Yaa Argagixiso ah? = Faallo =.

0
Sunday June 04, 2023 - 10:39:32 in Wararka by
  • Visits: 1189
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yaa Argagixiso ah? = Faallo =.

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

 

Erayga Argagixiso wakhtigaan dambe waxa uu noqday Eray Siyaasadeed.

 

Khaasatan dhinaca Reer galbeedka.

 

Qofba, Qofkii uu necebyahay ama uu dhib uga baqayo ayuu Argagixiso ku shaabadeeyaa.

 

Arday haddii la weeydiiydiiyo waxa laga yaabaa in uu ku yiraa Macalinkeeyga ayaa ah, israel haddii la weeydiiyo Falastiin ayaa ah Argagixiso.

 

Dooli haddii la weeydiiyo waxa kuu ku leeyhay Mukulaal. ( F.S: 1aad).

Aqooyahan Jarmal ah oo Muslim ah, ayaa la weeydiiyay Xiriirka ka dhexeeyo Argagixisada iyo Islaamka.

Waxa uuna yiri: yaa bilaabay Dagaalkii 1aad ee Aduunka ee lagu hoobtay.

 

Muslim ma aheyn.

 

Yaa bilaabay Dagaalkii 2aad ee Aduunka.

 

Muslim ma aheyn.

 

Yaa 6 Million oo yuhuud ah ku laayay Holocaust.

 

Muslim ma aheyn.

 

Yaa ku Dilay Australia 20 Million oo ah "Aborigin” oo ahaa Dadkii Asalka ahaa ee dhulka Australia loogu yimid .

 

Muslim ma aheyn.

 

Yaa Hubkii Halista ahaa ee "Nuclear bamb” ku dhuftay Magaalooyinka Hiroshima iyo Nagasaki ee Dalka Japan oo dhulka la simay.

 

Muslim ma aheyn.

 

Yaa 100 Million oo Red Indian ” Cali beesteen” ah ku laayay waqooyiga Ameerika, kuwaa oo ahaa kuwii dhulka lahaa ee loogu yimid.

 

Muslim ma aheyn.

Yaa 50 Million oo Cali beesteen ah ku laayay Koofurta America.

 

Muslim ma aheyn.

 

Yaa 180 Million oo Afrikaan ah Adoonsi ugu qaaday America, kuwaa oo 88% ay dhax ku dhinteen oo Badda Atlantic lagu tuuray Meeydkoodii.

 

Muslim ma aheyn.

Marka hore waa in la isku raaco kalmadda Argagixiso macnaheeda.

 

Hadda, haddii Qof aan Muslim aheyn uu wax xun sameeyo, waa Dambiile "Crime”.


Laakin haddii Qof Muslim ahi uu isla falkii sameeyo waa Argagixiso.

Waxa uu yiri: Aqoonyahankii Jarmalka ahaa ee Muslimkana ahaa.

 

Horta Macnaha Argagixiso si guud ha la isagu raaco.

 

Waxa uu Hadalkiisii ku khatimay, waxaan ku faraxsanayahay in aan Muslim ahay.

Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip