Madaxweyne Xasan Sheekh oo goob fagaare ah kaga jawaabay Su'aalaha Muwaadiniinta Soomaaliyeed "SAWIRRO"

0
Tuesday May 02, 2023 - 08:32:28 in Wararka by
  • Visits: 339
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo goob fagaare ah kaga jawaabay Su'aalaha Muwaadiniinta Soomaaliyeed "SAWIRRO"

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Dood-furan oo si toos ah ay shacabka Soomaaliyeed ugu soo weydiinayeen su’aalahooda la xiriira dowladnimada iyo waxqabadkiisa sannadkii tagay ayaa soo bandhigay sida ay uga go’an tahay in dalkeennu uu ka xoroobo argagixisada gaarana horumar muuqda.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in caqabadda ugu weyn ee dib dhigtay dalkeenna ay tahay argagixisada galaafatay nolasha kumannaan kun oo dadkeenna ah, caqabaddana ku noqotay nolasha, horumarka iyo wax-wadaqabsiga Soomaaliyeed.   


 

"Sannadkii 2012-kii markii aan xilka nimid waxaan xoreynay deegaanno badan oo Al-Shabaab gacantooda ku jiray, caqabado badan baa jiray, casharradii iyo khibraddii aan kaas ka barannay ayaa maanta saldhig u ah holwgallada aan wadno. Dadka Soomaaliyeed in ay dagaal ka qeyb-galaan ayaa udub-dhexaad u ah qorshaheenna maanta iyo guusha aan joogno.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey nafhurnimada Ciidamada Soomaaliyeed iyo dadka deegaannada la xoreeyey, waxa uuna xusay mustaqbalka wanaagsan ee dalkeennu uu leeyahay, markii laga xoreeyo argagixisada iyo rajada aadka u sarreysa ee uu ku qabo in degdeg loo cirib-tiro khawaarijtaas.

"Al-Shabaab waxaan kasoo ciriirinnay dhankii Wabigii iyo dhankii Badda, meel dhexda ah bay ku jiraan, wajigii 1-aad waxa uu ahaa Hirshabeelle iyo Galmudug, Wajiga Labaadna waxa uu noqon Jubbaland iyo Koonfur-galbeed. Maanta waxaa Ilaah mahaddiisa ah in gaariga ka soo baxa Jowhar uu cabsi la’aan ku imaanaya Muqdisho.”

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka jawaabay su’aalo laga soo weydiiyey daafaha dunida oo ku saabsan sarreynta sharciga, wadashaqeynta hay’adaha dowladda heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed, dib u heshiisiinta iyo xiriirka caalamiga ah.

Baarlamaanka; "Taariikhda waa markii ugu horreysay oo Baarlamaanka Soomaaliyeed ay hal fadhi ku saxiixaan sharciyo gaaraya 11 sharci oo badankood aas-aas u ah deyn cafinta, maalgashiga iyo dowladnimada. Tani waxay caddeyn u tahay shaqada adag ee socota.”

Arrinta Laascaanood; "Waxaan mudnaanta koowaad siinaynaa in la joojiyo colaadda socota, la joojiyo dhiigga qulqulaya, kaddibna miis la wada fariisto oo la wada xaajoodo. Dadka Laascaanood waxaan u haynaa mudnaan gaar ah maadaama ay calankii buluugga ah ku adkeysanayaan, midnimadana u ololeynayaan. Wax aysan raali ka ahayn cidna kuma khasbi karto, waxaanse dooneynaa in rabitaankooda aysan dhiig badan u daadan.”

Puntland; "Madasha aan isugu imaanno dowlad-goboleedyada dalka dhammaantood waa ka soo qeyb-galeen, markii laga reebo kulankii ugu danbeeyey ee Baydhabo. Hadda saddex Madaxweyne oo dowlad-goboleed ayaan u xilsaarnay in ay soo dhegaystaan tabashadooda. Ma jiraan wax aan annagu ilaa haatan ognahay, ama nalala wadaagay oo ku saabsan waxa ay diidan yihiin.”

Maqaamkii gaarka ahaa ee Caasimadda "Wali laguma guuleysan, sababtuna waa qabyo-tirka dastuurka oo aan wali lagu guuleysan. Caqabadaha kale oo jira waxaa ugu weyn amniga, iyadoo aan xoogga saareyno sidii aan u joojin lahayn dhibaatada ay argagixisadu ay ku hayso Caasimadda, taas kaddib waxaan ka shaqeyn doonaa bilicda iyo maamul dhiska.”

Xiriirka caalamiga ah, "Dalalka is diiddan ee gobolka iyo guud ahaan caalamka mid kasta waxaan la nahay saaxiib, mana jirto mid ay colaad nagala dhexayso, waxaanna diyaar u nahay xitaa dalalka is-diiddan in aan ka qeyb-qaadanno isfahankooda.”

Kala saaridda awoodaha dowladda; "Awoodaha Ra’iisul Wasaaraha waxay ku qeexan yihiin dastuurka dalka, shaqada ugu badan ee deyn cafinta iyo xoreynta dalka waxaa hoggaaminaya Wasaaradaha Maaliyadda iyo Gaashaandhigga, labaduna waxay ka tirsan yihiin Golaha Xukuumadda, waana shaqada ugu ballaaran ee hadda socota. Xafiiska Madaxweynaha waxa ka socda waa talo-bixin iyo jiheyn, shaqadana waxaa fuliya Golaha Xukuumadda.”

Doorashooyinka; "Waxaa iga go’an in aynan ku laaban hoolkii Afisyoone, dowladda qorshe ayaa uga deggan doorashada qof iyo cod. Maanta ayaa bilaabaynaa geeddi socodka 2026-ka.”

 


 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip