
WASIIRKA W/WARFAAFINTA OO KA TACSIYADEYNAYA GEERIDA FANNAANIINTA SACIID KHALIIF CALI & QADRO CUMAR DHUULE OO MAANTA LAGU AASAY M/MUQDISHO
Wasiirka W/Warfaafinta oo ka Tacsiyadeynaya
Geerida fannaaniinta Saciid Khaliif Cali & Qadro Cumar Ddhuulle oo Maanta
lagu Aasay M/Muqdisho
Wasiirka W/Warfaafinta Dhaqanka Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliy Md. Daa'uud Aweys Jaamac ,Wasiir ku xigeenka W/W/finta Md, C/raxmaan Yuusuf Sheekh Al caddala Agaasimiyaasha wasaaradda ee qeybaha kala duwan iyo agaasinka guud ee w/w/fimta soomaaliya iyo bahada fanka soomaaliyeed ee qaranka soomaaliya ayaa ka tacsiyadeynaya
Geerida fannaaniinta kala ah Saciid Khaliif Cali & Qadro cumar dhuulle oo shalay lagu Aasay M/Muqdisho
Alle ha u naxariistee Fanaankii Qaranka Saciid Khaliif Cali oo dhawaan ku geeriyooday dalka Jarmalka iyo Marxuumad Khadro Cumar Dhuule oo ka mid ahayd faniiinta Hobolada Qaranka ee Waaberi oo Habeen hore ku geeriyootay Muqdisho lagu Aasay Magaalada Muqdisho
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa ka tacsiyeeyay Geerida fanaaniinta kala ahaa Saciid Khaliif iyo Khadro Cumar Dhuulle, waxaana uu Alle uga baryay inuu ka waraabiyo Jannatul Firdowsa. Sidoo kale Maareeyaha Golaha Murtida iyo Wacyigelinta Qaranka Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure iyo qaar ka mid ah abwaanada Soomaaliyeed ayaa ka tacsiyeeyay geerida Marxuumiintaasi.
Allaha u naxariisto labada Marxuum ayaa lagu kala Aasay qubuuro ku yaalo Degmooyinka Boondheere iyo Xamar Xabjab.
INNAA LILLAAHI WA INAY ILAAHI RAAJICUUN Aamiin Aamiin
WASIIRKA W/WARFAAFINTA OO KA TACSIYADEYNAYA GEERIDA FANNAANIINTA SACIID KHALIIF CALI & QADRO CUMAR DHUULE OO MAANTA LAGU AASAY M/MUQDISHO
..