Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo warbixin looga dhageystay Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliska Xoogga Dalka

0
Thursday May 25, 2023 - 13:18:47 in Wararka by
  • Visits: 175
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo warbixin looga dhageystay Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliska Xoogga Dalka

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey fadhiga Labaad ee Shirka Wadatashiga Qaranka oo ka socda Magaalada Muqdisho, kaas oo lagaga arrinsanayey wajiga Labaad ee howlgalka dalka lagaga xoreynayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey fadhiga Labaad ee Shirka Wadatashiga Qaranka oo ka socda Magaalada Muqdisho, kaas oo lagaga arrinsanayey wajiga Labaad ee howlgalka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab. Fadhiga maanta oo laga soo qeyb-geliyey Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Taliska Ciidanka Xooga Dalka ayaa warbixin looga dhageystay Sarreeye Gaas Maxamed Cali Bariise oo hoggaamin doona howlgalka isku dhafka ah ee Ciidamada Soomaaliyeed iyo kuwa dalalka dariska ah oo qaadaya howlgal mideysan oo Soomaaliya lagaga sifeynayo argagixisada Alshabaab. Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Sareeye Guuto Odowaa Yuusuf Raage ayaa soo bandhigay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah khawaarijta, caqabadaha jira iyo qorshaha la xiriira ka miro-dhelinta wajiga 2-aad ee dhawaan ka bilaabanaya dowlad-goboleedyada Koonfur-galbeed iyo Jubbaland. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay in dalkeennu uu maanta marayo marxalad taariikhi ah, loogana baahan yahay shacabka iyo hoggaanka Soomaaliyeed in ay gacmaha is-qabsadaan, si loo xaqiijiyo in ubadkeennu ay u helaan nolol wanaagsan, horumar iyo amni, taas oo ay aas-aas u tahay in la cirib taro argagixisada dhibaateysay shacabkeenna. Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ayaa ku bogaadiyey Ciidamada Soomaaliyeed sida naf-hurnimada leh ee ay ku xoreeyeen deegaanno iyo degmooyin badan oo ka tirsan Hirshabeelle iyo Galmudug, waxayna ammaaneen doorka weyn ee ay qaateen bulshada deegannada la xoreeyey oo garab iyo gaashaanba u noqday Ciidamada Qalabka Sida.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip