FAALLO:- Shirqoolkii Madaxweyne Cali Mahdi loo dhigay (Bsl Aqri si aad u ogaato).

0
Sunday May 07, 2023 - 21:28:17 in Wararka by
  • Visits: 1152
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    FAALLO:- Shirqoolkii Madaxweyne Cali Mahdi loo dhigay (Bsl Aqri si aad u ogaato).

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Maanta Aniga oo baarayo Buugeyga Xusuus qorka ee "History in action” iyo waraaqadaha "Day to Day” oo aad iyo aad u farabadnaa ee aan ku qori jiray Dhacdooyinka horaantii 90-maadkii.

Waxaa ka mid ahaa.

Md. Xassan Konte oo u dhashay Galbeedka Afrika-Ghana, oo Wakiilka UN ee Somaliya uu u wakiishay Waqooyiga Mogdishu ayaa Galab iigu yeeray Xafiiskiisii Deg. Cabdicasiis.

 

Waxaan ahaa Madaxii Xafiiska Md.Cali Mahdi.

 

Waxaan u tagay isaga oo kaligii ku nasanayo Geed Guriga Xafiiskiisa ku yiil hoostiisa.

Mar kasta oo Qof Somali ah uu la kulmayo waxaa khasab aheyd in uu la joogo Nin Faransiisa oo u ahaa La taliye Siyaasadeed iyo Nin Dalka Senigal u dhashay oo ilaalo gaara u ahaa.

 

Galabtaa Ninkii Faransiisku waxa uu jiray Xarunta UN ee Siliga Mareykanka.

Md. Xassan Konte, Waxa uu igu yiri: Anigu waxaan ahay Nin Muslim ah, shaqadaan mar dhaw waan ka tagayaa, waxaan ku noolaan doonaa Dalkeyga Beer aan leeyahay oo Qasabka Sokorta lagu beero.

 

Intii aan Cali Mahdi la shaqeynayay waxaan arkay in uu yahay Nin wanaagsan mana rabo in aan qeyb ka noqdo Shirqoolka loo diyaariyay.

Shir ka dhacay Xarunta UN ee Siligga, Si arintaan Somaliya aan uga nasano danaheynana aan u gaarno, waxaa la go’aamiyay in Cali Mahdi lagu casuumo shir Laba Maalin lagu qabanayo Kampala – Uganda.

 

Inta uu ku maqan yahayna in Jan.

 

Ceydiid loo sheego in uu Garoonka dayaaradaha weerar ku soo qaado, kadibna iyada oo taa marmarsiiyo laga dhiganaa Garoonka Dayaardaha la Xiro 3 Usbuuc, mudadaa dhaxdeeda in waqooyiga Magaalada uu Jan.

 

Cayddid Dagaal ku qaado uuna qabsado, taana ay u fuddeeyso UNOSOM iyada oo ay ka qeyb qaadanayaan ku xigeenada Cali Mahdi qaar ka mid ah iyo Kaaliyayaashiisa kale.

 

Dadkana loo sheego in Md. Cali Mahdi uu iska dhiibay Dalka Uganda oo la siiyay Magangalyo Siyaasadeed.

Waqooyigana sidaa lagu qabto oo Magaaladu ay hal Hogaamiye hoos tagto, waxaan filayaa in arintaan ay ku soo heshiiyeen Talyaaniga oo Cali Mahdi ay saaxiibo yihiin iyo Ethiopia oo ay Caydiid saaxibo yihiin, kadibna ay arrintaa ka dhaadhacsiiyeen wadamada kale.

Mr.  Konte ayaa yiri: Shirkaa oo aan ka qeyb galay, waxaa laga soo saaray waqadaan Martiqaadka ah oo la rabo in uu Cali mahdi uu ka soo jawaabo kadibna la qaado.

Warqadii waa tan u geey Cali Mahdi una sheeg yuuna Shirkaa Uganda aadin. ( F.S: 1aad)

Waxaan ku iri Md. Xassan konte, Haddii aan u geeyo warqadaan martiqaadka oo aan u dhiibo waxaa suura gal ah in uuna iga aaminin, oo saaxiibadiisa wasiirada u ah iyo kuwa USC/SSA ayaa ku qancinayo in uu aado, Aniguna kuma jito Golayaasha Siyaasada, ee Adigu u sheeg. warqadii waan ka qaaday, waxaana iska dhigtay Guriga Sh. Cali Tuure oo uu Qol iga dajiyay markii aan xaafadda Barmuuda ka imid ee aan soo degay kaaraan.

Maalin kasta marka aan xafiiska tago waxaa Warqadaa i weeydii jiray Siyaasiyiinta kale, kadibna Cali Mahdi oo xiiseynayo warqada.


Maalmihii dambe xafiiska ma tagi jirin, Markastana Xarunta Siliga ayaa soo waceysay Cali Mahdi oo leheyd warqdda maad ka soo jawaabtid.

 

Markii uu igu batay Culeysku ayaan u tagay Md. Xassan konte oo aan ku iri: Galabta ayaan Cali Mahdi u tagaa oo aan kuu keenaa ee Adigu u sheeg.

 

Waxa uu yiri: uma sheegi karo, mar kasta oo uu ila fadhiyo Cali Mahdi waa in uu ila fadhiyo Ninkaan Faransiiska ah, Aniga ayaana noqonaa dambiile haddii aan kaligeey la shiro.

Waxaan ku iri: Aniga ayaa xal keenaa.

 

Waxaan kuu keenaa Galabta 5:30 pm.

 

Waxaan ku kulmeynaa fadhiga hoose ee Xafiiskaaga, Marka Makhribka la gaaro ayaan leeyahay Salaad ayaa kor ku soo Tukaneynaa.

 

Faransiisku noo raaci maayo Salaadda ee marka aan qolkaaga tagno ee aan salaada u istaagno u sheeg.

Waxaan u tagay Cali Mahdi oo igu canaantay Maalmahaan xageed ka baxday, Warqaddii UN-ku kuu soo dhiibay maxaad iigu keeni weyday aan ka jawaabee.
Waxaan ku iri: wax ka daran ayaa jiro, deg deg ayaa lagaaga rabaa Xafiiska UN-ka waana isa soo raacnay.

 

Waxaan u nimid Md. Xassan konte iyo Ninkii faransiiska.

 

Sidii Balantu aheyd ayaa yeelnay, Makhribkii ayaa ku iri: Fadhigaan kabaha ayaa lala soo galaa, ee nasii Qol aan ku tukano, waxa uu yiri: Meel nadiif ah Qolkeyga jiifka ayaa ka jiro oo dabaqa sare ah.

 

Waxaan tagnay Qolkiisii, Farnsiiskiina hoos ayuu nooga haray.

 

Markii aan Salaada u istaagnay ayuu Xassan Konte u sheegay Cali Mahdi qorshaha loo dagay.

 

Salaadii kadib waxaan u nimid Faransiiskii oo aan naga shakin.

 

Kadibna waan ka soo tagnay.
Subaxdii kale ayaan Cali Mahdi u diyaariyay warqad uu uga cudur daaranayo Shirka.

 

Sidaa ayuuna uga baaqday.
Siyaasiyiin la joogay qaarkood ayaa aad uga carooday Go’aankaa. (F.S: 2aad)

Siyaasiyiintii kale ayaa Cali Mahdi ka dhaadhacsiiyay in uuna Documentiga iga aaminin, waxa ayna keeneen Laba Xogheeyn oo Cusub oo shaqada qaar iyaga lagu aamino, kuwaa oo xogta iyaga u dusiyo, waxaan iska yareeyay shaqadii xafiiska si haddii siro baxdo ayna siyaasiyiinta qaar ayna iigu nabin in aan Anigu bixiay. laakin qaar ka mid ahaa saaxiibaderydii Xafiiska ayaa dhacda walba ii soo gudbi jiray.

Muddo dheer ka dib

Muddo dheer kadib Mrkii uu Xilka ka degay ayaan Cali Mahdi u sheegay wax badan oo ay ka mid aheyd sababta aan u diiday in aan ka qeyb galo Shirkii Jabuuti ee Md. Cabdi qaasim lagu doortay.

 

Waxa uu igu yiri: Markii aan Xafiiska joogay, waxaas oo dhan, maxaad iigu sheegi weeyday.

 

Waxaan ku iri: Anigaa xaliyay kuumana sheegin, laakin Adigu haddii aan wakhtigaa kuu sheegi lahaa ma iga aamini laheeyd.

 

Waxa uu igu yiri: Maya.
Waxaan ku iri: ka waran Cashadii khartuun-Sudan uu Madaxweyne Xassan Al Bashiir uu gurigiisa noogu sameeyay, iyo Jabuuti Maalintii Madaweyne Xassan Guuled Abtidoon uu nagu casuumay Gurigiisa.

 

Waxa uu yiri: Markaa Jabuuti waa wanaagsaneyd, laakin Hadda waxaan Go’aansaday in aanan Jabuuti tagin nolosheeyda inta ka dhiman, xattaa Dayaarad Transit ku ah Jabuuti ma raacayo weligeey.

 

Laakin Sababta iima sheegin anna ma weydiin, waanse qiyaasi karay ( F.S:3aad)

FG: Maanta intii aan baarayay Warqadaha keydka ee weli aan hayo oo ku kala jiro, Boorsooyin hore, kartoono iyo Jawaan, waxaan ka qaaday Sanboor.

 

Mar kale ayaan idinla wadaagi doonaa qeyba kooban oo ka mid ah Qoraaladeydii Xasuus dhowrkeyga ee 90 maadkii, Haddii Alla idmo.

 

Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip