Manchester City oo markii u horreysay ku guuleysatay koobka Champions League

0
Sunday June 11, 2023 - 07:10:00 in Wararka by
  • Visits: 1551
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Manchester City oo markii u horreysay ku guuleysatay koobka Champions League

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

 Kooxda Manchester City ayaa markii ugu horreysay ku guuleysatay koobka kooxaha horyaallada Yurub ee Champions League, kadib markii ay 1-0 ku garaacday Inter Milan ciyaartii kama-dambeysta ahed ee ka dhacday garoobka Ataturk Stadium ee magaalada Istanbul.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Spain Rodri ayaa daqiiqadii 68-aad ee ciyaarta shabaqa ku hubsaday goolka guusha.

Waxa ay City dhammeystirtay seddexleey, taasoo ka dhigtay inay noqoto kooxdii labaad ee Ingiriis ah ee saddex koob ku guuleysata kadib Manchester United oo sannadkii 1999 ku guuleysatay Premier League, FA Cup iyo Champions League.

Laakiin City, oo laba sano kahor koobkan ay ka qaaday kooxda Chelsea ayaa loo babab dhigi waayay awoodeeda sanadkan.

Tababaraha City Pep Guardiola ayaa haatan ku guuleystay seddex jeer koobka Champions League, waxaana uu ka dhigay 12 koob oo uu City la qaaday.

Josep Pep Guardiola oo ugu dambeyn noqday Macallinkii rumeeyay Rejadii Kooxdaas ee hanashada Horyaalka Qaaradda Yurub Champions League.

 Shaxda Kooxda uu hagaajiyay, falsadda lagu maamulayo ciyaartoyda, dhiirragelinta shaqaale ilaa ciyaartoy ayaa u suurageliyay in uu kasoo gudbo labadii imtixaan ugu adkaa ee u gudubka Finalka maadaama uu soo reebay Kooxaha Real Madrid iyo Bayern Munich.

Ninkan waxauu jebiyay Rikoor u yaallay Kooxda ay wada xifaaltamaan oo ay kawada dhisan yihiin halka Magaalo ee Manchester United kaas oo ah sanadkii 1999 ay ku guuleystay koobabka loo yaqaan saddexleyda.

Manchester City oo markii ugu horreysay ku guuleysatay koobka Champions League



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip