HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH SABTI 24-KA JUUN 2023-KA

0
Saturday June 24, 2023 - 08:26:16 in Wararka by
  • Visits: 530
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH SABTI 24-KA JUUN 2023-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ugu baaqay golaha ammaanka inay Soomaal iya ka qaadaan cunaqabateynta hubka ee saaran

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa codsi u gudbiyay Golaha Ammaan ka ee Qaramada Midoob ay (UNSC), isagoo ka cod saday inay dib u eegaan cunaqabataynta hubka ee saaran dalka tan iyo 1992-kii.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa si faahfaahsan u soo ba ndhigay xaaladda amniga Soo maaliya ee xilligan iyo horum arka laga gaaray daga alka lagula jiro kooxda Al Shabaab.

"Waxaan garwaaqsanahay in Al-shabaab laga adkaado ay u baahan tahay habab dhinacyo badan leh oo ay ku jiraan ciidammo ammaan oo karti iyo hu fnaan leh, geeddi-socod dowlad-dhiseed oo loo dhan yahay, iyo awoodda dowladdu ay u leedahay inay bi xiso adeegyada muhiimka ah ee shacabka," ayuu yiri Madaxwey naha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in horumar la ta aban karo ay Soomaaliya ka gaartay la dagaallanka maal-gelinta Alsha baab, oo ay ka mid tahay adkeyn ta xeerar ka ka hortagga lacagaha la dhaqo iyo in la xiro in ka badan 300 oo xisaabaad oo laca go sharci darro ah lagu siin jiray ururka Alshabaab.

Xasan Sheikh wuxuu ka codsaday ergada UNSC inay u doodaan sidii guud ahaan looga qaadi lahaa cunaqabateynta hubka, isagoo caddeeyay in talla abadaas ay Soomaaliya u suurtagelineyso in si wax ku ool ah loola dagaallamo argagixisada.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha ayaa sheegay in cunaqabateynta hubka ay noqotay mid caqabad ku ah marka loo eego tilaabo wax ku ool ah oo loogu talagalay dadaallada amniga Soomaaliya. Waxa uu ku dooday in cunaqabateyntan ay caqabad ku tahay in dalka uu helo awoodaha lagama maarm aanka u ah in si hufan loola dagaalamo Al Shabaab.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo gaaray magaalada Baraawe

wasiirka gaashaandhigga XFS,guddoomiyaha Ma xkamadda Sare ee ciidamada qalabka sida Liibaan Cali Yarow,Guddoomiyaha

Maxkamadda darajada 1aad ee ciidamada Korneyl Xasan Cali Nuur Shuute, Wasiirka Cadaaladda Koonfur Ga lbeed, Guddoomiyaha Gobolka Sh/Hoose, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale ayaa saacadihii lasoo dha afay gaaray degmada Baraawe ee gobolka Shabeell ada Hoose.Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Guddo omiyaha Maxkamadda Sare ee ciidamada qalabka si da Liibaan Cali Yarow, Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Korneyl Xasan Cali Nuur Shuute, Wasiirka Cadaaladda Koonfur Galbe ed, Guddoomiyaha Gobolka Sh/Hoose, saraakiil cii dan iyo masuuliyiin kale ayaa saacadihii lasoo dhaaf ay gaaray degmada Baraawe ee gobolka Shabeella da Hoose.

Dhammaan masuuliyiintaas ayaa ciidanka ku boo qday difaacyadooda, sidoo kale waxay u kuur-gale en nolosha shacabka ku nool magaalada Baraawe.

Askarta qaar iyo saraakiisha ciidamada ayaa laga wareystay sida uu ku bilowday gacan ka hadalkii dhawaan ka dhacay Baraawe, waxayna masuuliyi inta maxkamadda ciidamada qalabka sida ku amre en ciidamada inay is walaashadaan oo gacan ka ha dal dambe uusan ka dhicin Baraawe.

Wasiirka Gaashaandhigga ee XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ciidanka kula dardaarmay inay masuuliyad muujiy aan oo xabad dambe aysan isku ridin ayaa masuuliyiinta maxkamadda ciidamada ka codsaday inay dedejiyaan baaritaankooda, si cadd aaladda loo waafajiyo shaqaaqadii ciidanka ku dhex-martay Baraawe.

DF iyo dowlad goboleedyada oo gaaray he shiis cusub oo 13 qodob ah

Shirkii wadatashiga arrimaha waxbarashada Sooma aliya ee maalmahaan ka socday magaalada Dhuusa mareeb ayaa Dorraad lasoo gabagabeeyey, waxa ana laga soo saaray war-murtiyeedka 13 qodob ah.

Bayaanka ka soo baxay oo ay ku saxiixan yihiin dhammaan wasiirrada waxbarashada ee dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka ayaa la gu odorosay qorshe guud oo lagu hormarinayo wax barashada Soomaaliya.

Ujeedka shirkaas oo dhowr maalmood ka socday Dhuusamareeb ayaa ahaa dib u eegista heshiisyadii hore ee dhinacyada waxbarashada heer federaal iyo heer dowlad goboleed, diyaarinta jawi iskaashi oo la gu fulinayo sharciyada, xeerka iyo istaraatiijiyadda lagu hormarinayo wax barashada iyo abuurid da madal la isku dhaafs ado khibradaha iyo aqo onta lagu maareynayo waxbarashada dalka.

Wasiirrada waxbarashada dalka ayaa ku heshiiy ey in deg deg loo howlgeliyo macalimiintii ay dhawa an qaadatay dowladu oo gaareysa 3,000 iyadoo la geynayo deegaanada la qorsheeyey inay ka how lgalaan.

Sidoo kale waxaa lagu heshiiyey in deegaanadii la xoreeyey laga bilaabo waxbarashada sanad-dugsi yeedkaan, laga bilaabo bisha soo socota ee Sebt ember.

"Waa in la taaba-geliyo ololaha baahinta akhris qoraalka, lana gaarsiiyo dalka oo dhan, in ahmiyad gaar ah la siiyo dugsiyada qur’aanka kariimka, iya doo hormarintooda la bilaabi doono sanad-dugsiye edka soo socda ee sebtember 2023,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Dugsiyadii farsamada cagcanta in guud ahaan dalka laga howl-geliyo ayaa lagu heshiiyey, markii la gaaro Sebtember 2023-ka, iyadoo kor loo qaadayo tayada waxbarashada.

"Wasiirradu waxay go’aamiyeen in la shaqaaleysi iyo maamulayaal dugsi oo khibrad leh, si ay sare ugu qaadaan tayada waxbarashada Soomaaliya, iya doo la taaba gelinayo kormeer qaran oo la socda tayada waxbarashada,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Inta aan la gaarin bisha Decenber ee sanadkaan waxaa lagu heshiiyey in la dejiyo miisaanaiyadda mushaaraadka macalimiinta iyo in la tayeeyo macaa hidda iyo tababarrada macalimiinta.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo soo gabag abeeyay booqasho uu ku tagay Austria

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda FS Md Abshir Cumar Jaamac ayaa soogabagabeeyay kul an uu kaga qeybgalay Dalka Austria oo la xiriiray Mamnuucidda Tijaabinta Hubka Nuclearka.

Wasiirka ayaa la kulamay wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Austria Alexa nder Schall enberg,iyagoo ka wada hadlay ar rimaha muhiimadda u leh xiriirka iyo iskaashiga laba geesoodka ah ee labada dal, dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, waxbarash ada, ammaanka iyo horumarinta arrimaha dhallinya rada.

sidoo kale Mudane Abshir Cumar Jaam ac ayaa shir muhiim ah la yeelannay wasiirka arrimaha gud aha dalka Austria Mr. Gerhard Karner ,waxayma isla soo qaadeen iskaashiga iyo horumarinta arrim aha bulshada iyo sidii la isaga kaashan lahaa hawlaha muhiimadda u leh labadeenna dal. Wasiirka ayaa sheegay in uu kormeer ku tagnay mid ka mid ah xarumaha la socodka xogta tijaabinta hubka Nuclearka ah oo ku dhextaal xarunta Qara mada Midoobey ee Vienna, waxaana warbixin ku sa absan sida xarumahani u shaqeeyaan iyo sida xogaha ay helaanna ugu gudbiyaan hay’adaha ku shaqada leh naga siiyey khubarada ka shaqeeya.

Dalkeenna waxaa laga dhisi doonaa xarun xo gahaas uruurisa una gudbisa hay’adaha dowladda ee ay khusayso, waxaana loo tababari doonaa muwaadiniin Soomaaliyeed ayuu yiri”Wasiirka Arrim aha Dibadda Soomaaliya.

Heshiiskaan waxaa horay u saxiixay 186 dawl adood oo ay ku jiraan 51 dal oo Afrikaan ah. Dawla ddeenna oo ka mid ah dawladaha kooban ee aan weli heshiiskaan saxiixin ayaa intii shirkaani socday caddaysay mawqidkeeda ah inay ka mid noqoto sax iixayaasha heshiiskan caalamiga ah.

Heshiiskaan ayaa mamnuucaya in hubka Nuclear ka ah lagu tijaabiyo badaha guntooda, dhulka hoosti isa iyo hawada ba,iyadoo caalamka laga dhisay 337 xarumood oo lagula socdo haddii ay cidi tijaabisa hubkan.

Soomaaliya waxay horay u saxiixday dhawr heshiis oo la xiriira xakamaynta hu bka Khatarta ah sida: ◦ Heshiiska hordhaca ah ee Mamnuucidda Tija abinta Hubka Nucl earka,◦ Heshiiska Mamnuucidda Faafidda Hubka Nuclearka ah,Heshiiska Mamnuucid da Faafidda Hubka Kiimikadda ah, Heshi iska Afrika xor ka ah Hubka Nuclearka ah (Pelindaba) iyo He shiiska Mamnuucidda Faafidda Hubka Biologyga ah.

DF oo dib u kicineysa warshadii Dharka iyo Suufka Soomaaliya ee Balcad

Markii ay burburtay dowladnimadii Soomaaliya 32-sano ka hor dhalinyaro ku nooleyd degmada Bal cad ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa ku guuleys atay inay badbadiyaan Warshadii Dharka iyo Suufka ee Soomaaliya oo ku taalla Balcad.

Warbaahinta Dow ladda Soomaaliya ay aa baahisay warbixin ku saabsan sidii ay ku suurtagashay in bililiqadii dalka ka dhacday laga badbaadiyo Warshadii Dharka iyo Suufka ee Balcad, wiilashii xilligaas u soo baxay badbaadinta warshad aan oo hadda waayeel noqday ayaa ka soo muuqd ay warbixintaan.

"Waxaan ka mid ahaa shaqaalihii dowladda ee wa rshadaan, markii ay burburtay dowladdu waxaa bili liqo lagu bilaabay warshada, qaar ka mid ah shaqa lihii oo wax hub ah aan heysan ayaa go’aansaday in ay tuugada ka difaaacaan warshadaan, maalinkaas qaarkeen waa dhintay, hadda waxaa jooga rag dhaa wacmay xiligaas,” ayuu yiri Maxamed Geesey oo ka mid ah odayaasha ilaa hadda gacanta ku haaya war shadda. Sidoo kale Maxamed Cigaal oo ka mid ah odayaa shaan ayaa sheegay in 7-dowladood ay dalka soo martay intii ay gacanta ku hayeen warshadaan, wux uu quus ka muujiyey inta ay sii joogi karaan halkaan, maadaama ay da’ yihiin.

Aabe Maxamed Cigaal ayaa is weydiinaya goorta ay suurta-geli doonto in gacan dowladeed ay ku cel iyaan warshadii dharka iyo suufka Soomaaliya ee Balcad.

Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya Jabriil Cabdirashiid oo ka jawaabay cabashada iyo weydiimaha odayaasha gacanta ku haya warshadda Balcad ayaa sheegay in qorshaha dowla dda uu yahay in la shaqaaleysiiyo odaya asha.

Sidoo kale wasiir Jabriil wuxuu sheeg ay in warshadaas aysan laheyn cilado badan, isla markaa na ay ku taamayaan in dib loo howlgeliyo, isagoo ganacsatada ugu baaqay inay wasaaradda kala qe yb qaataan dib u kicinta warshadda dharka iyo suuf ka Soomaaliya ee Balcad.

 

Wasiirka Awqafta XFS oo kormeeray goobaha la dejiyay xujeyda Soomaalida ee Miina

Wasiikar Awqafta iyo Arrimaha Diinta XFS Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali iyo wafdi uu hog gaaminaayo ayaa kormeer ku tagay goobaha la daj iyay xujeyda Soomaal iya ee ku yaalla Magaalada Maka Al-Mukar ama ee Dalka Sacuudi Varabiya,

Wasiirka oo ay la socde en Agaasimaha Guud ee wasaaradda Awqaafta Max amed Ibraahin Xaaji Cali, Madaxa arimaha Xajka ee Soomaaliya Qadar Xaaji Daahir,waxa ay u kuurgaleen xaaladda xuje yda ee ku sugan magaalada Miina,gaar ahaan xaru maha te endhooyinka ee la dajiya dad kaasi.

Sheekh Mukhtaar Rooboow, waxa uu Dowladda Soomaaliya ku ammaanay dadaalka ay sanadkaan u galeen qabanqaabinta adeegga lagama maarmaan ka u ah xujeyda Soomaaliyeed eee sanadkaan.

Wasiirku waxa uu u mahadceliyay dow ladda Sac uudiga oo uu tilmaamay in ay xil gaar ah iska saar tay socodsiinta howlaha xajka sanadkaan.

Gen. Odowaa oo ka hadlay xil ka qaadistii lagu sameeyay

Taliyihii hore ee ciidanka xoogga dalka Sooma aliya, S/Gaas, Odowaa Yuusuf Raage, ayaa markii u gu horreysay ka had lay sababtii dhawaan xilka loo ga qaaday, kadib wareysi uu siiyay laanta Af-Soomal iga ee VOA-da.

Gen. Odowaa Raage, oo Isniintii lagu bedelay General Ibraahim Sheekh Muxiy adiin, ayaa go’aan ka dowladda ku tilmaam ay mid isbedel ku yimid maamulka ciidan ka. Waxa uu ku celceliyay in aanu ka qoomamayn isbeddelkaas.

Odowaa waxa uu meesha ka saaray wararka sheegaya in khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo Wasiirka Gaashaan dhigga Soomaaliya, taasoo sa bab u ahayd xil ka qaadist iisa.

"Ciidanka iyo wasaaraddu waa hay’ado madax-bannaan."Madaxweyne Xasan 100% kalsooni ayuu ku qabaa howshaas, muhiimna ma ahan cidda la ma gacaabay iyo cidda hadda joogta. Waxa muhiimka ah waa inaan gudanno waajibaadkeena oo aan u gudanno sida ugu wanaagsan ee aan awoodno,” ayuu yiri Odowaa.

Isagoo ka hadlayay sida ay u socdaan howl gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayuu tali yihii hore ee ciidanka xoogga dalka rajo wanaagsan ka muujiyay.Wuxuu hoosta ka xarriiqay horumarrada ay sam eynayaan ciidamada qalabka sida ee Soom aaliya muddooyinkii dambe, ha ahaato dhanka tirada iyo tayada ciidamada.

Soomaaliya oo sanadkan waddamada Ca rabta u dhoofisay labo Malyan oo xoolo ah

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in guud aha an dalka ay ka dhoofeen in ka badan labo malyan oo xoolo ah oo Ari ah, kuwaas oo loo dhoofiyay dalalka Carabta.

Wasiirka xanaanada xo olaha ee xukuu madda So omaaliya, Xasan Xuseen Eelaay ayaa sheegay xoo lahan inta badan inay ka dhoofeen dekedaha kuy aalla magaalo oyinka Ber bera iyo Boosaaso.

Wasiirku wuxuu sheegay sanadkan inuu jiro sare u kac dhinaca dhoofka xoo laha, taasoo uu u sababe eyay xiriirka ganacsi ee Soomaaliya iyo dalalka Cara bta oo soo hagaagay.

Wuxuu kaloo u sababeeyay tirada xujeyda sanad kan oo korordhay, tan iyo sidii loogasoo baxay xayi raadii Koroona Virus. Wasiir Xasan Eelaay wux uu sheegay in ka badan hal malyan oo xoolahan ka mid ah in loo dhoofiyay dalka Sacuudiga, loog una talo galay xajka maadaama lagu jiro maalmaha Car afo. Wuxuu sheegay weli inuu dhoofka xool aha socda.Bishii march ayay ahayd markii uu Sacuudigu fas axay dhoofka xoolaha Soom aaliya, kadib muddo sanado ah oo ay xayi rnaayeen.

Dhoofka xoolaha ayaa ah mid kamid ah ilaha dhaqaale ee uu dalku ku tiirsan yahay, maadaama ay Soomaaliya kamid ta hay dalalka ugu xoolaha ba dan caalamka.

Wasaaradda Amniga Somalia oo Digniin kasoo saartay hubka sharci darrada ah

Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuum adda Federaalka Soomaaliya ayaa awaamiir adag kasoo saartay hubka sharci darrada ah ee aan ka diiwaan gashaneyn wasaarad da, kadib War-saxaafadeed ay Dorraad Wasaaradda soo saartay .

Wasaaradda Amniga ayaa sheeg tay in sharciga uusan ogolaaneynin in hub sharci darro ah lagu dhex heysto hoyga, xafiisya da shaq ada iyo goob aha ganacsiga, sidoo kal ena aan la ogoleynin ka ganacsigiisa, soo dejinta iyo dhoofinta hubka.

Qoraalka Wasaaradda Amniga ay aa lagu faray hay’addii ama shirkaddii ka maa rmi weysa hub ay u adeegsato oo ay isku ila aliso inay ku waajib tahay in ay ka diiw aangeliso Wasaaradda Amniga, iyagoona intaas kusii daray in cid kasta oo sharciga jebisa tal laado laga qaadi doo no.Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Wasaa radda.

"Muwaadinka xushmadda iyo qaddar inta muda noow sharcigu kuuma ogolaan ayo inaad hub/rasaas ku heysato, hoyga aga, xafiiskaaga shaqada, goobta ada gana csi ama gaadiidkaaga dhexdiisa.

Sidoo kale sharcigu kuuma ogolaanayo ka gana csiga, soo dejinta iyo dhoofinta hubka.

Dhamaan falalkaasi waa dambi, qofkii lagu hel ana sharciga ayaa lala tiigsanayaa.

Hubka iyo rasaastu waa in ay gacan dowladeed oo qura ku jiraan, Sidaa awg eed Qofkii, hay’addii ama shirkaddii ka maarmi weysa hub ay u adeegs ato in ay isku ilaaliso waxaa ku waajib ah in ay ka dii waangeliso Wasaaradda Amniga Gud aha.

Muwaadin ka digtoonoow in aad shar ciga jebiso oo aad ciqaab mudato.

DF oo shaacisay sababta ay A/Madoobe ugu taageertay magacaabista maamulka Gedo

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, feder aalka iyo dib-u-heshiisiinta dowladda federaalka Soo maaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa shaaciyay sababta dowladda ay Axmed Madoobe ugu taageertay mag ac aabista maamulka cusub ee gobolka Gedo.

Wasiir Fiqi ayaa ayaa sheegay in maadaama gob olka Gedo uu kamid yahay maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe ay dowladdu ku saxan tahay inay ku taageerto Jubbaland ma mul kaasi cusub u magacaabay gob olkaasi.

"Nidaamka dowladnimada wa xa uu qabaa had dii uusan jirin go bol yiri waa go ’nay oo anaga waa ka baxnay, sharcigu waxa uu qabaa in mada xweyne dowlad-gobol eedku soo magacaabo maamulka go bolada iyo deg mooyinka, kuwa la doorto mooyaane kuwa kale.”

"Sabab looga horyimaada (magacaab ista Axm ed Madoobe ee maamulka go bolka Gedo) ma muu qan, dalkuna waa fed eraal oo mowqifkeygu waa midka dowlad da (ee hore loogu taageeray tallaaba da asi),” ayuu yiri wasiir Fiqi oo ka hadlayay kulan dadweyne oo ka dhacay Kismaayo.

Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in magacaa bista Gedo aysan ka duwaneyn magacaabista dowl ad-goboleedyada kale ee gobolada iyo degmooyin ka. "Dowladda fedraalka ah mowqifkeedu waxa we eyi maamulkii la soo magacaabay ee halkaan laga soomagacaabay ayay ayiday, dowladda federaalka mowqifkeeda kaas waaye. Sida ay u ayidsan tahay midka Shabeellaha Hoose iyo Hiiraan jooga ayay u ayidsan tahay.” Wasiir Fiqi ayaa garowshiyo ka bixi yay xiisadda ka taagan gobolka Gedo, isaga oo shaaciyay in xalk eeda lagu jiro, "Bulshada wax wey taban kartaa dar een ayay leedahay wixii u dhax eeya waa in la xaliyo, waana xalineyna arrinta gobolka Gedo.”

Dhawaan ayay aheyd markii wasaaradda arrim aha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta ay soo dhoweysay magacaabista maamulka cusub ee mada xweyne Axmed Madoobe u magacaabay gobo lka Gedo.

"Wasaaraddu waxay u hambalyeyney saa maa mulka cusub ee uu madaxweyn aha Jubbaland u ma gacaabay gobolka Ge do,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta.

Gobolka Gedo ayaa ah gobol inta badan aan gac an ugu jirin maamulka Axmed Madoobe, wuxuuna in tii uu xilka hayey madaxweynihii hore Maxamed Ca bdullaahi Farmaajo laga xukumi jiray Villa Somalia.

Waxaa weli intiisa badan gacanta ku haya ciidamo diidan Axmed Madoobe oo qaarkood ay ka tirsan yih iin ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, bal se uu halkaas geeyey madaxweyne Farmaajo.

Lama oga sida xubnaha cusub ee uu magaca abay Axmed Madoobe uga shaqeyn karaan gobolka Gedo, maadaama siyaasiyiinta gobolka ay si weyn u diidan yihiin Axmed Madoobe, islamarkaana ay awo od ciidan ku joogaan gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa marar badan sheegay inuu xal u heli doono xiisadda gobolka Ge do, balse weli uma dhaqaaqin inuu ka dhabeeyo bal lan-qaadyadaas, waxaana hadda muuqata in dow ladda federaalka ay la safan tahay garabka Axmed Madoobe oo is-hayaan garabka awoodda ciidan ku jooga gobolka.

Si kastaba, Xaaladda gobolkaasi ayaa markale cir ka isku sii shareertay, waxaana dhawaan magaala da Garbahaareey laga soo celiyay diyaarad uu la so cday gudoomiyaha cusub ee dhawaan uu magacaa bay Axmed Madoobe loo soo magacaabay, kadib markii ay is-hortaag ay ku sameyeen xubno ka tirsan maamulka horay ugu magacawna gobolkaasi iyo dad deegaanka.Xigasho:- Caasimadda.Net

Puntland oo sheegtay dagaalkii ka dhac ay Garowe in lagasoo abaabulay Villa Soomaaliya

Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa ku eedeeyay senat orada iyo xildhibaanada heer feder al ee Garowe ku sugan, inay ka dambeeyeen kicinta iyo abaabulka dagaalkii dhawaan ka dhacay Garowe.

Guddoomiyaha baarlamaanku wuxuu sheegay inay hayaan cadd eymo ku filan oo arrintaas muuj inaya, isagoo si gaar ah eedda u saaray guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee aqalka sa re, Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde.

Guddoomiye Abwaan Cabdirashiid wux uu ku eedeeyay Senator Timacadde, iyo saaxiibadiisa inay ka shaqeynayaan in Somaliland ay dib u qabsato ma gaalada Laascaanood, isagoo sheegay inay xaggal daacinayaan halganka SSC. Wuxuu kaloo sheegay in Villa Sooma aliya ay kasoo dhex hadlayso Senatorada ayna ku shaqeyna yaan aragtida madaxwe yne Xasan Sheikh uu ka leeyahay door ashada Puntland.

"Ciddii ka shaqeysa inay qalqal galiso caasimad da, iyo amni darrada Puntland, waxaan u aqoonsa naynaa inay yihiin cid taageersan Muuse Biixi iyo ca dowga SNM ee dalkeenna kusoo duulay,” ayuu yiri gud doomiyuhu. Dhawaan ayay ahayd markii guddoomi ye ku xigeenka labaad ee aqalka sare uu ku eedeeyay guddoonka baarlamaanka Puntland inay mas'uul ka yihiin dagaalka ka dhacay magaa lada Garowe, isagoo sheegay inay qalad ahayd inay ku degdeg aan furitaanka dastuurka

 

Ciidamada Booliiska Somaliland oo gacanta ku dhigay nin ku eedaysan in uu dilay qof shacab ah

Ciidamada Booliiska Somaliland ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen nin ku eedaysan in uu nin kale ku dilay xaafada Daami ee Hargaysa.

Qoraal kaasoo baxay taliska guud ee ciidamada booliiska oo lagu baahiyay barta Facebook ee ciidanka booliiska, ayaa lagu sha aciyay soo qabashada eedaysanaha.

"Taliska Ciidanka Booliska JSLayaa gacanta ku soo dhigay edeysaneYaasiin Ismaacil Cabdi kuna eedaysan ina uu dilay marxuum Cawil Cabdilahi Ca seyr, dilkas ayaa ka dhacay xaafadda Daami ee mag aalada Hargaysa" ayaa lagu yidhi qoraalka boliiska.

Ciidanka Booliska ayaa sheegay in hawl-gal iyo dedaal ay sameeyeen ay saacaddo gudahood gaca nta kusoo dhigeen eedeysanahan, isla markaana uu hadda ku jiro gacanta ciidanka booliska, degdegna loo horgeeyn doono sharciga.

Qoraalka ayaa waxa kale oo lagu yidhi "Ciidanka boolisku waxa uu ugu baaqaa yaa cid kasta oo isku dayda amni darro iyo khalkhal galinta amniga in gacan bir ah lagu qaban doono".

Ugu danbayntii, ciidanka ayaa shacabka ka cod saday in ay sii kordhiyaan xogaha ay la wadaagaya an iyo wadashaqaynta, si loo wanaajiyo amniga.

Guddiga nabad galyada gobolka Nugaal oo sheegay in aysan jirin cabsi dadku guryahooda uga qaxaan

Guddiga nabad galyada gobolka Nugaal ayaa beeniyay warar Habeen hore lagu faa fiyay baraha bulshada, kuwaas oo sheeg aya in laga cabsi qabo inuu dagaal mar kale ka qarxo magaalada Garowe.

Wararkan ayaa sababay in ma gaalada Garowe Habeen hore la ga dareemayo barakac ballaaran, iyadoo dadku ka cararayaan in mar kale korkooda lagu dul dagaala mo

Guddiga nabad galyadu waxay sheege en in aan ay jirin wax tallaabo ciidan oo la sameeyay, waxayna dadka ku wargaliyeen inay guryahooda ku sugnaada an oo aysan ku kadsoonin wararka lagu faafiyay baraha bulshada.

Guddoomiyaha guddiga nabad galy ada, ahna guddoomiyaha gobolka Nuagal, Cawil Mataan, ayaa sheegay in hay’adaha amnigu ay tallaabo ka qaadi doonaan cid kaste oo faafinaysa wararka been abu urka ah ee bulshada lagu marin habaaninayo.’

Hadalka guddiga nabad galyada ayaa yimid, iya doo muddo 24 saac ah laga joogo xabbad joojintii uu ku dhawaaqay Islaan Ciise Islaan Maxamed.

Inkastoo aanay xabbad dhicin Dorraad, haddana dadka waxay cabsi ka muujina yaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ka socda goobihii horey loogu dagaal amay.

Xeer ilaaliyaha guud oo musuq maasuq ku ee deeyay xubno katirsan wasaaradda warf aafinta iyo sarkaal ciidan

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya ayaa maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyay eedda labo sarkaal oo katirsan wasaaradda warfaafinta iyo sarkaal katirsan ilaalada madaxtooyada.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa shakhsiy aadkan ku eedeeyay inay ku kaceen xatooyada xoolo dadwey ne. Xeer ilaalinta waxay ka codsatay maxkamadda inay muddayso dhegaysiga kiiska, si loo bilaabo max kamadaynta eedeysanayaasha.Tan iyo markii x ukuumaddu ku dhawaaqday qara ar ka dhan ah mu suq maasuqa, xafiiska xeer ilaal iyaha ayaa qaaday tallaabooyin lagu beegsanayo dad xilalka ka haya ha y’adaha Dowladda, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ku kaceen masuq maasuq Shakshiyaadka loo xiray musuqa waxaa kamid ah, agaasimihii wasaaradda shaqa da iyo arrimaha bulshada. Maalin ka horna sarkaal katirsan hoggaan ka ilaalada can shuuraha ee ciidanka booliiska ayaa loo xiray musuq maasuq.

In dowladdu la dagaalanto musuqa ayaa salka ku haya kaddib markii ay soo baxeen warbixino badan oo ku saabsan musuq xargaha go ostay oo lagu eedeeyay hay’adaha Dowladda, taasoo khatar ku ah ta ageerada dowladdu ka hesho bee sha caalamka, iyo qorshaha dayn cafinta.

Warbixin baariseedka xafiiska Ha ntidha wrka ayaa maalmo ka hor lagu sheegay in khasnadda dhexe ee dowladda Soomaal iya uu ka maqan yahay dakhli 21 Milyan oo dollar intii u dhexe ysay 08 March 2018 ilaa 19 April 2023.

Xafiisku wuxuu sheegay dhaqaalahaas inuu ku maqan yahay maamulka Xafiisy ada bixiya adeegy ada kordhinta fiisaha iyo ruqsadda shaqada oo kala raacsan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bul sha da iyo Hay’adda Scodaalka iyo Jinsi yadda iyo sidoo kale Xafiisyada qabashada dakhliga, xisaabinta iyo xaraynta dakhliga.Xigasho:-hiiraan.com

Shiinaha oo caalamka ugu baaqay in la horumariyo hannaanka siyaasadda ee Soomaaliya

Ergayga joogtada ah ee dowladda Shiinaha u fadhiya Qaramada Midoobay Zhang Jun ayaa ku ba aqay in la sameeyo dadaallo lagu horumarinayo han naanka siyaasadda ee Soomaaliya,xilli uu ka qey bgalay shirka golaha ammaanka ee Qaramada Mid oobay,kaas oo khuseeyay arrimaha Soomaaliya.

Hadal uu jeediyay ayuu ku sheegay in beesha Caalamku ay ixtiraamt aa madax banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya,isla mar kaana la bixiyo taagee ro wax ku ool ah.

Zhang ayaa soo jee diyay in golaha ammaanka ay dib u eegis ku same eyaan Soomaaliya, isla markaana wax ka beddelaan tallaabooyinka cunaqabateynta hubka ee saaran ,iyadoo ay lagama maarmaan tahay in Soomaaliya laga taageero sidii ay u xoojin laheyd awoodeeda difaaca.

Shiinuhu wuxuu soo dhawaynayaa hindisaha u dhexeeya Soomaaliya, Jabuuti, Itoobiya, iyo Kenya ee ah in la sii qoto dheereeyo iskaashiga la dagaa lanka argagixisada gobolka si loo ilaaliyo ammaanka guud, ayuu yidhi.

"Shiinuhu wuxuu diyaar u yahay inuu beesha caal amka kala shaqeeyo sidii ay gacan uga geysan lah ayd sidii nabad iyo xasillooni waarta loogu heli lahaa Somaliya,” sidaasi waxaa carabka ku adkeeyay erge yga Shiinaha ee fadhigiisu yahay QM.

DFS waa inay dar dar gelisaa tayeynta ciidamade eda amniga, ayna sare u qaaddo awoodeeda mad ax-banaan ee ka hortagga argagixisada, ayuu yiri ergayga Shiinaha.

Shiinaha waxa uu mar walba Soomaa liya ka taa geerayaa dadaallada lagu doon ayo in lagu gaaro na bad waarta iyo dib u dhis qaran, waxaana uu ka ca awiyay dalka inuu kor u qaado awooddiisa la dagaal lan ka argagixisada iyo ilaalinta xasill oonida.

Cindy McCain oo caalamka u dirtay ba aq deg deg ah oo ku saabsan Soomaaliya

Madaxa Barnaamijka Cuntada Adduunka ee WFP ayaa Khamiistii ugu baaqday bee sha caalam ka inay caawimaad u diraan Soomaalida "dhibaat ada iyo gaajada” ay hayso, xilli cunto yarida ay kusii baaheyso dalka.

In ka badan 6.6 milyan oo qof, ama 3 meelood laba meel shac abka, ayaa la filayaa inay wajaha an xasarad cunto ama heerar ga ajo oo kasii daran sanadkan, ayey Cindy McCain u sheegtay Golaha Ammaanka ee QM.

"Waxaan tegay Soomaaliya bishii tagtay, waxaa na soo arkay sida dagaalka iyo isbeddelka cimilada ay isaga kaashana yaan burburinta nolosha mala ayiin Somali ah,” ayey tiri. "Waan argagaxay oo ka qalbi jabay wa xa aan soo arkay — rabashado, cabsi, iyo gaajo daran ayaa xaqiiqda nolosha ka ah halkaas.”

Soomaaliya oo abaar daran ay ka jirtay tan iyo 2020, ayaa 2022 ka badbaaday macluul "sababtoo ah beesha caalamka ayaa aragtay digniinaha una carartay inay ka jawaabto,” ayey tiri McCain.

"Hase yeeshee waxaan hadda halis ugu jirnaa inaan lumino horumarkii la sameey ey tan iyo maa lmihii madoobaa ee sanadkii tegay,” ayey ka digtay.

Tirooyinka halista ah waxaa ka mid ah 40,000 oo qof oo hadda ku sugan "xaalado macluul oo kale ah” iyo 1.8 milyan oo caruur ah oo la filayo in sanadkan ay wajahaan nafaqo darro.

Tan iyo billowgii sanadkii tegay, dagaallada ayaa uga sii daray barakac ka dhashay baahi lala xirii rinayo isbeddelka cimilada. "Guuritaanka joogta da ah ayaa dad badan ka dhigay kuwa sabool ah, ga ajey san oo argagaxsan,” ayey tiri McCain.

Waxay sheegtay in ayada oo taas ay jirto, hadda na ay WFP ay dhintay gar gaarkii ayada oo kaliya sa dded milyan ay bishii April heleen gargaar cunto, taa si oo ka yar shan milyan oo helay bishii Dec ember.

Haddii aan la helin maal-gelin dheeraad ah, tirada as waa ay sii yaraan doontaa oo waxay noqon doon taa laba milyan bisha July.

QM ayaa codsatay $2.6 bilyan oo garg aar ah oo loogu talo-galay Soomaaliya 2023, hase yeeshee ka liya 30 boqolkiiba qorshahaas ayaa la maal-geliyey .AFP, VOA

Mareykanka:Ururada bulshada oo dalb aday in la taageero qoysas ay ka baxeen shan gabdhood

Culimada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota ayaa Jaali yadda Soom aliyeed ee degan gobo lkaas ugu baaqay inay garab istaagaan qoy saskii ay ka bax een 5-tii gabdhood ee ku geeri yoot ay Mareykanka.

Qaar kamid ah culumada Soomaaliy eed ayaa qabtay kul an hordhac ah oo la gu gudbinaayeen farriimmo ku socda jaaliya dda Soomaaliyeed ee gob olka Minnesota ,kaas oo ku saabsanaa taageero iyo duco. Culumada ayaa xusay in ay wadaan qaba nqa abinta kulan lagu wado in uu dhaco maal inim ada berrito ah,waxaana lo ogu baaqay dhammaan dadka Soomaali yeed oo ay ku jiraan kuwa ganacs atada ah in ay ka soo qeybgalaan.

Kulanka ayaa ujeedadiisa lagu sheeg ay in uu la xiriiro sidii lacago taageeri ah loogu uruurin lahaa qoysaskii ay ka baxeen gabdhihii dhowaan ku dhin tay shil gaarei oo ka dhacay mareykanka.

Lacagahaasi taageerada ah ayaa la xusay in loo adeegsan doono sifo sharci ah si loo helo aqoonya hanno sharci yaqaan ah oo u dooda marxuumiinta asi..

Axmed Yaasiin " Raashinka gargaarka ah ee Itoobiya laga joojiyay waxa uu saameyn wa yn ku yeelanayaa dowlad degaanka Sooma alida"

Wasiirka Xafiiska Maareynta Khataraha iyo Masi ibooyinka ee dowlad degaanka Soomaalida Axmed yaasiin Sheekh Ibraahim oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in gargaarkii kala duwanaa ee USAID ay siin jirtay dalka Itoobiya ee haatan ay joojisay ay saameyn wayn ku yeelanayso dowlad degaanka Soomaalida oo ay ku nool yihiin barakacayaal aad u badan.

Dhinaca kale Wasiirku waxa uu xusay in gargaarkaas ay hay'addu jooj isay ay dal ahaan ku tiirsanaay een 20 Milyan oo qof " Deeqahaas la joojiyay waxaa ku tiirsanaa 20 milyan oo qof dal ahaan, hal ka degaan ahaana ay ku tiirsanaayeen dad gaaraya 2 milyan iyo 8 boqol uu kun oo qof ' ayuu yiri Was iirku.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in gargaarka raashinka ah ee haatan la joojiyay ay saamayn adag ku yee lanayso degaanka Soomaal ida, maadaa ma uu kusoo hagaagayo go'aankaasi iy ad oo aan wali sifiican aan looga soo kaban Abaar ihii degaanka ka jiray, oo xoolo badani ku baaba'een dad badanna ku barakaceen, waa siduu hadalka u dhigay Wasiirku.

" Degaanka Soomaalida waxaa ku nool in ka bad an 1milyan oo qof oo barakaca yaal ah, kuwaas oo qayb kamid ah ay yih iin dadkii kusoo barakacay co laaddii Orom ada iyo Soomaalida, iyo kuwo ku bar aka cay Abaartii degaanka Soomaalida ku dhuf atay ee u dambaysay, dhammaaan dadka asi waxay rab aan in toos loo quudiyo mar kaa taasina waa culays soo kordhay" ayuu yiri Wasiirka Xafiiska Maareynta Khataraha iyo Masiibooyinka ee dowlad degaanka Soomaalida Axmed yaasiin Sheekh Ibraa him.

Ugu dambayn, Wasiirka ayaa xusay in la wado dadaallo wax looga badalayo qaab ka loo qaybiyo ra ashinka gargaarka ah ay hay'aduhu bixiyaan, wuxu una sheegay inay rajaynayaan in Maraylanku uu go' aan kaas dib uga noqdaan.

Hay'adda USAID oo laga leeyahay dalka Maray kanka ayaa sheegtay inay jooj isay raashinkii gar gaarka ahaa ee aysiin jirtay dalka Itoobiya, iyadoo taana loo sab abeeyay in raashinkaasi uusan gaarin dadkii loogu talagalay, arrinkan ayaa lagu sheegay in gobolka Tigray ay oa dhacday oo dad kale ay lee xsadeen raashinkii garg aarka ahaa ee loogu talag alay gobolkaasi Tigray, taas oo si guud u saamaysay dega annada kale ee dalka Itoobiya.

Ergeyga cusub ee QM oo sheegtay in weli xaalad Bini’aadantinimo oo khatar ay ka jirto Somalia

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay aa Dorraad kulan gaar ah oo ka dhacay Xarunta Qar amada Midoobay ee NewYork ka yeeshay xaaladda dalka Soomaaliya, waxaana Warbixin looga dhageys tay Ergeya UN-ka ee Somalia Catriona Laing.

Iyada oo ka hadlaysa kulankeedii ugu horreeyay ee Golaha Ammaanka Ergeyga Gaarka ah ee Xog aya Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Catriona Laing ayaa sheegtay in intii ay ku jirtay safarradii ay ku soo martay Soomaaliya labadii tod dobaad ee ugu horreysay in ay indheheeda ku soo aragtay horumarka baaxadda leh ee uu dalku ka sa meeyay dhinaca dawlad dhiska iyo nabad dhiska.

Ergeyga oo hadalkeeda wadata ayaa Golaha Am maanka u sheegtayin Soomaaliya ay horumar la ta aban karo ka samaysay horumarinta arrimaha muh iimka ah ee qaranka, oo ay ka mid yihiin mag acaabi sta guddiga madaxa bannaan ee dib u eegi sta das tuurka, meel marinta 11 sharci, iyo qabasha da doora sho qof iyo cod ah oo ka dhacday Puntl and. Waxay intaa ku dartay in xaaladda bini’aada nti nimo ee Soomaaliya ay weli tahay mid khatar ah, taasoo ay ugu wacan tahay colaadaha, isbeddelka cimilada iyo yaraanta taageero dhaqaale. Sidoo kale Ergeyga Gaarka ah ee Xogaya Guud ee QM/ ee Soo maaliya Catriona Laing ayaa ku boorisay in la taage ero 8.25 milyan oo qof oo u baahan gargaar waxay na muujisay baahida loo qabo xalal waara.

Shacab dhimasho iyo dhaawac ku noqd ay qara xyo ka dhacay Shabeellaha Hoose

Saddex qarax oo gaystay khasaare isugu jira dhi masho iyo dhaawac soo gaa ray dad shacab ah ay aa ka dhacay deeg aanka Bariire oo hoostaga degm ada Aw dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Qaraxyada oo ahaa miinada nooca dhul ka la gu Aaso ah ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 5 Ruux halka 20 kale ay ku dhaa wacmeen, kuwaas oo qaarkoo dhaawac ooda culus yahay.

Xildhibaan Maxamuud Maaxi Yuusuf oo kamid ah Baarlamaanka Koonfur Galbe ed ayaa sheegay in qaraxa Koowaad oo haleelay laba qof oo watay Mooto Fekon, balse dadkii doonayay inay u gurmad aan qarax kale uu haleelay, sidaasina dadka ay waxyeelada kusoo gaartay.

Wuxuu sheegay in musiibo ay ka dha cay deega anka Bariire oo hoostaga degma da Awdheegle, isla markaana dadka qara xa ku dhaawacmay la keenay isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho si loogu daaweeyo.

Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa aad ugu badan dhacdooyinka la xiriira qaraxyada Miino, kuwa as oo lala bee gsado Ciidamada dowladda, hayee shee mararka qaar ay dhimasho iyo dhaawac ku noq daan dad Shacab ah.xigasho:risaala.com

Qaramada Midoobey ayaa walaac ka muujisay ra bshadaha cusub ee 7baad kan ka soo dhex cus boona aday Falasti iniyiinta iyo Israel.

Madaxa Xuquuqul Insaanka QM, Volker Türk ay aa ka digay rabshadihii ugu dambeeyay ee ka dhac ay Daanta Galbeed ee la haysto, isagoona sheegay in ay xaaladda kaga sii dari karaan.

Madaxa Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey ayaa sheegay in rabshadaha ka soo cusboonaaday Bariga Dhexe ay suurtagal tahay inay faraha ka baxaan.

Volker Türk ayaa sheegay in dila lka 14 qof oo Falastiini yiin ah iyo af ar qof oo Israe liyiin ah, oo ay dheer tahay hadalada xanafta leh ay sa babi karaan in xiisadda lab ada dhinac ay meel adag gaarto.

Volker Türk ayaa Israel ugu baaqay inay dib u dej iso siyaasadaheeda iyo ficila deeda ku aaddan Da anta Galbeed ee ay xoogga ku haysato.

"Israel waa in ay si degdeg ah dib ugu dejiso siya asadaheeda iyo ficiladeeda Daanta Galbeed ee la haysto, si waaf aqsan xeerarka caalamiga ah ee xuq uuqul insaanka, oo ay ku jiraan ilaalinta iyo ixtiraam ka xuquuqda nolosha.” Ayuu Volker Türk ku sheegay qoraal uu soo saaray.

Türk ayaa yiri "Si rabshadahan loo dha meeyo, waa in la soo afjaraa qabsashada Daanta Galbeed. Dhammaan dhinac kasta, dadka awoodda siyaasade ed leh way og yihiin arrintan, waana inay qaadaan tallaa booyin degdeg ah, si arrintan loo xaqiijiyo.”

Hadalkiisa ayaa imaanaya, xilli ay weli xiisad ka taagan tahay dhulka la haysto, iyadoona Ciidamada Israel ay toogasho ku dhaawaceen 100 qof oo Fal astiiniyiin ah, halka ay burburiyeen tobanaan guri oo ku yaala Waqooyiga Daanta Galbeed.

Ciidamada Israel ayaa Isniintii iska caabin kala kala kulmay dagaal-yahanada Falastiiniyiinta, intii ay hawlgal ka wadeen xero qaxooti oo ku taala Jenin ee Daanta Galbeed. Ku dhawaad ​​180 qof oo Falastiiniyiin ah ayay Ciidamada Israel dileen, tan iyo bilowgii sanadkan, sida ay sheegtay Wasa aradda Caafimaadka Falas tiin. Ugu yaraan 25 Israeliyiin ah ayaa sidoo kale la gu dilay weeraro kala duwan, isla muddadaas

WAA KUMA JOHNNY SOMALI, MAXAASE LOO HADAL HAYAA?

Johny Waxaa maalmahan aad loo hadal hayaa Johny Somali, oo ah dadka baraha bulshada caanka ka ah, isla markaana barihiisa Youtube-ka iyo TikTok kusoo bandhiga muuqaallada safarro uu ku marayo dalal kala duwan, isagoo bulshooyinka dalalkaasna la sheekeysta waxna ka weydiiya taariikhdooda.

Ninkan oo la sheegay inuu yahay Soom aali-Ame erikaan ayaa isku sheega in yar aantiisii uu askar ahaa, isla markaana uu yahay burcad-badeed sida ku xusan ba rtiisa Youtube-ka.

Johnny Somali ayaa cambaareyn kala kulmay mu uqaalladiisa oo dadka qaar ay ku eedeeyaan in had allo cunsuriyad ay ku dheehan tahay uu dadka ku dhoho, dhaqankooda uu ku maadeysto, haweenka uu dhibo isla markaana buuq uu ka abuuro meelaha ay dadku isugu yimaadaan.

Muuqaal kiis ayuu ku sheegay in aabih iis uu ya hay Soomaali halka hooyadii ay tahay Itoobiyaan, "waxaan doonayaa in aan hal wax caddeeyo, aabah ay waa Soo maali hooyadayna Itoobiyaan, hooyaday waa Oromo," ayuu yiri.

Waxaa muuqaalladiisa qaar lagu arkaa dadka oo la dagaalaya isaga, sababo la xiriira hadallada uu ku yiraahdo.

Ninkan ayaa toddobaadkii la soo dhaa fay ku sugnaa jasiiradda Bali oo qaaradda Aasiya ka tirsan, iyadoo dadka ay diidmo ka muujinayeen imaanshih iisa ka dib, dhac dooyin kuwaas la mid ah oo lagu eedeeyay inuu ka sameeyay dalka Japan.

Waa kuma ninka Soomaaliga ah ee taariikhda cusub ka dhigay gobol ka tirsan Mareykanka?

Muxuu ka sameeyay Japan?

Marka la eego muuqaallada uu soo dhigo barihiisa bulshada, Johnny Somali wuxuu ku sugnaa dalka Japan bilihii May iyo June. Inkastoo markaa kahor uu waqti dheer ku qaatay dalka Thailand.

Dhowr muuqaal oo uu bartiisa YouTube soo dhig ay, Johny waxaa la arkayay isagoo meelaha ay dad ku isugu yimaadaan ku qaqashaadaya haween, isla markaana ku dhahaya hadallo ‘dumar nacayb ah iyo kuwo cunsurinnimo ku dheehan ta hay’. Johnny So mali ayaa sidoo kale intii uu Japan ku sugnaa la arka yay isagoo dhibaya dhalinyaro ku sugnaa tareen dhexdiisa, isagoo kala hadlayay arri maha Hiroshima iyo Nagasaki (magaalooyin Japan ku yaalla oo Mare ykanku bamboo ku weeraray san adkii 1945), isagoo dhahaya "Waan sameyn karnaa mar kale.”

Mid ka mid ah rakaabka, oo sheegay inuu asal ah aan Kuuriyaan yahay uuna heysto dhalashada Mar eykanka, ayaa la murmaya kana codsanaya inuu xu shmad muujiyo. Dhowr muuqaal, Johnny Somali uma muuqan mid ka qoomameynaya ficilladiisa, is agoo sheegay inuuba ka helo falcelinnada ka dha sha muuqaalladi isa uuna kuba sii caan-boxo.

Waxaa sidoo kale jirtay in qudhiisa dhibaato ay soo gaartay , oo marka ay dadku aqoonsadaan uu khatar u galo in lala dagaallamo.

Dhammaadka Twitter boggan

Mid ka mid ah dadka isticmaala baraha bulshada ay aa Twitter-ka kusoo qoray "Johny Somali ayaa halk an lagu arkay isagoo labo gabdhood oo Japan u dha shay ugu yeeraya inay fool xun yihiin sababtoo ah ma aysan dooneyn inay ka soo dhex muuqdaan muu qaalkiisa". Haatan wuxuu ku sugan yahay jasiiradda Bali, imaanshihiisa toddobaadkii la soo dhaafay ayaa bar aha bulshada jasiiraddaas ka dhex abuurtay dood, iyadoo dadku ay muujinayeen inay ka war hayaan taariikhdiisa. Inkastoo weli uusan gudaha jasiiradda ka abuurin sida falcelinnadii ka dhashay safarkiisii Japan, haddana mar uu booqday xeebta Bali.Muuqaalka ayaa laga arkayay isagoo la hadlaya labo nin oo xeebta ku sugan, kadibna ay murmayaan.XIGASHO:-BBC


MAXAAD KA TAQAANAA DAA'UUD, SULEYMAAN IYO RAGGA KALE EE KU DHINTAY MARKABKII DALXIISKA EE BADDA HOOSTEEDA LAGU LA'AA?


Doonta Titan Qoraalka sawirka,

Doonta Titan

Waa la cusbo oneysiiyayI Ilaalada xeebaha Mareykanka ayaa shaaciyay in la rumeysan yahay inay dhinteen dhammaan sha ntii qof ee saarnaa markabkii gujiska ahaa ee ay la socdeen dalxiisayaashii maalqabeenka ah aa oo maalmihii ugu dambeeyay la baadi goo ba yay.

"Anigoo ku hadlaya magaca Ilaalada Xeeb aha Mareykanka iyo dhammaan taliska midey san, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoys aska," ayuu yiri Admiral John Mauger.

Shirkadda OceanGate oo iska lahayd mar kabkii ay dalxiisayaasha saarnaayeen ayaa dhankooda bayaan ay soo saareen waxay ku sheegeen inay rumeysan yihiin in dhammaan shantii qof ee saarneyd ay dhinteen.

Markabkan ayaa la waayay Axaddii isla markana waxaa tan iyo xilligaasi lagu jiray baadigoobkiisa.

Doontaas waxaa la waayey subaxnimadii Axadda, waxaanan qormadan ku eegeynaa wararkii ugu dambeeyey ee baadigoobka doo nta iyo dadka saaran, sida iyo waxa ay ka sam aysan tahay doonta, dadka saaran oo aan mid kasta si kooban u sharraxi doonno qofka uu yahay iyo rajada la qabo inta ay le’eg tahay.

Maxaan ka ognahay Titan?

Meel u jirta 400 oo mayl xeebaha Atlantigga ee dalka Canada ayaa waxaa Dorraadnimadii Axadda ka billowday baadigoob loogu jiro aalad yar oo u samaysan sida doon qafilan (laakinse aan ugu yeeri doonno doon). Doontaas waxaa la yiraahdaa Titan, waxaana maamusha oo iska leh shirkad la yiraahdo Ocean Gate.

Doontaas waxaa loogu tala galay inay qaa ddo dadka doonaya inay soo arkaan markabka caanka ah ee Titanic ee quusay 1912, kaasoo iminka yaalla meel joogga badda ka hooseysa 12,500 oo dhudhun. Hore dad ayey doontaas u qaadday, dibna u soo celisay ayagoo bed qaba, laakin markan arrintu sidaa wey ka duw an tahay.

Aroornimadii axadda saacaddu markay ah ayd 08:00 ayey doontaas ka daadegtay markab dusha sare ee biyaha u fadhiya (mother ship) kaasoo la socda dhaqdhaqaaqa doonta, xiriirka dadka saaran iyo dejinta iyo soo saaristaba.

Hase yeeshee waxaa isgaarsiinta doonta oo lagula xiriirayey farriin-qoraaleed oo kaliya ay go’day 09:45.

Kooxda saaran markabka dusha fadhiya wa xay isku dayayeen tan iyo 5tii Dorraadnimo in ay war ka helaan kooxda doonta saaran, laa kinse markii war laga waayey ayaa la warga liyey markii ugu horraysay maamulayaasha, ayadoo baadigoobkana uu si rasmi ah u billowday, kaasoo ilaa hadda socda.

Titanic wuxuu quusay 1912

Qoraalka sawirka,Titanic wuxuu quusay 1912

Doonta sidee u samaysan tahay? Doontan wax ay ka samaysan tahay dhuun ama tuubo loogu tala galay in ay qaaddo dhowr qof muddo gaa ban. Dhererka Titan wuxuu le’eg yahay 6.7 mitir, ballaciisana waa 2.8 mitir, joogiisana waa 2.5 mitir sida laga soo xigtay shirkadda iska leh ee Ocean gate.

Matoorrada ku xiran oo ah afar matoor wax ay siin karaan xawaare gaaraya 5.5 kiloomi tir biyaha hoostooda saacadiiba, laakinse dusha sare uma soo saari karaan.

Wuxuu leeyahay hal badhan oo laga shido, waxaana laga hagaa oo isteerin u ah gacanka qalabka lagu cayaaro cayaaraha kombiyuutar ka oo si macmal ah loogu rakibay. Shirkaddu waxay sheegtay in la fududeeyey wadidda doo nta oo aysan u baahnayn dad khubaro ah inay kaxeeyaan.

Waxaa ku xiran nalalka loogu tala galay tee ndhooyinka lagu dalxiiso ee baadiyaha laga dhisto.

Hamish Harding

Harding waa guddoomiyaha shirkadda Acti on aviation, waana maal qabeen Britain u dha shay. Shirkaddiisu waxay shirkadaha caal ami ga ah, madaxda caalamka, iyo shaqsiy aadka caanka ah ee ku jira madadaalada iyo cay aaraha ka iibisaa dayaaradaha lagu raaxaysto.

Hore wuxuu u noqday, sida laga soo xigtay diiwaanka Guinness, qofkii ugu dhakhsiyaha ba dnaa ee sameeyey duullimaad lagu dul war eegay dunida, kaasoo isaga iyo koox la soc otay ay ku sameeyeen 46 saacadood.

Wuxuu kaloo Bishii June u baxay safar uu soo abaabulay Jeff Besos oo isaga iyo dad kale ay u baxeen halka ugu dambaysa dahaarka du nida ku gedaaman ee hawada sare looga baxo.

Shahzada iyo wiilki isa Sule man Qoraal ka sawirka,

Shahzada iyo wiilki isa Sulem an Shahz ada Dawood

Shahzada Dawood waa 48 jir guddoomi ye ku xigeen ka ah shirkadda Dawood Hercules. Waa shirkad wax maalgalisa oo saldhigeedu yahay magaalada Karachi. Shir kadaas waxay ka mid tahay Da wood Group oo ah ganacsi ay qoys leeyihiin. Sidoo kale waa ninka leh dhaxalka qoyska sida laga soo xigtay wargayska New York Times.

Shahzada wuxu deggan yahay UK, wuxu una la nool yahay xaaskiisa iyo laba carruur ah oo u dhalay. Wuxuu shahadada Master-ka ka haystaa jaamacadda Philadelphia. Wuxuu ka loo shahaado ka haystaa jaamacadda Buckin gham University ee UK. Suleman Dawood

Suleman waxaa dhalay Shahzada Dawood, waana wiil 19 jir ah sida laga soo xigtay warbaa hinta UK. Waa nin jecel sayniska khayaaliga iyo cayaarta kubadda laliska. Paul Henry Qor aalka sawirka, Paul Henry Paul-Henry Narg eolet Wuxuu ku magac dheer yahay "Khabiirka Tita nic” sida lagu qoray barta shirkadda Ocean Gate. Wuxuu horkacayey 6 goor oo socdaal la gu aaday markabka Titanic ee badda hoos tee da fadhiya.

Wuxuu kaloo agaasime ka yahay shirkad Ameerikaan ah oo cilmi baarista badda hoost eeda ah samaysa oo la yiraahdo RMS Titanic Inc, taasoo haysata xuquuqda wixii ka badbaa day markabka Titanic.

Stockton Rush Stockton Rush

Qoraalka sawirka, Stockton Rush

Waa madaxa shirkadda Ocean Gate, waana naakhuudaha wada doonta la la’ yahay. Markii uu 19 jir ahaa wuxuu noqday duuliyihii ugu da’ da yaraa ee kaxeeya dayaarad xamuul.

Wuxuu noqday duuliye duuliya dayaaradda DC8. Wuxuu shahaadaha handasada ka qaat ay jaamacadda Princeton 1984, shahaadada masterkana wuxuu 1989 ka qaatay Berkeley Haas School of Business.

Rajada la qabo

Waxaa aad u yar raja da laga qabo in shant aas qof la soo badbaa diyo ayadoo lagu jiro saacadihii u dambeeyey ee baadigoobka.

Waxayaabaha aadka looga baqayo waxaa ka mid ah in ogsijiinka uu ka dhamaado, taasna waxay keeni kartaa in muddo gaaban ay miyir doorsoomaan, ka dibna ay geeriyoodaan.

Culayska kale ee jira waa in aan la ogayn halka saxda ah ee ay ku sugan yihiin waayo baddu waxay leedahay moqjado gunta hose ka jira oo xoog leh.

Baaritaanka wuxuu diiradda saarayaa 10, 000 oo dhudhun oo isku wareeg ah oo badwe ynta hoosteeda ah. Baarayaashu waxay sheeg ayaan inay maqlayaan sharqan aan la ogayn jihada ay ka imaanayso.

Arrinta kale ee xusidda mudan waa in ays an gunta badda tegi karin bani aadmi. Sababtu waxay tahay cadaadiska biyaha badda oo 300 oo goor ka xoog badan midka bani aadmigu ya qaanno, iyo qabowga oo ku dhow darajada ay biyuhu ku barafoobaan. Waxa kaliya ee lagu hanweyn yahay in ay soo samatabixiyaan dadkaas waa laba qalab (Robot) oo awood u leh haddii ay helaan inay dibadda u soo saaran, nolol ama geeri.

XIGASHO:-BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip