Afar arrimood ka ogow weerarkii Hoteelka Pearl Beach

0
Saturday June 10, 2023 - 15:13:02 in Wararka by
  • Visits: 1082
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afar arrimood ka ogow weerarkii Hoteelka Pearl Beach

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..


Peral Beach

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERSWaxaa saakay hoteelka Pearl Beach ee magaalada Muqdisho ku sii qulqulayay dad baadigoobaya qaraabadooda, kaddib weerar xalay loo geystay hoteelkaas.

Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in sagaal qof – oo ay ku jiraan lix rayid ah – lagu dilay weerarka xalay lala beegsaday hoteelkan.

Toddobo nin oo al- Shabaab ka tirsan ayaa galay hoteelka Pearl Beach fiidnimadii xalay tan oo sababtay in ugu yaraan 10 qof ay ku dhaawacmaan, sida lagu yiri war-saxaafadeedka booliiska.

In ka badan 80 qof ayaa laga soo badbaadiyay hoteelka, sida uu sheegay booliiska.

Waxaa intaa dheer, Cabdulqaadir Cabdiraxmaan, oo ah agaasimaha adeegga Aamin ambulance, ayaa sheegay in kooxdiisa ay goobta ka soo qaadeen in ka badan 20 dhaawac ah.

Howlgalka lagu soo afjarayay weerarkan ayaa dhammaaday arroortii hore saakay, iyadoo dhammaan raggii weerarka soo qaaday uu booliiska Soomaaliya sheegay inay dileen.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxayna sheegtay inay dileen in ka badan 20 qof.

Weerarkan ayaa ku soo aadaya toddobaadyo kadib markii al- Shabaab ay tiro ciidamada Uganda ah ku dileen deegaanka Buulo Mareer oo 110 km koofur kaga began Muqdisho.

Qaabka uu weerarku u dhacay

Peral Beach

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Rag hubeysan ayaa xalay gudaha u galay hoteelkan ku yaalla Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Weerarrada noocan ah ayaa mararka qaar loo adeegsadaa gawaari, balse ragga weerarka soo qaaday ayaa ahaa kuwo xirnaa jaakado walxa qarxa ay ku rakiban yihiin, kuwaasoo qaarkood is qarxiyay, halka kuwa kalena ay ka dhex dagaallamayeen gudaha.

War-saxaafadeedka ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in raggan ay ahaayeen toddoba, isla markaana dhammaantood ay dileen ciidamada Soomaaliya oo goobta yimid.

Muqdisho

XIGASHADA SAWIRKA,RADIO MOGADISHU

Bishii January ee sanadkan ayay ahayd markii weerar lagu qaaday xarunta gobolka Banaadir.

Al-shabaab ayaa sheegatay weerarkaas oo ay ku dhinteen dad rayid ah iyo kuwo kale oo u shaqeynayay maamulka gobolka.

Weerarrada noocan ah ayaan wax sabab ah loo heyn sida ay ku suurtagalaan, iyadoo saraakiisha dowladdu ay ku celceliyaan in Al-Shabaab ay yihiin "dad aan laga dhex aqoonsan karin bulshada kale".

Muddada lagu soo afjaray

Hoteelka

XIGASHADA SAWIRKA,SONNA

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in saacado kooban lagu soo afjaray weerarkan.

Weerarka oo xalay fiidkii billowday ayay dowladdu sheegtay in la soo afjaray abbaaro 2:00am saakay.

Weerarrada noocan ah qaarkood ayaa qaadan jiray in ka badan maalin in lagu soo afjaro.

Weerarkii bishii November sanadkii hore lagu qaaday hoteelka Villa Rays ee magaalada Muqdisho ayaa qaatay 20 saacadood in lagu soo afjaro.

Weerarkaas ayaa waxaa ku dhintay ilaa 14 qof, oo ay ku jireen siddeed rayid ah.

Weerarkaasna waxaa sheegatay kooxda al-Shabaab.

Amniga magaalada waxaa lagu wareejiyay ciidanka Haramcad

Haramcad

XIGASHADA SAWIRKA,FACEBOOK

Bishii Febraayo ee sanadkan waxaa magaalada Muqdisho la geeyay ciidamo uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud tababar ugu soo xiray dalka Uganda, kuwaas oo la sheegay inay qayb ka noqonayaan cutubyada qaybaha kala duwan ee sugaya ammaanka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Isla markii la keenayba waxaa baraha bulshada qabsaday hadal haynta ciidamadan cusub, iyada oo siyaabo kala duwan dadku uga hadlayeen.

Ciidamadan ayaa sidoo kale sugayay ammaanka Muqdisho, intii lagu guda jiray bisha Ramadaan, waxaana sida dowladda Soomaaliya ay sheegtay xilligaas yaraaday weerarradii dhici jiray bilihii Soon ee sanadihii hore.

Maxay yihiin ciidamadan?

Haramcad

XIGASHADA SAWIRKA,VILLA SOMALIA

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Jenaraal Cabdullahi Cali Caanood ayaa BBC-da uga warramay arrintan.

Jeneraalku wuxuu ciidamadan ku tilmaamay kuwo gaar ah ama hawl gaar ah qabanaya, balse haddii aad maqashay magacyada sida, Danab, Gaashaan, Gorgor iyo Haramcad dhammaan waa ciidamo gaar ah ama si gaar ah u taba baran, waxaana tababara dawlado kala duwan meelo kala duwanna waa lagu tababaraa, aalaana waxaa ka caawiya dawladda Soomaaliya carbinta iyo qalabeynta ciidamadan dawladaha ay saaxiibbaha yihiin.

"Ciidankani wuxuu ka mid yahay ciidamada xoogga Soomaaliyeed, tababar buuna ku soo qaatay dalka Uganda, waxaana loo diyaariyey fulinta waajibaad gaar ah” ayuu yiri Afhayeen Caanood.

Inkasta oo aanay lahayn magac u gaar ah ciidamadani sida Danab iyo kuwa kale, sida uu sheegay Afhayeen Cabdullahi Cali caanood, ciidamada noocan ah waxaa loo yaqaan ‘Bolisia Militaare’, waxa uuna ku sheegay in ay qaab ahaan yihiin ciidammo milatari ah balse haysta layli dheeraad ah maadaama ay leeyihiin "shaqo ka duwan” tan milatariga caadiga ahi qabto, waxayna u shaqeynayaan "sida booliska”.

Hoteelka dhowaan ayaa magaca laga beddelay

Peal Beach

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Hoteelka Pearl Beach ayaa dhowaan laga beddelay magaca isla markaana lagu sameeyay dib u habeyn.

Hoteelkan oo hore loo oran jiray Ocean View hotel ayaa waxaa Jimco walba usoo caweysin taga dad aad u badan.

Si kastaba, weerarkan ayaa kusoo aadayo, xilli muddooyinkii u dambeeyay xaaladda ammaan ee Muqdisho ay aheyd mid deggan, waxaana howlgallo ka waday ciidamada Booliska iyo kuwa Boolis Milataaro ee lagu soo tababaray magaalada Kampala ee caasimada Uganda.

XIGASHO:-BBC





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip