
Digniin: "Mashiinnada caqliga macmalka leh dhowaan way naga caqli badan doonaan"
Nin loo arko inuu yahay aabbaha mashiinnada caqliga macmalka leh (AI) ayaa isaga tegay shaqadiisa, isagoo ka digay khatarta sii kordheysa ee horumarrada laga gaarayo aaladaha casriga ah.
Geoffrey Hinton, oo 75 jir ah, ayaa warqad uu u diray New York Times ku dhawaaqay inuu ka tagay shirkadda Google, isagoo sheegay inuu haatan ka shallaynayo shaqadiisa.
Wuxuu BBC-da u sheegay in qaar ka mid ah khataraha mashiinnadan ay yihiin kuwo "xoogaa cabsi leh".
"Haatan, nagama caqli badna, inta aan sheegi karo. Balse mar dhow laga yaabee."
Dr Hinton ayaa sidoo kale garwaaqsaday in da’diisa ay door ku leedahay go’aanka uu shaqada kaga tagay shirkadda, sida uu u sheegay BBC: "Waxaan ahay 75 jir, marka waa waqtigii aan howlgab noqon lahaa."
Baaritaanka Dr Hinton ee daraaseynta qotada dheer iyo sida ay aaladahan u shaqeeyaan ayaa waddada u xaaray hannaanka mashiinnada macmalka ee haatan la isticmnaalo.
Balse ninkan cilmu-nafsiga ku takhasusay ahna saynisyahan kumbiyuutar, una dhashay dalka Britain ayaa BBC u sheegay in mashiinnadan ay dhowaan la wareegi doonaan heerka warbixin ee ay maskaxda bani’aadamku keydin karto.
"Haatan, waxa aan arkeyno waa waxyaabaha sida GPT-4 ay uga aqoon badiso qofka. Marka la eego dhanka sababeynta, sidaasi uma fiicno, balse haatanba xoogaa sababeyn ah ayay sameysaa.
"Marka la eego heerka horumarka, waxaan fileynaa inay arrimuhu dhaqsi isu beddelaan. Marka waxaan u baahannahay inaan taas ka walwalno."
Maqaalka lagu qoray New York Times, Dr Hinton wuxuu tilmaamay "dad xun" oo mashiinnadan u adeegsan doona "waxyaabo xun".
Marka ay BBC ka codsatay inuu arrintan iftiimiyo, wuuxu ku jawaabay: "Tani waa waxa ugu xu nee dhici kara.
"Waad qiyaasi kartaa, tusaale ahaan, dad xun sida [Madaxweynaha Ruushka Vladimir] Putin ayaa go’aansaday inuu mashiinnada macmalka ah siiyo awoodda ay ugu sameeyaan hadafyadooda hoose."
Saynisyahanka ayaa ka digay in tani ay muddada dheer abuuri karto "abuur hadafyada hoose sida 'Waxaan u baahanahay inaan helo awood dheeraad ah".
Wuxuu intaa ku daray: "Waxaan ogaaday in mashiinnada macmalka ee aan soo saareyno inay aad uga duwan yihiin kuwa aan heysanno.
"Annaga hannaankeenna wuxuu ku dhisan yahay bayoloji kuwaanna waa casri ama digital. Marka farqiga ugu weyn ee u dhaxeeya waa in kuwan digital-ka laga sameyn karo nuqullo badan.
"Nuqulladaanna si kala gaar ah ayay wax u baran karaan balse degdeg ayay aqoontooda u wadaagi karaan. Marka waa sida adiga oo heysta 10,000 oo qof oo qof walba uu bartay wax gaar ah, haddana qof walba waxaas gaarka ah wuuba sii ogyahay, taasina waa sababta ay nooga caqli badin karaan."
Wuxuu carrabka ku adkeeyay inuusan dooneyn inuu cambaareeyo Google isla markaana shirkaddan ay tahay mid "aad u mas’uuliyad badan".
"Waxaan runtii doonayaa inaan waxyaabo wanaagsan ka iraahdo Google." Ayuu yiri.
Digniin: "Mashiinnada caqliga macmalka leh dhowaan way naga caqli badan doonaan"
..