Doorashada ayaa ka dhaceysaa soddon degmo oo ku yaalla Mudug, Bari, iyo Sanaag iyo deegaano kale oo Puntland ah marka laga reebo gobolka Nugaal oo ay xarun u tahay Garoowe, ahna caasimadda Maamulka Puntland

Guddiga doorashada ayaa codeyntii halkaas ka dhici laheyd dib u dhigay khilaaf hubeysan iyo rabshado gobolka ka dhacay, iyadoo ciidamo hubeysan oo doorashada kasoo horjeeda ay meelaha qaar la wareegeen sanduuqda codbixinta.

Sida la filayo waxaa codadkooda dhiiban doonto qiyaastii illaa illaa 319,000 oo qof (Sadex boqol 19 kun oo qof), inkastoo dadka is-diiwaangeliyay ay intaasi ka badan yihiin, waxaana doorashada loo diyaariyay 395 goobood oo la dhigay sanaadiiqda doorashada maanta ka bilaabatay Puntland oo ay ku tartamayaan illaa todobo urur.

Ammaanka degmooyinka ay ka dhacayaan doorashooyinka ayaa aad loo adkeeyay, isla markaana waxaa la geeyay ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa ammaanka Puntland, waxaana mandow lagu soo rogay guud ahaan Puntland.