Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe oo billaabay heshiisiinta Beelo dagaalamay

0
Monday May 29, 2023 - 09:55:41 in Wararka by
  • Visits: 124
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe oo billaabay heshiisiinta Beelo dagaalamay

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe ahna Duqa Magaalada Axmed Meyre Makaraan ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray shirka dib u hishiisiinta Beelo walaalo ah oo dhawaan ku dagaalamay Tuulooyinka Baaroweyne iyo Mareereey oo hoosyimaada Jowhar

Shirka ayaa leysugu keenay odoyaasha labada dhinac ee dirirtu dhexmartay iyadona ay kaso qeybgaleen Odoyaasha dhaqanka Gobolka oo qeyb ka ah xal u helida dagaalkaasi

Sido kale shirka ayaa waxaa goob joog ahaa Gudoomiye kuxigeenka siyaasada Gobolka iyo Gudoomiyaha Degmada Jowhar iyo Saraakiil katirsan laamaha amniga

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe ahna duqa Magaalada Mudane Axmed Meyre Makaraan ayaa sheegay in dagaal qabiil uu dalkeena dib u dhigay loona baahanyahay in xalwaara laga gaaro

Gudoomiyaha ayaa Odoyaasha dhaqanka ugu baaqay iney ka shaqeeyaan nabada labada beelood si uu u baaqsado dhiiga dhalinyarada ee ku daadanaya sida maalayacniga ah.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip