Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shirweynaha Iskaashiga Ganacsiga Afrika iyo Hindiya

0
Friday June 16, 2023 - 12:41:10 in Wararka by
  • Visits: 241
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shirweynaha Iskaashiga Ganacsiga Afrika iyo Hindiya

    Shirweynaha sanad-laha ah ee horumarinta, ganacsiga, warshadaha, iyo iskaashiga Hindiya iyo Afrika ayaa ka furmay magaalada New Delhi dalka Hindiya, waxaana dowladda Soomaaliya ku matalayay danjiraha Soomaaliya ee dalka Hindiya Axmed Cali Daahir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirweynaha sanad-laha ah ee horumarinta, ganacsiga, warshadaha, iyo iskaashiga Hindiya iyo Afrika ayaa ka furmay magaalada New Delhi dalka Hindiya, waxaana dowladda Soomaaliya ku matalayay danjiraha Soomaaliya ee dalka Hindiya Axmed Cali Daahir. Shirweynaha 18-aad ee Hindiya iyo Afrika oo soconaya muddo sadax maalin ah ayaa waxaa looga hadlayaa dhinacyada kala duwan ee horumarinta dhaqaalaha, maalgashiga iyo tignoolajiyada. Shirka waxaa marti-galisay dowladda Hindiya, halka dowladaha Afrika ay ka socdeen wakiilo iyo diblomaasiyiinta ku matala Hindiya, shirkaan waxaan inta badan diiradda lagu saarayaa arrimo ay ka mid yihiin, iskaashiga qeybta hawada ee Orbit-ka, sahminta hababka cusub ee kobaca maalgalinta, wax ka beddelka kaabayaasha horumarinta Afrika, wax soo saarka suuqyada guud ee Afrika, abuurista iskaashiga waxbarashada iyo horumarinta xirfadaha iyo iskaashiga tignoolajiyada casriga ah. Dowladaha Hindiya iyo Afrika ayaa inta badan yeesha kulamo kala duwan oo ay ku gorfeeyaan arrimaha gancsiga, dhaqaalaha, siyaasadda, amniga iyo guud ahaan xiriirka soo jireenka ah ee Hindiya iyo Afrika. Danjiraha Soomaaliya ee dalka Hindiya Axmed Cali Daahir ee shirka ka qeyb galaya ayaa waxaa la filayaa in uu kulamo doceedyo la yeesho Madaxda ka qeyb galeysa Shirka, isaga oo kala hadli doono arrimo ku saabsan xaaladda Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip