
Farmaajo Oo Si Lama Filaan Ah Uga Hadlay Heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran
"Waxaan soo dhoweynaynaa mabaadiida guud ee lifaaqa heshiiska hoggaamiyeyaasha Golaha Wadatashiga Qaranka ay gaareen 27/5/2023, gaar ahaan arrimaha khuseeya doorashooyinka heer degmo, dowlad goboleed iyo heer federaal oo ay shacabku si toos ah u dooranayaan wakiilladooda, taas oo ah himilo muddo dheer shacabka Soomaaliyeed ay sugayeen in ay mar kale arkaan madax iyo wakiillo ay codkooda ku doorteen, oo ku salaysan nidaamka xisbiyada badan” ayuu ku yiri qoraalkiisa.
Mudane Farmaajo oo xildhibaan ka tirsan baarlamaankana ah ayaa dhinaca kale madaxda heshiiskaas gaartay xasuusiyay muhiimada ay leedahay in nidaam kasta oo cusub oo loo guurayo la qaato iyadoo heshiis wadatashi ah lagu gaaray, hadalkiisa ayaa u muuqd ainuu daaran yahay diidmada Puntland ee heshiiskii golaha wadatashiga qaran.
"Sida ku cad qodobada lifaaqa Heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran waxaa uu xambaarsan yahay qodobbo masiiri ah oo si toos ah u taabanaya qodobbo dastuuri ah, waxna ka beddelaya haykalka ama qaab-dhismeedka dowladda Soomaaliyeed, sidaas darteed waxaa lagama maar-maan ah nidaam kasta oo loo guurayo in uu noqdo mid looga heshiiyo wadatashi heer qaran ah (WADAR-OGGOL)” ayuu hadalkiisa kusii daray.
Farmaajo Oo Si Lama Filaan Ah Uga Hadlay Heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran
..