Akhriso: Qodobbada looga dooday shirweynahii aragti wadaagga xakamaynta faafinta wararka been abuurka

0
Monday June 05, 2023 - 14:12:36 in Wararka by
  • Visits: 536
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso: Qodobbada looga dooday shirweynahii aragti wadaagga xakamaynta faafinta wararka been abuurka

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Shirweynahan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, intii uu socday waxaa la isku waydaarsaday doodo cilmiyaysan oo ay ka qaybqaadaneen hawlwadeenno ka kala socday hay’adaha dowladda, warbaahinta dalka, ururada saxaafadda, bulshada rayidka ,culimada ah  iyo khuburo ku xeeldheer arrimaha Warbaahinta.

          Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo furay Shirweynaha Aragti-wadaagga Xakameynta Faafinta Wararka Been abuurka ah iyo Saameynta taban ee ay bulshada ku Leeyihiin ayaa tilmaamay in faafinta wararka aan sugneyn ay khatar weyn ku yihiin amniga qaranka, nabadgelyada iyo wadajirka ummadda, gaar ahaan marka ay faafiyaan argagixisada iyo kuwa lamidka ah ay noqon karto hub wax burburiya.

         Xukuumadda DanQaran ayuu xusay Ra’iisul Wasaaruhu in ay qaadi doonto tallaabooyin sharci ah oo lagula xisaabtamayo kooxaha lagu helo in ay si ula kac ah u faafiyaan wararka been abuur ah, gaar ahaanna kuwa la xiriira amniga qaranka iyo kala qeybinta bulshada.

            Ka qeyb galayaasha hadalada ka jeediyay doodaha shirka waxaa mid ahaa Wasiiro, Xildhibaano, Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, Guddoomiyihii hore Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan jawaari, Culimo, Dhaqan, Booliiska Soomaaliya, Khuburo saxaafadeed oo ka kala socotay Warbaahinta gaarka ah, iyo ururada Saxaafadda

          Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daud Aweis Jaamac ayaa sheegay in ujeedka shirkan yahay aragti Isweydaarsiga dowladda iyo dadkeeda si xal loogu helo dhibaatada faafinta wararka been abuurka ah.

       Ka qeyb galayaasha ayaa sidookale, si qoto dheer uga dooday saameynta wararka been abuurka ah ku leeyihiin nolosha bulshada iyo sida ugu macquulsan oo lagu xakameyn karo si waafqsan sharciga dalka.

Ajandayaasha laga dooday waxaa ka mid ahaa

        Baahinta wararka aan la hubin, ama been abuurka ah iyo Warbaahinta casriga ah.

Saameynta wararka abuurka ku leeyihiin kicinta xasaradaha bulshada iyo colaadaha sukeeya.

Muxuu sharcigu ka qabaa faafinta wararka been abuurka ah iyo saameyn intee la eg ayayse ku leedahay dowlad dhiska.

Waa maxay tallaabooyinka loo baahan si loo xakameeyo wararka been abuurka?

Sidookale waxaa khubarada ka qeyb galaysay shirka soo jeediyeen mowduucyo ay ka mid yihiin.

Diinta Islaamka waxa ay ka qabto been abuurka.

Booliiska iyo dhibaatooyinka ay kala kulmaan wararka been abuurka.

Habka hubinta wararka been abuurka ah iyo wadiiqada loo maro xaqiiqo raadinta wararka.

Dood Falanqeyn dheer kadib Ka qeyb galayaashaasha ayaa soo jeediyay talooyin wax ku ool ah oo la xiriira xakameynta faafinta wararka been abuurka ah iyo saameynta ay ku leeyihiin bulshada waxaana ay badan kood soo jeediyeen.

In Dowladda, ururada Saxaafadda Wadajir uga shaqeeyaa sameynta wacyi gain xooggan oo la xiriirta ka hortaga sameynta iyo faafinta wararka been abuurka.

          In Dowladda dhaqan galiso shuruucda degsan ee la xiriirta xakameynta faafinta been abuurka si loo maareeyo qataraha ka yimaada been abuurka, marin habaabinta iyo hubin la’aanta wararka.

           In sidookale la sameeyo xeerar la jaan qaadi kara Warbaahinta casriga ah laguna xakameyn karo dambiya iyo faafinta been abuurka ah ee lagu sameeyo baraha dadku ku xiriiraan.

        Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo soo xiray shirweynaha ayaa sheegay in shirkani muhiim u ahaa hey’adaha dowladda, qeybaha bulshada, culimada iyo khubarada kale in ay ku wadaagaan aragtidooda si furan, si xal looga helo wararka aan la hubin, marin habaabinta ku dhisan ama hubinti la’aanta loo baahiyo, kuwaas oo saameyn taban ku leh bulshada.

       Wasiir Daa’uud ayaa tilmaamay in wasaaraddu ka shaqeynayo hirgalinta aragtiyaha iyo xogaha ka qeyb galayaashu ku wadaageen shirkani oo dhammaantood taabanaya dhibaatada dalkeena iyo dadkeena ay ku hayaan wararka been abuurka ah.

      Ugu dambeyn Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska jamhuuriyadda Soomaaliya waxa ay soo saari doontaa warbixin dhameystiran oo la xiriirta natiijada doodihii wax ku oolka ahaa ee shirweynaha aragti wadaagga xakameynta faafinta wararka been abuurka ah iyo saameynta ay bulshada ku leeyihiin.



-Dhammaad-

XIGASHO:-SONNA.SO



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip