Qooyska Md. Xassan sheikh iyo Qooyska Jaalle Maxamed Siyaad.=Faallo= FAALLO Qooyska Md. Xassan sheikh iyo Qooyska Jaalle Maxamed Siyaad.=Faallo=

0
Thursday May 04, 2023 - 20:19:10 in Wararka by
  • Visits: 1115
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qooyska Md. Xassan sheikh iyo Qooyska Jaalle Maxamed Siyaad.=Faallo= FAALLO Qooyska Md. Xassan sheikh iyo Qooyska Jaalle Maxamed Siyaad.=Faallo=

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

1. Qoyska Xassan sheikh: Waxa aan ka hadleeyno waa Qooyskiisa, Qabiilkiisu iyagaaba Cabasho ka ah in uu xuquuqdoodii u diiday, haku saxnaadeen ama haku khaldanaadeen.

A.

 

Qooyskiisa Reer Gurguurte:

1.Md.Xassan Sheikh waa Madaxweynihii.

2.Gabdhiisa Jihaan Xassan, la taliso Arimaha Dibadda.

 

Iyada oo la socoto Sawirada waan ku aragnay, laakin Baraha Bulshada waxaa ku qoran Documents la leeyahay waa run iyo waa been.

3.Gabar Wiilkiisu qabo ayaa hayad ku xigeen ka ah.

Intaas ayaa ognahay, wixii ka badan ee nalaga qariyay noo sheeg.

B.Qoyska Reer Siyaad bare:

Dadkii wakhtigaa joogay ayaa og, Qabiilka iska dhaaf ee Qooyska Reer Siyaad Barre ilaa Dabayaaqadii Sanadihii 1980 aad kii.

1) Jaalle.Maxamed Siyaad Barre waa Madaxweynihii.

2) Taliyaha Xoogga Dalka, Jan.

 

Maslax Maxamed Siyaad, wiilkiisa, da’da 40-aad ka.

3) Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdiraxmaan Jaamac Barre, ilma Adeer.

4) Agaasimaha Guud ee Maamulka Madaxtooyada, Ayaanle Maxamed Siyaad, Wiilkiisa, da’da 20-meeyada.

5) Wasiir ku xigeenka Caafimaadka, Cabdullahi Maxamed Siyaad, wiilkiisa oo dhab ahaan ahaa Qofka kaliya oo ay ka go’do talada Wasaaraddu.

6) Maareeye ku xigeenka Feera Somalo, Xassan Maxamed Siyaad, wiilkiisa.

7) Agaasimaha Wasaaradda Maaliyadda, Canab Maxamed Siyaad, Gabadhiisa, dhab ahaanna aheyd Qofka gacanta ku hayay Maaliyadda Dalka.

8.Agaasimaha Maamulka Lacagta ee wasaaradda Lacagta.

 

Shamso Maxamed Siyaad, Gabartiisa.

9) Agaasimaha Guud iyo Wasaaradda Horumarinta Dalxiiska.

 

Xawa Maxamed Siyaad, Gabadhiisa.

10) La taliyaha arimaha dhaqaalaha Xafiiska Madaxweynaha, Diiriye Maxamed Siyaad, wiilkiisa Da’da 20 tameeyada.

11) Wasiirka arimaha Gudaha iyo Taliyaha Hayadda Amniga, Jan.

 

Axmed Saleyman Cabdalle.

 

Waxa uu u ahaa Sodog.

12) Taliyaha Ciidanka Police-ka.

 

Jan. Cabdiraxman Xassan”Cabdiraxmaan Guulwade” waxa uu u ahaa Sodog.

13) Wasiirka Gaashaandhigga, Jan.

 

Maxamed Saciid Xirsi "Moorgan” waxa uu u ahaa Sodog.

14) Agasimaha Guud ee Bangiga dhexe, Fadumo Maxamed Siyaad, Gabartiisa.

15) Wasiirka wax barashada, Cabdullahi Maxamud Mire, waxa uu u ahaa Sodog.

16) Safiirka Somaliya u fadhiyay Washington, Cabdikarim Cali Cumar, waxa uu u ahaa Sodog.

17) Agaasimaha Maamulka Lacagta Somali Airline.

 

Cali Sabriye, waxa uu u ahaa Sodog.

18) Taliye ahaana Sarkaal sare ee Ciidamada Taliye Xigeenka Ciidamada Kumaandooska , Cali Maxamed Siyad, Wiilkiisa.

19. Maareeye xigeenka wakaaladda Petrolka, Guuleed Maxamed Siyaad, Wiilkiisa.

20. Sarkaal Sare oo Ciidan, taliyaha Taangiyada XDS, waana is daldalay.

 

Shire Maxamed Siyaad, Wiilkiisa.

21.Dhoofiinta Kaluunka ayaa u xirnaa, Cusub Maxamed Siyaad, Gabartiisa, Da’da 22-aad.

Intii kale ee aan ka tagay ee Jaalle Siyaad Qooyskiisa aad ka xasuusato iyo wixii Md.

 

Xassan ee aanan ogeyn noo sheeg.

22. Wakiilka Arimaha Dhulka Gobalka Banadir, Shamhaad Maxamed Siyaad, Gabadhiisa.

23. Madaxa police-ka Cashuuraha ilaaliyo, Adan Cali, Adan Turuba taariyo, waxa uu u ahaa Sogog.

24. Gudomiyaha Degmada Shangaani, Xalimo Xirsi Bare. ilma Adeer.

Ogow, Qooysasku Xaq waa u leeyihiin, Howl Qaran, Hadduuna jirin Xad gudub Xuquuq Muwaadin kale.

Qofka wixii u gaarka ah lagama faragaliyo, Laakin wixii naga dhexeeyo wax waa la iska weeydii karaa.

FG: wixii ka khalday ka sax, wixii ka dhimanna ku dar.

Qore:- Yahya Amir

.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip