Maamulka Gobolka Banaadir oo Digniin Culus kasoo saaray Arrinta Musuqa

0
Saturday June 24, 2023 - 13:32:28 in Wararka by
  • Visits: 193
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Gobolka Banaadir oo Digniin Culus kasoo saaray Arrinta Musuqa

    Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay ka go'an tahay la dagaalanka Musuq-Maasuqa iyo in si adag loola xisaabtami doono xafiis kaste oo ku kaca musuq iyo wax isdabamarin. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Ji

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay ka go'an tahay la dagaalanka Musuq-Maasuqa iyo in si adag loola xisaabtami doono xafiis kaste oo ku kaca musuq iyo wax isdabamarin. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale)ayaa faray Aggaasinka kala duwan iyo howl wadeenada Dowladda Hoose ee Xamar iyo maamulada degmooyinka Gobolka Banaadir in ay ka fogaadaan falkaste oo musuq la xariira. Sidoo kale Duqa Muqdisho ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay soo gudbiyaan falkaste musuq maasuq la xariira oo ay kala kulmaan adeegyada uu buxiyo Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose Xamar. Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey ugu dhawaaqday inay si adag ula dagaalami doonaan cid kasta oo ku kacda fal la xiriira Musuq-Maasuqa, waxaana xusid mudan in mas'uuliyiin loo xiray arrinta musuqa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip