Dad isku qoys ah oo ku dhintay Madaafiic Ciidanka ATMIS ku garaaceen degaan katirsan Sh/Hoose

0
Monday May 29, 2023 - 08:09:00 in Wararka by
  • Visits: 185
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dad isku qoys ah oo ku dhintay Madaafiic Ciidanka ATMIS ku garaaceen degaan katirsan Sh/Hoose

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Wararka naga soo gaaraya degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Uganda eek amid ah Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ay madaafiic ku garaaceen deegaanka Mudul-baraawe oo qiyaastii 15km ujira caasimadda Koonfur-galbeed ee Baraawe.

Madaafiicda ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen lix Ruux oo isku qoys ahaa, kuwaas oo carruur ay qeyb ka yihiin, sida uu Warbaahinta u sheegay Taliyaha Saldhigga Booliska Degmada Baraawe Cabduqaadir Khaldaan, halka ay ku dhaawacmeen laba Ruux.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidanka ATMIS ay heleen xogta ah in xubno katirsan Ururka Shabaab ay isku Abaabulayeen meel aan ka fogeyn deegaanka Mudul-baraawe si ay u soo weerareen, taas oo keentay inay Ciidanka ATMIS duqeeyaan halkaas.

Shalay ayay aheyd markii Ciidanka Uganda ee katirsan howlgalka ATMIS ay duqeyn dad Rayid ah dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay ay ku garaaceen deegaanka Buula-mareer, kadib markii halkaasi ay dagaal kula wareegeen Al-Shabaab oo weeraray.

Dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin weerarka madaafiicda ah ee Ciidamada ATMIS dadka Shacabka ay kudileen ciidamada ATMIS ee ku sugan Gobolka Shabeellaha Hoose..





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip