Maamulka Cusub ee gobolka Gedo oo digniin u diray siyaasiyiinta Mucaaradka

0
Saturday June 10, 2023 - 12:17:20 in Wararka by
  • Visits: 249
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Cusub ee gobolka Gedo oo digniin u diray siyaasiyiinta Mucaaradka

    Gudoomiye ku xigeenka Maamulka ahna Xoghayaha Guud ee gobolka Gedo Maxamed Xuseen Alqaadi ayaa ka dalbaday Mas'uuliyiinta iyo shacabka ku nool degmda Baardheere ee gobolka Gedo in ay Sugida Amniga kala shaqeeyaan Maamulkooda . Gudoomiye Maame

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiye ku xigeenka Maamulka ahna Xoghayaha Guud ee gobolka Gedo Maxamed Xuseen Alqaadi ayaa ka dalbaday Mas'uuliyiinta iyo shacabka ku nool degmda Baardheere ee gobolka Gedo in ay Sugida Amniga kala shaqeeyaan Maamulkooda . Gudoomiye Maamed Xuseen Alqadi ayaa sidoo kale sheegay in Maamulka cusub ee loo soo magacaabay gobolka Gedo qorshahood koowaad uu yahay la dagaalanka Alshabaab iyo sidii loo xaqiijin lahaa Amniga gobolka Gedo. Dhinaca kale, Gudoomiye ku xigeenka Maamulka ahna Xoghayaha Guud ee gobolka Gedo Maxamed Xuseen Alqaadi ayaa uga digay siyaasiyiinta Mucaaradaka ah ee hore xilalka uga soo qabtay gobolkaas in y carqaladeeyaan Ma'uliyiinta cusub ee dawlad goboleedka Jubland ay u soo magacaabeen gobolka Gedo. Ugu dambeeyntiina Gudoomiye Maxamed Xuseen Alqaadi ayaa ugu baaqay Dawlad goboleedka Jubland iyo Dawlada Federaalka Soomaaliya in ay soo Magacaabaan Maamulada degmooyinka gobolka Gedo si ay shaqada hore ugu sii socoto.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip