
Maxaa Dhacaya Haddii Maalin kasta aad Toon Cuntid? J
Laakiin maxay kula tahay haddii ay daaweyso xanuuno badan? Ka waran haddii isticmaalka toonta ay banaanka kaa dhigeyso dhibaatooyin badan oo caafimaad darro? Dhab ahaantii toonta ama tuuntu waa qalajiye ku wanaagsan arrimo badan oo dhanka caafimaadka ah.
Toontu sideedaba si wanaagsan ayay u shaqeysaa marka la cuno qofka oo baahan, waxayna banaanka dhigtaa bakteeriyada ku jirta jirka balse haddii ay jiraan inaad qabto xanuuno caafimaad waxaa wanaagsan marka hore inaad la tashato dhaqtar, mana kuugula talineyno isticmaalka toonta adigoo baahan, sidoo kale dadka qaata daawooyinka waa inaysan isticmaalin toonta waayo waxay sababi kartaa falgal kiimikaad.
Dhanka kale subax walba oo la qaat toonta iyadoo calooshaadu ay maran tahay waxay la tacaashaa calaamadaha dhiigkarka, waxay wanaajisaa wareega dhiigga, iyadoo caawisa hannaanka shaqada ee beerka iyo kaadiheysta.
Waxaa kale oo ay u wnaagsan dadka shubmaya iyo habka neerfaha, iyadoo wanaajisa dheefshiidka qofka, waxaa kale oo ay la tacaashaa heerka walwalka iyo walbahaarka qofka oo ay u wanaagsan tahay.
Siyaabo kala duwan ayay dadkii hore u isticmaali jireen toonta, waxayna caan ku tahay nadiifinta gooryaanka iyo dulinka.
Haddaba, faa’iidooyin badan ayaa laga helaa isticmaalka toonta oo subaxdii la qaato adigoo baahan, waxaadna ka dhigan kartaa caado joogto ah waqtiga aad dhalinyarada tahay si ay kaaga difaacdo caafimaad daro ku soo wajahi lahayd.
Samiiro Xasan
XIGASHO:-Dulqaadka.com
Maxaa Dhacaya Haddii Maalin kasta aad Toon Cuntid? J
Cunista cad ama jab yar oo toon ceeriin ah ma ahan wax aad jecleyneyso, mana jecleyn doontid welibana inaad cunto subaxda hore adigoo baahan oo aan waxba afka gelin.