Daawo: Xasan oo shaaciyay qorshe culus oo dowladda kula dagaalamayso musuqa

0
Saturday May 06, 2023 - 23:37:42 in Wararka by
  • Visits: 440
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Xasan oo shaaciyay qorshe culus oo dowladda kula dagaalamayso musuqa

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay in dowladda federaalka ay qorsheynayso inay qaado tallaabooyin waaweyn oo lagula dagaalamayo musuq-maasuq.

Madaxweynaha ayaa waxa uu ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed, inay ku garab istaagan dowladda dagaalka ay kula jirto musuq-maasuqa, oo la sheego inuu kamid yahay waxyaabaha ugu waaweyn ee ragaadiyay dalkeenna.

"Waxaa rabaa walaalayaal, dowladda tallaabooyin ay kula dirireyso musuq-maasuqa, kuwa waaweyna waa soo wadna, shacabka haddii ay dowladda ku garab istaagin mashaarciidaas ma guuleysanayaan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in il gaar ah lagu fiiriyo dadka dowladda u shaqeeya ee daaraha ka dhista magaalada, islamarkaana la baaro halka uu ka keenay lacagtaas. Arrintaan ayuu sheegay madaxweynaha inay qeyb ka tahay mushkiladaha haysta ee taagan.

"Wiil yar oo dhalinyar ah oo dowladda ka shaqeeya (amniga, dekedda ama garoonka) dakhliga soo gala la garanayo oo mushaar shan boqol ama kun dollar qaata ayaa daaro dhaadheer magaalada ka dhisanaya, waa nin karmeed ayaa la leeyahay xaqiiqdana waa tuug, intee ka keenay la weydiin maayo?.”

 "Dadka jeebahooda lacagta kuma baaqato laakiin dowladda uma timaado. Beeso ma haysato dowladda, beesadiina dadka majirto waa laga soo qaaday oo waxaa ku dhisan daarahaas aan sheegayo ayaa ku dhisan oo magaaladda ku yaalla, oo leenahay waa sartii hebel.”

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan xirtay saraakiil dowladeed,oo la horgeeyaymaxkamadda gobolka Banaadir, kuwaasi oo ciidamada booliska ay 20-kii April ee sanadkaan kasoo xireen garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

 

Saraakiishan dowladeed ayaa waxaa loo haysta musuq-maasuq, been abuur, ku takri-fal awood dowladeed, waxayna hrodhac u yihiin shabakad ballaaran oo ku eedeysan xatooyada iyo lunsashada xoolaha dadweynaha, wuxuuna xarigooda qeyb ka yahay dagaalka ay dowladda kula jirto musuq-maasuqa.

Sidoo kale ciidamada ammaanka ayaa weli ku raadjooga shaqsiyaad kale oo ka tirsan shabakadaan ay qeybta ka ahaayeen saraakiishan u xiran dowladda, kuwaasi oo iyaguna la horgeyn doono cadaaladda.



Hoos ka daawo muuqaalka madaxweynaha



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip