimaadka iyadoona la bogaadiyey howlihii uu soo qabtey Agaasimihii hore ee Wasaaradda sidoo kale waxaa si diiran loo soo dhaweeyey Agaasim aha cusub ee Wasaaradda iyad oona loo soo je ediyey Agaasimaha cusub dardaaran ku aadan howlaha horyaala ee loo igmaday.

Dowladda Soomaaliya oo lagu eedeeyay inay Somaliland ku taagersantahay dagaal ka Laascaanood

Mid ka mid ah odeyaasha dhaqanka ee gob olka Sool ayaa ku eedeeyay dowladda Sooma aliya inay Somaliland garab ku siinayso duqeyn ta ay ka wado dhowrkii Bilood ee la soo dhaaf ay Magaalada Laascaanood.

Garaad Jaamac Ga raad Ismaaciil ayaa ha dalkan ka sheegay xa flad lagu qabtay Nayro obi Habeen hore, isa ga oo si gaar ah u tilmaamay madaxweyne Xas an Sheekh iyo Raysal wasaare Xamsa Cabdi Barre.

"Xukuumadda Dorraad jirta, afka ka dhowri mayno, waxaan ognahay oo isa soo taraya in iyadu garab ku siinayso Somaliland duqeynta Laascaanood,” ayuu yiri Garaadka.

Dowladda federaalka ah weli kama falcelin eedeynta loo jeediyay. Horey se, waxay dhowr mar ugu baaqday wada-hadal iyo xabad-joojin, iyada oo madaxweyne Xasan Sheekh kula ku lmay Muqdisho qaar ka mid ah odeyaasha dha qanka Sool.

Puntland oo fal argigixiso ku tilmaamtay gu bitaanka xarun ganacsi oo kutaalay Mag aalada Boosaaso

Puntland ayaa fal argigixiso ku tilma am tay mid kamid ah xarumaha ganacsiga Boosaa so oo la gubay, gubitaankaas oo loo maleynayo inuu ka dhashay qarax lagu weeraray shirka dda Fadhisame, inkastoo weli aan la xaqiijin.

Taliyaha qeybta boo liiska gobolka Bari, gaasha anle sare Cabdiqaadir Jaa mac Dirir, ayaa sheegay in kooxaha argigixis ada oo uu ula jeedo Shabaab iyo Daacish, inay ka dambeeyaan gubitaanka xarunta ganacsi ee Fadhisame.

Taliyuhu wuxuu sheegay ujeeddada laga le eyahay in ay tahay, si loo gumaado dhaqaal aha bulshada magaalada Boos aaso, oo ah isha dhaqaalaha Puntland.

Taliyuhu wuxuu sheegay inay wadaan baar itaano lagu dabo joogo ciddii falkaas ka dambe eyay. Waxaa kale oo uu sheegay inay qaaday aan howlgallo amni oo looga jawaabayo dhac dooyinka lidiga ku ah amniga.

Dhowr bilood ka hor ayay ahayd markii la gubay xaruntii ganacsi ee Almacruuf, kaddib markii lagu weeraray qarax. Weli maamulka Puntland ciddi uma soo qaban falkaaas.

Hay’adda amniga ee maamulka Puntla nd ayaa ku eedeeyay Shabaab iyo Daaci sh inay ka dambeeyaan falalkan, si ay u cabsi galiyaan ganacsatada, ugana qaada an lacago ah baad ah.Qaar kamid ah xarumaha ganacsiga ayaa waxaa lasoo gudboonaaday cabsi ku aadan arrimahan.

Safiirka Soomaaliya ee Ethiopia oo warqad aha aqoonsiga u gudbiyey guddiga dhaqaa laha Afrika ee QM.

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaal iya ee dalka Ethiopia mudane Cabdullaahi Max amed Warfaa ayaa warqa daha aqoonsiga u gu dbiyey Gudoomiyaha guddiga dhaqaalaha Afr ika ee Qaramada Midoobay (UNECA) danjire Antonio Pedro,

waxaana kulanku uu ka dha cay xarunta UNECA ee Addis Ababa, iyadoo intii shirku soc day uu safiir Warfaa la wad aagay horumarada kala duwan ee ay dowladda Soomaaliya ka gaartay dhin acyada amn iga, dhaqaalaha iyo dow lad wa naa gga, sidoo kale masuulinta laba da dhinac wa xay ka wada hadleen oo isla garteen xooji nta wada shaqaynta iyo xiri irka ka dhexe eya Dawladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoo bay.

Danjire Warfaa waxaa kulanka kala qayb galay qaar kamid ah diblomaasiyiinta safaarad da Soomaaliya ee Addis Ababa, isagoo mada xda ugu sarraysa UNECA ku adkeeyey inay sii laba jibaaraan wada shaqaynta iyo taageerada ay mar kasta la garab taagan yihiin Dawladni mada Sooma aliya.

Dowladda Suudaan oo ku hanjabtay inay ka bixi doonta Ururka IGAD

Wasaaradda arrimaha Dibedda ee dalka Suu daan ayaa ganafka ku dhufatay Baya ankii ka soo baxay shirkii ay Guddiga Urur-Gobaleedka IGAD ugu qaabilsan xalinta colaada dalkaasi bi shan July 10-dii ku yeesheen Caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Aba ba. War-saxaafadeedka Was aaradda arrima ha Dibedda ee Suudan ayaa lagu shee gay inaysan marnaba oggola an doonin in ciidamo shishee ye la keeno dalk ooda.

Dhanka kale, Dowladda Suudaan wax ay ku goodisay inay ka fiirsan doonaan xubinnim ada Ururka IGAD, haddii la ixtir aami waayo ar agtida mid ka mid ah dowla daha ka tirsan Ururadaasi.

Dowladda Suudaan waxay soo dhawey say Shirka Madaxweynayaasha Dowlad aha deris ka la ah Suudan berrito oo kha miis ah uga fur mi doona caasimadda dalka Masar ee Qaahira.

Madaxda Wadamada deriska la ah Suu da an ayaa tagay caasimadda Qaahida, waxaana laga hadlayaa xaaladda cola adaha ee dalka Suudaan, iyadoo shirkan uu martigalintiisa lee yahay Madaxweyn aha Masar Abdel Fattah el-Sisi.


Wararkii ugu dambeeyay rabshado ka dhacay Kenya

Booliska Kenya ayaa sunta dadka ka ilme ysi isa ku furay dibad-baxayaal dhega ha ka fura ystay mamnuucis ay booliska saareen mudaa haraadyo uu ku baaqay hoggaamiyaha muca aradka Raila Odinga, oo ka dhan canshuur kor dhin ay sameysya dowladda Dukaamada ay aa la xiray, islamarkaana ammaanka ayaa aad loo adkeeyey caasi madda Nairobi, halkaasi oo booliska la geeyey islamarkaana ay sunta dad ka ka ilmeysiisa ku fureen dibad-baxayaal dha gx aan turayey, xaafadda isku raranta ee Math ere.

Sidoo kale sunta dadka ka ilmeysiisa ayaa loo adeegsaday in lagu kala eryo dibad-baxaya al isugu soo baxay magaalada Mombasa.

Toddobaadkii tegay, dibad-baxyo ka dhacay magaalooyin dhowr ah ayaa isu rogay rabsha do, ayada oo lix qof lagu dilay, sida ay sheege en wasaaradda arri maha gudaha.

Dadka u ololeeya xuquuqda aadanaha ayaa ku eedeeyey booliska inay awood u adeegsad een dibad-baxayaasha.

Kahor dibad-baxyada Dorraad, madaxa bool iska dalka ayaa taageerayaasha muca aradka uga digay inay qabtaan "dibad-baxyo sharci-dar ro ah,” isaga oo sheegay in abaabulayaasha ay san mas’uuliyiinta usoo gudbin wax "wargelin ah” oo ku saabsan dibad-baxyada la qorshe eyey.

"Sidaas darteed, wax dibad-bax ama isu ima atin ah lama ogola berri.Waxaa la adeegsan do onaa dhammaan hababka sharciga ah si loo ka la eryo dibad-baxyada noocan ah,” ayuu Japhet Koome ku yiri bayaan uu soo saaray.

Isbaheysiga Azimio ee Odinga ayaa wacad ku maray inay toddobaad kasta dhigi doonaan dibad-baxyo ka dhan ah dowladda madaxwe yne William Ruto.

"Dhaq-dhaqaaqyadeena waxaa ilaaliyey da stuurka oo damaanad qaadaya xuquuqda lagu dibadbaxo iyo isu-imaatin ka,” waxaa sidaas AFP u sheegay Dennis Onyango oo ah afhaye enka Odinga.

Madaxweyne Ruto ayaa bishii tagtay saxiixay sharci canshuurta lagu kordhi nayo, kaasi oo la rumeysan yahay inuu dakhli dheeri ah oo gaa raya $2.1 bilyan soo gelin doono dowladda.

Dowladda ayaa sheegtay in canshuurta cu sub ay caawin doonto in la abuuro shaq ooyin cusub, islamarkaana la yareeyo deynta ay qa adato dowladda.

Injineer Xasanow Maxamuud oo ku geeriyoo day Mareykanka

Allaha u naxariistee waxaa magaalada Fai rfax ee gobolka Virginia ee dalka Mareykan ka ku geeriyoo day Injineer Xa ssan Maxamuud Maxa med oo ku magac dhe eraa Injineer Xasanow, kana mid ahaa injin eerradii ugu caansanaa ee So omaaliya. Injineer ka ayaa geeriyoday 12-ka Luulyo. Injineer Xasanow oo ku geeriyooday da’da 79 jir, ayaa ahaa siyaasi, ganacsade, bare jaamacadeed iyo sidoo kale sarkaal sare oo ka tirsan Ciidanka Booliiska Soom aaliyeed.

Halkan ka akhriso taariikh kooban oo aan kaga hadleyno taariikh nololeedkii Inj. Xasanow Maxamuud Maxamed:

Allaha u naxaristee, Injeer Xassanow ayaa ku dhashay magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu waxbarashada qur’aanka kariimka, dugsiga hoose illaa dugsiga sare ku dhammeystay.

Marxuumka ayaa ka dibna ku biiray Ciidam mada Booliska Soomaaliyeed 1964-kii, wuxuu na sannadkii 1965-kii ku guuleys tay tartan Leyli Sarkaal oo loogu diray Kulliyada Modena ee dalka Talyaniga. Inj. Xasanow ayaa kaddib na waxa uu galay Kulliyada Injineriyadda ee Jaamacadda Torino ee isla dalka Talyaaniga. Waxa uu ahaa arday aad u fahmo badan, waq tina geliyay waxbarashadiisa, waxaana uu sid aas ku muteystay inuu ku qalan jebiyo darajo sare.

Waxa uu dib ugu soo laabtay dalka, isa goo noqday sarkaal Injineer ah, waxaana uu madax ka noqday hoggaanka dhismaha Ciidanka Bool iska Soomaaliyeed. Waxa uu Ciidanka Booliska ka gaaray darajada Gaashanle Sare, islamarka ana waxa uu noqday bare aad loo jecel yahay oo ka tirsan Kulliyada Injineeriyadda ee Jaama cadda Ummadda Soomaaliyeed. Waxa uu ahaa aqqoonyahay Cilmiga Injineeriyada oo ka dhex muuqda bahda Injineerrada dhismaha ee Soomaaliya.

Injineer Xassanow ayaa Allaha u naxariistee waxa uu ahaa qof aad waxbarashada u jeclaa isaga shahaadada adeegsiga teknolojiyadda ee farsamada dhismaha ka qaatay Jaamcad ku taalla magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Waxa uu dalka Soomaaliya ka abuuray shir kadda dhismaha oo dhismayaal badan sida xa runta Ciidanka Asluubta iyo mashaaric hay’ad aha caalamiga ah ay maalgelinayeen ka hirgel isay Muqdisho iyo gobollada dalka.

1991-kii, ayaa Injineer Xassanow waxaa loo magacaabay xilka Wasiirka Wasaaradda Howl aha Guud iyo guryeynta ee dowladdii KMG aha yd. Injineeer Xassanow ayaa ahaa hoggaamiye bulsho, aftahan ah, bashaash ah, daryeela dad ka dhibaateysan, aqqoon sare leh oo aad looga yaqaan Soomaaliya, Mareykanka, Talyaniga oo muddo ku noolaa, islamarkaana waxa uu ku lah aa saaxiibo fara badan daafaha addunka.

Injineer Xassanow ayaa Allaha u naxariistee waxa uu ifka kaga tagay 21 qof oo isugu jira car uurtiisa iyo ubadka ay sii dhaleen.

Waxa aan Allah subxaanahu wa taca alaa u ga baryaynaa in uu marxuum Inj. Xassanow u naxariisto, u danbi dhaafo, kana waraabiyo Jan nadiisa firdowsa ah. Caruurtiisa, ehelkiisa, iyo saxiibadiisana waxaan Allah kaga baryeynaa in uu siiyo sabar iyo iiman aan la soo koobi karin. Aamiin, Aamiin, Aamiin.

Xidhibaan Mukhtaar ka hadlay shirka wadat ashiga ee Dorraad M/Muqdisho uga furmay madaxda DFS iyo kuwii hore ee dalka.

Xidhibaan Mukhtaar Axmed Saajid oo kamid ah xubnaha Golaha Shacabka Soo maaliya ayaa ka hadlay shirka wadat ashiga ee Dorraad mag aalada Muqdisho uga furmay madaxda dowl adda federaalka iyo kuwii hore ee dalkaVilla So malia ayaa sheegtay in ujeedka madax weyne Xasan ee shirkan uu yahay inuu madaxdii hore ee dalka la tashi kala sameeyo oo taladooda ka dhiibtaan arrimaha masiiriga ah ee dalka ka socda, gaar ahaan arrimaha dib u xoreynta dalka, dhameystirka dib u eegista dalka dastuur ka iyo guud ahaan siyaasadda dalka iyo qorsha yaasha mustaqbalka soo socda ee dalku leeyahay.

Xildhibaan Saajid ayaa fal-celintiisa ku shee gay inuu soo dhoweynayo wada-hadalka mad axweyne Xasan Sheekh iyo Saamileyda Siyaa sadda, isaga oo shaaciyay inay ka sheekeysan karaan xaaladda dalka, balse waxa uu tilmaam ay in go’aanka uu u yaallo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Golaha Shacabka uu heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka ka eegi doono dhanka sharciga iyo danta guud ee shacabka Soomaaliyeed.

"Arrintaas Saamileyda Siyaasadda iyo Madaxweynaha waa ay ka sheekeysan karaan, aragtidoodana way ka dhiibana yaan, laakiin si guud waxay ugu taallaa Gol aha Shacabka, wuuna kala saari doonaa Maxaa dastuur ah oo dastuurka geli kara?, Maxaa xilligan Ummadda u cuntama” ayuu yiri xidhibaan Mukhtaar Axm ed Saajid oo ka tirsan baarlamaanka.

Saajid oo hadalkiisa sii wata ayaa farriin culus u diray madaxda Soomaaliyeed, wuxu una ugu baaqay in eegaan danta Ummada Soo maaliya, si looga baxo dhibaatada taagan

"Waxaa laga rabaa shacabka ay wakiilka ka yihiin inay Ilaahey uga baqaan oo wixii dan u ah oo ay arkaan ay aqbalaan wixii aan dan u aheyn oo shaqaaqo abuura ayana inay ka daa yaan” ayuu mar kale yiri xildhibaanka oo si gaar ah ugu warr amaySomali Cable TV.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo uu Dorraad furmay shirka wadatashiga madaxda dowladda iyo kuwii hore, wax aana daah-furay madaxweyne Xasan She ekh, ayada oo sidoo kale ka qayb-galay aan Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiye Shariif Xasan Shiikh Aden R/W Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, R/W Cumar Cabdirashid, R/W Xasan Cali Kha yre, R/W ku-xigeen Ridwan Xirsi Maxa med, Wasir Cabdinuur Shiikh Maxamed iyo xildhibaan Cabdulqadir Cossoble Cali.

Waxaa sidoo kale Dorraad lagu kordhi yay xubno horleh oo ay kamid yihiin Max amed Xus een Rooble, Cali Maxamed Geedi, Prof Max amed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Waa laba ra’iisul wasaare oo hore iyo laba guddoomiye baarlamaan oo hore.

Si kastaba, shirkan ayaa waxaa uu qeyb ka yahay barnaamijka dowladda ee talo wadaagga iyo wadar oggolka gaarista go’aamada masii riga ah ee Soomaaliya.


Kooxda Taliban oo dalka Afgaanistaan ka mamnuucday dowladda Sweden

War qoraal ah oo kasoo baxay Imaaradda isl aamiga ah ayaa lagu yiri "Ka dib markii Sweden ay aflagaadeysay Qur aanka Kariimka ah iyo caqiidada, Imaarada Islaamiga waxay joojisay howlihii Sweden ay ka waday Afgaanistaan ​​ilaa ay ka raali gelinayaan muslimiinta falkaas foosha xun.”

Gubista kitaabka bara keysan ee islaa mka oo uu gubay qof– qaxooti ah oo u dha shay Ciraaq. Maalintii koobaad ee ku beegneyd Cii dul Adxa ayaa carro badan ka dhalisay dunida Muslimka – waxaana dalal dhowr ah ka dhacay dib adbaxyo. Inta badan dowladaha Muslimka ayaa u yeertay safiiradaooda Sweden u jooga si ay u ugu gudbiyaan cambaareyntooda – wax aana qaarkood ay ku baaqeen in la qaadaco wax soo saarka Sweden si looga jawaabo.

Safaaradda Sweden ee Kabul ayaa xiran tan iyo markii Taliban ay la wareegeen ku dha waad ​​labo sano ka hor. Balse amarka Taliban ayaa loo badinayaa inuu saameyn ku yeesho guddiga Sweden u qaabilsan Afghanistan. Waa hay’ad bini’aadantinimo – oo ay ku jiraan dhawr kun oo shaqaale ah oo ka shaqeeya caafimaad ka, waxbarashada iyo horumarinta reer miyiga.

Madaxweynaha Iran oo booqasho taariikhi ya ku tegay dalka Kenya

Madaxweynaha dalka Iran, Ebrahim Raisi ayaa Dorraad gaaray Magaalada Nairobi ee xarunta dalkaasi Kenya, halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho saddex qaadaneysa oo uu ku mar ayo Qaaradda Afrika.

Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay dhiggiisa Iran, iyadoona uu socdaalkiisan la xiriiro mid uu ku xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga dhaqaalaha ee qaaradda.

Safarkiisan Kenya oo lagu waday inuu bil owdo Talaadadii ayuu dib u dhac ku yimid hal maalin, si loo dhameystiro heshi isyada is afgaradka ee Raisi iyo Ruto ay saxiixi lahaay een, sida ay sheegtay Wasaa radda Arrimaha Dibadda Kenya.

Wasiirada labada dal ayaa Arbacadan kala saxiixday 5 heshiis oo is afgarad ah, lana xiriira teknoloojiyadda, kalluumeysiga, wax soosaarka beeraha, xoolaha nool iyo kor u qaadista maa lgashiga, sida ay dowla duhu ku dhawaa qeen.

Madaxweyne Ruto ayaa shir jaraa’id ka sheegay in Madaxweynaha Iran uu doon ayo inuu kor u qaado xiriirka ganacsi ee kala dhax eeya dalalka Afrika.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dadka qa aradda aanay ku qanacsanayn qi imaha gana csiga ee suuqyada caalamiga, ayna tahay in Hoggaamiyeyaasha Afrika ay la yimaadaan tal laabooyin ay wax kaga qabanayaan sicir barar ka baahsan ee ka jira dalalka. "Mid naga mid ah kuma qanacsana qiim aha ganacsiga ee ha dda jira iyo wax isweydaarsiga dhaqaale ee xill igan ka dhaxeeya dalalka.” Ayuu yiri Ruto

Ruto ayaa hadda dhiggiisa Iran ka rajey na ya in Kenya uu kala shaqeeyo fudude ynta dho ofinta caleenta shaaha, hilibka xoolaha nool iyo wax soosaarka kale ee beeraha Kenya, loona iibgeeyo Iran iyo dalalka kale ee dhaca barta maha Asia.

Muddada sanadka ku dhow ee Mada xwe yne Ruto uu xafiiska joogo ayaa waxay Kenya la daallaa dhaceysay kororka duls aarka ee amaahda lagu leeyahay iyo sare u kac ku yimid qiimaha machiishadda, iya doona Arbacadan ay dalkaasi ka sii socd aan dibadbaxyada ay soo abaabuleen muc aaradka ee ka dhanka ah dowladdiisa.

Madaxweyne Ebrahim Raisi ayaa Afrika ku tilmaamay qaarad fursad, isla-markaana uu xo ojin doono xiriirka iyo iskaashiga gan acsi ee dalkiiisu la leeyahay wadamada Afrika.

Madaxweyne Raisi ayaa sidoo kale tagi doona dalalka Uganda iyo Zimbabwe.

Socdaalkan uu ku marayo qaaradda ayaa noqonaya kii ugu horreyay ee Hogg aamiye Ira n ah uu ku yimaado Afrika, mu ddo 10 sano ah.

Booqashadan tii ka horreysay ayuu Mad axw eynihii hore ee Iran, Mahmoud Ahma dinejad ku yimid Afrika, sanadkii 2013.

DAMEERKA SOOMAALIYA KU BADAN EE ADDUUNKA KASII DABAR GO'AYA

Dameerka dhalashadiisa loo dabaal degay XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Qoraalka sawirka, Dameerka dhalashadiisa loo dabaal degay Dameeraha lagu yaqaanno dhu lka Soomaalida ayaa adduunyada inteeda kale waxaa la sheegayaa inay ka sii dabar go’a yaan.

Seere lagu xanaaneeyo duur joogta dalka Chile ayaa u dabaaldegay dameer seeraha ugu dhashay.

Sababta dabaaldegga keentay ma aha jacayl dameerka loo qabo, laakinse dunida waxaa la sheegayaa in ay ku hareen in ka yar 200 oo dameer oo kaliya.

Sidaa darted dhalashada dameerkaas waxay ka dhigan tahay mid qiime weyn ku fadhid wa ayo waa tiro ku soo korortay dameeraha.

Seeraha (Zoo-ga) Buin eek u yaalla duleed ka magaalada Santiago wuxuu sidaa kaga qayb qaatay dadaalka caalamiga ah ee dameer -Soomaaliga sii dabar go’aya dib loogu soo celinayo tiradiisa.

Midowga caalamiga ee ilaalinta dabeecadda (IUCN) wuxuu dameerka ku tilmaamay mid khatar ugu jira inuu dabar go’o.

"Waxaan ku faraxsannahay in akhbaartan sheegno xilligan adag ee la doonayo in la dho wro noocyo badan oo xayawaan ah” ayuu yiri IgnacioIdalsoaga, oo ah aasaasaha iyo agaasi maha Seeraha Buin. Wuxuu intaa ku daray in akhbaarta dhalasha da dameerka ee todobaadkii hore ay seerahaas ka dhigayso inay ku nool yihiin shan dameer. Seerahaas waxaa hore ugu dhashay laba dameer 2021.

"War lagu diirsado ayey u tahay ilaalinta dam eeraha duurjoogta ah ee dunida ka sii dha maanaya, waxaanan awood u leenahay in aan halkan ku tarmino” ayuu sii raaciyey Idalsoaga. Qoraalka sawirka,

Ilaa shan dameer ayaa seerahaas chile ku yaalla ku nool

Dameeraha dunida ku haray ee dameer-soomaaliga ayaa sida laga soo xigtay hay’adda IUCN waxay ku sii harsan yihiin Eritrea iyo Itoobiya.

Tirada dameeraha ayaa hoos u sii dhaca ysay 35kii sano ee u dambeeyey. Tirada da meraha la ogyahay inay dunida ku nool yihiin waxaan ku jirin Dameeraha Soomaaliya gudah eeda ku nool oo hay’adda IUCN aysan war ka hayn.

Tirada sii yaraanaysa ee dameeraha waxaa loo aanaynayaa ayagoo waayey deegaankii ay ku noolaayeen, ugaarsasho iyo ayagoo loo adeegsado cunto iyo daawo ahaan.

"lafaha waxaa laga sameeyaa maraq la aam insan yahay in lagu caafimaado, laakinse sayn is ahaan lama caddayn” ayu yiri Idalsoaga.

Dameeraha waxay inta badan ku nool yihiin afrikada bari, waxaana dadyowga ku nool ay siyaabo kala duwan uga manaafac aadsadaan noolahan.

Deegaannada Soomaalida, dameeraha waa la rartaa, laakinse hilibkooda, caana hooda iyo maqaarkooda lama isticmaalo.

Madaxda ay Shariif iyo Farmaajo ka mid yih iin maxay ka yiraahdeen ka qayb galka Shirka Muqdisho?

Soomaalidu dameerka ma cunaan ee way rartaan

Laakinse 2012 waxaa dalka Kenya sharci laga dhigay in la furan karo meelo lagu gawr aco dameeraha.

2014 waxaa laga furay kawa ankii ugu horree yey ee lagu qalo dameeraha, ayadoo hilibkiisa iyo maqaarkiisa loo dhoofin jiray dalka Shiin aha.

Afar kawaan oo Kenya ku yaalla oo dameer aha lagu qalo ayaa lagu qiyaasay in maalin kas ta ay qali jireen 1,260 dameer.

Muddo afar sano ah gudaheed Kenya waxay weyday tiro lagu qiyaasay 700,000 oo dameer. Taa waxay keentay in wasaaradda beeraha ee Kenya ay xirto kawaannadii dameeraha lagu qali jiray, ka dib markii cabasho ay ka timid da dweynaha taasoo ku saabsan indameerahooda la xado, ka dibna la qalo.

Inkastoo Soomaaliya ay dameero badan ku nool yihiin, misna lagama hayo tiro ama qiyaas, inta ku nool. XIGASHO:-BBC


SABABTA DALKAN LAGU DAADIYAY DHIIGGA SOOMAALIDA LOOGU DOORTAY KAN UGU WANAAGSAN DALXIISKA DUNIDA

Dalxiiska Akhristayaal uu rai'yi uruurin ka sameeyay wargeyska Telegraph ee dalka UK ka soo baxa ayaa waxay sheegeen in Koofur Afrika tahay dalka ugu wanaagsan dhanka dal xiiska adduunka.

Wargeyskan ayaa diiradda saaray quruxda magaalada Cape Town, iyo buuraha ku yaalla.

Wuxuu sidoo kale ku tilmaamay in dalkan ku wanaagsan yahay dhanka safarka dhulka.

Dalalka Kenya iyo Bots wana ayaa sidoo kale soo galay kaalmaha 10 iyo toddoba.

MAXAA LOO DOORTAY KOOFUR AFRIKA?

DALXIISKA

Inkastoo ay ku taallo cirifta ugu dambeysa qaaradda Afrika, dalkan ayaa ka mid ah kuwa ay fududdahay in la tago.

Sababaha kale ee loogu doortay ayaa ah in ku safarka dhulka uu ku wa naagsan yahay.

Waxaa sidoo kale jirta in lagu ammaan ay quruxda buuraha iyo farshaxanka.

Koofur Afrika ayaa sidoo kale qiimeyn la sa meeyay sanadihii 2017 iyo 2018 waxay kala gashay kaalmaha saddex iyo labo.

Dhanka kale marka la eego, Koofur Afrika waxaa ka dhacayay dilal loo geysto dadka aj aanibta ah.

Soomaali badan oo ganacsato ahayd ayaa lagu dilay magaalooyin ka mid ah dalkaas, qaa rkoodna dukaamadooda ayaa lagu dhex dilay.

Dilalka ka dhaca Koonfur Africa ma lala bar-bar dhigi karaa 'goob dagaal'?

Dalxiiska New Zealand

Waxay u muuqataa nin xanuunka safmar ka ah ee Covid uu saameyn ku yeeshay ra'yiga dadka. Wargeysku wuxuu leeyahay ma jiri karto sabab kale oo New Zealand – oo ah dal kaalinta koowaad ku jiray ku dhowaad labo sano – uu hoos uga dhaco liiska.

New Zealand waxay ka mid tahay meel aha ay dalxiisayaashu aad u ammaaneen tobankii sano ee lasoo dhaafay.

Tan iyo sanadkii 2011 ayuu wargeysku she egay inay ku jirtay kaalmaha hore ee dalalka da lxiiska ugu wacan adduunka.

Dalkan ayaa si la mid ah Koofur Afrika wax aa lagu ammaanay quruxda dabiiciga ah ee dhulkiisa, buuraha iyo farshaxanka.

Maldives

Dalxiiska Jasiira ddan ayaa kaalinta saddex aad ka ga shay dalalka ugu wacan dhanka dal x iska.

Waxay ku taallaa Badweynta Hindiya, waana dal ay dad ku u tagaan dalxiiska, gaar ahaanna munaasb adaha gaarka ah sida aroosyada iyo xafladaha dhalashada. Dalkan ayaa lagu tilmaamay in xitaa xilliyada roobka ay qorraxdu ka hillaaceyso cirka, sida bilaha May ilaa October. Geedaha qumbaha ayuu caan ku yahay iyo xeebaha qurxoon ee soo jiidanaya dalxi isay aasha. Guud ahaan waa jasiirad ay dadku jecel yihiin inay ku nastaan.

Japan dalxiiska

Dalkan ku yaalla qaaradda Aasiya ayaa sidoo kale wa xay bulshadiisu la daalaa dha caan musiibooyin bad an.

Xanuunno safmar ah, dhulgariir, duufa anno iyo dhacdooyin nukliyeer ayaa saame eyay dal kaas.

Balse intaasoo dhan iyadoo ay jiraan, hadda na dalxiisayaashu taas kama hor istaagin inay u dalxiisaan.

Tobankii sano ee lasoo dhaafay, Japan ayaa ku jirtay liiska dalalka ugu wacan dhanka dalxiiska.

Waxaa lagu ammaanay quruxda dhulka iyo cuntada, xeebaha iyo waddooyinka sida kuwa magaalada caasimadda ah ee Japan.

Australiadalxiiska

Dalka Australia ayaa kaalinta shanaad ka soo galay dalalka addunka ugu wanaagsan dhanka dalxiiska.

Inkastoo ay ka mid ahayd dalal ka xiray xuduud dahooda markii uu yimid xanuun ka safmarka ah ee coronavirus, haddana taas kama hor istaa gin in dadku u dalxiisaan.

Dalkani qurux uma dhinna, balse wuxuu war geysku leeyahay in laga yaabo in saba bta uu kaalinta shanaad u galay ay tahay fogaanta uu ka fog yahay dalalka kale.

Wuxuu leeyahay ayaa la yiri qurux dabi ici ah sida magalada caasimadda ee Sydney.

XIGASHO:-BBC

Waa kuma ninka Messi u eg ee magaca cayaartoyga ku khiyaamay haween

 badan?

Reza Parastesh waa 30 jir u dhashay Iran,

Waxaa jirta aaminaad hore oo soo jeedi naysa in qof kasta oo adduunka ku nool uu leeyahay toddobo qof oo u eg.

Inkastoo aaminsanaanta laga yaabo inaysan sax ahayn, laakiin waxay u egta hay in Lionel Messi uu helay mid ka mid ah toddobada qof ee u eg muuqaal ahaan.

Ninkan ayaa caan ku noqday u ek een shaha xiddigga kubadda cabta ee reer Argentine, Lio nel Messi.

Reza Parastesh, ama ‘Messiga been abu urka ah’ sida baraha internet-ka looga yaqaan, waxa uu dhawaan qabsaday bog agga hore ee warbaahinta iyo baraha bul shada kaddib m arkii la sheegay inuu la seexday 23 haween ah oo ku qayaanay inuu yahay Messi-ga saxda ah.

Haddaba waa kuma Messi-ga been abuurka ah? Reza Parastesh

Reza Parastesh waa 30 jir u dhashay Iir aan, kana soo jeeda magaalada Hamedan. Waxa uu soo jiitay indhaha caalamka ka dib markii dad ku ay ogaadeen in uu u eg yahay xiddiggii hore ee kooxda Barcelona ee Lionel Messi.

Ninkan dhalinyarada ah ayaa ka faa’iid ay stay muuqaalkiisa cajiibka ah ee uu u ekaan shaha xidigga kubbada cagta wax ana baraha bulshada ka helay taageerey aal badan. Reza Parastesh hadda waxa uu barta Instagram-ka ku leeyahay in ka bad an hal milyan oo taage erayaal ah.

Caannimada Reza Par astesh ayaa bila abatay ka dib markii aabihiis uu hadiyad ahaan u siiyay fu naanadda maaliyadda ee Barcelona. Markii uu xirtay, waxaa adkaa tay in lakala garto isaga iyo Messi, laacibka 36-jirka ee ku guuleystay Koobka Adduun ka ee FIFA.

Sawirkaas ayaa waxa uu noqday mid aad u gu faafa baraha bulshada taas aya ana la she egay Parastesh inay sababtay inuu noqdo 'Messi been abuur ah' waxa uu bilaabat inuu ko obiyeeyayo qaab jarmada timaha madaxa iyo garka.

Mar ayaa waxaa xiray booliska dalka Iran sa babo la xiriira dhibaateynta shacab ka kadib markii ay dadku bilaabeen inay hareerihiisa ku soo xoomaan iyagoo u maleynaya inuu yahay Lionel Messi-ga dhabta ah.

Ka dib waa la sii daayay iyada oo aan wax dacwad ah lagu soo oogin hase yeeshee waxa u helay wareyso iyo qandaraasyo dhar lagu xayeesiyo.

Maxaa ka jira edeeymaha loo haysto? Reza Parastesh oo sawir la galaya dad shacab ah

Warbixinnadan ah in Messi-ga been abu urka ah ee Iiraan uu khiyaaneeyay 23 haween ah isagoo isticmaalaya muuqaalkiisa si uu xiriir galmo ula sameeyo ayaa soo baxay 2019-kii.

Sida laga soo xigtay maqaalkii hore ee Mar ca, Parastesh ayaa wuxuu been u sheegay du markan oo uu ku qanciyay inuu yahay Lionel Messi-ga dhabta ah. Waxa la sheegay in mag acan uu u adeegsaday si uu ugu khiyaamo uguna fushado dantiisa.

Eedeyntan ayaa soo cusboonaatay dhawaan ka dib markii uu Messi uu ku biiray kooxda Inter Miami ee ka tirsan hor yaalka Major League So ccer (MLS). Hase yeeshee, Reza Parastesh ayaa dafiray eedeymahan markii ugu horeysay ee ay soo baxeen.

Parastesh ayaa isla markiiba soo galiyay barta Instagram si uu u beeniyo eedeymaha loo soo jeediyay oo uu u ilaashado sumcadiisa iyo kalsoonidiisa. Waxa uu ku hanjabay inuu tallaa bo sharci ah ka qaadi doono waqrbaahinta eed eymaha noocaas ah ay ka soo fuleen.

Parastesh wuxuu ku nuuxnuuxsaday in ha ddii uu dhab ahaantii samayn lahaa ficilladaas khiyaanada ah, uu la kulmi lahaa xabsi gudaha Iran ah. Waxa uu ka hadlay sida xanta noocaas ah ay saameyn ugu yeelan karto nolosha, gaar ahaan dalalka Muslimka ah.

XIGASHO:-BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip