
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHUTIES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 22-KA JUUN 2016-KA
Ciidamada ayaa saaka ninkaan waxa ay ka soo qabteen duleedka Magaalada Jowhar halka asi oo uu ku dhuumaleysanaayay, kadib markii shalay casir liiqii uu dilay Taliyihii Nabad Suggi da Shabellaha Dhexe.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe Daa’ud Xaaji Ciro, ayaa Dhacdo.com u sheegay in ninkaasi gacanta lagu haayo oo loo soo kaxeeyay gudaha Magaalada Jowhar.
Wuxuu sheegay ninkaan in maxkamad la soo taagi doono oo lagu qaadi doono sharciga maxkamada ciidamada Qalabka sida, maadaa ma uu dilay Taliyihii Nabad Suggida Gobolka Shabellaha Dhexe C/wali Ibraahin Maxamed.
"Ciidamada Dowladda ayaa soo qabtay ga can ku dhiiglaha isaga oo ku dhuumaaleysanaya duleedka Magaalada Jowhar, hada Magaalada ayaan u soo wadnaa sharciga ayaana lagu qaa di doonaa oo maxkamada ayaa la horgeynayaa.” Ayuu yiri Afhayeenka Maamulka Gobolka Sh/dh exe.
Al Shabaab ayaa sheegtay inay ka dambee yeen dilka loo geystay Taliyihii Nabad Suggida Gobolka Shabellaha Dhexe, balse ninka dilka fuli yay ayaa la sheegay inuu horay Shabaab kaga soo goostay oo ciidamada Nabad Suggida ka tirsanaa. C/weli Ibraahim Maxamed, ayaa sanadkii 2014ka loo magacaabay inuu noqdo Taliyaha Ciidanka Nabad Suggida ee Gobolka Shabellaha Dhexe.
MAAMULKA GOBOLKA BANAADIR OO BUR BURIYAY DHISMO SHARCI DARRO LAGA DHISTAY AGAGAARKA KM4
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shalay bur buriyay dhismo sharci darro ah oo laga dhistay aargada Isgoyska KM4, halkaasoo muddo qof ganacsade u aheyd maqaayad laga cunteeyo. Dhis mahan ay aa ku dhinac yaalay aargada KM4, waxa ana loogu magac Ba ar Aargo, waxaana Maam ulka Gobolka Banaadir uu muddo todobaad ah uqabtay Ganacsadaha inuu bur buriyo.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Bana adir C/fataax Cumar Xalane ayaa sheeg ay in Guddo omiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale uu amar ku bixi yay in la bur buriyo dhismahan sharci darr ada. "Guddoomiye Madaale wuxuu horay amar ugu bixiyay dhismayaasha sharci darada ee laga dhistay waddooyinka in la bur buriyo, cidii diidana tallaabo ayaa laga qaadayaa”ayuu yiri C/fa taax Xalane.
Ganacsadaha dhismaha laga bur buri yay ayaa ku andacooday inuu ogolaan sho fasax ah ka hey sto Maamulkii hore, balse Afhayeenka Gobolka Banaadir ay aa beeniyay, isagoo xusay in wax warqad ah ama ogolaansho uusan heysan, isla markaana uu si sharci darro isaga dhistay. Goobta la bur buri yay ayaa caan ku aheyd in Ardayda Jaamacadaha iyo ku wa Iskuulada inay cabitaan ka cabaan, si doo kale baabuurta BL ee agagaarka Isg oyska KM4 ka rartay ayaa mararka qaar u aheyd sida boost eejo oo kale
Maamulkii hore ee Gobolka Banaadir uu hogaaminayay Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa bur buriyay dhi smayaal sharci darro laga dhistay magaa lada Muqdisho, waxaana ka mid ahaa Hotel Bakiin oo ku yaallay barxad baabuurta la dhigto oo laheyd dowladda Hoose ee agagaarka Isgo yska KM4.
WARARKII UGU DAMBEEYAY DILKII TALIYIHII NABADSUGIDA SH/DHEXE IYO ALSHABAAB OO SHEEGATAY
Faah faahin ayaa ka soo baxaya dilkii Taliyihii Nabadsugida Gobolka Shabeellaha Dhe xe C/wali Ibraahim Maxamed, kaasoo nin ka mid ahaa Ilaaladiisa uu ku dilay hoygiisa oo ku yaala maga alada Jowhar.
Saraakiil ka tirsan Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa u xaqiijiyay Jowh ar.com in dilkan oo ahaa mid qorsheysan uu dha cay aba arihii xilliga afurka, iyadoo ninkii dilka ka damb eeyay uu baxsaday.
Wararka ayaa intaa ku daraya in rasaas uu furay mid ka mid ah ilaaladiisa ay ku dhaaw acmeen labo sarkaal kale oo xilligaas la afura yay.
Ammaanka magaalada Jowhar ayaa aad loo adkeeyay iyadoo la sheegay in askarigii diley uu baxsaday la baadigoobayo, halka wara rka qaar na ay sheegayaan in la qabtay ninkii ka dambe eyay dilka taliyaha.
Ciidamada Ammaanka Jowhar ayaa illaa 15 askari u xiray dilka Taliyaha, kuwaasoo looga shaki qabo inay wax ka og yihiin, waxaana la shee gay in ka hor inta aan la dilay la damiyay Nalka gur iga, kadibna la maqlay rasaas.
Wararka qaar ayaa sheegaya in ninka dilka ka dambeeyay uu horay uga soo goostay AlShabaab, isla markaana muddo ka tirsanaa Ciidamada Nabadsugida ee degmada Jowhar ku sugan.
AlShabaab ayaa sheegatay inay howl gal gaar ah ku dishay Taliyaha Nabadsugida Sh/ Dhexe, isla markaana ciidamo ka tirsanaa ay Taliyaha ku dileen Jowhar.
Waa sarkaalkii ugu sareeyay ee ka tir san Laamaha Ammaanka Shabeellaha Dhexe oo la dilo, ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Sh/Dhexe oo ku aadan dilka Taliye C/wali.
C/wali Ibraahim Maxamed ayaa xilka loo magacaabay sanadkii 2012, xilligaasoo AlShab aab laga saaray magaalada Jowhar, waxaa uu hor ay uga qalin jebiyay Jaamacadda Muqdisho.
Sanadkii 2014 ayay aheyd markii qaab kan oo kale loo dilay Madaxii Amniga Kismaayo Ciise Kaambooni, kaasoo dilkiisa uu geystay mid ka mid ah ilaaladiisa oo ay qaraabo dhow ahaay een, kaasoo horay uga soo goostay AlShabaab, waxaana dilkaas sheegatay AlShabaab.
SHIRKII UGU DAMBEEYAY EE MADASHA WADATASHIGA QARAN OO MAANTA KA FURMAYA BAYDHABO
Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Baydhabo uu ka furmo shirka Madasha Wadata shiga qaran ee Hoggaamiyeyaasha dowladda, iyadoo shirkan uu noqonayo kii ugu dambeeyay ee looga arrinsanayo hanaanka doorashooyinka Soomaaliya ee sanadkan 2016 dhici doona.
Qaban qaabada shirka ayaa labadii maal mood ee u dambeeyay laga dareemayay magaal ada Baydhabo, iyadoo ammaanka si aad ah loo adkeeyay.
Madaxweynaha Maamulka Koofur Ga lbeed iyo Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Dhexe ayaa shalay gaaray magaalada Baydhabo, kuwaasoo kormeerayay goobaha loo diyaarina yay inuu shirka ka dhaco. Sidoo kale Madaxda dowladda Federa alka iyo kuwa maamul gobole edyada ayaa lagu wadaa in gelinka hore ee maa nta gaaraan maga alada Bay dhabo. Mas’u uliyiinta maamulka Koofur lbeed ayaa sheegay in shirka uu furmi doono maanta islamarkaana ay rajeynayaan in Madaxda
dowl adda iyo kuwa maamul goboleedy ada ay isla maanta soo gaaraan Baydhabo. Shi rkan ayaa la filayaa in laga soo saaro qodobo ku aadan waqtiga ay dhici doonaan doorashada Guddoomiyaha Baa rlamaanka, labadiisa Kuxi geen iyo doorashada Madaxweynaha, waxaana jira qodobo qaar oo wali aan la isku fahmin, sida tirada Xildhibaanada laga soo xulayo maamul goboleedyada.
Arrinta muranka ugu badan ka taagnaa ayaa waxaa uu ahaa matalaada Caasimada Muqdisho ee aqalka sare, iyadoo shirkii ugu dam beeyay ee Muqdisho lagu go’aamiyay in guddi loo saari maqaamka Muqdisho, kaasoo muddo li xdan maalmood soo diyaarinaya maqaamka ay yeel aneyso Caasimada, inkastoo aan guddig aas wali la dhisin.
Hoggaamiyeyaasha Madasha wadata shiga qaran ayaa bilihii la soo dhaafay ahaa ku wo gaarayay talada dalka, iyadoo sida muuqata ho wlihii baarlamaanka hada jira uu lahaa ay la waree geen, waxaana dadka odorasa siyaasada Sooma aliya ku tilmaameen go’aanada qaar ee ay gaar een Madaxda ay yihiin kuwo aan sharc eysne yn, maadaama aan Baarlamaanka uu meel marin.
Shirka Baydhabo ayaa lagu dhameystiri doonaa go’aankii horaantii bishan laga soo saa ray shirkii Hoggaamiyeyaasha Madasha ku yee sheen magaalada Muqdisho,
WARBIXIN: MIDOWGA AFRIKA OO WADA QORSHE AFRIKA LOOGU SAMEYNAYO BAASABOOR KA DHEXEEYA
Ururka Midowga Afrika, ayaa shaaciyay inuu qorsheynayo in Afrika oo dhan ay yeelato hal baasaboor, sida Midowga Yurub oo kale, si ay bulshooyinka Afrika ay u helaan inay waddam adooda isaga tallaabaan.
Hoggaamiyeyaasha Afirka ayaa la fil ayaa in dhawaan Qorshahan loo soo bandhigo, Waxaana tani ay dadka Afrikaanka ah u ogolaa nayso inay dalalka Afrika oo dhan isaga gudb aan, iyagoo aan sii dalban Dalkugal ama Visa.
Fikirkaan ayaa la sheegayaa, inuu ya hay mid laga soo minguuriyay Midowga Yurub oo dalal badan oo Qaaraddaas ku yaalla ay isku gudbaan shacabkooda iyagoo wata hal ba asaboor, inkastoo ay jiraan waddamo aan qayb ka ahayn qorshahaas.
Xilligan ayaa waxaa Afrika ka jira 13dal oo shacabkoodu ay fiiso la'aan isku gudbaan, iy adoo marka la barbardhigo Qaaradda Ameerica ay jiraan 20 Waddan oo iyaguna ay shacabkoo da isku Tallaabaan iyagoo aan wadan wax Viso ah.
Ururka Midowga Afrika oo wakiil ka ah 54ka dal ee Qaaraddu ay ka kooban tahay, ay aa qorsheynaya in marka la gaaro sanadka 2018ka ay shacabka Afrika awood u helaan in ay fiiso la'aan isaga gudbaan gobollada Qaa radda oo dhan. Sidoo kale, Waxaa la qorshey nayaa in dhaqdhaqaaqyada ganacsi ee Afrika ay noqdaan kuwo xor ah, wixii ka billowda sannadka na gu soo fool leh ee 2017ka, taasoo qayb ka ah xoojinta ganacsiga guud ee Afrika. "Ujeeddada baasaboorkan laga leeyahay waa in dadyowga Afrika ay helaan xorriyad ay isugu gudbi karaan, iyadoo aan wax fiiso ah dalba nayn, Waxaa kaloo ujeeddada laga leeyahay ay taha in ganacsiga uu isaguna si xog ah uga gud bo meel walba oo Afrika ah," ayaa lagu yiri warmurtiyeed kasoo baxay Ururka Midowga Afrika.
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Dr Nkosazana Dlaimini Zuma, ayaa ku til maantay qorshan mid Qaaradda Afrika u horsee daya horumar weyn iyo barwaaqo, isla marka ana u ogolaanaya Dadku inay noqdaan kuwo leh hal baasaboor oo ka dhexeeya.
Dhanka kale, Caqabada qorshahan cus ub ee Afirka ayaa lagu tilmaamay inuu horseedi karo khataro ka imaan kara kooxaha Argagaxis ada ah sida; Boko Haram iyo in si dhaqso ah ay cudurradu ku faafahaan sida cudurka Ebola oo kale.
Ugu dambeyn, Dlaimini Zuma ayaa tiri. "Waa inay Waddamada Qaaradda Afrika oo dhan ay aqbalaan go'aankan, waayo mid innaga oo dhan noo ogolaanaya in aan si xor ah isugu gudubno."
Si kastaba ha ahaatee, Waa markii ugu Horreysay oo Ururka Midowga Afrika uu ku Dha waaqo in ay Waddamada Afrika yeelanayaan ba asbaoor ka dhexeeya oo ay ku safri karaan sha cabka Qaaradda ku nool, inkastoo aan la ogeyn sida uu ku fuli karo qorshahan.
GUDOOMIYE KU XIGEENKII D/B/XAAWO IYO WIIL UU DHALAY OO LA DHAAWACAY
Wararka ka imaanaya Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo, ayaa waxay sheegayan in lagu dhaawacay Gudoom iye Ku Xigeenka 1aad Degmadaasi, Bille Ibraahim Huufood iyo wiil uu dhalay. Tani waxay ka dambeysay ka dib markii gel inkii dambe ee Isniintii uu xaafadda Kabo oley uu ku wee raray askari ka tirsan ciid amada ammaanka, kaasoo la sheegay in uu ka carooday qori uu lahaa oo laga qa aday, inkastoo dib loo siiyay. Askarigan ayaa weeraray hoyga masuulkaasi, markii uu dib u helay qori AK47 oo uu lahaa.
Wararka waxay intaa ku darayan in as kar igan uu iska caabin kala kulmay Ilaal ada Gudoomiye Ku Xigeenka, sidoo kal ana ay ilaaladu dishay askarigaasi.
Ilo wareedyo, ayaa Dhacdo.com u shee gay in dhaawaca Gudoomiye Ku Xigeen ku uu yahay mid fud ud, iyadoo saacado ka dibna dib loogu celiyay hoygiisa, markii goob caafimaad loo qaaday dhaawa ciisii.
Nin diiday in magaciisa Warbaahinta loo adeegsado, ayaa Dhacdo.com u she egay in iska horima adka ka dhacay xaaf adda Kaboole uu dareen baqdin leh ku beeray dadka deegaanka. Saraakiisha cii damada ammaanka iyo Maamulka Deg mada Beled Xaawo, ayaan ka hadlin wee rarka lagu qaaday hoyga Bille Ibraahim. Xigasho:dhco.com
CIIDAMO UU WATO GUDDOOMIYIHII HORE GOBOLKA BARI OO QABSADAY DEEGAANO U DHAXEEYA BOOSAASO IYO GAROWE
Guddoomiyihii hore ee Gobolka Bari C/samad Maxamed Galan iyo ciidamo uu horkacayo ayaa sha lay la wareegay dee gaano ka tirsan Gobolka Bari, iyadoo ciid ankiisa ay aad u hubeysan yihiin. C/samad Galan ayaa horay uga gadooday Puntl and, isagoo ku hanjabay inuu xilka ka tuur ayo Mada xweyne C/wali Gaas, waxaana la sheegay in in muddo ah uu ciidamo ku uruursanayay deegaanada IskuShuban, Badar Beyla iyo deegaano kale.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada uu hogaaminayo ay gaarayaan illaa 300400, kuwaasoo aad u hubeysan, waxa ana shalay subaxdii la wareegeen degma da Carmo, Kalbayr iyo deegaano kale oo u dhaxeeya Garowe iyo Boosaaso. C/sa mad Galan ayaa wareysi uu siiyay mid ka mid ah Idaacadaha maxaliga ee ka howl gala Puntland ayaa ku hanjabay inuu dhi si doono Puntland cusub oo cadaalad ku dhisan, waxaana uu sheegay in dadka Pu ntland uu ka xoreyn doono Maamulka C/wali Gaas.
Waxaa uu sheegay inuu dib ugu soo laban doono magaalada Boosaaso, isla markaana isaga iyo cii damadiisa ay ku su gan yihiin inta u dhaxeysa Boosaaso iyo Garowe. Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Puntland oo ku aadan dhaq dhaqaaqyada ciidan ee ka dhanka ah iyo abaabulka uu bilaabay Guddoomiy ihii hore ee Gobolka Bari. Bishii Febraayo ee sanadkan ayay aheyd markii lagu eed eeyay inuu qaban qaabiyay banaan bax rabshado watay oo ka dhacay Boosaaso, waxaana kadib Ciidamo ka tirsan Puntl and ay weerar ku qaadeen gurigiisa, inka stoo uu ka baxsaday.
XIISAD KA TAAGAN DALKA BAXREYN IYO MU DAHARAADYO KA DHASHEY WADAADKII SHII CADA AHAA EE LAGALA LAABTEY DHALASHDA
Kummanaan qof oo dhigaya dibadba xyo ka dhan ah dowladda Baxreyn ayaa isugu soo baxay ban naanka hore ee wad aadka caanka ah ee shiicada ka tirsan ee dorraad dowladda ay kala laabatay dhalashadii waddankaasi. Dadkan ayaa ku dhawaaqayay ereyo ka dhan ah boqorka dalkaasi boqor Xamaad bin Ciisa alKhal iifa iyo dowladdiisa.
Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaasi Baxreyn ayaa horey uga digtay dibadbaxyo la xiriira arrantaasi. Mas’uul iyiinta dalkaasi ayaa wadaadkaasi oo lagu magacaabo Sheekh Ciisa Qaasim waxa ay ku eedeeyeen in uu hurinayay rabsh ado ku dhisan madaahiibta.
Dhanka kale janaraal caan ah oo u dhashay dalka Iraan ayaa sheegay in tall aabada ay qaaday dowladda Baxreyn ay ka dhalan karto ka cdoon hubeysan oo ka dhan ah dowladda dalkaasi.Sidoo ka le mareykanka ayaa walaac ka muujiyay tallaabada ay dowladda Baxreyn dhala shada uga xayuu bisay wadaadkaasi
KENYA OO SHEEGTAY IN CIIDANKEEDA AY DILEEN SARKAAL KA TIRSAN ALSHABAAB
War kasoo baxay dowlada Kenya ayaa lagu sheegay in Ciidamada Difaaca Ke nya ay dileen Sar kaal ka tirsan Xarakada AlShabaab oo ay baadi goobaysay dow lada muddo sanado ah. Laamaha amaanka dalka Kenya ayaa sheegay in saraal ka la dilay in muddo badan la baadigoob ayay islamar kaana uu ka dambeeyay la dilay iyo qaraxyo ka dhacay Gobolka woq ooyi bari ee dalka Kenya.
Taliyaha Ciidanka Boliiska degmada Kwale Francis Wanjohi ayaa sheegay in ay dileen sarkaalkaas ka tirsan Shabaab sidoo kale ay baadigoobayaan saraakiil ka tirsan Shabaab oo ku sugan gudaha de gmadaasi. Francis Wanjohi Taliyaha Ciidanka Boliiska degmada Kwale ayaa sheegay in ay sidoo kale gacanta ku dhig een Idiris Aadan oo ka mid ahaa saraak iisha Kenyaan ah ee ka tirsan Shabaab ee ku sugan degmada Kwale.
Dowlada Kenya ma aysan shaacin Ma gaca sarkaalka ka Tirsanaa Alshabaab ee Ciidanka difaaca Kenya ay dileen iyo qaabka loo dilay.
AQALKA SARE EE BAARLAMAANKA DALKA MARAYKANKA OO DIIDAY XOOJINTA AMA IN LA XAKAMEEYO HUBKA
Aqalka sare ee baarlamaanka dalka Maraykanka ayaa diiday qorsheyaal lagu sii xoojin lahaa xaka maynta hubka. Arrin taas waxaa ka mid ahaa in laga hor istaa go in hub laga iibiyo dadka kujira liiska qo lyaha argagixisada looga shakisan yahay.
Afar qorshe ayaa la hor keenay aqalka Senateka ka dib markii 49 ruux lagu dilay weerar ka dhacay baar ku yaala Florida.
Laakiin xubnaha aqalka ayaa u kala code eyay sidii ay qorsheyaashaas u kala wat een xisbiyada ay ka kala tirsan yihiin ee Dimuqraadiga iyo Republicanka. Xildhib aanada ayaana qolo kaste ka soo ho rjee dsadeen qorshihii uu watay xisbiga kale.
Xubnuhu waxay aad isugu khilaafeen sidii looga hor tagi lahaa in weeraro kale ay dhacaan mustaq balka. John Cornyn oo Republican ka tirsan ayaa sheegay in "saaxiibadii ay doonayaan xakamaynta hubka meeshii ay ka ahayd in waxa la qaba nayo ay noqoto in la cirib tiro Islaamiyiinta xag jirka ah taas oo ah waxa ay salka ku hayso wixii ka dhacay Orlando.
Wuxuu intaas ku daray in saaxiibadii ay doonayaan in ay calaamadaha xanuunka lagu garto dawaynayaan badalkii ay xanu unka laftirkiisa dawayn lahaayeen”.
Barbara Mikulski oo xisbiga dimuqraadi ga ka tirsan ayaa tiri "Maxay tahay sabab ta aan baarit aanno ammaan oo badaan u marno marka aan diyaaradaha raacayno haddana aynaan wax baarit aanno ah u marinaynin dadka kujira liiska dadka arg agixisada looga shakisan yahay".
NIN DOONAYAY INUU DILO MUSHARAXA X/ JAMHUURIGA DONALD TRUMP OO LA XIRAY
Nin u dhashay Britain oo doonayay in uu dilo Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga ee dalka Mareykanka ayaa lagu qabtay mag aalada Las Vegas, iyadoo ninkan la soo taagay Maxkamad. Booliska dambi ba aris ta Mareykanka ayaa ku eedeeyay Mich ael Sanford inuu doonayay inuu toogasho ku dilo Donald Trump, xilli uu olole siyaa sadeed ka waday magaalada Las Vegas.
Michael Steven Sandford oo 20jir ah ay aa ka soo muuqday Maxkamada Gobolka Nevada, waxaa dhageysiga dacwadiisa dib loo dhigay illaa 5ta bisha July.
Dacwad oogayaasha Maxkamadda ayaa ku eedeeyay ninkan inuu isku dayay inuu qori ka dafo booliska, kadibna uu dilo Donald Trump. Maxkamadda ayaa markii dambe loo sheegay in Michael San ford uu shaqo la’aan yahay, isla markaana uu qabo xanuuno dhinaca dhimirka ah.
Sidoo kale waxaa la sheegay inuu Mareykanka ku joogo sharci darro, isla markaana uu ka dhacay fiisaha dal ku galka ah. Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa khudabadaha uu jee diyo sababa naceyb iyo caro, iyadoo had aladiisa qalafsan ay keeneen in dad bad an ay ka soo horje estaan.
QARAX KHASAARE GEYSTAY OO KA DHACAY MAGAALADA GARISSA
Hal ruux ayaa la soo wariyay inuu ku geeriyooday Qarax ka dhacay inta u dhex eysa deegaannada Huluuqo iyo Sangailu oo ka tirsan Gobolka Waqooyi Bari ee da lka Kenya. Qaraxaan ayaa wuxuu qa bsa day gaari nooca gurmadka deg deg ah ee Ambulanceka ah, waxaana halkaasi ku dhintay ninkii waday gaariga Ambalaaska.
Sidoo kale qaraxa waxaa ku dhaawac may saddex ruux oo labo ka mid ah yihiin Shaqaalaha Isbitaal ka Huluuqa, halka ruuxa kalena uu ahaa Arday.
Gaariga Miinada xilliga ay la qarxeys ay ayaa waxaa saarnaa Afartaasi qof, bal se waxaa goobta ku geeriyooday Darawal kii waday gaariga oo lagu magacaabi jiray Cabey Dhuubow. Saraakiisha Isbi taalka ayaa ku wargeliyay ciidamada Booliska Qaraxan, balse Booliska oo xilli dambe ga aray goobta ay wax ka dhaceen, ayaa sheegay falkaan inay ka dambeeyeen Ururka Al Shabaab.
Shabaab ayaa dooraad dilay Shan As kari oo ka tirsan ciidamada Booliska dalka Kenya, kadib markii Qoriga Baasuukaha loo yaqaan ay ku dhufteen gaarigii ay la socdeen Askartaasi. Kenya oo xirt ay xudu uda ay la wadaagto Somaliya ayaa wax aa dalkeeda ku sii kordhaayo weerarada Shabaabka ay ka geysanayaan oo ay la beegsanayaan ciidamada iyo Shaqaalaha Samafalka ah.
WAFDI UU HOGAAMINAAYO SHARIIF XASAN SHEEKH AADAN OO BAYDHABO GAARAY
Magaalada Baydhabo ee xarunta Go bolka Baay oo ay ka socoto qaban qaaba da ku aadan Shirka Madasha Wadatashi ga Qaran, ayaa shalay waxaa gaaray Waf di uu hogaaminaayo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed. Wafdiga Madax weynaha Maamulka Ko onfur Galbeed, ay aa waxaa qayb ka ah xubno ka tirsan Wasiirada Xukuumadda Somaliya oo si hor dhac ah halkaasi u sii gaaray. Mada xweynaha Maamulka Koon fur Galbeed ayaa markii uu ka degay Ga roonka Diy aaradaha ee Magaalada Bay dhabo wa xaa loo galbiyay Xarunta Mada xtooyada Baydhabo.
Ka dib Madaxweynaha wuxuu tagay Xarunta loo diyaariyay Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee Magaalada Baydh abo ka furmaya 22ka Bishan oo Beri ku began. Safarka Madaxweynaha Maamul ka Koonfur Galbeed uu ku tagay Magaala da Baydhabo ayaa sidoo kale waxaa qa yb ka ahaa Taliye ku xigeenka ciidanka Asluubta Somaliyed. Ammaanka Magaala da Baydhabo ayaa si weyn loo adkee yay, waxaana Magaalada ay u diyaarsan tah ay martigelinta Shirka Madasha Wadatas higa Qaran.
BOOLISKA SPAIN OO XIRAY TABABARAHA SOOMAALIYEED JAAMAC KARAACIIN
Booliska Spain ayaa dorraad gelinkii dambe xiray Tababaraha Soomaaliyeed Jaamac Maxamuud Aadan oo loo yaqa ano Jaamac Karaaciin, kaasoo tababare u ah Orodyahadanada u dhalatay dalka It oobiya Genzebe Dibaba oo heysata Oro dka 1500 mitir. Jaamac Karaaciin iyo tab abare kale oo ka soo jeeda dalka Moro cco ayaa laga qa btay Hotel ay degenaay een, iyadoo qolal kooda laga helay no oc ka mid ah daroog ada mamnuuca ah ee kordhisa awooda jirka ciyaartoyda.
Xiriirka ciyaaraha fudud ee Adduunka ayaa sheegay in 28 ciyaartoyd laga baar ay daroogada kor dhisa awooda jirka, wax aana ciyaartoyda ay degenaayeen isla ho telka lagu qabtay. Booliska ayaa Hotelka ka helay illaa 60cirbadood oo la isticmaa lay, lamana sheegin in dhamaad cirbada haas laga helay qolka Jaamac Karaaciin iyo taba baraha kale. Wargeyska the Tel egr aph ee Britain ka soo baxa ayaa shee gay in orodyahanka Britain ee Asalkiisu Soomaaliga yahay Mo Farah uu iska foge eeyey in uu haatan wax wada shaqeyn ah la leeyahay tababare Jaamac Karaaciin.
Xariga Jaamac Karaaciin ayaa ku soo beegmaya, iyadoo laba bil ay ka harsan tahay Tartanka ciyaaraha Olimbikada Add uunka ee sanadkan lagu qabanayo mag aalada Rio de Janeiro ee dalka Brazil.
Xiriirka Ciyaaraha Fudud ayaa dhowaan ciyaaraha ka joojiyay ciyaartoy dhowr ah oo u dhalatay dalka Ruushka, kuwaasoo lagu helay inay isticmaalayeen daroogada kordhisa awooda jirka ciyaartoyda adan
DOWLADDA SOOMAALIYA OO QIRATAY IN HAY’ADDA WFP RAASHIN DHACAY BAKHAA RO KU KEYDISAY
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay dhacdadii garoonka diyaaradaha Muqd isho ku qabsatay hay’ adda WFP, ka dib markii diyaarad ay lah ayd lagu daabulay raashin dhacay, ta asina ay keentay in ciidamada ammaan ka ay kahortagaan isla markaana ay qabt aan sarkaal ka tir san Hay’addaasi.Guddi dowladda Soomaaliya u xilsaart ay oo ko rmeer ku tegay garoonka diyaara da ha Muqdisho ayaa sheegay in bakhaa rada hay’adda WFP ay ku jireen raashin biyo gaar ah isla mar kaana aan wax isti cmaal ah gelin.
Sidoo kale guddiga ayaa booqday ba khaaro kale oo hay’addu ku leedahay ma gaalada Muqdisho, kuwaasi oo ay ku jire en raashin tayadiisu wanaagsan tahay isla markaana waxay saraakiisha sheeg een Dowladda sheegeen inuu yahay mid la isticmaali karo. Ma aha markii ugu hor eysay oo baaritaa no lagu sameeyo bakh aarada keydka hay’adda WFP, waxaana sidoo kale baaritaano lagu sameeyay ba khaarada ay ku leedahay gobolka Gedo, kuwaasi oo ay ku jireen qaarkood raashin qur may. XigashoSomaliweyn .com
DALKA URDUN OO ASKAR LAGU LAAYAY QAR AX KA DHACEY XADKA AY LALEEDAHEY SIIRIYA
Wararka ka imaanaya dalka Urdun waxay sheegayaan in ugu yaraan lix as kari oo kuwa xadka ila aliya ah in lagu dil ay gaadhi waxyaabaha qarxa lagu soo rakibay. Qaraxaasi wuxuu ka dhacay me el aan sidaa uga fogayn xadka ay Urdun la leedahay dalka Suuriya oo ay ka jiraan colaado sokeeye. Sar aakiil Millitariga u ha dashay ayaa sheegay in tiro kale oo as kar ah ay sidoo kale ku dhawaacmeen is la weerarkaasi.
Weerarka ayaa laga soo qaaday xadka dhanka Suuriya.Waxay sheegeen in tiro kale oo gawaadhi ah oo weerarkaas qayb ka ahaa in la burburiyay.Qaraxaasi wuxuu ka dhacay banaanka xero qaxooti oo ku meel gaadh ah oo ku taala baadiyaha fog ee waqooyiga bari ee Ruqban. Xeradaas waxaa ku ji ra oo ay hoy u tahay tobanaan kun oo Suuriyaan ah.
SHIDAALKA BAABUURTA LAGU SHUBTO OO LAGU BEDELANAYO KHURAAN AKHRIS.
Shidaalka Baabuurta Lagu Shubto Oo Lagu Bedelanayo Khuraan Akh ris.Dalka Indonisiya, waxaa laga bila abey Hab da dka gaadiidka wata ay Gaadiidkooda ugu shuban karaan Shidaal, ayagoo aan bixin wax lacag ah. Shirkad Shidaalka ka shaq eysa oo ka jirta dalkaasi oo bilowdey inta lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ram adaan in gaadiidleyda kala duwan, aya goo aan bixin wax lacag ah ay qaataan Shidaal, hadba intii la doono.
Dadka doonaya in ay Shidaal qaataan ayaa Sharuud looga dhigaa in ay Akhri yaan Aayadaha Khur aanka kariimka, iya doo Hadba Qofka inta uu aqriyo ay ku xir an tahay Shidaalka uu qaadanayo. Wax aa la soo werinayaa in ay Fursadani ka faa’iideysteen wadayaal isugu jira kuwa Baabuurta iyo Mooto oyinka.
Qofka akhriya Hal Jus oo khuraanka ah ayaa la sheegay in uu helayo Labo Liitar oo Bansiin ama Naafto ah, isagoo aan wax bixin wax lacag ah, Taasi oo keentay in dad badan ay ku soo xirmaan, iya doo qarkod oo dhowr Jus akhriya,si ay Shida
al Badan u helaan. Shirkadu, waxay sameysay Masjid yar oo lagu tukado lagun
Dukado, laguna akhristo Khur’aanka,
CIIDANKA DF IYO AMISOM OO HAWLGALLO KA WADA BELEDWEYNE IYO DEEGAA NNADA HOOSTAGA
Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Hawlgalka Midowga Afrika ee AM ISOM, ayaa ka bilaabay Magaalada Bele dweyne iyo Deegaannada hoostaga howl galo ammniga lagu xaqiijinayo. Tiro bad an ciidammada ka tirsan ayaa lagu arkay ay saacadihii hore ee shalay qaar ka mid ah xaafaddaha magaalada, kuwaa meela ha qaar ka sameynayay baaritaanno ammniga lagu sugayo.
Siddoo kale, Ciidanka Jabuuti ee Qayb ta ka ah AMISOM ayaa u dhaqaaqay De egaannada galbeedka kaga beegan Bel edweyne, halkaasoo ay ka sameeyeen hawlgallo ay saraakiishu xuseen in lagu Xaqiijinayo Nabadgalyada Deegaannada ay Gacanta ku hayaan Ciidamada dowla dda iyo AMISOM.
Saraakiisha qeybta ka ah howlgalkan ayaa sheegay in baaritaannadan iyo ho wlgalada socda looga gonleeyahay ka ho rtaga weeraro laga yaabo in ay qorshan ayaan Alshabaab xili lagu guda jiro bisha Ramadaan. Ugu danbeyn, Sagaal kii bishan Juun, ayeey aheyd markii Alsh abaab ay weerarku qaadeen saldhig ciida mmada Itoobiya ay ku lahaayeen deega anka Halgan, Waxaana Weerarkaan la ru meysan yahay in ay ku dhinteen tiro ka badan
AL-SHABAAB OO KU SOO SIQDAY AFMADOW IYO DHOOBLEY
xaalad cabsi ah ayaa laga dareema yaa degmada Afmadow iyo deegaan ka Dho obley ee gobbolka Jubbada Ho ose, ka dib markii boqollaal ka tirsan Maleesh iyaadka AlShabaab oo aad u hubeysan ay kusoo dhawaadeen mag aalooyinka Af madow iyo Dhoobley oo ay maamulaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Jubbaland.
Goobjoogayaal ku suggan Afmad ow iyo Dhoobley ayaa VOA u xaqiijiy ay in Ciidamada AMISOM iyo kuwa Ju bbaland heegan la galiyay kadib mar kii ay ka war heleen dhaq dhaqaaqyo ay Maleeshiya adka AlShabaab ku do onayaan inay ku weeraraan deegaa nadaasi.
Boqolaal ka tirsan Maleeshiyaadka AlShabaab ayaa lagu soo warama yaa inay fariisimo cusub ka sameyste en deegaa nada loo yaqaano Cagliba ax iyo Qalawil aha oo 25km dhanka ga lbeedka iyo Waq ooyiga kaga kala bee gan Magaalada Afmadow. Dhanka ka le Maleeshiyaadka kooxda Al shabaab ayaa qafaashay ilaa sadex gawaari oo ay leeyihiin dad shacab ah.
Gawaaridaan ay qafaasheen Malee shi yaadka AlShabaab oo ka yimid de ega anka Dhoobley ayaa ku sii jeeday Degm ada Afmadow, waxaana baabu urta la qafaashay ku jiray nooca lagu qaado Qa adka oo xilgaasi siday Gaari Qaad, ay adoo labada baabuur ee kale ay qafa asheen AlShabaab ay kala ah aayeen Baabuur nooca xamuulka qaa da ee ay Soomaalidu u taqaano DHE YNA iyo baabur NOHA. Goobjoogayaal ayaa VOA xaqiijiyay in boqolaal ka tirsan Maleeshiy aadka AlShabaab, islamarkaana aad u hubeysan ay babuurta ku joojiyeen Wad ada Goomaara oo ah jidka isku xidha Afm adow iyo Dhoobleey, iyagoo Dara waladii iyo dadkii saaraa gawaarida ku amray in ay isaga daggaan baabuurta, halkaasna ay ku kaxeysteen. Warku wuxuu intaasi ku darayaan in Maleeshiyaadka Al shab aab Gawaar ida ay qafaasheen ay geeye en Deg mada Xagar ee isla gobolka Jubb ada Hoose.
RA’YI: "HA KA YEELIN IN DHAKHTE RKAAGU KU DILO
Ha ka yeelin dhakhtarkaagu inuu ku dilo” amma "Dont Let Your Doctor To Kill You”. Waa Buug cusub oo ay qortay Erika Schwartz, oo ka mid ah dhakhaatiirta ugu caansan dalka Maraykanka. Maalin dhaw ayd oo aan dhegaystay Barnaamijka la yi dhaah ‘Press Conference on VOA’, oo la gu waraysanayay gabadhaas ayaan is we ydiiyay su’aashan: "Horta adiguba, dibad da iyo gudahaba waad ku noolayd, ee qof ahaantaa, maxay kaa gargaareen dhaqa atiirtu?” Waxaan xasuustay laba xannuun oo si laxaad leh ii dhibay. Midi waxa uu ahaa Xasaasiyad ila deristay ilaa yaraan taydii. Dawooyin kala jaadjaad ah bay dhaqaatiirtu gadhka ii gelin jireen, oo kum aan caafimaadin.
Ugu dambayntiina, waxaan baadhay cu ntooyinkan igu keenaya xasaasiyadda, iy agii uun baan iska daayay, oo aan ku caa fimaaday dawo la’aan. Xannuunka labaad na waxa uu ahaa dhagax fadhiistay keli da.
Bahal Laysar la yidhaah, oo markaas ku cusbaa caalamka ayay is yidhaahdeen ku burburiya dhagaxaygii, oo isna waxba ka muu tarin dhagaxii. Intaan diiday qalliin la ygu sameeyo, ayaan miciinsaday inaan bi yaha uun ka hirqado. Dhagaxii isaga oo duulaya ayuu kaadidii soo raacay.
Ilmahaaga oo xumadda haysa aad ka yaabto, oo haddaad kolba u maydho, xum addu ka jabi lahayd, muxuu dhaqtar xumi ku yidhi: "Kiniinkan iyo sharoobaadan cab sii, isaga oo aan garanayn cidda ansixi say dawaadaas iyo cilladaheeda.
Muxuu adoo heli kara xulbad dabiici ah oo raqiisa ah oo wada ah Vitamin B Com plex, uu kula doontay quraarad xun oo ha mbag ah. Maxaa cunto qaldan oo aad is ka cunto, oo calooshu kugu xannuunto, halkuu ku waraysan lahaa, ee deedna ku odhan lahaa uun "iska daa cuntadaas” uu sun iyo waabay la qooshay ku yidhi: "Cab waad cabiye”! Muxuu wadaad aan caafim aadkaba baran, hablihiina oo naxariis yar idiinka baahnaa, meel daran idiin la kacay oo uu idinku yidhi: "Jin baa ku jira, oo an aa ka cuudinayaa”! Bal Jinku muu isaga laftiisa dardaro? Muxuu?! … Allaah, Mux uu?!
Qalinkii: Maxamed Cabdi Daa’uud
NATIONLINK TELECOM
BISHAARO BISHAARO BISHAARO
Shirkada isgaarsiinta Casriga Caalamiga ah ee NATIONLINK TELECOM Waxay Macaamiisheeda Sharafta Leh Ugu Bishaare yneysaa in ay U sameeysay Qiimo Dhimis Ballaaran, taas oo ah ku shubo 1$ Doollar Kuna hadal 140 Daqiiqo oo Gudaha dalka ah Xilli kasta Habeen iyo Maalin intaba, Sidoo kale ku Shubo 1$ Doollar kuna Hadal 16 Daqiiqo oo Dibadda ah, waana 35 Dal oo kuwa Soomaalidu ku badan tahay oo ay Wado
Haddaba WIXII FAAHFAAHIN AH WAC NAMBARRADAAN 100 / 222 / 333.
Nationlink Isku Xiraha Dadweynaha
SHURUUDAHA IYO WAAJIBAADKA LA
ISKA DOONAYO SOONKA BISHA RAMADAAN
Qeybta 2aad
SOONKA SUNNADA AH
Soonkani waa sunne uu Nabigu (s.c.w) naf ahaantiisu soomay, Muslimiintana ku booriyey inay soomaan, inka stoo ajar weyni ku jiro, haddana waajib kuma aha inuu qof ku soomo, waana kuwakan soonanka sunnada ah;
Cashuura 9ka iyo 10ka bisha Muxarram dago
Soomidda maalinta Carafaad, 9ka bisha xajka, haddii uusan qofku xaaji ahayn
Soomidda maalmaha nayla qaadka (ayaamul bayd) 13ka 14ka 15ka bil dayaxeed kasta
Lix maalmood oo laga soomo bisha Shawwaal (soon fur)
Soomidda isniin iyo khamiis waliba
Siddeedda maalmood ee ugu horreeya bisha xajka (car afo)
SOONKA KARAAHIYADA AH
Soonka la soomo oo keliya sabtida, ama axadda, ama ju mcaha Soonka sunnada aha ay soonto haweeney idan la’aan ninkeeda isagoo jooga
soonka isku bixis maalmaha loo soomo iyadoon la afurayn, oo aan kala goa’lahayn oo loo yaqaan (Wisaal).
SOONKA XAARAANTA AH
Waa wax reebban inaan soonno maalmaha soo socda
Maalinta ciidda Soonfur
Maalinta ciida AlAdxaa
Maalmaha hilba waradka (waa 11ka. 12ka. 13ka ee bisha xajka) marka laga reebo qofka hadyigu waajib ku yahay ee aan heli karin ee ku soomaya xajka intuusan u laaban ehel kiisa.
SHURUUDAHA SOONKA
Shuruudaha uu ku ansixi karo soonku waa laba noox:
Shuruudaha ansixidda oo ka dhigaya soomidda ansax
Shuruudaha aasaasiga ah oo la doonayo in lahelo la’aan toodana soonku qofku waajib ku ahayn
Shuruudaha ansixidda iyo aqbalidda Soonka
Inaad tahay Muslim, soomidda qofka gaalka ah ma aha an sax
Inaad tahay daahir (haweenka) waa inay ka yihiin daahir caadada (xaydka) iyo (Nifaaska) dhiiga la yimaada dhal mada
Inaad niyaysato habeennimada soonka maalinta xigta, niyadduna waa inaan lagu dhawaaqin, maxaalkeeduna (bo oskeeda) waa qalbiga. Qofka walibana gaarkii buu u niyay san haddiina uusan qofku horay uniyaysan xittaa haddii uu markaa ka af qabsado oo uu ka joogo dhammaan waxa ka reebban qofka sooman, soonkiisu ma ansaxayo
Waa inaad tahay qaan gaar; Soonka lagama rabo ilmo aan baaluqin
Inaad garowsantahay faral ahaanta soonka.
Inaad fayowdahay oo aad caafimaad qabto; waa inaad ka maran tahay tabar darro gaarsiisan heerka ay shareecadu qofka ka cafido inuu soomo.
QAYBAHA SUNNADA AH EE SOONKA
Waa sunno inaad wax cunto ama cabto oogga ka hor (yac ni inaad suxuurato) walow aad qaadato dhowr xabbo oo ti mir ah ama dhowr kabbo oo biyo ah.
Waxaa sunno ah inaad dib dhigto suxuunta oo aad qaad ato wax yar ka hor waaberiga.
Waxaa sunno ah in dhakhse loo afuro marka qorraxdu dhacdo, intaan salaadda la tukan, iyadoon lagu talax taga yn si waqtiga salaadda loo dhowro waxaa sunno ina ad afurka ku af billowdo timir ama biyo cad Rasuulkii Allena wuxuu yiri: ”Dadka khayr kama suulayaan inta ay afurka dedjinayaan suxuurashadana dib u dhigayaan”). Sida aad u billaabayso oo u afurayso Soonka
Waxaa la isugu diyaariyaa soonka suxuurta oo la qaato wax yar ka hor waaberiga.
Nebigu (s.c.w) aad buu ugu dadaali jiray suxuurta oo ah miyad gaar ah ayuu siin jirey, wuxuuna yiri: (”Suxuurta cuni steedu waa barako ee ha ka tegina kabbo biyo ahna aha atee, sababtoo ah Ilaahay iyo Malaa’igtiisuba waxay xusa an oo u duceeyaan kuwa suxuurta”).
Rasuulku asxaabtiisa wuxuu ku dhiiri gelin jirey inay suxuurtaan, wuxuuna oran jirey: (”Suxuurta suxuurta bara ko ayaa ku jirtee”).
Haddaba suxuurashadu waa sunno Nebiga ka sugna atay, waxaana kala saara soonka Muslimiinta iyo soonka Yahuudda iyo Nasaarada, Muslimiinta way suxuurtaan mar ka ay soomayaan, halka aysan Yahuudda iyo Nasaarada ka suxuuran. Xittaa haddii uusan qofka Muslimka ahi baahi u qabin cunto waa inuu ugu yaraan qaataa dhowr kabbo oo caano ama biyo ah.
MUXUU QOFKA SOOMANI KU AFURAYAA?
Waxaa sunno ah inaad ku afurto Rudub (timir busur yac ya cood ah) ama timirta kale, haddii aad weyfo kuwaas qofku wuxuu ku afuri karaa biyo cad, sidaas buuna yeeli jirey Nebigu S.C.W.
Anas a.k.r. wuxuu yiri: (Nabigu s.c.w. wuxuu ku afuri jirey dhowr xabbo oo timir busur ah intuusan salaadda maqrib u soo bixin, haddii uu waayana wuxuu ku afuri jirey timirta kale, haddii uu waayana wuxuu ku afuri jirey xoogaa biyo ah.) [Waxaa weriyey AtTitmidi iyo Abuu Daawuud]
Wuxuu sidoo kale Nabigu ku dhiiriyey asxaabtiisa inay isla sidaa u afuraa. Timirta guud ahaan waxaa aad looga helaa Jasiirada Carabta. biyahana sidoo kale waa wax me el walba laga helo, gunta arrintaasina waxay ahayd inay san dadku dhib kala kulmin furidda soonkooda oo ay ku afuraan waxyaalaha guud ee la heli kar.
Dhinaca kale timirtu waxay qofka u kabtaa wixii jirkiisa siin karay tamar iyo xoog. Biyuhana ma aha wax guud oo keliya ee la heli karo ee waa daahir wax daahiriya.
Biyuhu waxay nadiifiyaan jirka debedda iyo gudahaba. Markii uu qofka soomani ku afuro soonkiisa biyo qabow oo nadiif ah haraad maalin dhan ah, waxaa hubanti ah inuu dareemi doono farxad iyo raynrayn iyo abaal uu u hayo Alle kor ahaaye. La Soco Qeybta Kale Berrito Inshaa Allaah
WAXAA QORAY: cabka50@hotmail.com…
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHUTIES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 22-KA JUUN 2016-KA
NINKII KA DAMBEEYAY DILKA TALIYIHII NABAD SU GGIDA SH/DHEXE OO GACANTA LAGU SOO DHIGAY Ciidamada Dowladda Federalka Somaliya, gaar ahaan kuwa ka howlgala Magaalada Jow har oo tan iyo xalay waday howlgalo ay ku raadi nayaan ninkii ka dambeeyay dilk