Maxaa ka jira in Whatsapp dhageysto taleefankaaga xitaa haddii aadan isticmaaleyn?

0
Wednesday May 10, 2023 - 14:22:34 in Wararka by
  • Visits: 285
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa ka jira in Whatsapp dhageysto taleefankaaga xitaa haddii aadan isticmaaleyn?

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..
  1. Astaanta Whatsapp

    Copyright: Getty Images
    Image caption: Whatsapp way iska fogeeyeen eeddan waxayna dalbadeen in shirkadda ay Google baadhitaan ku samayso sheegashadan

    Mid ka mid ah injineerrada shirkadda Twitter ee ay xifaaltamaan shirkadda facebook ee whatsapp iska leh ee dhawaan loo baxshay Meta ayaa bartiisa Twitterka soo dhigay in Abka Whatsapp uu makarfoonka taleefankiisa isticmaalay dhowr jeer isaga oo hurda.

    Foad Dabiri ayaa soo dhigay sawir uu kasoo qaaday xilliyada Whatsapp-ku isticmaalay makarafoonka oo taleefankiisu diiwaan geliyey, waxuuna kusoo qoray sidan: "whatsapp wuxuu isticmaalayey makarafoonka taleefankayga si qarsoodi ah aniga oo hurda tan iyo markaan soo kacay lixdii subaxnimo (kaliya waa qayb ka mid ah xilliyada!) Siday wax u jiraan?" ayuu yiri.

    Madaxa Shirkadda Twitter - ninka laguy magacaabo Elon Musk oo ka fal celinayey qoraalka uu injineerkiisu soo bandhigay ayaa qoray; "Whatsapp lama aamini karo".

    Sawirka whatsapp-ka ee injineerku soo dhigay twitter
    Copyright: Getty Images
    Image caption: Whatsapp way iska fogeeyeen eeddan waxayna dalbadeen in shirkadda ay Google baadhitaan ku samayso sheegashadan

    Dhanka kale Whatsapp oo ka falcelnaysay qoraalka injineerka iyo hadalka Musk ee is daba socday ayaa sheegay in ay tani tahay cillad ka jirta talefoonada Android oo loo tiiranayo aaladdooda whatsapp waxayna sheegaan in ay shirkadda google ka codsadeen in baadhitaan lagu sameeyo arrinkan.

    "24 saac ee ugu dambeeyay waxaan la xiriiraynay injineerka Twitter ee soo dhigay cillad ka jirta taleefankiisa Pixel iyo Whatsapp. Waxaan aaminsannahay in tani ay tahay cillad ka jirta Android oo si aan sax ahayn wax uga sheegaysa asturnaanata xogta, waxaanuna shirkadda Google ka codsannay in ay baadhitaan ku sameeyaan dhexdhexaadinna ka noqdaan Muranka.” Ayaa lagu yiri qoraalka Whatsapp soo dhigtay barteed ay Twitter-ka ku leedahay.

    Si kastaba ha ahaatee Twitter iyo Meta - oo ah shirkadda iska leh Whatsapp iyo Facebook ayuu xilfaaltan adag ka dhexeeyaa maadaamada ay yihiin shirkadaha baraha bulshada ee ugu waaweyn.

    Twitter oo xiri doona baraha aan la isticmaalin

    Baraha Bulshada: Saddex qaab oo lacag looga sameeyo TikTok

    Qabatinka Internet-ka: Ma dhibaato sii kordheysaa oo saameyn ku leh dunida?

    WhatsApp: Waxaa tijaabo ku jira adeeg sahlaya in farriimo la isu diro telefoon la'aan

  2.  
  3. Ninkii sameeyay mid ka mid ah jabsashadii baraha bulshada ee ugu weyn abid oo la xukumay

    Joseph James O'Connor oo jeebaysan
    Copyright: Reuters

    Muwaadin British ah oo bishii hore la qabtay ayaa lagu helay dembi ah inuu ku lug lahaa mid ka mid ah jabsashadii ugu weyneyd abid ee ka dhacda baraha bulshada.

    Jabsashada bogagga baraha bulshada ee dhacday bishii July ee sannadkii 2020 ayaa saameysay in ka badan 130 akoon uoo ay ka mid yihiin kan Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden iyo madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama.

    Joseph James O’Connor oo 23 jir ah loona yaqaan PlugwalkJoe ayaa lagu helay dembiga ah jabsahsha internet-ka waxaana lagu xukumay xabsi ugu badnaan garaya 70 sano.

    Jabsashada ayaa qayb ka ahayd khayaameyn Bitcoin oo aad u baaxad weyneyd.

    O’connor oo dalka Spain lagasoo qabtay ayaa afduubtay tiro akoonno ah isaga oo diraya Tweets ama qoraal wuxuuna ka weydiinayey dadka ku xiran bogagga uu afduubtay in ay soo diraan Bitcoin isaga oo u ballan qaadaya in uu labanlaabayo lacagtooda.

    Waxaa O’connor lala xukumay oo kale saddex nin oo kale oo kuwada eedaysan isla dembigan. Dhowr iyo toban Maraykanka u dhashay oo lagu magacaabo Graham Ivan Clark ayaa asna 2021-kii lagu helay dembiga. Nima Fazeli oo kasoo jeeda Orlando Maraykanka iyo Mason Sheppard oo kasoo jeeda Bognor Ingiriiska ayaa lagu xukumay dembi heer federal ah.

  4. XIGASHO:-BBC





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip