Shariif, Kheyre, Gaas, CC iyo madax kale oo ka horyimid heshiiskii golaha wadatashiga

0
Monday May 29, 2023 - 14:35:22 in Wararka by
  • Visits: 134
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shariif, Kheyre, Gaas, CC iyo madax kale oo ka horyimid heshiiskii golaha wadatashiga

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo madax hore oo ay kamid yihiin Xasan Cali Kheyre iyo Cumar Cabdirashiid, Cabdiweli Sheekh iyo Shariif Xasan ayaa si adag uga horyimid war-murtiyeedkii kasoo baxay shirkii Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka.

War-saxaafadeed ay si wada-jir ah usoo saareen madaxdaan ayaa waxaa lagu cadeeyay in qaar kamid ah qodobada ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaranka ay yihiin kuwa baal-marsan shuruucda dalka u yaalla iyo awood qeybsiga siyaasadeed ee dadka Soomaaliyeed hore ugu heshiiyeen.

"Sidaas daraadeed waxaan soo jeedinaynaa in wax ka beddelka qoddobada dastuuriga ah ee dalka ay shaqadoodu kasoo billowdaan hay’addaha u astaysan lagana tala-geliyo bulshawaynta Soomaaliyeed.”

 Sidoo kale waxay sheegeen in go’aanada kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ay khatar gelin karaan midnimada iyo wada-jirka umadda Soomaaliyeed, waxayna ku baaqeen in go’aanadaas masiiriga ah ee dalka laga qeyb-galiyo dhamaan dowlad-goboleedyada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

"In iyadoo aan si qotodheer looga baaraan-degin wax ka beddelka siyaasadeed lagu sameeyo habka awood qeybsiga iyo hanaanka dowladnimada dalka, lagana qeyb-galin dhamaan qeybaha bulshada waxa ay keeni kartaa dib u dhac kalsooni darro iyo tafaraaruq bulsho.”

Sheekh Shariif iyo madaxdaan xilalka duwan kasoo qabatay Soomaaliya ayaa waxa kale oo ay soo dhaweeyeen in dalka la gaarsiiyo hanaan doorasho qof iyo cod ah iyo xisbiyo badan, taasi oo ay aamisan yihiin inay tahay dariiqa kaliya ee dadka Soomaaliyeed ay ku heli karaan xuquuqdood kuna gudan karaan waajibaadkooda siyaasiga ah, kuna dooran karaan dadka metela, taas oo xoojinaysa dowladnimada iyo dimuqraadiyadda.

 

Ugu dambeyntiina waxay ugu baaqeen baarlamaanka JFS labadiisa Aqal inay gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah, ayna dalka ka badbaadinayaan damac kasta oo aan u adeegayn danta guud iyo geedi socodka dowlad dhiska dalka.

"In marka hore dowladdu ay mudnaan siiso dagaalka Al-Shabaab, tallaaba walba oo siyaasadeed oo culeys ku keeni kartana laga fogaado, laguna dadaalo sidii dowladnimada loo gaarsiin lahaa dhulka Shabaab-ka laga xoreeyay,” ayey sidoo kale ku baaqeen.

 

Waxaa bayaanka si wada-jir ah u soo saaray;Shariif Sheekh Axmed, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, Xasan Cali Kheyre, Cabdiweli Shiikh Axmed, Cabdiweli Gaas, Shariif Xasan Sh. Aadan, Dr. Cabdinuur Sheekh Maxamed, Hon. Cabdulqaadir Cosoble iyo Dr. Cabdinaasir Cabdulle Maxamed.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip