
HALKAAN KA KAHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH AXAD 30-KA ABRIIL 203-KA
R/W Xamza oo dhoolatus sameeyay xilli uu socdo mooshin culus + Sawirro
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soo maaliya, Md. Xamza Cabdi Barre oo Shalay dib ugu soo laabtay dalka ayaa sameeyay dhoolatus weyn, xilli uu soo shaac baxay moo shin ay ka wadaan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka.
R/wasaare Xamza oo maalmi hii lasoo dhaafay ku sugnaa dalka Sacuudiga ayaa u gu maqnaa gudashada Cumrada, waxaana lagu soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde.
Soo dhaweynta loo sameeyay ra’iisul wasaaraha oo ka duwaneyd kuwii horey loogu sameyn jiray ayaa kusoo aaday, xilli aad loo hadal hayo mooshinka ay ka wadaan xubnaha baarlamaanka, waxaana Aadan Cadde kusoo dhaweeyay xubno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, Golaha Wasiira da iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.
Md.Xamza Cabdi Barre oo hadal kooban siiyay warbaahinta ayaa sheegay in uu dadka iyo dalkaba u gu duceeyay in Rabbi nabadgelyo, Barwaaqo iyo midnimana ku gallado.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay in sannadkani uu noqon doono mid ay dadka iyo Dowladda Soomaali yeed muddo gaaban gudahood dalka kaga sifeyn doonaan Al-Shabaab,.
Waxa kale oo uu xusay in Soomaaliya ay ku tall aabsan doonto guulo kale oo waaweyn, kuwaas oo ay kamid yihiin dhammeystirka barnaamijka deyn cafinta, qabyo-tirka Dastuurka KMG iyo ka faa’iideys iga kheyraadka dalkeenna Eebbe ku galaday.
Dhanka, kale ra’iisul wasaaraha ayaa lagu wadaa inuu sii laba jibaaro shaqadiisa, si uu uga hortago ab aabulka xilka looga tuurayo, waxaana qorshuhu yah ay inuu bilaabo kulamo siyaasadeed oo uu la qaada nayo xubnaha beesha caalamka iyo xildhibaanada qudhooda.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in moo shinka ka dhanka ah Xamza lagu diyaarinayo Nairobi oo ay haatan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed ka wad aan xildhibaano kamid ah baarlamaanka, kuwaas oo raba in lagu rido xukuumadda aan sanad jirsan ee DanQaran.
Si kastaba, xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza ayaa muddooyinkii dambe wajaheysay dhaliilo xoogg an oo la xiriira hab maamulkeeda iyo shaqada loo ig maday, ayada oo dhawaana uu weerar ku qaaday Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo sidoo kale ah ergeyga madaxweynaha Soomaal iya u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada.
DF oo Habeen hore ku dhawaaqday qorshe wax looga qa banayo xaalad ka taagan Muqdisho
R/wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya, Md. Saalax Axmed Jaamac ayaa Habeen hore kormeeray xa afadaha ay saameeyeen roobabkii xooganaa ee Dorraad ka da’ay magaalada Muqdisho, kuwaas oo daadad xoogan watay.
Saalax oo u wehliyay duqa Muqdisho ayaa booqday xaafadda Ceelqalow iyo Warta Nabadda oo kamid ah meelaha ay ku dhufteen daadadka, halkaas oo ay ka jirto xaalad adag.
Rw.ku xigeenka dalka ay aa xusay in robabka ay kha saare xoogleh geyste en, isla-markaana dhibaata da ugu daran ay wajahayaan qoysaska danyarta ah.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay in DFS ay haatan wado qorshe wax looga qabayo biyaha roobka, isla-markaana la sameyn doono biyo xereen.
Waxa kale oo uu intaasi ku daray in qorshahaas ay si wadajir ah uga shaqeyn doonaan wasaaradda howlgaha guud iyo maamulka gobolka Banaadir oo is wada kaashanaya. "Wasaaradda howlaha guud iyo gobolka Banaadir barnaamijyo wadajir ah oo ay kaga wada shaqeynayaan sidii xal waara loogu helo arrintaan ayay ku howlan yihiin, kaasi waxaa xalka durugsan xilligeeda iyo waayaheeda ayaan ka war ra meynaa,” ayuu yiri Saalax Axmed. R/w.ku xigeenka XFS oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in DFS qorshahaasi fulintiisa ay u raadin do onto laca gaha loo baayahan yahay oo uu ku sheeg ay malayin dolar, walow uusan shaacin tirada rasmig a ,
"Dowladdu waxa ay u raadineysaa malaayinka dollar ee loo baahan yahay in arrintaa wax looga qab to inay gobolka ka kabto oo ay oo wax kala qabato,” ayuu sii raaciyay
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa haatan ka taag an xaalada ka dhalatay roobabkii ka da’ay caasim ada, waxaana xirmay waddooyinka qaar, kadib mar kii ay biyuhu fariisteen.
Maxaa ka Cusub Xogta mooshinka Ra’iisul Wasaare Xamse?
Inkastoo aanu illaa hadda jirin mooshin si rasmi ah bannaanka u yaal, marka laga reebo fadhi ku dirir si sahlan suuqa ku soo galay iyo warqad qaab receipt u qoran oo baraha bulshada lagu faafiyay, haddana wa xay u muuqataa in mooshinkii dhexdiisa boqol kaarto lagu dheelayo oo la abuurayo sida in dowladda dhex deeda ay waddo.
Mooshin walba waxaa aas aas u ahaa saddex arr imood 1- cidda abaabuleysa , 2- ujeedka mooshinka 3- iyo saldhigga mooshinka, haddaanu saddexdaas arrimood laheyn mooshinka awooddiisa ma dhameys tirna, isla markaana Mooshin aanu Madaxweyne qeyb ka aheyn ma socon jirin.
Sheeko sameynta Mooshinka waxay ka soo bilaabatay Nairobi iyo siyaasiyiin Cumrada isku wareyst ay. illaa iyo hadda ma jirto cid bann aanka la timid, Mooshinadi horay Xukuumadda looga keeni jiray ujeeddka wuxuu ahaa dhowr siyaasabood oo lagu saleyn jiray sida in Am niga lagu fashilmay iyo in amni darro ka jirto Muq disho, balse intaas oo dhan xilligan ma jiraan, maxaa yeelay Xukuumaddu waaj ibaadkeeda koowaad waxay ka dhigtay xal u helida amniga, waxayna ka bi lowday la dagaalanka Al-Shab aab oo laga qabsaday dhul ballaaran oo gaaraya ill aa 500KM, aaggagii Mu qdisho ka furnaa waxaa loo raray deegaano iyo go obo Al-Shabaab muddo 15 sa no ay adkeyd iska daa in la gaaree amar la’aan shim bir aysan ka buubi karin.
Sababahaas oo la isku geeyay ayaa yareynaya suurtogalnimada in xilligan mooshin Xukuumadda loo helo duruuf iyo dood lagu socodsiin karo. Laakiin mu caaradka bannaanka jooga, oo arrintaas is tusay, ay aa laga yaabaa inay hadal-haynta suuqa soo gashay uga dan leeyihiin inay tuhun kala dhex dhigaan xuk uumadda iyo saaxiibo saami-wadaag siyaasadeed la ah balse hadda aanan xilal hayn, si kala shakigaas gudaha ah uu u abuuro xaalad ay mucaaradku ka faa’ideysan karaan.
Roobab khasaare kala duwan geystay oo ka da' ay magaalada Muqdisho
Roobab xoogan oo biyo farabadan dhigay inta ba dan degmooyinka magaala da Muqdisho ayaa da'ay sa acada hii lasoo dhaafay, kaa soo sab abay dhima shada Afar ruux, is lamarkaana saa meyn ku yeesh ay qaar ka mid ah guryaha iyo wado oyinka Muqdi sho.
Fiidnimadii Habeen hore ayay ah eyd markii masuuliyiin kala du wan oo uu ka mid ahaa guddoo miyaha gob olka Banaadir ahna Duqa Muqd isho Yuu suf Xuseen Jimcaale Madaale ay gaareen goobaha ay sida weyn u saameeyeen biyaha ka dhashay roob abka.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ku dhawa aqay iney Shalay bilaabayaan howlaha biyaha looga saarayo waddooyinka magaalada Muqdisho oo ay dhex fadhiyaan biyo farabadan oo ka dhashay roob abkii Dorraad ka da'ay Muqdisho iyo Na waaxige eda, isagoona xusay in Habeen hore gurmad ay u sameyeen dad ka roobka ay saameeyeen. "llaa hadda dedaalka wuu socdaa oo howshu wa an ku jirnaa, Joodariyaal ayaa loosoo daabulay si ay ugu jiiftaan Qoysaskaan, cunno ayaan siinay maad aama ay gaajoonayaan, Shacabka Soomaaliy eed gaar ahaan Magaalada Muqdisho gacantooda ayaan u baahan nahay” ayuu yiri Gud. Madaale. ayaa sidoo kale sheegay in khasaaraha ka dhashay roobabka ee la xaqiijiyay iney tahay dhimashada Afar ruux iyo guryo dumay.
"Badbaadinta dadka shacabka ah ee Masaakiinta ah ayaan u taaganahay, illaa hadda khasaaraha dhi mashada waa 4 ruux oo ku dhintay warta Siigaale, Dadka leh Booyadaha ayaan la xiriirnay si ay biyaha uga qaadaan waddooyinka, qaarkood ayaa duhurkii ka hor nala kowsaday” ayuu yiri Duqa M/Muqdisho
Si kastaba ha ahaatee roobkii Dorraad ka da’ay M/ Muqdisho ayaa saameyn badan ku reebay xaafad aha iyo waddooyinka Muqdisho, waxaana xusid mu dan in Shalay weli xiran yihiin qaar ka mid ah wado oyin ugu muhiimsan Muqdisho oo ay biyaha dhex ceegaagaan.
Dowladda Soomaaliya oo shir muhiim ah kaga qe yb gashay dalka Marocco
Wasiirka W/Maaliyadda XF S Cilmi Maxamuud Nu ur ayaa M/Rabaat ee dalka Mar occo ugu qeybgalay shirka sanadlaha ah ee Hey'addaha Maaliyadda dal al ka Carabta. Shirkaan ka furmay M/Rabaat ee dalka Morocco ayaa ah mid dii rada lagu saar ayo arrimaha dhaqaalaha iyo iskaa shiga Ha y'adaha dhaqaalaha ee dalal ka Carabta.
W/Maaliyadda Soomaaliya ayaa la wadaa gay Ha y'add aha iyo dowladdaha ka soo qeybgalay shirkaan loo ga hadlaayo arrimaha horumarinta dhaq aalaha Som aliya iyo hannaanka dib u habeynta Maaliyada.
Wasiir Cilmi ayaa sheegay inuu ku booriyay wasii radda dhigiisa ah ee dalalka Jaa macadda Carabta iyo hay'addaha kale ee shirkaan ka qeybgalay iney sii wadaan garab istaaga DFS iyo waliba dhameys ti rka barnaamijka deyn Cafinta Soomaaliya.
"Waxaan Shalay ka qeybgalay shirka sanadlaha ah ee Hey'addaha Maaliyadda Dalalka Carabta oo Shalay ka furmay M/Rabat ee Boqortooyada Moroc co. madaxda dowladaha iyo kuwa hey’ada ha maali yadda Carbeed, waxaan warbixin ka siiyay arrimaha horumarinta dhaqaalaha iyo hannaanka dib-u-habe ynta Maaliyadda dalka" ayuu yiri Wasiirku isagoo intuu ku sugan yahay M/ Rabaat ee dalka Marooco kulamo gooni gooni ah la qaadan doona Wasiirada dhiggiisa ah iyo Madaxda Hay’ada ha Maaliyadda Jaamacadda Carabta. Shirkaan wax aa ka qeyb gala ya dowladdo iyo Hay'addo dhaqaale oo ka tirsan dala lka Jaamacadda Carabta, ku waas oo qaarkood DFS ku leh lacago Malaayiin doollar oo deymo ah.
Isbitaalka Baledweyne oo lagu wareejiy ay agab
Caafimaad oo ka yimid Hay'adda Human Bridge ee dalka Swedan
Hay'adda Human Bridge ee dalka Sweden ayaa Is bitaalka guud ee M/Baledweyne soo gaarsiisay kaal mo kala du wan oo uu u baahna Isbitaalka B/ weyne. Qalabkaan Caafimaad ee las oo gaarsiiyay Isbitaal ka Baledwe yne ayaa isu gu jira Kumbiyuu tar o,Sari iro, Joodariyaal & agab ka le Caafmaad oo muhiima .
Senator Cabdulaahi Sheekh Ism aciil oo ka mid ah Xildhibaannada Aqalka Sare ee Soomaliya ayaa Maaanta Booqasho ku tegay degmada Baardheere ee Gobolka Gedo,waxaana garoonka diyaaradaha degmada ku soo dhaweeyey Mas,uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Bardheere iyo Sarakiil ka tirsan Ciidamada DF ee ku sugan degmada .
Senetor Farataag ayaa isla Shalay kormeeray Xera da ay ku jiran Ciidamada tababarka uga socdo Baar dheere, isaga oo mar uu ka hadlayey Socdaalki isa sheegay inay la xariirto u diyaar garowga wejiga lab aad ee howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Dhinaca kale Senetar Farataag oo soo marey degmada Dolow ayaa waxaa halkaasiku soo dhaw eeyey Wasiir Caraxmaan Maxamed Xuseen iyo Xub no maamulka Dolow iyo weliba Saraakiisha Ciida mada ku sugan degmada Dolow.
Maamulka Gobolka Banaadir oo adeeg caafimaad u fidinaya qoysaska ay saameeyeen roobabkii Muqdisho
Maamulka G/Banaadir ayaa Sabtida bilaabay in adeeg caafimaad uu u fidiyo qoysaskii barakacayaa sha, ee uu saameeyay roobkii xooganaa ee Jimcihii
ka da’ay Magaalada Muqdisho.
Qoysaskan oo kuwo danyar ah ayaa Habeen hore ku hoy day Xarunta Degmada Warta Nabadda, ka dib markii daadadka ay qaadeen guryihii ay deganaay een. Xar unta ayaa waxaa ka soconaya howlo caaf ima ad iyo gurmad loo sameynayo qoysaskaasi, oo ka mid ah qoysaska barakacayasha ee ku nool M/Muqdisho.
Agaasimaha Waaxda Caafimaadka ee Gobolka Ban aadir, Dr. Cabdiraxmaan Axmed Maxamuud ayaa kor meeray xarunta ay ka socoto howlaha caafimaadka iyo gurmadka.
Agaasimaha oo fulinaya amarka Gudoomiyaha G/ Banaadir ahna Duqa M/Muqdisho, Yuusuf Xuseen Ji mcaale ayaa sheegay inay ka shaqeynayaan, sidii ad eeg caafimaad oo tayo leh ay u heli lahaayeen dadka soo barakacay ee saameynta uu ku yeeshay roobab kii ka da’ay caasimadda.
Habeen hore ayay ahayd, markii R/Wasaare Kuxigeenka Dalka, Saalax Axmed Jaamac uu qoysaskaasi ku bo oqday Xarunta Degmada Warta Nabadda.
R/Wasaare Kuxigeenka XF ayaa faray Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka in si degdeg ay u gu gurmadaan dadka u saameeyay roobku, isagoona bulshada ugu baaqay in ay kaalintooda ka qaataan dadaalada loogu gurmanayo dadkaasi.
Danjiraha Maraykanka ee Soomaaliya oo kulan la qaatay guddoomiyaha gobolka Hiiraan
Danjiraha D/ Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, Larry André ayaa kulan fogaan arag ah la qaatay gud doomiyaha G/Hiiraan Cali Jeyte iyo madax kale ee caan ka ah G/Hiiraan. Danjiraha ayaa u gudbiyay ta ageerada Mareykanka ee howlgallada ka socda Hir shabeelle. Maraykanka ayaa kamid ah saaxiibada sida dhow uga qeyb qaatay daga aladii Alshabaab looga saaray Hir shabelle.
Kulanka oo ahaa mid fogaan arag ah ayaa kusoo aaday xilli Dowladda Maraykan ka ay qorsheynayso inay ka qeyb qaadato wajiga 2a ad ee howlgalka dib u xoraynta Hirshabeelle, iya doo gobolka Hiiraan uu kamid yahay meelaha uu we li Shabaanku ku sugan yahay, gaar ahaan degaan ada dhinaca galbeedka Hiiraan.
Mareykanka ayaa horey u taageeray kacdoonka shacabka Hiiraan ee ka dhanka ah Al Shabaab, kac doonkaas oo ka dhashay ka dib markii Alshabaab ay gubeen tuulooyin, goobaha ganacsiga iyo ceelasha biyaha ay ka cabayeen haweenka, carruurta, dadka waaweyn iyo xoolaha, xilli ay dadka saameysay aba arta xooggan.
Danjire Larry André oo maalmaha soo socda xafiis ka bannaynaya ayaa kulankan uu la qaatay guddo omiyaha G/Hiiraan u muuqda mid sagootin ah, kadib mud do dhowr sano ah oo uu hog gaaminayay howlg alka Maraykanka ee Soomaaliya.
Prof Samatar oo WEERAR culus ku qaaday Madaale
Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo haatan kamid ah Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaal iya ayaa weerar dhanka afka ah ku qaaday guddoom iyaha gobolka Banaadir, Yuusuf Xus een Jimcaale (Madaale), xilli uu ka fal celinayay howlgalkii uu dho waan ka sameeyay agagaarka xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.
Prof. Samatar ayaa sheegay in marka hore uu soo dhaweynayo la daagaalanka maandooriyaha, balse waxa uu ka horymid tallaabadii uu qaaday Madaale.
Senatorka ayaa sidoo kale su’ aal ka keenay hab dhaqanka gud doomiyaha, gaar ahaan dhalinyar adii uu ku garaacay mid kamid ah kalaabyada ku yaalla xeebta Liido.
"Labo waji ayay arrintu leedahay maadooriyeyaa sha, qamriga iyo wixii xaaraan ah in laga qabto wad danka waa mid Soomaali oo dhan ay isku raacsan tahay anigana aan ku raacsanahay, laakiin waxa la ’isku hayo habka ay dowladda arrintaan wax uga bed ddali lahayd miyaa habkani, mise waa hab kale?” ayuu yiri Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar
Sidoo kale waxa uu tilmaamay in tallaabada ugu horreyso ay tahay in marka hore digniin la siiyo dadw eynaha, kadibna howsha fulinta ay qabtaan hay’ad aha ammaanka.
"Waxaa kuu muuqda nin guddoomiye gobol shee ganaya oo bud sida, carrruurna ku garaacaya, isagu ma askarigii ciqaabayaybaa?. Howshiisu howshaa ma’aha waxa weeyaan in lasoo saaro wixii xaaraan ah in dadka loo sheego laga nadiifiyo, dadkana furs ad la siiyo,” ayuu mar kale ku yiri wareysigaan oo uu Prof. Samatar siiyay Telefishinka Universal.
Waxa kale oo uu intaasi sii raaciyay "Waxa ay ila tah ay oo i tuseysaa in meesha loo socdaa ay tahay meeshii kaligii taliska”.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan caasimada uu dadar uga socdo howlgal culus oo ka dhan ah maandooriyaha, kaas oo uu hormuud u yah ay gobolka Banaadir. Si kastaba, dagaalka ka dhan ka ah maandooriyaha ee ka socda gudaha caasima dda ayaa maraya meel wanaagsan, waxaana toddobaadkii u dambeysay la arkayay guddoomiyaha gobolka Banaadir oo hoggaaminaya howl-gal ka dhacay xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis, iyada oo Madaale u u galay mid kamid ah kalaabyada ku yaalla halkaasi.
Kalaabyada ayaa waxaa xilligaasi ku sugna dha linyaro badan oo rag iyo dumar leh, iyada oo guddd oomiyaha uu garaacay wiilasha gabdhaha ku jiray ka laabka, kuwaasi oo la sheegay inay isticma alay een maandooriye.
Banaan-bax culus oo looga soo horjeedo xaalad Muqdisho ka taagan
Banaan-bayo culus oo lagu taageerayo qorshaha maamulka gobolka Banaadir uu kula dagaalamayo maan-dooriyaha ayaa Shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.
Banaan-baxaan waxaa dhigay dhalinyarada ku nool gobolka Banaadir, waxayna la hadleen warba ahinta, iyagoo cod dheer ku sheegay in maamulka gobolka Banaadir ay ku garab taagan yihiin qorshih iisa suulinta daroogada. Dhalinyaradaan ayaa si ga ar ah taageero ugu muujisay go’aankii uu qaatay gud doomiye Madaale oo gacantiisa ku uleeyey dhaliny aro isticmaaleysay maan-dooriyaha.
"Xumaan wade dooni meyno, maan-dooriye doo ni meyno,” ayey ku qeylinayeen dhalinyaradaan oo socdaal ku soo martay qeybo badan oo kamid ah wa dooyinka muhiimka ah ee M/Muqdisho. Ugu dambe yntii dhalinyaradaan ayaa isugu tagtay fag aaraha Daljirka Daahsoon ee degmada Boon dheere, hal kaas oo warbaahinta ay kula hadleen.
"Waxaan Shalay sigu soo baxnay suulinta maand ooriyaha iyo silica ka jira magaalada Muqdisho, wado fiican ayuu guddoomiye Madaale noo furay, waxaana rajeynayaan in Muqdisho laga siiliyo xuma an oo dhan,” ayey tiri gabar ka mid ah dhalinyaradii bana anbaxa dhi gtay.
Waxay dhalintaani duqa Muqdisho ku dhiirageliy een inuu sii laba jibaaro dagaalka uu kula jiro maan-diiriyaha, "Madaale waan kula shaqeyneynaa, gurya ha iyo goobaha lagu qariyana, waan kaala soo saa reynaa daroogada,” ayey tiri gabar kale.
Sidoo kale dhalinyaradu waxay codsatay in mag aalada, gaar ahaan dekedda iyo garoonka laga jooj iyo maand ooriyaha laga soo dejiyo, "Dhalinteena qaar waxay aamintay in aysan joogi karin Taabuu la’aan ee deg deg waan wax uga qabano arrintaan,” ayuu yiri wiil ka mid ah banaan-baxayaashii Shalay.
Wasaaradda Amniga oo lagu wareejiyay xoolo lagu taageerayo ciidamada
Wasiirka Ganacsiga Somaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa Shalay laba neef oo geela ku war eejiyay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga, Maxa med Cali Xagaa, iyadoona xoolahaasi loogu talaga lay in lagu dhiirigeliyo ciidamada la wareegay hawl galada lagu xasillinayo amniga M/Muqdisho.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga oo deeq dan xoolaha ku guddoomay Xarunta Gaadiidka Booliska ee Degmada Cabdi casiis ayaa sheegay in wasaa raduhu ku tartamayaan qorsha ha lagu garab istaagayo ciid amada.
"Waxay ka dhigan tahay in loo abaalgudo wiilashe ena xa sillinaya caasimadda, oo runtii wax muuqdo oo la taaban karo bishii Ramadan illaa hadda same eyay.” Ayuu yiri Wasiir Xagaa.
"Dhammaan 25-ka wasaaradood iyo Xafiiska R/as aare Kuxigeenka, waxaa lagu qoray min laba neef, marka labadani waa labadii ugu horreys ay, waxaana ugu soo hormartay Wasaaradda Ganac siga.” Ayuu yiri Xagaa.
Xagaa ayaa intaa ku daray "Sidaasi darteed, waxa an ugu baaqaynaa wasaaradaha kalena inay ayagu na soo bilaabaan berri wixii ka dambeeyo, si joogto ahna ciidanka loogu taakuleeyo.”
Is bedel dhanka amniga ayaa maalmihii ugu dam beysay Magaalada Muqdisho, tan iyo intii amniga ca asimadda lagu wareejiyay ciidamo isku dhaf ah.
Ciidamadan oo isugu jira Ciidamada Booliska, Nabad Sugidda Gobolka Banaadir iyo Polizia Militare ayaa ka amar-qaata Taliyaha Ciidanka Booliska Soo maaliyeed, General Sulub Axmed Firin.
Ciidanka DANAB oo howlgal qorshey san fuliyay ceel cali axmed ee gobolka Shabeellaha dhexe.
Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa she egay in Ciidanka ay cagta mariyeen goobo ay Al-Sha baab kasoo abaab uli jireen weerarada ay ka geyst aan dalka. Saraaki isha hoggaamine ysa how lgalka ayaa warbaa hinta codka Ciidamada u she egay inay burburiyeen saldh igyo ay Al-Shabaab ku laha ayeen deegaankaas, ayna sii wadi doonaan howlgall ada ka dhanka
Xildhibaan CC Warsame: "Waxaan ahay xildhibaan ku jira 6-Whatsapp group ka billawda kan beesha hoose ee Cayr…”
Waxaan ahay xildhibaan ku jira 6 Whatsapp group ka billawda kan beesha hoose ee Cayr, ku xiji kan Habargidir, Hawiye, xildhibaannada Galmudug, mid loo bixiyey aayaha Baarlamaanka, kan guud ee Gol aha shacabka. Midkoodna hawlihii Golohu lahaa ee sharci dejin, jihayn siyaasad qaran, korjoogtayn laanta fulinta iyo doodaha masiirka dawlad dhiska, la dagaalanka Alshabaab toona loogama hadlo
Golaha Shacabku xubnihiisu waa 275 mudane, lagu so xulay 4.5, laakiin jufo, beel ama qabiil isku aj ande ah, ama isku meel wax u wadaahi ma jiro. Xis biyo ama kutlooyin laga tirsan yahayna ma laha.
Xildhibaan kasta madaxiisaa mayrax ugu xiran ta hay, waa nin walbow naftaa nabiyow umaddaa. Qaar waxay ka joogtaa maxaaan shaqadaydii uga soo tegey.
Markii Golihii la xiray Cumro, Istanbuul iyo Nairobi ayaa loo kala yaacay. Nairobi waxaa maalmo dhow ku sugnaa ku dhowaad 10 wasiir iyo 100 xildhibaan oo danahooda shakhsiga ama qoysaskooda la jooga, kuwaa ayaan ka mid ahay.
Maqaayadaha iyo hoteellada Kenya ayaa la isaga soo hor baxaa. Ra’iisul Wasaarihii isna ku dhowaad labo toddobaad ayuu Cumro iyo Ciid ku maqnaa. Alla ha ka aqbalo.
Madaxweynaha kaligiis ayaa harjad iyo halgan dagaal Al-Shabaab kula jira. Wuxuu u egyahay nin si dii Nabbi Muuse (CC), "Tag oo adiga iyo Ilaahaaga dagaallama”
Maayarkii Muqdisho isagoo dhallinyaro budayn ku jira, ayaa magaaladii mar qura biyo ku soo burqade en, bullaacadihiina wada butaaceen, Bajaajtiina weli ma bejin.
Waxaan arkay ruux masuul ah oo Facebook-giisa ku aammanay bakooradda Maayarka, labo maalin ka dibna isla qofkii ayaa la ii sheegay in uu qolo ajnabi ah kula sheekaysanayey in Maayarku yahay xagjir lo ona baahan yahay in dalka laga qabto.
Lama yaabbayo, sababtoo ah labo wajileynta wax ay noqotay meherada keli ah ee Shalay siyaasadda ka furan.
Ma sahlana in aad siyaasadda ka libin keento had dii aad waydo saaxib runta kuu sheega, dhufaysna kuugu jiraan siyaasi mucaarad kugu ah, iyo maamul gobolleedyo ku wiiqaya, dagaalna kula jirto cadow doonaya in uu ku dilo.
Dunida ma jiro dal 30 sano gobannimo la’aan ah, dadkiisuna la noolyihiin argagexiso, colaad, faqri, cu dur, waxbarasho la’aan, abaaro, fatahaad, sharci iyo kala danbayn la’aan, dhallintiisiina rajo beel iyo quus darteed, ay qax iyo tahriib hor leh billaabeen.
Dagaalka Laascano weli ka socda ee dhimashada, dhaawaca, barakaca iyo hanti burburka baaxadda leh sababay wuxuu tilmaan ka bixinaya halka ay Soo maali 30 sano ka dib taagan tahay.
Somaliland waxaa ku dhacay gaboodfal magac dawladeed loogu geestay, ka dibna gooni isku taag ayey xal u arkeen. Sidoo kale ayaa reer Laascaano gaboodfal uu maamulka Somaliland u geystay ku do onayaan midnimo Soomaaliyeed. Haddii aan midn imo Soomaaliya lagu qasbi karin Somaliland, sidee Laascaano midnimo Somaliland loogu qasbayaa?
Laancaano kuma eka ee beelihii kale way caba nayaan, muddo xileedka Biixina waa dhamaaday, isf aham la’aan ayaa isaga iyo mucaaradka ka dhex taagan, ismadii xalka keeni jirayna waa kuwa leh;
"Abidkeeyba meel lagu xintamo waa anigaa xigaye
maxaa iga xumaan jiray, haddii rag is xiniin taabto”.
Halkaa sawir aan wanaagsanayn iyo saadaal aan wacnayn ayaa ka soo socota.
Taa waxaa la mid ah muddo xileedka gabaabsiga ah ee madaxda dawlad Gobolleedyada Federaalka iyo damaca muddo kororsiga ee ay wada qabaan, go odiska, hanjabaadda iyo is abbaabulka ay wadaan siyaasiyiinta diiddan xil kororsiga ee iyaga xukunka kula loollamaya iyo ka dan la’aanta qaybaha kale ee bulshada iyo daalka ka muuqda beeshii caalamka ee booliska ahayd, waxaasoo idil waa daruur mugdi ah oo Soomaaliya dul hoganaysa.
Culimada cilmiga bulshada waxay yiraahdaan, "si da ay ummadi u nooshahay waxay ka turjumaysaa ar agtida ay nolasha ka qabaan”. Cidna ku eedi mayno waxaan u noolnahay sidii aan mutaysanay.
Carabta waxay tiraahda; "shidooy bado si dhabbe u furmo”. Habeenku marka uu ugu mugdiga badan yahay ayuu waagu dillaacaa, siday u indha xuntahay uma Alle la’a, inkastoo Qaanuunka Rabaaniga uu ah aa "Ilaaheey qolo ma beddelo ilaa iyo inta ay iyagu is ka beddelaan”. "Qaanuunka Allana isma beddelo ism ana doorsho” Isbedel kama horeeyo iyadoon sida aan u fekeray no iyo aragtideena diinta, aduunka iyo dawladnimada isbedelin.
W/Q: Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame
William Ruto oo saaray dalab ka dhan ah Shabaab
Madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto oo ka hadlayay xaaladda Soomaaliya ayaa soo saaray da lab culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab oo mar arka qaar weeraro khasaare geysta iyo qaraxyo xoo gan ka fuliso gudaha waddankiisa.
Ruto oo ka qayb-galay shir Khamiistii ay M/ Kamp la ku yeesheen dalalka ay ciidanka ka joogaan guda ha Soomaaliya iyo madaxweyne Xasan Sheekh Max amuud ayaa ku baaqay in lasoo afjaro agragaxisada iyo amni darada ka jirta gobolka Ge eska Afrika.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay in madaxda dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya looga baahan yahay inay xoojiyaan wadashaqeyntooda, is-dhaafs iga xogaha sirdoonka iyo iskaashiga la dagaalanka Al-Shabaab iyo ka hortagga guud ahaan khatarta argagaxisada.
William Ruto ayaa sidoo kale boggaadiyay shaqa da ciidamada ATMIS ee howlgalka Midowga Afrika, wuxuuna sheegay inay guul weyn ka gaareen hada fkooda xaislinta Soomaaliya.
"Waxaan amaan iyo bogaadin u jeedinayaa Ciid anka ATMIS guusha ay ka gaareen dagaalka Al-Sha baab iyo howgalka xasilinta Somalia,” ayuu yiri mad axweyne William Ruto.
Dhanka kale, madaxweynaha dalka Kenya ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in dalalka gobolka ay diiradda saaraan sidii dhaqaale ahaan loo taageeri lahaa ATMIS, oo soo wajahday mushaar la’aan kadib markii midowga Yurub uu jartay 60 milyan oo dollar siin jiray sanad weliba, taas oo culeys u keentay howlgalka.
Waxa kale oo uu intaasi ku daray in dowladdiisa ay ka go’an tahay sii wadista taageerada Soomaal iya, si looga adkayo kooxda Al-Shabaab oo halis ku ah labada waddan. "Xasiloonida gobolka ayaa laf-dhabar u ah horu marka xiriirka ganacsiga Kenya iyo Somalia, ayuu mar kale yiri madaxweyne Ruto.
Si kastaba, Kenya ayaa kamid ah dalalka qaybta ka ah ATMIS, waxayna ciidamadeeda si gaar ah uga howlgalaan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ee dow lad goboleedka Jubbaland.
Colaadda Sudan: Darawalada oo dadka ku xujenynaya $40,000 si ay xadka uga gudbaan
Qoys ka qaxay dalka Suudaan, ayaa sheegay in ay ka mid yihiin kumannaan reer oo ku xayiran xadka Masar, sababo la xiriira darawallada oo dalbanaya $40,000 oo u dhiganta (£31,810) , si loogga kireeyo ay soohdinta uga tallaabaan.
Dadka ku safraya basaska oo kaliya, heestana ruqsadaha gaarka ah, ayaa ka gudbi kara xadka. Isaga kala tallaabista lugta, ayaa ah mamnuuc. Waxaa jira qoys ka kooban toddobo qof, oo ay ku jiraan saddex carruur ah oo da’doodu ka yar tahay 10 sano jir, ayaa ka baxsaday dagaalladii ka dhacay magaalada caasimadda Khartuum laba maalmood ka hor.
Fadi Atabani, ayaa sheegay in qoyskiisa, oo ay ku jirto haweeney 88 jir ah, ay ku xayiran yihiin xadka.
"Halkan waxaa kusugan kumannaan dad ah. Ma jirto meel ay degaan.
ubnaha inta badan qoyskani, ayaa waxay heystaan dhalashada Ingiriiska, sidaas darted, Atabani, ayaa waxa uu ka codsanaya maamulka UK gargaar iney u fdiyaan.
Sida uu wiilkan yar u badbaadiyay 63 arday ka dib markii darawalkii gaariga uu miyir daboolmay
Wiilka ayaa go’aan deg-deg ah qaatay ka dib mar kii darawalkii waday baska uu miyir daboolmay.
Lix iyo lixdan arday oo dhigata iskuulka Michigan ee dalka Mareykanka ayaa dhammaantood badbaaday ka dib markii uu si degdeg ah u fakaray wiil 13 jir ah kana mid ahaa ardayda kaas oo baska iskuulka la sa arnaa ardayda, sida ay sheegeen saraakiisha.
Wiilka ayaa go’aan deg-deg ah qaatay ka dib markii darawalkii waday baska uu miyir daboolmay.
Ardyaga oo la yirahdo Dillon Reeves oo ka tirsan Dugsiga Dhexe ee Carter ee Warren ayaa dhanka hore uga booday kursigiisii ka hor inta uusan gacanta ku dhigin bareegga gaariga.
Muuqaal ayaa muujinaya darawalka baska oo farriin u diraysa saraakiisha oo u sheegeysa in aanay caafimaadkeedu wanaagsanayn.
Ardayga ayaa waxay magaalada u aqoonsatay inuu halyeey geesi ah yahay.
"Aad baan ugu hanweynahay ficilladaada geesinnimada leh!"Jonathan Lafferty oo ah wakiilka goolaha deegaanka Warren ayaa qoraal uu soo dhigay Facebook sidaasi ku soo qoray.
Markii ay arrintu dhaceysay oo ahayd Arbacadii ardayda ayaa ka soo laabanaysay dugsiga dhexe ee Carter ka dib markii darawalkii baska "uu noqday mid miyir daboolan", sida uu sheegay madaxa dugsiga Robert Livernois.
Fiidiyowga dhacdada, oo la sii daayay Khamiistii, ayaa muujinaya darawalka baska oo farriin u diraysa raadiyaha saraakiisha iyadoo u sheegaysa in aysan caafimaad qabin lagana yaabo in ay sii daciifto.
Wax yar ka dib, markii dareewalku uu awoodi waayay xakameynta isteerinka, waxaana la maqlayay ardayda oo qaylinaysa markii basku bilaabay inuu ka leexdo leenkiisa.
Mr Livernois waxa uu sheegay in Dillon uu arkay "darawalka oo dhibaataysan" ka dibna "uu u tallaabay dhinaca hore ee baska si gacan uga geysto inuu baska istaago".
Kadib u uku guuleystay inuu joojiyo baska oo ay saarnaayeen 63 arday ah ayuu Dillon wuxuu ku qayliyay "qof hadda ha waco khadka degdega ah 911.”
Ilaa hadda lama oga sababta keentay xanuunka darwalka baska. Horay uguma aysan dhicin arrintan oo kale iyadoo wadda baska iskuulka. Dillon
XIGASHADA SAWIRKA,REEVES FAMILY
Markii ay booliisku waceen waalid diinta Dillon, aab bihiis, Steve Reev es, ayaa nax ay oo markiiba waydi iyay "muxuu sam eeyay wiilkayga?"
Saraakiisha ayaa yiri, "maya wa xba ma uusan sameyn, wiilkaagu waageesi", sida ay sheegtay warba ahinta gudaha.
Xildhibaan ka tirsan magaalada, oo qiyaastii 30 daqiiqo waqooyi ka xigta Detroit, ayaa ku ammaanay Dillon "inuu baska ku guuleystay in baska uu istaajiyo taas oo horseedday in laga hortago dhacdo noqon kartay shil naxdin leh".XIGASHO:BBC
Taalibaan oo ka hortimid qorshe ay wadeen 90 dal
Taliban ayaa Jimcihii sheegay in go’aankooda ay uga mamnuuceen haweenka dalkaas u dhashay inay u shaqeeyaan hay’adaha Qaramada Midoobay inay tahay arrin "bulsho oo gudaha dalkaas khusaysa” ayna tahay inay ixtiraamaan dhammaan dalalka kale.
Bayaanka ay soo saareen uru rka Taliban Jimcihii ayaa ku soo beegmaya maalin ka dib markii 15-ka dal ee xubnaha ka ah golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, ay soo saareen qaraar ay si adag ugu cambaaraynayaan tallaabada mamnuucis ta ah ee ururka Taliban uu ku soo rogay haweenka dalkaas.
Sidoo kale waxa ay ugu baaqeen inay si degdeg ah u qaadaan, haweenka reer Afghanistan oo ay u ogolaadaan inay waxbaran karaan, isla markaana ay shaqayn karaan.
Qaraarkan waxaa sidoo kale taageeray in ka badan 90 dal, waxaana si weyn walaac looga muuji yey tallaabooyinka sii kordhaya ee ay qaadayaan ur urka Taliban ee ka dhanka ah xuquuqda aadanaha iyo xorriyaadka aasaasiga ah, ee ka dhanka ah hawe enka iyo hablaha reer Afghanistan.
Wasaaradda arrimaha debedda ee xukumadda Taliban ayaa sheegay in isagoo tixgelinaya dhaleec aynta, haddana in arrintaasi ay tahay mid u taalla dadka reer Afghanistan ee aanay ahayd mid khusay sa dalalka debedda.
Warbixintan waxaa qoray Ayaz Gul sidoo kale waxaa qayb ka qaadatay Margaret Besheer
Turkiga oo maxkamad soo taagay 4 Wariye + Sababta
Afar saxafi Kurdish ah ayaa ka soo muuqday ma xkamad ku taalla dalka Turkiga iyaga oo lagu eede eyey inay xidhiidh la leeyihiin xisbiga shaqaalaha Kur distan (PKK) kaas oo mamnuuc ka ah dalka Turkiga.
Beritan Canozer oo u shaqe eya JinNews, saxafi Remzi Akkaya, Abdurrahman Gok oo ah tifatiraha Mesopotamia News Agency iyo saxafi kale oo lagu magcaabo Mehmet Sah Oruc ayaa xabsiga la dhigay Salaasadii ka dib hawlgal qorshaysan oo ay sameeyeen ciidamada booliska ee dalkaas, kuwaas oo 21 magaalo ka soo qabqabtay illaa 128 qof.
Dadka xabsiga la dhigay ayay ku jireen illaa 10 saxafi, garyaqaan u doodayey saxafiyiin Kurdiyiin ah oo xabsiga ku jira, iyo xubno ka tirsan xisbi ay leey ihiin Kurdiyiintu oo ah kan saddexaad ee ugu weyn baarlamaanka dalkaas.
Maxkamadda dastuuriga ah ee dalkaas ayaa amar ku bixisay in la xayiro xisbigaas oo lagu eed ee yey inuu xidhiidh la leeyahay ururka PKK, hase ahaa tee xisbiga ayaa eedayntaas beeniyey.
Xadhigan ayaa ku soo beegmaya, maalmo ka hor doorashada baarlamaanka iyo madaxtinimada dalkaas oo dhacaysa bisha May 14-keeda, taasoo loo arko inay tahay doorashadii ugu adkayd ee uu ga lo madaxweyne Erdogan labaatankii sano ee la soo dhaafay.
Ilo dhinaca amniga ah oo Turki ah ayaa u sheeg ay wakaaladda wararka ee Reuters in dadkan loo ha ysto tuhuno la xidhiidha inay ururka PKK ka caawiy een dhinaca dhaqaalaha, shaqaalaynta iyo fidinka da caayadaha. Ururkan ayaa Turkigu u arkaa urur argag ixiso.
Hay’ado kala duwan oo caalami ah oo u dhaqdh aqaaqa xorriyadda hadalka oo ay ku jiraan Freedom House, International Press Institute iyo PEN Internati onal ayaa ugu baaqay xukuumadda Turkigu inay jooji so cagajuglaynta baahsan iyo handadaada ka dhan ka ah saxafiyiinta Kurdida ah, hay’adohooda warbaa hineed iyo garyaqaanada difaacaya, isla markaana in fursad sharci la siiyo xisbiga Kurdiyiinta, lana soo bandhigo dhammaan eedaha loo haysto .VOA
Nin ku dhalay 550 caruur ah shahwad ku deeqis oo la amray inuu joojiyo Shahwad ku deeqis
Shahwad ku deeqis Nin u dhashay dalka Holland oo loogga shakisan yahay inuu waalid u yahay in ka badan 550 carruur ah, oo adduunka oo dhan ku kala sugan, isaga oo ku deeqay Shahwada, ayaa lagu am ray inuu joojiyo ku deeqista Shahwadiisa.
Ninka oo lagu magacaabo Jon athan, oo 41 sabi jir ah, ayaa lagu ganaaxi doonaa in ka badan €100 ,000 (£88,000), haddii uu isku da yo inuu mar kale ku deeqo Shahw adiisa.
Waxaa sanadkii 2017-kii laga mamnuucay in uu ugu deeqo Sha hwaddiisa xarumaha bacriminta, ama ku abuuri sta ilmaha haweenka ee dalka Holland, ka dib markii ay soo baxday inuu ku dhalay hannaanka Shahwad ku deeqista in ka badan 100 caruur ah.
Laakiin halkii uu joojin lahaa, ayaa wuxuu ku dee qista Shahwadda uu u tallaabiyey meel ka baxsan dalka Holland oo dibadda ah, iyo Khadka internetka.
Maxkamad ku taalla magaalada Hague, ayaa ku war galisay inuu keeno liiska dhammaan rugaha caa fimaadka ee uu ugu deeqi jiray Shahwadda, isla mar kaana waxay maxkamaddu ku amartay inay baabi’iy aan Shahwadda ninkani.
Ninkan ayaa la sheegay inuu marin habaabiyay boqolaal dumar ah.
Hannaanka iyo shuruucda u dagsan daweynta ee dalka Holland, ayaa waxay tilmaamayaan in deeq-bix iyaha Shahwadda aanu waalid/aabbe u noqon Karin in ka badan 25 carruur ah, oo ka kala tirsa 12 qoys.
Laakiin garsoorayaasha, ayaa sheegay in ninkan uu horseed ka ahaa ku soo saarista Shahwaddiisa caruur gaaraysa inta u dhaxaysa 550 ilaa 600, tan iyo markii uu bilaabay ku deeqista Shahwada sanad kii 2007-dii.
Waxaa maxkamad la tiigsatay ninkani hay’ad ilaal isa xuquuqda carruurta Shahwadda ay ka dhasheen lagu deeqa, iyo hooyo dhashay mid kamid ah carruur ta la sheegay inay in ay ku dhasheen shahwadda nin kani.
"Aragtidu waxay tahay in shabakadan dadkan hal ka qof kasoo jeeda, islana socda iney walaalo yihiin, gaarayana boqolaal walaalo inay yihiin qoys aad u ballaran oo xadka ka baxay," afhayeen u hadlay max kamadda, oo la yiraaahdo Gert-Mark Smelt, ayaa sid aasi sheegay. In ka badan 100 kamid ah carruurta ku dhalatay Shahwadda ninkani, ayaa ku dhashay xa rumo caafimaad oo ku yaalla dalka Holland, iyo goo bo kale oo si gaar ah loo leeyahay, balse waxa uu sidoo kale ugu deeqay xarun caafimaad oo laga lee yahay dalka Denmark, iyadoo Shahwadda ninkani markaa kadib dalal kala duwan.
Haweeney loo xiray iney sidatay basto olad dahab ah
Haweeneyda 28 jirka ah ayaa muteysan eysa 10 sano oo xarig ah haddii dambiga lagu helo AUSTRA LIAN BORDER FORCE Haweeneyda 28 jirka ah ay aa muteysaneysa 10 sano oo xarig ah ha ddii dambi ga lagu heloImage caption: Haweeneyda 28 jirka ah ayaa muteysaneysa 10 sano oo xarig ah haddii dam biga lagu helo Haweeney u dhalatay dalka Mareykanka, ayaa lagu xiray dalka Australia, kadib markii boorsadeeda laga dhex helay qori, kaasoo ka sameysan 24 karat oo dahab.
Haweeneydan oo aan la aqoonsan, ayaa kasoo dagtay magaalada Sydney, iyadoo ka timid M/ Los Angeles, mana heysan wax ogolaansho ah oo ay ku qaadato hubka, sida ay sheegeen ciidamada soohdi maha dalka Australia (ABF).
Waxay ku muteysan kartaa haweeney dan heys ashada hubkan 10 sano oo xarig ah.
Sawirro ay soo gudbisay ABF, ayaa muujinayay muuqaalo laga qaaday garoon ka diyaaradaha oo laga qaaday boorsooyin ka haweeneyda, kaasoo muujinaya hubka ku dhex jira boorsadeeda. Sawir 2aad, ayaa waxaa ka muuqday bastoolad, kadib mar kii bac uu ku jiray la furay.
War qoraal ah oo uu soo saaray sarkaal ka tirsan ABF, ayaa lagu sheegay in tignoolajiyada casriga ah ee ogaanshaha waxyaabaha kala duwan, ay gacan ka geysatay joojinta hubka halista ah ee soo galaya dalka Australia.
Saraakiisha ayaa sheegay in haweeneyda 28-jirka ah lagu soo oogay dacwad, ayna isniintii kasoo muuq atay maxkamadda deegaanka Downing Center, iya doo markaa kadib lagu sii daayey damiin.
Waxa kale oo ay wajihi kartaa in la joojiyo fiisaha dalkan ay ku joogto, lagana saaro Australia, iyadoo la sugayo natiijada kasoo baxda dacwadda uga soco to maxkamadda.
Kuuriyada Waqooyi oo digniin kasoo saartay heshiiska Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed
Kim Jong-un oo ah haweeney la dhalatay Hogga amiyaha Kuuriyada Waqooyi aadna u awood badan, ayaa diginin kasoo saartay in hesh iiska ay dhawaan gaareen dowladaha Mareykanka iyo K/Koonfureed uu horseedi doono "kh atar ka badan tii hore u jirtay”.
Kim Yo-jong, ayaa sheegtay in kah ortaga nukliyeerka Kuuriyada Waq ooyi "uu haatan gaarey halkii ugu sarreeyey", warbaa hinta dowladda ayaa sidaasi soo gudbisay.
Maraykanku ayaa waxa uu ogolaaday in la geeyo K/Kuuriya maraakiibta hubka Nukliyeerka ah, iyadoo maamulka dalkani uu dhankiisa ka jaan goynayo qor shahaha nukliyeerka, si loogga hortago khatarta nukli yeerka ee Waqooyiga.
Taas cagsigeeda, Kuuriyada Koonfureed, ayaa wa xay ogolaatay inaysan iyagu sameysan hubka Nukliy eerka, oo ay iyagu gaar u leeyihiin. Heshiiska - oo looggu magac daray Heshiiska Washington - ayaa la gu dhawaaqay toddobaadkan, intii lagu jiray wada hadalladii ay yeesheen Madaxweyne Joe Biden uu kula yeeshay dhiggiisa Kuuriyada Koonfureed Yoon Suk-yeol, ee caasimadda dalka Mareykanka.
Muxuu yahay Dhiig Karka qarsoon ee lagu sheegay da'yarta?
Dhalinyarada iyo cudurka Dhiig Karka Dhaliny ar ada iyo cudurka Dhiig KarkaImage caption: Dhaliny arada iyo cudurka Dhiig Karka Dad aad u tiro badan oo dhalinyaro ah, kuwaasoo oo ku nool Ingiriiska, ay aa waxaa lasoo haleelaya cudurka Dhiig Karka.
Tiradooda guud, ayaa wa xaa lagu qiyaasaa ilaa 170, 000 oo qof, oo da'doodu ay u dhaxayso 16 ilaa 24. Dad kani ayaa waxa uu cudurka ku dhacaa iyagoon ka war qabin.
Da yarta, ayaa waxay halis ugu jiraan cudurka Dhi ig Karka, sida ay ka digeen khubaro.
Taasi waa qiyaastii shan ka mid ah 100-kii dhall inyaro oo isugu jira rag, iyo dumar, sida lagu sheeg ay warbixin uu soo saaray Xafiiska Tirakoobka Qaran ka Ingiriiska.
Inkasta oo laga yaabo inaanay jirin calaamado ama dhibaato heerka bilawga ah, balse wuxuu cudur kani culays dheeraad ah saarayaa Wadnaha iyo Xididdada Dhiigga.
Dhiig Karka, ayaa ah cudurka ka danbeeya kala bar wadno-xannuunnada iyo istaroogga, kuwaasoo ka dhaca gudaha UK. Cudurkani ayaa iman kara da 'kasta, waana sababta ay dhakhaatiirtu u sheegeen in dhammaan dadka qaangaarka ah ay tahay inay si joogto ah u baaraan cadaadiska dhiigga, oo ay qaa daan tillaabooyin ay kaga hortagayaan waxyeellada muddada dheer.
Ciidamada RSF ee Sudan oo sheegay in weerar lagu soo qaaday M/Khartuum
Ciidamada u hawl gala deg degga ee (RSF)
ayaa ciidamada kasoo horjeeda – ee millatariga caadiga ah ee Suudaan - ku
eedeeyay dhowr weerar oo xag ga cirka ah, oo lagu qaaday saldhigyada ay ku
leeyih iin qaybo kala duwan oo ka tirsan magaalada Khar tu um, inkastoo ay
jirtay xabbad-joojin soo socotay maalmo.
Leave a comment


0 



HALKAAN KA KAHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH AXAD 30-KA ABRIIL 203-KA
.