Faahfaahino kasoo baxaya qarax Maanta ka dhacay magaalada Baledweyne

0
Wednesday May 24, 2023 - 12:03:33 in Wararka by
  • Visits: 199
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faahfaahino kasoo baxaya qarax Maanta ka dhacay magaalada Baledweyne

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax duhurnimadii maanta ka dhacay xaafada Howlwadaag ee magaalada Baledweyne, kaasoo ay ka hortageen ciidamada amaanka degmada Baledweyne. Qaraxa ayaa ka dhacay afaafka hore ee Maqaayad ku taala agagaarka Buun

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax duhurnimadii maanta ka dhacay xaafada Howlwadaag ee magaalada Baledweyne, kaasoo ay ka hortageen ciidamada amaanka degmada Baledweyne. Qaraxa ayaa ka dhacay afaafka hore ee Maqaayad ku taala agagaarka Buundada Liqliqato, halkaas oo ay ku shirayeen xiliga uu qaraxa dhacayay odayaal dhaqameed iyo saraakiil ciidan. Sarkaal ka tirsan ciidamada amaanka degmada Baledweyne oo warbaahinta gudaha la hadlay ayaa sheegay iney fashilyeen ciidanka qaraxa, kadib markii ay helen xogta qofka qaraxa waday oo ujeedkiisu ahaa inuu gudaha u galo maqaayada. "Waxay ciidanku hayeen xogta qofka waday qaraxa oo doonayay inuu galo maqaayad shir ka socday ciidanka ayaa ninka qaraxa boorsada ku waday amray inuu istaago, kadib boorsadii qaraxa ku jiray ayuu turay sidaas ayuuna ku dhacay qaraxa oo ay fashliyeen ciidanka" ayuu yiri laba xididle Siraad Cumar Xiish oo ka mid ah Booliiska Baledweyne. Wuxuu sidoo kale sheegay sarkaalkaan Booliiska ah in ninka uu cararay marka uu qaraxa dhacay, isagoona xusay in qaraxa uusan geysan wax khasaare ah marka laga reeb burbur soo gaaray dhismayaal ka ag dhawaa goobta Qaraxa kadib ciidamada ayaa baaritaano ka sameeyay agagaarka goobta uu ka dhacay qaraxa, hayeeshe majrto cid ay usoo qabteen weerarka qaraxa ee fashilmay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip