Xafid Xubinta u gaarka ah Haweenka.

0
Wednesday June 21, 2023 - 21:40:31 in Wararka by
  • Visits: 1149
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xafid Xubinta u gaarka ah Haweenka.

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Wax yaalaha Maadiga ah ee Alla Abuuray ee Qiimaha sare leh, si taxadar leh ayaa Alle u daboolay weyna Adagtahay in si fudud lagu helo.

1.Dheemanka "Diamond” waxaa laga helaa meel Hoose oo dhulka ah, si fududna laguma helo.

2.Luulka” Pearls” waxaa laga helaa Gunta hoose ee Badda waxaana lagu daboolay Kalax Qurux badan.

3.Dahabka badanaa waxaa laga helaa Gunta hoose ee dhulka dhagxo iyo Carro badan ayaa ka sareeyo, waxa loo baahan yahay shaqo adag iyo kharaj si loola soo baxo.

4.Cambarta waxaa lagu dhax xafiday Noole Badda ku jiro calooshiisa kaa oo marba meel ugu dhaqaaqayo Badda.

5.Haweenka waxaa Alle Siiyay Xubin Qaali ah, waxaa lagu qariyay qeyb jirkeeda ka mid ah oo si fududna aan loo arki karin,waxaa lagu sii xijaabay Xuubka "Bikrada” oo aan Ragga loo abuurin, kadibna haweenka waxaa la faray in ay xafidaan hadiyadda ka qaalisan Dheemanka, Dahabka, Cambarta iyo Luulka.

Heerarka loo maro helidda Macdanta qaaliga ah.

Haddii ay Shirkad Macdanta baarto ay Howl galee, waa in ay heeysato Qalab, Hanti iyo Aqoon.

 

Ragguna haddii ay Haweenka Rabaan, waxaa jiro shuruudo Allaah SC uu ku xiray.

             A.Shirkada Macdanta Baarto, waxa ay Heshiis la galee Dowladda, waxaana la diyaarinaa Xafladii saxiixa. ( Gabadha waxaa heshiis lala Galaa Qoyska.

 

Family = Government)

            B.Dowladda iyo Shirkadu waxa ay diyaarinayaan ( professional Contract) sidaa oo kale Gabadha waxaa loo diyaarinayaa.

 

Xafladii Arooska iyo Nikaaxii Sharciga ahaa ( wedding and legal marriage)

           C.Haddii macdantaan Qaaliga ah ay banaanka iska taal, waxaa ka faa’iideysanayo Shirkado Tuugo ah oo aan sharci leheyn.

Sidoo kale Haddii Gabadha macdanteedu ay dibadda iska taal waxaa ka faa’iiseysanayo Rag sharci la’aan ku qaraabto.

            D.Haddise Macdanta Dalku xafidan tahay waxaa u fasaxan Shirkadaha Sharciga ah oo kaliya.

Haddii Gabadhu jirkeeda xafidana waxaa u fasaxan Kii Allaah isku sharciyeey oo kaliya waxa ayna noqonee mid sharfan.

                    E.Haddii Macdanta Sirteedu meel yar ka dusto waxaa ka faa’iidayo Shirkado la been Abuuray, haddii Macdanta Gabadhana meel yar laga feeydo oo aan la wada asturin indhaha Tuugada ayeey soo jiidanee.

FG: u sheega Xaasaskiina, Gabdhihiina, Walaalihiin iyo saaxiibadiin in ay ilaaliyaan Macdanta Ka qaalisan, Dahabka, Dheemanka, Luulka iyo Cambarta ee Alla siiyay uuna kala dardaarmay una dhigay meel Qarsoon oo jirkooda ka mid ah, Xuubna lagu daboolay, inta kalena Gabdhaa lagu aaminay.

Ragoow Adiguna ha noqon Shirkadaha si sharci daro ah Macdanta ugu gurto wadamada aan awooda leheyn ama Dowladaha la galo Heshiis aan loogu daneyneyn Dalka leh Macdantaa Qaaliga ah.

FG.   Waa iga talo, wixii ka khaldan ka sax, wixii ka dhimanna ku dar.

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip