Madaxweyne Deni oo xilkii ka qaaday Wasiirkii Amniga Puntland & sababta

0
Saturday June 17, 2023 - 13:44:42 in Wararka by
  • Visits: 182
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Deni oo xilkii ka qaaday Wasiirkii Amniga Puntland & sababta

    Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Maanta oo sabti ah xilka qaadis ku sameeyay Wasiirkii Wasaaradda amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Galan iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulkaasi. Wareegto

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Maanta oo sabti ah xilka qaadis ku sameeyay Wasiirkii Wasaaradda amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Galan iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulkaasi. Wareegto kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Saciid Deni Ayaan sidaan u qorneyd: Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 26, 17 June 2023, Kuna saabsan xil ka qaadis. Madaxweynaha Puntland Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80aad. Markuu arkay: Xil gudasha la'aantooda Wuxuu xeeriyey: Waxaa xil ka qaadis lagu sameeyay: 1- Cabdisamad Maxamed Galan, Wasiirka Amniga iyo DDR-ta Puntland. 2_ Cabdiweli Mire Xirsi, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha , Federaalka iyo Dimuqraadiyeeynta Puntland. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip