Axmed Madoobe: Tareenka waa uu soconayaa, cid hor-istaagi kartana ma jirto

0
Monday May 29, 2023 - 14:15:08 in Wararka by
  • Visits: 147
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axmed Madoobe: Tareenka waa uu soconayaa, cid hor-istaagi kartana ma jirto

    ,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,,

 Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa si weyn u difaacay heshiiskii ay ku gaareen magaalada Muqdisho, kaas oo dood xoogan dhaliyay.

Axmed Madoobe oo ka qayb-galay casho sharaf loogu sameeyay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa si faah faahsan uga hadlay qodobadii kasoo baxay shirkii maalmahaanba u socday ee ay dhowaan ku yeesheen xarunta Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday inay qaateen go’aan geesinimo leh, isla-markaana talada ay dib ugu soo celiyeen gacanta dadweynaha Soomaaliyeed.

 

 

"War geesinimo ka badan ma garaneysaan? nimankii lagu tuhunsanayaa in iyaga ay gacanta ku heysaan oo waxay rabaan lasoo baxaan inay yiraahdaan dadweynow idinkaa talada idin kusoo celinay” ayuu khudbaddiisa ku yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.

Waxaa kale oo uu raaciyay "Qof kastaa oo maanta Coment-bixinayay waa kii shalay lahaa kaligii taliye ayaa meesha ka jira, Axmed Madoobe wuu iska fadhiyaa liis-buu iska soo qoran wuxuu rabuu sameynayaa, maantana wuxuu rabaa talada inuu gacanta ka bixiyo”.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in dadka dhaliilaya heshiiskooda looga baayahaninay dadweynaha u caddeeyaan ciladaha uu leeyahay.

 

 

 

"Cidda dood qabtaa bal inta ay dadweynaha si furan usoo hor istaagto ha tiraahdo ciladdaa kow, labo, saddex iyo afar ayaa ii muuqaneysa” ayuu mar kale yiri Axmed Madoobe.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in tareenka uu dhaqaaqay, isla-markaana aysan jirin karin cid hor istaagi karta, sida uu ku dooday madaxweynaha maamulka Jubbaland.

 

 

"Qof kastaa oo isku daya inuu hor istaago ma kari karayo hadda, sababtoo ah dadkii hadda way dhaqaaqeen tareenkiina wuu soconayaa, taladiina gacantii shacabka ayey ku wareegeysaa” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip