Maamulka Gobolka Banaadir oo soo saaray Go'aano kale oo la xiriira Mootooyinka Bajaajta

0
Wednesday May 24, 2023 - 12:51:10 in Wararka by
  • Visits: 199
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Gobolka Banaadir oo soo saaray Go'aano kale oo la xiriira Mootooyinka Bajaajta

    Maamulka Gobolka Banaadir ayaa wareegto uu soo saaray ku Wargaliyay Milkiilayaasha Mooto Bajaajta iyo shacabka Soomaaliyeed in la soo gebagabeeyay midabeynta iyo diiwaan galinta Mooto Bajaajta gobolka. Wareegtada oo uu Warbaahinta u akhriyay Afhay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa wareegto uu soo saaray ku Wargaliyay Milkiilayaasha Mooto Bajaajta iyo shacabka Soomaaliyeed in la soo gebagabeeyay midabeynta iyo diiwaan galinta Mooto Bajaajta gobolka. Wareegtada oo uu Warbaahinta u akhriyay Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan ayaa lagu sheegay inuu dhaqan galayo amarkii maamulka laga bilaabo Barri oo bishu tahay 25-5-2023. Sidoo kale wuxuu sheegay in barri ay Muqdisho ka shaqeyneyso Mootada A ee Color ka jaalaha oo kaliya, halka barri dambe ay shaqeyneyso mootada B ee Color Buluugta. Ugu dambeyn Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir wuxuu sheegay in ciddii ku xadgudubta Amarka Maamulka Gobolka ee la xiriirta Mootooyinka A iyo B la ganaaxi doono lacag dhan 100 Dollar.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip