Wasiirka arrimaha dibadda oo Sucuudiga uga qaybgalaya shirka wasiirada arrimaha dibadda Jaamacadda Carabta

0
Wednesday May 17, 2023 - 14:07:39 in Wararka by
  • Visits: 206
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka arrimaha dibadda oo Sucuudiga uga qaybgalaya shirka wasiirada arrimaha dibadda Jaamacadda Carabta

    Wasiirka arrimaha dibadda dowladda FS mudane Abshir Cumar Huruuse ayaa maanta magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya uga qaybgalay shirka wasiirrada arrimaha dibedda ee wadamada Jaamacadda Carabta, kaas oo hordhac u ah shirka 32-aad ee mad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka arrimaha dibadda dowladda FS mudane Abshir Cumar Huruuse ayaa maanta magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya uga qaybgalay shirka wasiirrada arrimaha dibedda ee wadamada Jaamacadda Carabta, kaas oo hordhac u ah shirka 32-aad ee madaxda oo maalinta Jimcaha ah furmi doona. Intuu shirku socdo ayaa wasiiradu uga wada hadli doonaa qadiyadaha taagan ee dalalka Jaamacadda Carabta iyo kuwa saamaynta ku leh ee dunida ka dhacaya. "Shirka wasiirrada iyo midka madaxdaba waxaan horgayn doonnaa arrimaha dalkeenna sida goonida ah u khuseeya een taageerada uga baahannahay dalalka Jaamacadda Carabta sida dhamaystirka dayn cafinta, maadaama dalal badan oo carbeed lacago badan nagu leeyihiin, cunaqabataynta hubka oo dalkeena muddo dheer saarnayd iyo tartanka aan ugu jirno kurisga aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka Qaramada Midoobay ee 2025-2026 oo doorashadiisu dhacayso sanadka soo socda ee 2024" ayuu yiri wasiir Huruuse.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip