Qaraxyo laga maqlay Caasimadda Waddanka Ukraine

0
Monday May 29, 2023 - 11:19:07 in Wararka by
  • Visits: 140
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaraxyo laga maqlay Caasimadda Waddanka Ukraine

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Dhowr qarax ayaa ka dhacay caasimadda Ukraine ee Kyiv, sida ay saraakiishu sheegeen, waana weerarkii 15-aad ee diyaaradaha Russia ay ka geystaan magaaladaas, iyo weerarkii labaad oo habeenimo ah oo xiriir ah.

"Gantaal ayaa lagu soo riday meel u dhow Kyiv,” Duqa magaalada Vitali Klitschko ayaa ku yiri kanaalka fariimaha ee Telegram saacadihii hore ee Isniinta Maanta ah.

 

Wuxuu intaas ku daray in qaraxyo laga maqlay dhowr degmo oo magaalada ah, oo ay ku jirto xaafadda taariikhiga ah ee Kyiv ee Podil, halkaasoo burbur soo dhacay uu waxyeello u geystay saqafka sare ee guri.

Sida ay sheegayaan wararka hordhaca ah ee laga helayo duqa magaalada iyo maamulka ciidamada magaalada, ma jiraan wax khasaare ah oo ka dhashay weeraradaas

Weerarkan oo dhacay Maanta ayaa u muuqday mid isugu jiray gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn, wuxuuna daba socdaa duqeymihii ugu ballaarnaa oo habeen hore ka dhacay magaalada Kyiv, kaasoo uu ku dhintay hal qof, tiro kalena lagu dhaawacay.



 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip