Falkan ayaa la sheegay inuu ka dhacay meel Waqooyi ka xigta magaalo lagu magacaabo Jisr al-Shugour oo uu maamulaan ururada Jihaad doonka ah.
Hay’ada shaacisay warkan ayaa sidoo kale sheegtay in siddeeda ruux ee dhimatay ay afar kamid ah ay ahaayeen carruur saddexna haween halka qofka kale uu ahaa rag.
Kooxaha mucaaradka dowlada Siiriya oo dhacdadan ka hadlay ayaa tirada dhimashada waxa ay ku sheegeen illaa iyo 11 ruux. Hase yeeshee Milatariga Turkiga ayaa sheegay in ay ilaalada xadka ay rasaasta kor u rideen si ay dadka u kala eryaan.
Turkiga ayaa sheegay in ay tahay mid aan habooneyn in la eedeeyo iyadoo cadaadis xoog leh uu ka saaran yahay wadamada Midowga Yurub ee ah inay ka hortagaan qaxootiga Siiriyiinta ah ee isku dayaya inay u safraan wadamada Yurub.
Inku dhow saddex malyan oo qaxooti ka soo cararay dagaalada dalka Siiriya ayaa ku sugan dalka Turkiga. Dhowr bilood kahor ayay dowlada Turkiga xirtey xadka ay la wadaagto wadanka Siiriya.
Sida ay sheegtay hay’adan kormeerta arrimaha dalka Siiriya taniyo bilowgii sanadkan 2016 ugu yaraan lixdan ruux oo rayid ah ayaa la diley iyagoo isku doonayay inay ka gudbaan xadka Siiriya iyo Turkiga.
Ilaalada Turkiga ee xadk Siiriya oo toogasho ku diley 8 ruux oo ay carruur ku jiraan
Ciidamada Turkiyiinta ee ilaalada ka ah xadka kala qeybiya wadamada Turkiga iyo Siiriya ayaa toogasho ku diley siddeed ruux oo afar ka mid ah ay carruur ahaayeen kuwaasoo doonayay in u gudbaan dalka Turkiga.