Musuq-maasuqu waa dilaaga Qaranka (WARBIXIN)

0
Saturday May 13, 2023 - 16:52:44 in Wararka by
  • Visits: 1184
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musuq-maasuqu waa dilaaga Qaranka (WARBIXIN)

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

 

Muqdisho(SONNA)–Musuqmaasuq Af Ingiriis waxaa lagu yiraacorruption, waa nidaamka oo maamul xun iyo been leh kooxda dowladda ama xukumaad ama awood leh. Waxaa kaloo lagu qeexaa Musuqmaasuqa lunsasho hanti Dadweyne Guud ahaan, musuqmaasaqu waa cadaalad daro iyo daacadnimo la’aan uu qof maamul haya ku doorsado lacag, kharash ama balanqaad iyo dane kale oo shakhsi ahaan ah, si kale haddii loo dhigo ama la sii bal ballaarsho waxaan dhihi karnaaMusuqmaasuq waa ka faa’iidaysiga awoodaha iyo ku xoolaysiga sifo sharci darro ah.

Musuqmaasuqa waxa uu baabbi’iyaa nidaamka dawliga ah iyo saamayn ku dhan sifo hay’adaha ee dalalka dunida saddexaad.Xaqiiqo ahaanna, waa aafo weyn oo haysata waddamo badan oo dunida ah. Musuqmaasuqa ugu badani waa kan curyaamiya dhaqaalaha iyo ka naafeeyey caddaaladda waddamada soo koraya, gaar ahaan dalalka u badan Yurubta Bari, Badhtamaha Aasiya, Laatiin Ameerika iyo Afrika.

Warbixinnadii ugu dambeeyay ee ay soo saarto hay’adda ka shaqaysa qiimaynta heerarka musuqmaasuq ee dunida ee magaceeda la yidhaahdo Transparency International, ee fadhigeedu yahay Jarmalka, waxay soo bandhigtay qiimaynta 180 waddan oo ay ku qiimaysay 0 ilaa 100; iyadoo dalalka ugu wanaagsan ee isbeddel horumar ka sameeyay arrintan ay ku sheegtay kuwa ku yaalla Galbeedka Yurub, oo isku celcelis ahaan helay 66 boqolkiiba, iyada oo ay kaalinta hore ee ugu wanaagsan siiyay dalalka New Zealand iyo Denmark, halka ay derajada ugu hoosaysa siisay Koonfurta Suudaan iyo Soomaaliya, in kastoo xoogaa hoos dhaci jira sanadankan.

Haddii aan guda galno dulucda Warbixinta, si loo baabi’yo Musuqa ayaa Golaha Wasiirrada ay meel-mariyey Qaraarka Adkaynta iyo Hufnaanta Maaraynta Maaliyadda Dalka oo ka kooban 8 qodob oo saldhiggiisu yahay Ciribtirka Musuq-maasuqa, hagaajinta hannaanka Maamulka Maaliyadda dalka iyo kobcinta dakhliga. Qaraarka ayaa muhiim u ah ilaalinta hantida guud ee dadweynaha iyo in loo maareeyo si hufan oo u adeegaysa danaha guud ee qaranka.

Golaha Wasiirrada waxaa kaloo ay ayaa meel-mariyey, Iibka iyo Qandaraaska Qaranka, Maareynta Hantida Guud ee Qaranka iyo Maamulka iyo Maaraynta Shaqaalaha, iyadooRa’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre oo guddoominayey Shirka Golaha Wasiirrada ayaa tilmaamay in qaraarkani uu yahay mid muhiim u ah ilaalinta hantida guud ee dadweynaha, la-dagaallanka Musuq-maasuqa iyo in hantida qaranka loo maareeyo si hufan oo u adeegaysa danaha guud.

Shirka ayaa lagu meel-mariyey Hindise Sharciyeedka Howlgabka iyo dheelitirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda iyo Siyaasadda Howlgabka Shaqaalaha Rayidka.Sharcigani oo ah mid ilaalinaya xuquuqda Shaqaalaha Dowladda ee howl-gabka noqda iyo kuwa ay waxyeelladu soo gaarto iyaga oo gudnaya waajibaadka qaranka ayaa waxaa soo gudbiyey Wasaaradda Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada.

Sidoo kale, Shirka Golaha Wasiirrada ayaa lagu ansixiyey Heshiis Is-afgarad dhinacyada Caafimaadka iyo Shaqo Abuurka oo u dhexeeya Soomaaliyaiyo Qatar iyo Siyaasadda Qaran ee dhallinyarada oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

Dhinaca kale Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka oo isna ka hadalay arrimaha Musuq-maasuqa ayaa Sheegay in Deg deg lagu soo dhameystiri doono Guddiga la dagaalanka Musuq-maasuqa, kaasi oo ah Guddi madax banaan, oo ay howshiisu noqon doonto la dagaalanka Musuqa, kaasi oo aan og nahay in la kala diray, wuxuuna xusay Wasiirku in Xubnaha Guddiga la soo dhameystiri doono, kadibna la marsiin doon Golaha Wasiirada XFS, kadibna Labada gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya la hor geyn doono.

Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna khudbadii Jumcaha shalay kaga hadlay Qaraar kii Xukuumadda ee la-dagaallanka musuqmaasuqa iyo ilaalinta hantida dadweynaha, ayaa aad ugu dheeraaday arrintaasi, isaga oo xusay in shacabka Soomaaliyeed ay toos warbaahinta ugala socon doonaan dacwadaha dadka lagu eedeeyo xatooyada xoolaha Qaranka.

Madaxweyne Xasan oo arrintaasi ka sii hadlaayay ayaa yiri” qofka dowladda ka tirsan mustawa kasta ha joogee ee hantida Ummadda xada qaanuun ayaa dowladda uga degsan, yaan la soo daba kicin, ogaada walaalayaal dadka Somaaliyeed meel kasta oo aad joogtaan , tuug ehel maahan , qaraabo maahan , saaxiib maahan oo isku halleeyn magalyo, illeeyn waaba tuuge, yaa la dhaweeysan yaa la qaraabeeysan”. Waa hadal weyn oo wax ku qaadasho leh, ee Soomaaliyeey ha dhaweysan musuqa, cid kastana waa inay ka qeybqaadataa la dagaalankiisa.

Waxaa jira in 20 eedeysane ay u xiran yihiin haatan arrimaha la xariira Musuq-maasuqa, wax isdaba marin iyo lunsasho Hantida Qaranka, sida la soo gaarsiiyay Wakaaladda Waraka Soomaaliyeed ee SONNA. Marka gunta iyo gabgabada waxaan dhihi karnaa waa loo soo jeestay la dagaalanka musumaasuqa, maadama Madaxweyne, Xukuumad iyo shacabba ay diyaar u yihiin ka howlgalinta arrintaasi Qaranka Soomaaliyeed dhabar jab ku ah, marka aan si wadajir ula dagaallanno musyuq-maasuqa maadaama u yahay cadowga Qaranka Soomaaliyeed.

By:-Ruush Abdullahi



 

XIGASHO:-SONNA.SO



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip