Dalka ugu dadka badan caalamka: Naxdin miyey u tahay mise farxad?

0
Monday May 01, 2023 - 22:46:37 in Wararka by
  • Visits: 255
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dalka ugu dadka badan caalamka: Naxdin miyey u tahay mise farxad?

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Caruur saf ugu jirta tababarka Yoga- Chennai

XIGASHADA SAWIRKA,AFP

Qoraalka sawirka, Caruur saf ugu jirta tababarka Yoga- Chennai
Tirada dadka Hindiya ayaa gaadhay 1,425,775,850 qof, taas oo kor u dhaaftay tirada dadka ku nool dhul weynaha Shiinaha, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Tirakoobka Hindiya oo la qorsheeyay in la qabto sannadkii 2021 ayaa dib loo dhigay, mana jirto xog rasmi ah oo ku saabsan tirada dadweynaha Hindiya. Tirakoobkii ugu dambeeyay ee Shiinaha waxa la sameeyay sannadkii 2020.

Si loo qiyaaso sawirna looga bixiyo tirada dadka Hindiya iyo Shiinaha, Qaramada Midoobay waxay ku tiirsan tahay macluumaadka ku saabsan heerarka iyo isbeddellada dhalmada, dhimashada iyo socdaalka ee laga helay diiwaannada, sahannada iyo xogta maamulka.

Waxaa cad in Hindiya iyo Shiinaha labaduba ay haystaan in ka badan 1.4 bilyan oo qof midkiiba, todobaatankii sano ee lasoo dhaafay waxay tirada la isku daray ee labadan dal ka badneyd saddex meelood meel ka mid ah dadweynaha caalamka.

Tirada dadka Shiinaha ayaa loo badaniyaa inuu hoos u dhac ku yimaado sanadka soo socda. Sannadkii hore, 10.6 milyan oo qof ayaa dhashay, tan oo wax yar ka badan tirada dhimashada, taas oo ay ugu wacan tahay heerka dhalmada oo si degdeg ah hoos ugu dhacay. Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, tirada dadka Shiinaha ayaa sii ahaan doonta mid hoos u dhacda, waxayna hoos ugu degi kartaa hal bilyan oo qof ka hor dhammaadka qarnigan.

Heerka taranka Hindiya ayaa sidoo kale aad hoos ugu dhacay tobannaankii sano ee la soo dhaafay taas oo ahayd dhalmo 5.7 ah halkii qof ee dumar ahba, halka maanta ay ka tahay laba caruur ah halkii haweeney, laakiin heerka hoos u dhaca ayaa ahaa mid gaabis ah. Dadka Hindiya waxaa laa saadaalinayaal in tirada dadkiisu ay sii kordhayaan dhowr iyo toban sano, Qaramada Midoobayna waxay filaysaa in tiradu ay sii kororto marka la gaaro sannadka 2064, ka dibna si tartiib tartiib ah hoos ugu soo dhacdo.

Haddaba maxay ka dhigan tahay in Hindiya ay ka sare marto Shiinaha oo ah waddanka ugu dadka badan adduunka?

Shiinuhu wuxuu hoos u dhigay cadadka dadkiisa in ka badan Hindiya

Garaaf muujinaya koboca tirada dadka Hindiya tan iyo 1950 kii
Qoraalka sawirka,

Garaaf muujinaya koboca tirada dadka Hindiya tan iyo sannadkii 1950 kii

Shiinaha ayaa hoos u dhigay heerka kobaca dadweynaha qiyaastii kala badh 2% sanadkii 1973 ilaa 1.1% 1983kii.

Cilmi-baarayaashu waxay sheegeen in arrintan inteeda badan lagu gaarey iyada oo lagu xad gudbey xuquuqul insaanka laba qorshe oo kala duwan oo lagula talinayey in lamaanuhu dhalaan hal ilmo oo kaliya iyo guurka oo la dib dhigo, muddada u dhexaysa dhalmada labada da’ood iyo yareynta dhalmada ayaa loo aaneynayaa hoos u dhaca tirada guud ee dadka Shiinaha.

Maalgelinta caafimaadka bulshada iyo koboca waxbarashada haweenka iyo ka qayb qaadashada shaqada iyo waxyaabo kale, ayaa sidoo kale qayb ka qaatay hoos u dhaca dhalmada.

Dadka Hindiya waxay saddex jibaarmeen lixdankii sano ee xorriyadda ka dib - laga soo bilaabo 361 milyan oo qof sannadkii 1951 ilaa in ka badan 1.2 bilyan oo uu gaaray sannadkii 2011.

Kobaca tirada dadku hoos ayey u socotaa

Hindiya waxay la kulantay koror degdeg ah oo dadweyne – ku dhawaad 2% sanadkiiba – oo inta badan dhacday qaybtii dambe ee qarnigan. Muddo ka dib, heerka dhimashadu hoos ayay u dhacday, rajada nolosha ayaa kor u kacday, dakhliga dhaqaaluhuna kor buu u kacay. Dad badan - gaar ahaan kuwa ku nool magaalooyinka - waxay heleen biyo nadiif ah oo la cabbo iyo iyo nidaamyada bulaacadaha lagu qaado oo casri ah. "Haddaba heerka dhalashadu aad bay u sarraysay," ayuu yidhi Tim Dyson, oo ah cilmi-baare ka tirsan Dugsiga Dhaqaalaha ee London.

Hindiya waxay bilawday barnaamijka qorsheynta qoyska sannadkii 1952 waxayna dejisay siyaasadda dadweynaha markii ugu horreysay sannadku markuu ahaa 1976, oo ku beegan wakhtiga Shiinaha uu ku mashquulsanaa dhimista heerka dhalashada.

Laakin madhalaysnima la isku qasbayo ee malaayiin qof oo sabool ah oo ku jiray barnaamijka xamaasadeysnaa ee qorshaynta qoyska intii lagu jiray xaaladdi degdegga ahayd ee sannadkii 1975 - markii xorriyadda madaniga ah la hakiyay - waxay keentay dib u dhac xagga bulshada oo ka dhan ah qorsheynta qoyska. "Hoos u dhaca dhalmada Hindiya ayaa ka xawaare sarreyn lahayd sidaas, haddii aysan xaalad degdeg ah dhicin iyo haddii siyaasiyiintu talaabo ka qaadi lahaayeen. Waxa kale oo ay la macno tahay in dhammaan dawladihii xigay ay si taxadar leh ula dhaqmeen marka ay timaado qorsheynta qoyska," ayuu yiri Prof Dyson.

Wadamada Bariga Aasiya sida Koonfurta Korea, Malaysia, Taiwan iyo Thailand, kuwaas oo bilaabay barnaamijyada dadweynaha wax badan kadib Hindiya, waxay gaadheen heerar hoose oo taran ah, waxayna kor u qaadeen dakhliga iyo horumarinta bini'aadamka ka hor inta aanay sidan sameynin Hindiya.

Hindiya wax cabsi ah kama qabto badashada dadweynaha

Dhammaan heerka koboca taranka dadka diimaha kala duwan kasoo jeeda ayaa hoos u dhacay
Qoraalka sawirka,

Dhammaan heerka koboca taranka dadka diimaha kala duwan kasoo jeeda ayaa hoos u dhacay

Hindiya waxaa ku darsamay in ka badan hal bilyan oo qof tan iyo markii ay xornimada heshay sannadkii 1947, waxaana la filayaa in dadkeedu ay sii bataan ilaa 40 sano oo kale.

Markaa Hindiya oo leh dad ka badan Shiinaha hadda muhiim uma aha "wax cabsi geliya", ayay yiraahdeen cilmi-baarayaashu.

Kor u kaca dakhliga iyo horumarinta helitaanka caafimaadka iyo waxbarashada ayaa ka caawiyay haweenka Hindida inay dhallaan carruur ka yar sidii hore, taasoo si wax ku ool ah u toosisay qalooca kobaca.

Heerarka taranka ayaa hoos u dhacay - laba dhalasho haweenaydiiba 17 ka mid ah 22 gobol iyo dhulalka uu federaalku maamulo.

Heerarka dhalmada ee dhammaan diimaha ay dadka Hindiya haystaan ayaa hoos u dhacay, marka loo eego xogta rasmiga ah.

Hoos u dhaca heerarka dhalmada ayaa aad uga dhaqso badnaa koonfurta Hindiya marka loo eego waqooyiga dadka badan. "Waa wax laga xumaado in wax badan oo Hindiya ka tirsan aysan ahaan karin sida koonfurta Hindiya," ayuu yiri Prof Dyson. "Wax walba oo siman, korodhka degdega ah ee dadweynaha qaybo ka mid ah waqooyiga Hindiya ayaa hoos u dhigay heerarka nolosha".

XIGASHO:-BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip