HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ISNIIN 10-KA LUULYO 2023-KA

0
Monday July 10, 2023 - 08:36:26 in Wararka by
  • Visits: 418
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ISNIIN 10-KA LUULYO 2023-KA

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Wasiirkii Maaliyadda Soomaaliya oo ka hadlay xilka qaadistii lagu sameeyay.

Wasiirkii Maaliyadda Soomaaliya ee xilka qaadista lagu sameeyay Cilmi Maxamuud Nu ur ayaa ka hadlay xilka qaadistii uu ku sam eeyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xam se Cabdi Barre.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook Ci lmi Maxamuud nuur ay aa wa xaa uu ku she egay intii uu xi lka haay ay uu hormuud u ah aa barnaa mijka dib-u-habe ynta Ma aliyadda, isla marka ana uu ku farax san yahay xil ka qaadi sta lagu samee yay.

Hoos Ka Akhriso Qoraalka Wasiirkii Maa liyadda ee xilka laga qaaday Cilmi Maxamu ud Nuur. Waxa ay ii ahayd Sharaf iyo mudn aan gaar ah in aan noqdo Wasiirka Maaliyad da Soomaaliya.Waxa aan ku faraxsana hay inaan hormuud u ahaa barnaamijka dib-u-ha beynta Maaliyadda si aan u gaarno gunaan ad ka deyn cafinta Soomaaliya, tan ina si wa naagsan ayay u socotaa.

Waxa aan ka tagayaa xafiiska anigoo bix iyay dhamma an mushaarkii shaqaalaha Do wladda intii aan xilka hayay, sidoo kalena wa xa aan casriyee yey hannaanka furdooyinka, xoojiyay Maa mulka Guud ee Maaliyadda Dowladda, iyo maamul wanaagga. Waxa aan isku dayay in aan siyaasadda ka ilaaliyo barnaamijka dib-u-habeynta Maaliyadda.

Waxa aan isku dayay in aan ilaaliyo nida amka hey’adeed ee Wasaaradda Maaliyada si ay hufnaan uga soo baxdo waajibaadka loo igmaday, si aan si wax ku ool ah ugu ad eegno dadkeena. Waxa aan rajeynayaa in dib-u-habaynta dhaqaaluhu ay ku sii jiri karto waddadii saxda ahayd in kasta oo culeysyo siyaasadeed oo badani uu saaran yahay Wasaaradda Maaliyadda.

Waxa aan Wasiir Biixi Iimaan Cige u rajay nayaa in uu xilka cusub ee loo igmaday Alle u fududeeyo.

Waxaan sii wadi doonaa in aan ka midho dhaliyo himilooyinka horumarineed ee Qaran keena intii awooddeyda ah.

Midowga musharraxiinta madaxweynaha Jubbaland oo looga dhawaaqay Nayrobi

Siyaasiyiin kasoo jeeda Jubbaland oo ma galaada Nayrobi shir ku yeeshay ayaa waxay ku dhawaaqeen Midowga musharraxi inta madaxweynaha ee maamulka Jubba land.

Midowga musharraxiinta Jubbaland ayaa bayaan ay shirkoodii ugu horreeyay kasoo sa areen, waxay dowladda federalka ku eedeey een inay sharci daro ku taageerayso madaxw eyne Axmed Madoobe.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Jubbal and ahna senator katirsan aqalka sare, Cab dullaahi Sheikh Ismaaciil Farataag oo kat irs an midowgan, ayaa sheegay dowladda fed eralku inay cadaadis ku saarayso maamulka u jooga Gedo inay si khasab ah kula shaqee yaan maamulka Axmed Madoobe.

Farataag wuxuu sheegay, dowladda feder alka inay ugu hanjabtay ciddii aan la shaqeyn maamulka cusub ee uu Axmed madoobe u soo magacaabay gobolka Gedo, inay mu sha arka ka goosanayso.

Wuxuu sheegay in dowladdu adeegsanay so taliyayasha ciidamada, sid a taliyaha cii danka booliiska iyo taliyaha nabad sugidda, kuwaas oo uu sheegay inay cago juglayn ku hayaan reer Gedo.

Wuxuu sheegay inay ka go'an tahay inay Jubbaland gaarsiiyaan doorasho xor iyo xalaal ah.

Wasiirkii hore ee gaadiidka iyo duulista ha wada Soomaaliya, Max amed Cabdulllaahi Oomaar ayaa ku eedeeyay madaxweyne Ax med Mad oobe, 13 sano oo uu xilka jooga inuusan hal tuulo ka xorayn Alshabaab.

Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar wuxuu sheegay in ay doonay aan in doora sho xalaal ah oo waqtigeedii ku dhacda laga qabto Jubb aland.

Axmed Madoobe Oo Gudoomiyay Shir Ka Dhan Ah Al-Shabaab

Madaxweynaha Jubaland Axmed Mado obe ayaa Shalay Shir gudoomiyay Kulanka gol aha wasiirada oo lagaga had lay howlgal ada dalka lagu xoraynayo, dardar ga linta ma sha ariicda socda iyo qodobo kale.

Golaha ayaa bogaadiyay howlgalada ay wa daan Ciidamada kala duwan ee Jubaland iyo xooga dalka kuwaas oo dhabar jab xoog leh lagu gaarsiiyay Kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada Jubaland ayaa Shalay la war eegay Degmada Xagar ee gobolka Jubada Hoose iyadoo halkaas khasaare kala duwan lagu gaarsiiyay kooxaha Khawaariijta ah. Sidoo kale Waxaa Kulanka lagaga hadlay da rdar galinta mashariicda Dowlada ee Hada socda sidii qiimayn buuxda loogu samayn lah aa isla markana loo hubin lahaa gaba gaba da inay u fuleen sidii loogu tala galay iyo bilo wga mashariicda Cusub sidii ay u noqon lah ayeen Kuwo taabo gala.

Golahu waxaa kale oo uu ka hadlay sidii mashariicda kala duwan ee Dowlada loo gaa rsiin lahaa gobolka Gedo isla markana bulsh ada deegaanka ay u heli lahayeen adeegya da kala duwan iyo shaqada laamaha kala duwan ee Dowladu ay bulshada u hayaan.

Wasiirka gaashaandhigga oo sagootiyay ciidamo cusub oo ku biiraya furimaha dagaalka Alshabaab

Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa magaalada Muqdisho ka sagootiyay gu utada 24aad oo loogu magac daray Khaalid Binu Waliid.

Ciidamadan ayuu wasiirku sheegay inay ku biiriyaan furimaha dagaalka Alshabaab. Wuxuu sheegay in looga fadhiyo inay guul ka gaaraan dagaalka Alshabaab oo ay dowl addu waqti galisay.

Ma sheegin wasiirku halka ay ciidamadan ku wajahan yihiin. Hase yeeshee diristooda waxay kusoo aadaysaa xilli dowladda lagu dhaleeceeyay inay hakisay dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Hakinta dagaalka ayaa keentay inay Alshab aab weeraro abaabulan ka geystaan goob aha ciidanka dowladdu ay xoreeyeen bilihii ugu dambeeyay.

Wasiirku wuxuu u sheegay ciidamadan in laga sugayo inay dagaalka Alshabaab kasoo hoyaan guul ama geeri. Wuxuu sheegay in la ga sugayo inay culayska Alshabaab ka dul qaadaan shacabka.

Somalia iyo Sacuudiga oo iska kaashanaya xasillinta deegaanada la xoreeyay

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Axmed Macallin Fiqi ayaa Shalay Safaaradda ku booqday Safiirka Boqor tooyada Sacuudiga Carabiya u fadhiya Muq disho Axmed Bin Maxamed Almowlid.

Inta uu fadhigani socday waxaa laga wada hadalay sida labada dhinac ay isaga kaa shan lahaayeen howlaha Wasaaradda, gaar ahaan Xasillinta deegaannada laga xoreeyay Al-Shabaab iyo dib u heshii siinta.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Arrimaha Guda ha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Axmed Macallim Fiqi ayaa uga mahadceliyay boqor too yada Sacuudiga taageerada ay siiso Soom aa liya ee dhanka dowlad iyo dal dhiska.

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay tirada dadka loo heysto Eedaha musuq maasuq

Sida uu xaqiijiyay Xafii ska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka saddaxdii bil ee lasoo dha afay waxaa uu ku guu ley stay in uu baaris ku sa me eyo ku dhawaad afartan ru ux oo ku eedeysan in ay ku kaceen falal isugu jira Mus uq-maasuq, xatooyo xoolo dadweyne, ku tag rifal awoodeed iyo dayacaad masuuli yadeed.

Afartanka Ruux ee baarista lagu sameeyay ayaa dhammaantood ah saraakiil dowladeed, waxaana 18 eedaysane loo gudbiyay eedoo dda Maxkamadda awoodda u leh, tirada dhi man ayaa wali waxaa ku socdo Baaris dheeri ah, waxaana marka ay soo dhamaato baaristu loo gudbin doono Maxkamadda awoodda u leh.

Xafiiska Xeer ilaalinta Qaranka ayaa dhawa an shaaciyay in 9 qof oo loo heysto eedo la xiriira musuq maasuq ay dalka ka baxsadeen, kuwo kalena xiran yihiin.

Howlgal lagu dilay 40 ka mid ah dagaalamay aasha Al-shabaab oo ka dhacay gobolka Jubbada Hoose

Ciidamada dowladda Fedaraalka iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa saacadahii lasoo dhaafay howlgalo culus oo lagu dilay dagaal amayaal badan oo ka tirsan kooxda Al-shabaab ka sameeyay deegaano hoostaga degmada Af madoow ee gobolka Jubbada Hoose.

Warsaxafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada xo ogga dalka iyo kuwa Jubbaland oo taageero ka helaya saaxiibada Caalamiga ah ay Habeen ho re ilaa Shalay howlgalo ka sameeyeen deega ano hoostaga Degmada Afmadoow in lagu di lay 40 ka mid ah dagaalamayaasha Al-shab aab.

Warka kasoo baxay dowladda ayaa sidoo kale lagu sheegay in howlgalka uu dhacay sad dex jeer oo kala duwan, islamarkaana lagu beegsaday goob ay isku aruursanayeen koo xda Al-shabaab. Ciidamada iskaashanaya ayaa sidoo kale la tilmaamay in howlgalkooda ay ka ga hortageen qorshayaal kooxdu ay u malee geysay dadka rayidka ah iney ku wax yeel eeyaan.

Maalmahii ugu dambeeyay waxaa deegaa nada gobolka Jubbada Hoose si aad ah ugu soo kordhaayay howlgalada ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland ay ka sameynayeen deeg aanada iyo degmooyinka ka tirsan Jubbada Ho ose oo ka mid ah meelaha wali al-shabaab ay ku xoogan yihiin.

Wasiirka Xannaanada Xolaha XFS oo kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Sacuudiga

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa magaalada Riyadh ee boqortooyada Sac uudiga kulan kula qaatay dhiggiisa dalkaas Eng. Cabdiraxmaan bin Cabdulmuxsin Al-Fa dhly.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay iskaa shiga labada wasaara dood iyo kor u qaadida hormarinta ganacsiga xoolaha ee Soomaaliya iyo Sacuudiga.

Mareykanka oo sheegtay in uu duqeyn kudil ay Xubno katirsan Al-Shabaab

Taliska ciidanka Mareykanka Afrika ee loo yaqaano AFRICOM ayaa shaaca ka qaaday in sadax duqeyn oo is difaacid ah la beegaad een xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Qoraalka kasoo baxay howlgalka Militariga AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeynta ay timid kadib codsi kaga yimid dowladda Sooma aliya.

Duqeynta ayaa AFRICOM waxay sheegtay iney ka dhacday nawa axiga degmada Afma doow ee gobolka Jub bada Hoose, kadib dagaal halkaasi ku dhexmaray ciidanka dowl adda iyo kuwa Al-Shabaab saacadahii lasoo dhaafay.

Warka kasoo baxay howlgalka AFRICOM ay aa lagu sheegay in duqeymahaasi lagu dilay 10 ka mid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab, isla markaana aysan jirin dad shacab ah oo wax ku noqday duqeymahaas.Warkaan kasoo baxay howlgalka Militariga Mareykanka ee AFRICOM ayaa imaanaya, iyadoo Shalay dowladda Soomaaliya ay shaacisay in howlgal ka dhacay nawaaxiga degmada Afmadoow lagu dilay 40 ka mid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Madaxweynaha Jubbaland oo saxiixay sharciyo kala duwan

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxa med Islaam (Axmed Madoobe) ayaa caawa sax iixay illaa sharci oo kol hore ka soo gudbay Baa rlamaanka Jubbaland, ka dib markii Xildhibaa nadu ay meelmariyeen.

Sharciyadan oo ay soo diyaariyeen Wasaa radaha Jubbaland qaybtood ayaa muddoyinkii u gu dambeysay yaalay Xafiiska Madax weynaha. Madaxweynaha ayaa haddaba saxii xay sharc iyadan oo kala ah:-

Sharciga Shaqaalaha aan Dowliga ahayn iyo Sharciga Shaqaalaha Ajaanibta, oo ay soo gudbisay Wasaaradda Shaqada & Arrimaha bulshada.

Sharciga Maalgashiga oo ay soo gudbisay Wasaaradda Qorshaynta & xiriirka Caalamiga.

Sharciga Shatiyada Jubbaland oo ay soo gud bisay Wasaaradda Ganacsiga & Warshada ha.

Sharciga Lahaanshaha Dhul Beereedka iyo Sharciga Iskaashatooyinka Beeraha ee Jubbaland, oo ay soo gudbisay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.

Dad ku geeriyooday Shil Diyaaradeed oo ka dhacay Maraykanka

Lix qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen Diyaarad yar oo ku burburtay Gobalka Cali fornia ee dalka Mareykanka.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Hay’adda Fe deralka ee Maamulka Duullimaadka (FAA) ay aa lagu sheegay in Diyaara dda burburtay noo ceedu ahaa Cessna C550, taasi oo ku dhacday meel ku dhow Garoonka Murrieta Airport ee dhanka K/Bari kaga toosan magaalladda Los Angeles.

Diyaaradda waxay ka soo duushay Garoon ka Las Vegas International Airport, sida ay Hay’ adda FAA shaacisay. Saraakiisha Boliska ay aa gaaray goobta ay Diyaaradda ku burburtay, waxayna arkeen Diy aaradda oo ku gubanayso iyo maydadka lixdii qof ee la socday.

Warbaahinta Maxaliga ayaa sheegay inay Ceeryaamo xoogan jirtay, xilligii ay Diyaaradda la kulantay Shilkaasi ay ku burburtay.


Dibad-bax ka dhacay Muqdi sho iyo arrin laga dalbad ay Xasan Sheekh

Qaar ka mid ah waalidiinta ciidan tababar ugu maqan dalka Eritera ayaa banaanbax ka dhi gay magaalada Muqdisho, iyagoo codsana ya in wiilashoodii dib loogu soo celiyo.

Waalidiintaan waxay sheegeen in wiilasha ay raadinayaan tababar loo qaaday shan sano ka hor, "War Xasanow habeenkii lagu doortay wa an kugu faraxnay, Allahaa alle ma yahay ma Farmaajoo kalaa nagu noqotay?” ayey tiri mid ka mid ah hooyoouinkii hadlay.

Sidoo kale waalidiintaan waxay sheegeen in dhibaato badan ay heysato dhalinyarada weli tababarka ugu maqan dalka Eritrea, "Hadii ay dhintaan oo dhibaatadaan ay sababsadaan adigey dushaada tahay, Farmaajo adiga ayuu nagu kaa wareejiyey,” ayey tiri Maamo kale.

Waalidiintaan oo isugu soo baxay isgoyska KM4 ee bartamaha Muqdisho ayaa sheegay in ay hayaan xogta dhalinyaro isku dayday inay tababarka ka soo baxsadaan, kuwaas oo la qabtay kadibna wajahaya ciqaab adag.

"Gaajo daran ayaa meesha ku heysa, qaar ayaa indhaha iyo dhegaha belay, qaar waxaa la qabtay iyagoo naftooda la baxsanaya, Mada xweyne waxaan kaa codsaneynaa in wiilashee na aad noo soo celiso,” ayey tiri mid ka mid ah hooyooyinkii hadlay.

Hooyooyinkaan qaar waxay sheegeen in shan sano aysan hurdo fiican ladin, maadaama ay ka maqan yihiin wiilashoodii, iyagoo cod dhe er uga codsaday madaxweynaha in dhalinyara da uu ku soo celiyo dalkooda, kana soo saaro dhibaatada ay sheegeen inay ku heysato dalka Eritrea.

Banaanbaxaan intii uu socday ayey waalidii ntaan la hadleen warbaahinta, waxayna cadee yeen in ciidanka ay ku jiraan wiilashoodu la qa aday shan sano ka hor intii uu xukunka joogay Farmaajo.

Hadda waxay sheegeen inay waayeen xiriir kooda, isla markaana loo sheegay inay ku jira an xaalad adag, xilli ciidankaas qaar dib loogu soo celiyey dalka, ayey imaaneysa cabashadan

Markii la qaaday ciidankaas kadib, Eritrea dhowr jeer ayaa loo qaaday ciidan kale, kuwa as oo sii maqan bilo kooban, balse ugu yaraan kala bar ciidankii uu diray Farmaajo laguma soo celin dalka oo waxaa weli u socda tababar.

Xildhibaanada labada aqal ku matala Puntla nd ee Garowe ku sugan oo ka hor yimid furista dastuurka

Xildhibaanada labada aqal ee federaalka ku matala Puntland, kuwaas oo Garowe u joogay xal u helista khilaafka Siyaasadeed ee mada xweyne Deni iyo mucaaradka, ayaa soo saaray war murtiyeed ay ku sheegayaan in aysan su urta gal ahayn in doorasha qof iyo cod ah xillig eedii laga qabto Puntland.

Xildhibaanada labada aqal ayaa soo jeediy ay in doorashada Puntland la qabto 8-da Janu ary 2024, waqtigeediina ku dhacdo laguna qab to nidaamkii soo jireenka ahaa ee lagu soo xuli jiray xubnaha Baarlamaanka.

Xildhibaanadu waxay kaloo ka hor yimaade en furista dastuurka Puntland, iyagoo baarlam aanka ugu baaqay inuu ka waantoobo waxkas ta oo dhibka sii kordhin kara, oo ay ugu horay so in wax laga beddelo Dastuurka qoddobad diisa.

Mareykanka Oo Sheegay In Uu Suuriya Ku Dilay Hogaamiyihii Daacish Osama Al-Muhajer

Militariga Mareykanka ayaa sheegay in ay duqeyn ku dileen hogaamiyihii kooxda Daacish (ISIS) ee bariga dalka Suuriya.Weerarkan oo dhacay Jimcihii ayaa sababay dhimashada Osa ma al-Muhajer, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay taliska dhexe ee Maraykanka Sha lay. "Waxaan si cad u sheegnay inay naga go ’an tahay in aan sii wadno in Daacish looga adkaado gobolka oo dhan,” ayuu yiri madaxa taliska dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) General Michael Kurilla. "ISIS waxay weli khat ar ku tahay gobolka iyo meelo kale oo ka sii fog ,” ayuu sii raaciyay.

Sida laga soo xigtay CENTCOM, ma jirto dad rayid ah oo lagu dilay howlgalka laakiin ciid amada isbaheysiga ayaa qiimeynaya wararka shegaya inuu soo gaaray dhaawac dad rayida .

Waxa ay sheegtay in diyaaradihii loo adeegs aday weerarka ay dhibaato kala kulmeen diya aradaha dagaalka Ruushka gelinkii hore ee Shalay.

Taliska Dhexe ee Maraykanka ayaa sheeg ay in howlgalkii Jimcihii, ee ay fuliyeen diyaarad aha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan MQ-9 sayaa waxaa ishortaag muddo labo saacadood ah ku sameeyay diyaaradaha dagaalka ee Ru ushka.

Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya howlgal ada ka dhanka ah ISIL ee ka socda dalka Si iriya ayaa khamiistii la soo dhaafay markii laba ad muddo 24 saac gudahood ah ay dhibaato u geysteen diyaaradaha militariga Ruushka, sida uu sheegay taliye Mareykan ah.

Taliyaha Ciidanka Cirka General Alexus Gry nkewich ayaa sheegay in diyaaradaha Ruu shka ay ku soo tureen waxyaalo holcaya ,taa soo khatar gelisay badqabka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee howlgalka ku jirey.

Horaantii sanadkan, khilaaf diblumaasiya deed ayaa soo shaac baxay muddo kooban ka dib markii Mareykanku uu sheegay in diyaara daha Ruushka ay mas’uul ka ahaayeen soo rididii diyaarad Drone ah oo lagu magacaabo Reaper, taasoo qiimaheeda lagu sheegay in ka badan $30m ayna ka buuxeen tignoolajiyada xasaasiga ah ee sirdoonka Mareykanka, taa soo ka howlgasha badda madow.

Moscow ayaa beenisay in diyaaradaheeda dagaalka ay mas’uul ka ahaayeen diyaaradii Drone-ka ee ku dhacday badda bishii March, balse muuqaal ay soo bandhigeen ciidamada Mareykanka ayaa muujinayay diyaaradaha Ruushka oo ku howlan dhaq-dhaqaaqyo ay ku carqaladeynayaan dariiqa duullimaad ee diyaar adda. Ruushka ayaa xulafo muhiim ah la ah maamulka Suuriya ee Bashaar Al-asad.

Mareykanka ayaa waxaa Suuriya ka jooga ilaa 1,000 askari oo qeyb ka ah dadaallada caal amiga ah ee lagula dagaallamayo ISIL, oo Suu riya looga adkaaday 2019-kii, balse weli waxa ay ku dhuumaaleysanayaan degaannada saxar aha fog ah, iyagoo geysta weeraro joogto ah.

SIDEE AYUU NINKAN DIYAARAD LA'AAN UGU SAFRAY DAL WALBA OO DUNIDA KU YAALLA?

SafarXIGASHADA SAWIRKA,COURTESY OF THOR PEDERSEN

Weligaa maku fakartay inaad dal kasta oo adduunka aad marto?

In ka yar 300 oo qof ayaa fakar kaas helay. Saddex qof labo jeer ayey safarkaas galeen halka la bo kalena aysan u suuragelin inay soo laabt aan. Hal qof oo kaliya ayaa dunida oo dhan ku safray isag oon diyaarad raacin sidaasina waxaa sheegay qora aga she ekadan Thor. Wuxuu sheegay in Seynisyahan u dha shay De nmark, Piet Hein, uu ka helay dhiirogelinta. "waa inaad safar taa si aad dunida u fahanto inay wareegsan tahay iyo inkale”.

Sagaal sano ka hor ayuu dalkiisa ka tagay si uu dunida sa far ugu maro. Wuxuu go’aansaday inuusan soo laaban ilaa uu meel kasta cagta soo mariyo. Si uu taasi ku gaaro wuxuu go’aansaday in ugu yaraan uu dalkasta uu joogo 24 saac diyaaradna uusan qaadan. Wuxuu ku safrayay oo kaliya dhulka iyo ba dda.

Waxay ku qaadatay 3,512 maalmood inuu dalalka oo dhan ku maro, gaari, lug, bus, tareen iyo doon. Wuxuu sheegay inuu booq day 203 dal kuwaas oo ka badan dalalka xubnaha ka ah Qaramada midoobay oo ga araya 193 dal. Dhulkuu maray waxaa ku jira kuwa lagu muransan yahay.

Safar

XIGASHADA SAWIRKA,COURTESY OF THOR PEDERSEN

Dal Yurub ku yaalla oo xukuumaddiisu ay ka dhismi la’d ah ay qaxoot igaSafarkiisa wuxuu bilaabay 10:10 subaxnimo ta arikhdu markii ay aheyd 10/10/2013-kii, qorshuhuna wuxuu ahaa in safarka ku ekaado 2018-kii balse taasi ma dhicin. Safarka wuxuu qaatay shan sano oo dheeri ah.

Bishii May sanadkan ayuu gaaray jasiiradda Maldives hal kaasi oo noqotay meeshii ugu dambeysay, wuxuuna go’aa nsaday inuu waqti ku qaato dalkaas.

Maxaa ugu xiiso badnaa safarkiisa?

Wuxuu sheegay inuu la kulmay waxyaabo badan oo ay ka mid aha ayeen guur kiisa ugu horeeyay iyo kiisa labaad, isagoo saaran mar kab yar in duufaan ay qab satay uuna arkay nibiri mowjadaha badda ka boodaya, aroos ka dhacay Sudan oo lagu martiqaaday iyo waxyaabo kale.

Sidee ku arki jirtay xaaskaaga? Maxaa ugu adkaa?

Waxay isoo booqatay ilaa 27 jeer. Tii ugu adkeyd waxay aheyd mar aan labo sano ku go’doomay Hong Kong intii ay jirtay aafadii Cor ona. Hong Kong aad ayey u adkeyd. Dal walbana xuduudaha ayuu xirtay.

Xaaskeyga ma iiguma imaan karin Hong Kong sababtoo ah dag anaasho ma haysan. Si ay taasi u dhacdo ayaa bilaabay shaqo kumeel gaar ah. Guurkeena waxa uu ka dhacay internetka.

Dalkii ugu adkaa in la galo?

Equatorial Guinea ayaa ugu adkeyd. 4 ilaa 6 safaaradood oo kala duwan ay aa tagay si aan u helo dal ku gal. si wanaagsan laylama dhaqmin.

Xuduudaha dhulka ayaan ka galay. Askari kasta oo taagan baraha koon tar ool si adag ayuu ila dhamqay. Xilli adag ayaa isoo maray. Ilaa 4 bilood ayey igu qaadatay inaan galo Equatorial Guinea balse way u qalantay.

Waxay aheyd dalkii 100-aad ee aan tago. Waa dal wanaagan oo aad u quru xoon. Dadkii aan la kulmay aad ayey u wanaagsana ayeen.

Safar XIGASHADA SAWIRKA,ONCE UPON A SAGA

Markaad aragto diyaaradaha dushaada duulaya maxaad dareentay?

"Maxay wax fududeysay” ayaan is dhihi jiray. Ma ogid inta jeer aan anigoo bas saaran aan cirka fiiryay oo aan ark ay diyaarad. Saf arkii iigu dheeraa wuxuu socday 54 saacadood. Safarka kaddib wax aad dare emeysaa xanuun.

Waxaan la kulmay dad badan oo safrayay in ka badan lix bilood ama sanad. Dad badan ayaan la kulmay waxyaabo badan ayaan isku dayay.

Safar

XIGASHADA SAWIRKA,ONCE UPON A SAGA

Waxaan doonayay inaan Den mark ku soo laabto 2015-kii balse aafadii Corona ayaa 3 bilood dib ii dhigtay. Hadda waxaan aad u doonayaa inaan dalkeygi ku laabto. To ban sano ka hor markii Thor uu dalkiisa ka tagayay ma ogeyn ujeedka safarkiisa balse intii uu socodka ku jiray ayuu helay.

"Inaad sameyso wax cusub oo dad badan dhiirogeliya” ayaan doonayay isagoo intaas ku daray. "dunidu ma ahan waxa ay in badan aamisan yihiin”. XIGASHO:BBC

TOBAN KHURAAFAAD OO LA XIRIIRA CAYILKA IYO MIISAAN DHIMISTA

Talooyin ceynkee ah ayaad raacdaa si aad miisaanka u dhinto? Ma gaajootaa oo cuntada ma iska ilaalisaa? In badan oo naga mid ah habab kala duwan ayey isticmaalaan si ay cayilka isaga ridaan maalmahan. Waxaa jira waxyaa bo badan oo khalad laga fahmay. Aynu eegno waxyaaba haas: In khudaar badan la cuno si aad miisaanka u dhinto

Dad badan ayaa aaminsan in cunista khudaarta iyo miraha kale ay kaa caawine yso miisaan dhimista. Cuntada kalorigoodu yar ya hay ayaa loo arkaa inaysan waxba la socon balse dhabti cunto kasta waxaa ku jira xoogaa kalori ah.

Hadii ujeedkaadu yahay inaad miisaan dhinto, waa inaad hubi saa inta kalori ee aad qudaarta ka heleyso.

Cayilka inaad degdeg u dhinto waxaad u baahan tahay ‘cunto naf aqo leh’ iyo ‘waxyaabo kale’ Dadka qaar ayaa ku tiirsan si mii sa anka u dhimaan cabitaanno ay ka mid yihiin qaxwa da, shaaha cagaaran iyo waxyaabo kale. Bal se waa in la fahmaa in cunto gaar ah aysan miisaan kaa rid eyn.

Cuntooyinka qaar kuma siinayaan nafaqo. Waa macquul in cuntooyin gaar ah ay miisaankaaga dhimaan balse caafimaad ma ahan. Marka ujeedka waa inaad 

isku dheellitirtaa. Waa khalad in cuntada oo la xakameeyo ay si fiican u shaqeyneyso. Ha aaminin cuntada sidaa lagu sheegay.

Cuntooyinka kalorigoodu yar yahay ayaa wanaagsan Cuntooyinka kalorigoo du yaryahay waxay marka hore keenaan in miisaankaadu yaraado balse cilimi-baarisyo badan ayaa muujin aya inaysan faa’ido ku jirin mustaqbalka fog.

Looma baahna in aad meesha ka saarto karbohaydareytka balse waa inaad ilaa xad yareysaa kuna badashaa kuwa leh borotiin. Tijaabadan sameee hadii ay jirkaaga ku haboon tahayna siiwad.

Cuntada borotiinkeedu bad an yahay ayaa wanaagsan Fah amkan khaldan wa xaa lala xiri iriyaa tan dhaheysaa waxaa wanaagsan cuntada karbohayd areytke edu hoosee yo. Dad ka qaata cuntooyinka karbohay daryet koodu yar yahay waxay ku badashaan borotiin badan. Jirka waa u baahan yahay borotiin ku filan balse taasi waxay horse edeysaa miisaan dhimid aan hore loo baarin.

miisaanTayada cuntada oo ka muhiimsanaato tirada Dad badan ayaa aamins an in cunto yar oo tayo leh ay kaa caawineyso inaad miisaanka dhinto.

Cuntooyinka sida kuwa leh macdanta, borotiinka iyo qudaarta ayaa la rumeysan yahay inay xadidayaan kaloriga.

Haddii ujeedkaadu yahay inaad dhinto miisaanka waa inaad fahantaa inta kalori ee jirkaaga siin kara tabar iyo inta aad yareyn kar to kaloriga.

Inaad qorsheyso cuntadaada waa sida keliya ee aad miisaanka u dhimi karto

Dadka qaar ayaa kuu sheegaya in cuntooyinka kalorigoodu hooseeyo ay miis aanka dhimaan. Balse maxaa nafaqo ah oo aad ka heleysaa cuntadaas? Taas ayaa muhiim ah. Waa inaad qaadataa cuntooyinka macadanta fiber-ka ku badan tahay borotii nkooduna yar yahay.

Karooto XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Dadka oo dhan isku si ayey miisaanka u ridaan Dadka qaar ayaa yiraahda, "Saaxiibkey toddobaadkii hal kiilo ayuu ridaa balse aniga wa xba igama dhacay aan”. Tani macn aheedu wuxuu yahay dadka isku si uma rida an miisaanka.

Baahida dadka ee tabarta uu jirkoodu u baahan yahay way kala duwan tahay. Hormuunada, cun tada aad qaadato, cusba da jirkaaga iyo welw elka maskaxda ayaa qeyb muhiim ah ka qaata miisaan dhimista.

Ma jirto sabab dadka cunto isku mid ah cuna hadana sameeya jim ici isku heer ah ay lumiyaan miisaan isla eg.

Cuntada caafimaadka leh waa qaali Inaad cunto cunto caafimaad leh ma ahan qaali sida dadka qaar qabaan. Waxaad ku cuni kartaa mid aad awood adigoo ku darsa naya qudaar.

Halkii aad hilib ka cuni laheyd waxaad ku badalan kartaa cunto kale oo aad ka helikarto wixii hilibku lahaa.

Bariis Cabitaan ba dan ayaa yareynaya cunta da aad qaada to Inaad u ugoyso xilliyada wax la cuno oo aad cabitaan ku badala to faaa’ido uma lahan miisaan dhimista.

Hadii aad sidaan sameyso waxaa jirkaaga ka yaraanayo nafaq ada.

Tamarta jirka ayaa hoos u dhaceysa. Ma ahan wax u wanaag san caafimaadka.

Halkii aad sidaas ka yeeli laheyd biyo cab ka hor intaadan cunto cunin taas ayaa faa’ido leh ama maraq cab kahor cunto kasta. Jim icsiga fudud waa kan u gu wanaagsan miisaan dhimista

Uma baahnid jimicsi cayiman si aad miisaan u dhinto. Cuntada dhe ellitiran wax ay miisaan dhimista ka qaadata 70 ilaa 80 boq olkiiba. Jimicsiga faa’idooyin badan ayuu leeyahay. Mustaqbalka fog wuxuu kordhin karaa awoodda murqaha. Habkan hadii aad miis aanka u dhi nto waa mid wana agsan. Qof kasta waa inuu joogto u jimicsadaa uu na qaataa cuntooyin dheelliti ran. Waa inaad ka fogaataa cuntooyinka aan isu dheelli tirneyn si aad miisaan u dhinto.XIAGASHO:-BBC

DAL YURUB KU YAALLA OO XUKUUMADDIISU AY KA DHISMI LA’DAHAY QAXOOTIGA

soo galooti XIGASHADA SAWIRKA,EPA

Dowladda Netherlands ayaa burburtay sababo la xiriira is marin waa u dhaxeeya axsaabta isbahaysiga oo ku aaddan siyaasadaha dadka soo galootiga ah, sida uu sheegay Raysal Wasaare Mark Rutte.

Afarta xisbi ayaa awoodi waayay inay heshiis ku gaaraan wada had alladii uu Dorraad martigeliyay Mr Rutte.

Dowladda ayaa la dhisay sanad iyo bar kahor balse axsaabta ayaa in muddo ah isku heystay arrinta muhaajiriinta.

Warbaahinta dalkaas ayaa ku warramaya in laga yaabo in doorashooyin cusub ay qabsomaan November.

Xisbiga asal raaca ee Mr Rutte ee VVD ayaa isku dayaya inuu xak ameeyo qulqulka soo galootiga, kadib markii sanadkii la soo dhaafay ay buux dhaafeen xarumaha muhaajiriinta. Qordhooyinkiisa ayaa wa xaa ka soo horjeestay axsaabta kale ee isbahyasiga.

Shir jaraa'id oo uu Habeen hore fiidkii qabtay ayuu ku xaqiijiyay bu rurka xukuumadda, kaddib markii uu golaha wasiirrada u qabtay shir degdeg ah. Wuxuu sheegay inuu Shalay iscasilaaddiisa u gudbin doo ni Boqor Willem-Alexander.

Balse raysal wasaaraha ayaa intaa ku daray in wasiirrada ay sii wadi doonaan shaqadooda.

Codsiyada maganyo-doonka ee Netherlands ayaa aad sare ugu kacay sanadkii la soo dhaafay iyadoo tirada ay gaartay 47,000, xogta dowladda ayaa horraantii sanadkan muujineysay in ay filanayaan ilaa 70,000 codsiyo ah sanadkan dhexdiisa 2023.

Toddobaadkan dhexdiisa Mr Rutte ayaa isku dayaya inuu xoog ku meel mariyo qorshe dhimaya qaraabada qaxootiga dagaallada kasoo cararay ee loo oggolaanayo Netherlands lagana dhigo keliya 200 oo qof bishii.

Balse xisbiga Christian Union, oo ah xisbi qoyska taageersan ayaa aad uga soo horjeestay.

"Go'aanka aad ayuu noogu adag yahay", Mr Rutte ayaa u shee gay weriyeyaasha markii uu ku dhawaaqayay is casila addiisa. Kala duwanaanshaha aragtiyada ee u dhaxeeya axsaa bta isbahaysiga waa "kuwo aan la xallin karin", ayuu intaa ku daray.

"Dhammaan xisbiyada waqti dheer ayay qaateen si xal loo helo, balse kala duwanaanshaha muhaajiriinta nasiib darro waa kuwo ay san suurtogal ahayn in la xalliyo."

Soo jeedin, ku aaddaneyd in la xakameeyo haddii qulqulka soo galootigu uu bato, ayaan noqon mid anfacda dowladda.

"Afarta xisbi waxay go'aansadeen inaysan heshiis ku gaari karin arrimaha muhaajiriinta," ayuu yiri afhayeenka Christian Union Tim Kui jsten. "Sidaa darteed waxay go'aansadeen inay soo afjaraan dowladd an." Mr Rutte, oo 56 jir ah, waa raysal wasaarihii ugu muddada dheeraa dalkaas wuxuuna xilka hayay tan iyo sanadkii 2010. Xukuumadda haatan - oo xilka qabatay bishii January 2022 - waa tii afaraad ee uu qabto.Waxaa saarnaa cadaadis ku aaddan muhaajir iinta sababo la xiriira.XIGASHO:-BBC


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip