Ciidamada Amaanka Oo Soo Afjaray Weerarkii Hotelka Pearl Beach Ee Xeebta Liido

0
Saturday June 10, 2023 - 08:09:00 in Wararka by
  • Visits: 530
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Amaanka Oo Soo Afjaray Weerarkii Hotelka Pearl Beach Ee Xeebta Liido

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.
Ciidamada amaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa soo afjaray weerarkii Shabaab ay ku galeen hotelka Pearl Beach xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ay toogteen shantii dagaalame ee Shabaabka ahaa, kuwaasoo meydadkooda lagu soo bandhigay gudaba hoteelka oo ay saacado badan ka dagaalamayeen.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in howlgalka uu mudo kooban kusoo gaba gaboobay, iyadoo howlgalka ay ku koobnaayeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Hqramcad.

Inkabadan 10 ruux ayaa la sheegay iney ku geeriyoodeen weerarka oo isugu jira askar, dableydii weerarka qaaday iyo shacabka ku sugnaa goobta weerarka uu ka dhacay.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xili maalmihii lasoo dhaafay uu amaanka Muqdisho ahaa mid hagaagsan, dadka ayaa isweydiinaya sida Shabaabka weerarka geystay ay kusoo gaareen hoteelka maadaama baro badan oo baaritaan ah ay ka horeeyaan.

Ciidamada amaanka oo soo afjaray weerarkii Khawaarijta ee Liido | Somali National Television - sntv.so




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip