Maxay heesaha qaar maskaxdeena ugu sii jiraan?

0
Saturday July 08, 2023 - 14:54:45 in Wararka by
  • Visits: 236
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay heesaha qaar maskaxdeena ugu sii jiraan?

    ,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,,

Hees

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Heesaha aan dhageysano qaarkood maskaxdeena kama baxaan. Inta badan dadka way la kulmeen arintaan. Maalmo iyo saacado ayey hees aad dhageysatay dhagahaaga ka sii yeertaa.

Hadii ay ahaan laheyd hees ama musig aan cod laheyn, luuqdaas maskaxdaada aan ka bixin waxay gaartaa dareemaha maskaxda.

music

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Waa maxay Tixri maskaxeed

Inta badan heesta aan madaxaaga ka bixin ayaa la yiraahdaa waa tixrigii maskaxda. Waxba haka welwelin, ma ahan tixrigii xamaaratada ahaa ee aad taqaanay.

Tixri maskaxeedka waa eray asalkiisu luuqadda Jarmalka ka yimid oo loola jeedo heesaha ama muusigga kuugu soo noqnoqda marka aad dhageysato kaddib oo aan kaa bixin. Waxaa sidoo kale la yiraahdaa musigga aan ka bixin dareenka maskaxdaada.

Heestan ama muusigan kuugu soo noqnoqda ma ahan wax aad dooneyso ama aad xukumi karto, mararka qaarna waxay gaaraan inaad dhibsato.

Waa wax caadi ah oo 90% dadka waxay sheegaan in toddobaadkii ay mar ku dhacdo oo ay isku arkaan in hees ama muusig ay dhageysteen uu ku soo laabato.

Si aan jawaab ugu helno su’aasha ah maxay heesa qaar maskaxdeena ugu dhagaan oo loogu yeeraa tixri maskaxeed waxay BBC-da la hadashay Dr. Kelly Jakubowski. Dr. Kelly waxay sheegay inay jiraan dhowr sababood oo keena in heesta kaa bixin.

"Tan ugu horeysa waa hees aad dhawaan dhowr jeer dhageysatay, xitaa hadii aadan muddo dheer hees dhageysan inaad eray ka maqasho ayaa kuugu filan”

Seynisyahanadu waxay sheegeen in dhukayga dhagaha uu ku sameysan yahay qeybaha codka iyo maskaxda ee qaabilsan falanqeynta dhawaqyada.

Seynisyahadu waxay aaminsan yahay in tixri-dhageedka uu ka mid yahay qeyb balaaran oo xusuusta ka mid ah.3

maskax

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Waxyaabaha kale ee aan maskaxdaada ka bixin

Xayeesiinta raadiyaha iyo telefishinka laga sii daayo ayaa ka mid ah kuwa aan ka bixin maskaxdaada. Sababta ayaa lagu sheegay inay tahay heesaha la qaban ogyahay iyo cododka macaan ee la socda.

Dr. Jakubowski wuxuu sheegay in heesaha kuugu soo noqnoqda inay jireen ilaa inta musigu uu jiray.

Cilmi-baarisyo kale oo la sameeyay ayaa muujinaya in cunista xanjada ay yareyn karto heesaha ama muusiga kuugu soo noqnoqda.

"Dadka ay heesaha maskaxdoodu ka bixin waxay isku dayaan inay wada dhageystaan heesta” ayuu yiri Dr. Jakubowski oo intaa sii raaciyay waxay isku dayaan inay dhageystaan qeybaha kale ee heesta oo aysan aqoon si markaas ay u joojiyaan heestaan ka bixi la’ maskaxdooda.

Sahan lagu sameeyay dad gaaraya 3,000 oo ka hadlay wixii ay la kulmeen ayaa intooda badan waxay sheegay magacyada heesahii maskaxdooda ka bixi waayay.

XIGASHO:-BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip