HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA KASOO BAXAY WASAAARDDA

Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha yo Taclinta Sare waxaa guul weyn u ah in uu si nabad galyo ah ku soo dhammaaday Imrtixaanka Qaranka ee fasalka 12aad ee sanad dugsiyeedka 2022/2023, kaas oo socday inta u dhaxeysay 27ka ilaa 31-ka bisha Maajo, 2023.

Imtixaankan waxaa u fariistay 33,300 oo arday, waxa uuna ka dhacay 114 xarumood oo ku kala yaalla Muqdisho iyo Gobollada dalka, waxaana dhammaantood ay shaqada uga socotay sidii loo qorsheeyey.

Waxaan u mahad celinaynaa ALLAAH subxaanuhu watacaalaa oo noo suura galiyey qabsoomidda imtixaanka, sidoo kale waxaan u mahad naqeynaa Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Saraakiishooda iyo Askartoodaba oo xil weyn iska saaray amniga iyo amaanada imtixaanka oo la’aantood aysan howshan qabsoomi laheyn.

Waxaan sidoo kale u mahad celineynaa wasiirrada waxbarashada heer maamul goboleed oo iyagana kaalin weyn ka geystay in deegaannadoodu uu si wanaagsan uga dhaco imtixaanka, sidoo kale waxaan u mahad celineynaa waalidiinta iyo ardayda Soomaaliyeed oo si wanaagsan ula shaqeeyey howl wadeennada intii uu socday Imtixaanka.

Ugu dambeyn waxaan u mahad celineynaa Xafiiska imtixaanaadka, Guddiga imtixaanka Qaranka, kor-meerayaasha, ilaaliyeyaasha imtixaanka, shaqaalaha Wasaaradda iyo guud ahaan bahda waxbarashada sidii ay uga qeyb qaateen qabsoomidda iyo habsami u socodka imtixaanka.