FAALLO :-Dardaaran Deegaan!!! (Rag dhintay in aad Xasuusato, kuwa nool ayey Ceebtood tahay) .

0
Saturday June 17, 2023 - 08:31:25 in Wararka by
  • Visits: 1055
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    FAALLO :-Dardaaran Deegaan!!! (Rag dhintay in aad Xasuusato, kuwa nool ayey Ceebtood tahay) .

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..


Daqiiqado kadib Safarkeygii Maskaxda Waxaan ku soo noqday Xamar, Dadkii Deegaankaasi ka yimid waxa ay ku mashquulsan yihiin, Ganacsi iyo Doodaha siyaasadda ee aan dhaafsaneeyn Suuq bacaad & Siinaay.

Arrinta igu kaliftay Socdaalkaa dheer ee mustaqbalka Labada Degmo iyo Xeebaha Xaradheere, warba uma hayaan.

 

Ma ogo in deegaanka Labada degmo oo dhan ay Dad kale Caalamka ka Diiwaan gashadeen Shidaal, Shirimbi iyo Sheey kale oo aanan kuu sheegi karin, , lagala Dooday kadibna ay u diyaargaroobeen Dalaalkii iyo Dollar aan Dadkii Deegaanku kala doodi karin 40-ka Sano ee soo socoto, Dibaddana loogu daldalaayo Dahab iyo Dollar, Diifleeydii Deegaanka laheydna Qalin loogala wareegay.

Kuwa Nool qaarkood haddii xaqiiqdaan dhabta ah aan la wadaagi lahaa waxaan ka baqay in ay istaaga ka dhacaan oo isla goobtaa ay ku geeriyoodaan, Anigana Walaal la’aanu igu dhacdo.weliba iyaga oo igu jeesjeesayo oo leh odaygu waa waashay iyo waxaasi suuragal ma ahan, ( wanka weyn indhihiisu Qoraxda ma arkaan ilaa la goowraco)

Waxaan Xasuustay Odayaal badan oo Deegaankaa ka soo jeeday oo geeriyooday.

 

Ugu Dambeeyn waxaan soo xasuustay Xaaji Cali Geedi iyo Jan.

 

Xusein Kulmiye.

Waxaan ka baqay haddii aan iyagana u sheegi lahaa waxa aan soo ogaaday in ay i dhihi lahaayeen horaan u ogeyn, Dadkaagu Runta ma jeclo, Xanuunkaan ka qaadnay ayaan u geeriyoonayay ee Adna shib iska dheh ee noo imaad. (F.S: 1aad)

(Rag dhintay in aad Xasuusato, kuwa nool ayeey Ceebtood tahay) .

Aan iska aamuso, dhago aan laab u duleelin dhug malehe.

 

Dhulkaagu hadduu Janno noqdo, oo aadan leheyn soo joogsi aad ku difaacto, ama Aadanba ogeyn.


yaah, yaah.

 

Falastiinna arkay, mar dambe ayaad Dhagxa tuur bilaabi doontiin ee walba dhagax tuurka mustaqbalka sii barta, Dadka Deegaanadda Ceel dheer, Galcad iyo Xeebaha Xaradheere Ka yimidoow.

Waa iga dardaaran ku socdo walaalaha dhoohan.

Qore:- Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip