RW Xamse magacaabay Guddiga qaban-qaabada maalmaha xorriyadda

0
Tuesday June 06, 2023 - 14:59:57 in Wararka by
  • Visits: 376
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RW Xamse magacaabay Guddiga qaban-qaabada maalmaha xorriyadda

    Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo garowsan qiimaha iyo mudnaanta ay leedahay sanad guurada 63—aad ee Gobannimada, Midnimada iyo dhalashadii Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa waxa uu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo garowsan qiimaha iyo mudnaanta ay leedahay sanad guurada 63—aad ee Gobannimada, Midnimada iyo dhalashadii Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa waxa uu magacaabay Guddiga qaban-qaabada Xuska Sanad guurada 63-aad ee maalmaha xorriyadda oo ka kooban siddeed Wasiir iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir. Guddigan oo ka kooban sagaal xubnood ayaa waxaa guddoomiye ka ah Wasiirka arrimaha gudaha , federaalka iyo dib u heshiisiinta, Axmed Macallin Fiqi, waxaana xubno ka ah, Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska, Daa'uud Aweys Jaamac, Wasiirka Amniga gudaha, Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe), Wasiirka Maaliyadda, Dr; Cilmi Maxamed Nuur, Wasiirka dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Maxamed Maxamuud Barre, Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Khadiija Maxamed Diiriye, Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada, Biixi Iimaan Cige, Wasiirka Xannaanada Xoolaha , dhirta iyo daaqa, Xasan Xuseen Maxamed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip