Cumar C/Rashiid Oo Ka Hor-Yimid Heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran

0
Sunday May 28, 2023 - 08:20:13 in Wararka by
  • Visits: 449
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cumar C/Rashiid Oo Ka Hor-Yimid Heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.
Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa ka hor-yimid war-murtiyeed saqdii dhexe ee xalay laga soo saaray shirkii golaha wadatashiga qaran uga socday xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Mr. Sharmaake ayaa qoraal afka ingiriiska ku qornaa oo uu ku daabacay bartiisa Twitter-ka waxa uu ku cadeeyay in go’aanadaasi aaney waxba ka duwaneyn in dalka uu la wareegay nidaam kali talis.

” Golaha Wadatashiga Qaran ma waxa uu isku beddelay taliskii Millateriga ee hore, nidaamkii xisbiyada badanna la laalay oo hal nidaam xisbi dib loo dhisay” ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Cumar C/rashiid ayaa hadalkiisa sii raaciyay in qaadashada go’aanadaasi ay kasii dari karto oo kaliya xaalada dalka.

"tanni waxay keliya ka dari karta sunta degaankeena ee siyaasadded” ayuu warkiisa kusii daray.

cumar c/rashiid oo ka hor-yimid heshiiskii golaha wadatashiga qaran

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip