Booliska oo soo xiray Aabe si arxan darro ah u dilay wiilkiisa

0
Wednesday May 03, 2023 - 09:46:30 in Wararka by
  • Visits: 312
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska oo soo xiray Aabe si arxan darro ah u dilay wiilkiisa

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

 Qoraal kasoo baxay taliska qaybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa waxaa looga hadlay howlgal ay ciidamada ammaanka xalay ka sameeyeen degmada Cabadicasiis ee gobolka Banaadir.

Howlgalka oo ahaa mid bartilmaameed ah ayaa waxaa lagu soo qabtayMaxamad Cali Cilmi oo ku eedeysan inuu mindi ku dilay wiilkiisa oo ahaa 6 sanno jir.

Aabahan oo 45 sano jir ah ayaa saacado badan la baadi goobay, wuxuuna ku eedeysan yahay dilka wiilkiisa Maxamuud Maxamed Cali Cilmi.

Sidoo kale taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in haatan uu socdo baaris ku aadan kiiskan xasaasiga ah, isla-markaana eedeysanaha loo gudbiyay hay’adaya ku shaqada leh.

"Eedeysanaha, waxaa ku socota baaris, wuxuu wajihi doonaa Maxakamada Awooda u leh si sharciga loo waafajiyo” ayaa mar kale lagu yiri.

Dhacdadaan xanuunka badan ayaa walwal ku reebtay dadka deegaanka, waxaana sidoo kale si weyn loo baahiyay baraha bulshada, ayada oo dad badana ay ka falceliyeen falkaasi.

 

"Habaar qabe haddaa maqasho waaa kanaa 6 jir muxuu ogyahy? bal wakasaa hee” ayuu yiri Sayid Cali oo kamid ay dadka ka hadlay.

"Subxaana allh wiilkan xogaa wa xanuunsan yahay ilaahey ku sababay wiilkiisa” ayay iyaduna tiri Amiiro Kooshin.

"Xasbunallah Illaheeyow na xifdi yaa rabbi” ayuu dhankiisa yiri Cabdullahi Muxudiin Maxamed.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip