
HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PEPAR EE MAANTA OO AH AXAD 23-KA ABRIIL 2023-KA
Madaxweyne Xasan oo cafis u fidiyay 127 maxbuus oo u xirnaa…
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cafis madaxweyne u fidiyay 127 maxbuus oo ku xirnaa xabsiyo kala du wan oo ku yaalla magaalada Muqdisho, kuwaasi oo Shalay lasii daayay
Maxaabiistanuu madax weynaha caf iska u fidiy ay ayaa ku kala xirnaa xabsiga dhexe ee Xamar iyo xabsiga MBC ee KM7 (ex-Control Afgooye), sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweynaha oo lagu faafiyay warbaahinta dowladda.
" 127 maxbuus oo ku xirnaa Xabsiga dhexe ee Xamar iyo Xabsiga MBC ee Ex-control Afgooye, ayaa Shalay lasii daayay markii uu cafis u fidiyay Madaxweynaha JFS Dr Xasan Sheekh Maxamuud munaasabadda Ciidda awgeed,” ayaa lagu yiri qoraalka lagu baahiyay warbaahinta dowladda.
Cafiska madaxweyne ee lagu sii daayay maxaab iistan ayaa ku timid soo jeedin uu sameeyay xaf iiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka, oo gudana ya waajibaadkiisa Dastuuriga ah.
Maxaabiistan ayaa la sheegay inay ahaayeen maxaabiis ku xukuman dambiyada fudud, uuna sidaas xafiiska Xeer Ilaaliyaha uu madaxwey naha ugu jeediyay in cafis u fidiyo oo laga sii daayo xa bsiga dhexe ee Xamar iyo xabsiga MBC ee KM7.
Madaxdweynaha Soomaaliya ayaa sanad walba cafis madaxweyne u fidiya maxaabiista ku xiran xabsiyada ku yaal caasimadda, kuwaasi oo loo soo xiray dambiyo fudud, iyada oo cafiskaan ku soo aadaya munaasabadda Ciidul-Fidriga.
Soomaaliya iyo Serbia oo wada-hadal muhiim ah ku yeeshay Belgrade
Safiirka Dowladda Federaalka ah ee Soomaal iya u fadhiga dalka Serbia Danjire Maxamed Ca bdullaahi Axmed ayaa Shalay kulan wax ku ool ah la qaatay Duqa Magaaladda Belgrade ee Caasi madda Jamhuuriyadda Serbia Mudane. Aleksan dar Šapić.
Danjire Maxamed Cabdulla ahi Axmed iyo Duqa Magaala dda Belgrade ayaa waxaa ay wada-hadleen sedax arrimood oo kala ah;
Dib u mataaneynta labadda caasimadood ee Muq disho iyo Belgrade.
In khubaro injineero ah ay daraasad rasmi ah kuu sameeyaan habka biyo-mareenka ee Caasimadda Muqdisho.
Qorshaynta habsami u socodka gaadiidka dadweynaha, gaadiidka gar-gaarka deg-deg ah, iyo gaadiidka waxbarashadda iyo weli maareynta saxmada magaalada, sida wakhiga ay socon kar aan gaadiidka xamuulka iyo isticmaalka goobaha gaadiidka la dhigo.
Duqa Magaaladda Belgrade, Aleksandar Šap ić ayaa dhankiisa sheegay in xiriirka labadda caa simadood uu ahaan jiray mid aad xoog badan, "Keydka xusuus dhowrka Belgrade waxaan ku arki kartaa sida ay u wada-shaqeyn jireen madaxda Muqdisho iyo Belgrade,” ayuu yiri Aleksandar Šapić, waxaana ka mid ahaa buu yiri Mudane Ax med Maxamud Cadde, Md. Yuusuf Ibraahim Cali, Cusmaan Maxamed Jeelle iyo Xasan Abshir Fa asax.
Sidoo kale, Danjire Maxamed Cabdullahi Ax med ayaa Duqa Magaaladda Belgrade u gudbiyay dhambaal rasmi ah oo ka yimid Duqa Magaaladda Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimaacle (Madaale) oo ku sabaabsan dib usoo celinta xiriirkii soo jireenka ahaa labadda caasimadood ee qadiimid ah. Labd da Dowladood ee Soomaaliya iyo Serbia ayaa si wagaasan iskula jaan-qaadaya tan iyo dib u furi dda Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka ah ee magaaladda Belgrade.
Xiriirka labadda dal ayaa ah mid ku dhisan wax-wada qabsi, is-ixtiraam iyo iskaasho danaha labadda dal.
Shabaab Oo Nabadoono Caan Ahaa Ku Dishay Weerarka Shalay Ee Masagawaay
Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa khas aa raha ka dhashay dagaal xooggan oo kooxda Shab aab Shalay ay ku qaaday Degmada Masagaway ee gobolka Galgaduud.
Wararka ayaa sheegaya in weerar ku bilowday qaraxyo oo uu xigay dag aal toos ah ay koxoda ku qaaday deegaanka oo fariisimo ay ku lahaayeen ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ah, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal faraha lo oga gubtay.
Wararka waxa ay tilmaamayaan in weerarkan ay koxoda Shabaab ku dishay dad gaaraya 10 ru ux oo isugu jira askar iyo nabadoono, waxaana ji ra dhaawcayo kale oo dagaalka uu dhaliyay.
Nabadoonada kooxdan ay ku dishay weerarka waxaa kamid ah Nabddoon Cismaan Macalin, Na baddoon Ibraahim Maxamed iyo Nabddoon Cab dulle Geeljir, Nabadoonadan ayaa ahaa kuwa ugu tunka weyn ee beesha dagta Masagawaay.
Nabadoonada waxaa la sheegay iney ku geeriy oodeen qarax ay fulisay kooxda, iyagoo ku sugn aa guriga ay ka daganaayeen magaalada.
Ciidan uu wato Khaliif Cumar Macalin Nuur ay aa gurmad ahaan u gaaray goobta xili ay koxoda isaga baxday, waxeyna haatan wadaan uruurinta meydadka dadka weerarkan ku geeriyooday iyo baadi goobka dad kale oo nolol iyo geeri lagu weysan yahay.
Al-Shabaab ayaa dhowrkii bilood lasoo dhaaf ay waxay kordhisay beegsiga gaadmada ah ee ay ku ekeyneyso fariisimaha iyo saldhigyada ciidam adda dowladda halkaasoo khasaaro culus uu ka dhasho.
Bishan April 16-keeda, dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa weerar toos ah iyo qarax gaari ku weeraray saldhiga ciidamadda huwanta ah ee de gaanka Budbud wallow saraakiil xuseen in ay is ka-caabiyeen.
Bishii hore Maarso 23-keeda, Al-Shabaab ayaa weerartay saldhiga ciidamadda kumaandooska Gorgor iyo dadka degaanka ee degmada Ruun-nirgood. Kooxda hubeysay waxay shaacisay in ay laysay tobanaan askar ah.
Xigasho:-jowhar.com
Madaale oo hal ciidan ku amaanay amniga ay heleen dadka reer Muqdisho
Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xu seen Jimcaale ayaa aad u amaanay ciidankii lagu soo tababaray dalka Uganda, kuwaas oo uu shee gay inay nabad ka dhigeen magaal ada Muqdisho.
Guddoomiye Madaale ayaa she egay in bishii Ramadaan ay nabad heleen dadka reerMuqdisho, iya doo laga hor tegay weerarradii Shabaab iyo ciyaal weeradii.
"Ciidankii lagu soo tababaray dalka Uganda ee boolis militaar oo madaxweynuhu uu amray inay amniga caasimadda sugaan, waxay suurta geliy een in si nabad ah ay dadka reer Muqdisho u soo maan, una cibaadeystaan,” ayuu yiri duqa Muq disho.
Wuxuu sheegay in dad badan oo masaajidda ka quustay inay ku cibaadeystaan ay Ramadaan kii dhamaaday u suurta gashay inay masaajidda ku soo cibaadeystaan, taasna ay suurta geliyeen ciidanka cusub ee amniga caasimadda la ware egay.
"Ciyaal Weero, Khawaarijtii iyo Tuugadii dham aan waala xakameeyay, waana ku mahadsan yih iin ciidankii lagu soo tababaray Uganda, anaguna waan kala shaqeyn doonaa sugidda amniga mu waadiniinta ku nool caasimadda,” ayuu hadalkiisa ku sii daray guddoomiye Madaale.
Ciidanka cusub ee boolis militaarka ayaa si xoog leh uga howlgala degmooyinka dhaca daa faha Muqdisho, iyagoo halkaas ku baacsada ko oxaha ciyaal weerada oo u badan degmooyinka hareeraha xiga.
Sidoo kale ciidanku waxay ka hor tagaan in Muqdisho la soo geliyo gaadiid lagu soo raray wax yaabaha qarxa, inta badan qaraxyadii ka dhici jir ay caasimadda waxaa la sheegay in lagu soo fars amey jiray gobollada.
Degmooyinka Kaaraan, Wadajir, Dhakenley, Kaxda, Deyniile, Heliwaa iyo kuwo kale oo ciyaal weeradda iyo tuugadu ay ku badnaayeen ayaa la geeyey ciidanka cusub ee boolis militaarka ah, waxaana lagu amaanay sida deg degga ah oo ay wax uga bedeleen amni xumadii ka jirtay caasim adda Muqdisho.
Hay'adda NISA oo shaacisay iney howlgal qorsheysan ku dishay in ka badan 20 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab
Ciidanka Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka iyo saaxiibada Caalamiga ayaa howlgal qorsheys an ka fuliyay inta u dhaxeeysa deegaanada Ugunji iyo Mubaarak oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgalkaas qorsheysa naa ayaa lagu dilay in ka badan 20 dagaalame oo ka tirsan Ururka Al-shabaab oo isugu jira horjoogayaal iyo maleeshiyaad, wax aana lagu dhameystiray tiro intaas ka badan oo dhaawacyo ah ayaa lagu yiri Warsaxafadeed kasoo baxay Taliska NISA.
Warsafaxadeedka kasoo baxay hay'adda NISA ayaa sidoo kale lagu xusay in howlgalkaan lagu dil ay xubnaha ka tirsan Shabaab uu dhacay habe enimadii Khamiista oo taariikhdu ahayd 20-ka bish an April, islamarkaana lagu beegsaday kooxda oo isku abaabuleysay dhulka howdka ah.
Hay'adda NISA ayaa ugu dambeyn u mahad celisay shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ee kala shaqeeya dagaalada ka dhan ka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda gobolada dalka
Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka oo dhameystiran
Xigasho:-Hiiraan.Com.
Maamulka Degmada Cabdicasiis oo Ganac satada Yaryar ka Mamnuucay Gudaha Xeebta Liido.
Maamulka Degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir ayaa mamnuucay in lagu ganacsado Xe ebta Liido kaddib markii uu sheegay in ay goob ahaas sababeen Saxmad iyo cariiri dhanka Xee btaas oo loo dalxiis tago.
Guddoomiyaha Degmada Ca bdicasiis Ruwayda Cabdi Cali oo sheegtay in sidoo kale goobaha as Ganacsi ee yaryar ay dhibaa to ku yihiin dhanka Amniga maadaama dad badan ay u damaashaad tagaan Xeebta Liido.
Ruwayda ayaa sheegtay in aanay diiwaanga sheen Ganacsigaas yaryar oo suuragal noqon ka rta in ay kasoo hoos dhashaan Dad ka shaqeyn kara dhibaatooyin ka dhan ah Xasiloonida iyo Dalxiista Xeebta Liido Degmada Cabdicasiis waa sida ay hadalka u dhigtay.
"Xeebta intaan ballaca la eg waad aragteen wa xaa yimid illaa 40,000 (afartan kun) ama ka bad an, waa xeeb dalxiis ee ma ahan mid Ganacsi, Ga nacsigu waa dhisan yahay oo waa kuwaan Maqa ayadihii iyo wixii oo dhan, maadaama Bulshadu sidaas nafis u tahay oo Amniguna ku jiro una taag an yihiin ciidamada” Ruwayda Cabdi Cali.
"Caqabadda jirta waxa ay tahay, waxaa jira Dad kusoo uruuray waayihii dambe, xeebtaan wax aa qabsaday Ganacsiyo aanay sharci ahayn oo shati haysan, meel ay ka diiwaangashan yihiin jirin iyaga oo caqabad ku noqday Amniga Xeebta & Is dhexgalka Bulshada, waxaa yimaada qof kasta oo xitaa garan-waaga ayaa ku dhex jira oo ku dhex dhuumaya” ayay hadalkeeda kusii dartay Guddo omiyaha Degmada Cabdicasiis.
Taliye ku xigeenka Qaybta guud ee Booliiska Gobolka Banaadir Cali Dhuux Mahad alla ayaa dhankiisa sheegay in digniin badan loo gudbiyay Dadka xeebta dhista isaga oo sheegay in ciddii ka hor imaata digniintooda tallaabo laga qaadi doon no waa sida uu yiri.
Xeebtii loogu talagay in ay dadka ku leersadaan oo ku dalxiisaan oo qofkii biyaha kasoo baxa in uu fadhiisto loogu talagalay meel laga istaago ayaa la weynayaa, waxa aan uga digeynaa Dadka ganacs iga sharci darrada ah ku sameystay eeryada Biya ha badda loogu talagalay & goobaha nagu nasto in laga dhisto Ganacsi, qofkii Ganacsi raba meel ha kireysto” ayuu yiri Cali Dhuux.
Taliye ku xigeenka Qaybta guud ee Booliiska Gobolka Banaadir Cali Dhuux Mahad alla Xeebta Liido waxaa ka dhisan Dhismo intooda badan ka sameysan Baco, Dhar & qoryo la isku xiray waxa ana halkaas lagu iibiyaa shaaha, waxyaabaha macmacaanka ah, dadka dabaasha u taga xeebta as ayaa looga kireeyaa Jaakadaha Dabbaashaha lka dharkoda ay dhigtaan.Xigasho:-dayniile.com
Macluumaad la xiriira: Weerar xoogan ee ka dhacay deegaanka Masagawaa
Faah faahino ayaa ka soo baxaya weerar ay Shalay maleeshiyada Al Shabaab ku ekeeyeen de egaanka Masagawaa ee G/ Galgaduud, hal kaas oo ay saldhigyo ku leeyihiin Ciidanka Xoogga Dal ka iyo kuwa deegaanka.
Weerarka ayaa ku bilowday gaadiid walxaha qarxa laga soo buuxiyay, iyadoona uu xi gay dagaal faraha looga gubt ay oo dhinacyada ku dhex maray deegaankaasi.
Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in ay fashiliyeen weerarkaasi, isla-marka ana ay 18 nin ka dileen maleeshiyadii weerarka soo qaadday. General Axmed Maxamed Calasow (Tareedisho) oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka XDS ee ku sugan Masagawaa ayaa xaqiijiyay in dhankooda ay dagaalka kaga dhinteen afar qof, oo saddex ka mid ah uu ku sheegay odayaasha horkacaya xoogaga Macawiisleyda ee ka barbar dagaalamaya ciidamada. "Mar hadduu dagaal dha co wax badanaa imaanayo, Khawaarijtuna waa ni man qaraxyo iyo waxaas iska soo hormariyo, laak iin markaan Al Xamdulillaah ciidamada iyo shacab ka oo iskaashanaya ayaa ka hortegay.” Ayuu yiri Gen.Tareedisho.
Mar uu ka hadlayay waxa ay ahaayeen odaya asha dagaalka lagu dilay ayaa waxa uu yiri "Oday aasha Dhaqanku ma ahayn oday dhaqameed ee waxay ahaayeen dad shacabkoodii la safan oo qoryaha wata, oo nimankan Khawaarijta la dirirayo ayay ahaayeen oo dhufeyska dhinacooda uga jira.” Gen. Tareedisho ayaa yiri "Qolada howshaan fulineysay oo Khawaarijta ah, ee shacabka Soma liyeed weligoodba dhibaateynaysay ee ajaaniibta &Somalida isugu jirtaahi, kuwaasi khasaara wey naa gaaray, 18 ayaan xaqiijinay waxa hadda ka dhintay, dhankaan kalena waxaa dhintay raggii dagaalamayay oo shacabka kacdoonka ahaa, sad dex oday & nin dhallinyaro ah,4-taas ayaa ka gee riyootay.”
Jananka ayaa intaasi ku daray in ciidamadu ay ku daba joogaan firxadka maleeshiyadii Shabaab ka ee weerarka soo qaadday. Al Shabaab ayaa dhankeeda sheegatay inay dagaalka ku dishay 13 xubnood, oo saddex ka mida ay ku sheegtay horjo ogeyaasha Macawiisleyda,7 kalena ay ku dhaaw aceen. Al Shabaab ayaa qoraal ku sheegtay in da gaalka ay ku qabsadeen 4 gaari, oo 3 ka mida ay yihiin kuwa dagaalka & mid nooca raaxada ah.
Gelinkii dambe ee Arbacadii ayay ahayd, markii Shabaabku ay weerar culus ku ekeeyeen xerada Ciidanka XDSiyo kuwa deegaanka ku leeyihiin de egaanka Budbud ee G/Galgaduud, waana xilli uu gobolkaasi ka socdo hawlgalo ka dhanka ah mal eeshiyada Shabaabka.
Shabaabka ayaa isku dayaya inay fashiliyaan gulufka uu qorshuhu yahay in lagaga sifeeyo dee gaanada Galmudug.Xigasho:-dhacdo.Com
Madaxweynaha Jfs Oo Ka Tacsiyeeyay Nab addoonnada Ay Argagixisadu Ku Dileen Masagawaa
Madaxweynaha J/F/Soomaaliya Md.Xasan Sh .Maxamuud ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehell ada Nabadoon Cusman Macalin Axmed, Nabad oon Ibraahim Maxamed Cusman iyo Nabadoon Cabdullahi Geeljiree oo ay argagixisadu ku dishay M/Masagawaa ee G/ Galguduud.
Madaxweynaha ayaa xusay in falkan bahalnim ada ah ee argagixasada Alshabaab ay kula kace en Nabaddoonnada birmo-geydada ah ay ka tar jumeyso cadaawadda iyo arxan-darrada ay dadka Soomaaliyeed u hayaan, ayna tahay in qofkasta uu u istaago sidii dalka looga xoreyn lahaa.
"Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Weerark an argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Mas agawaa waxa uu muujinayaa yoolka cadawga dad ka Soomaaliyeed oo salka ku haya in ay meel kast a ku gumaadaan haldoorkeenna iyo guud ahaan dadkeenna.”
Madaxweyne Xasan Sh. ayaa sheegay in dib u xoreynta dalka loo hurayo dhiig iyo naf badan oo qaali ah, balse Shalay ay dhowdahay guushu, ma adaama Khawaarijta Alshabaab laga sifeeyey deegaanno badan oo dhowr& 10 sano ay ku dhiba ateynayeen dalkeenna. Madaxweynaha ayaa u ra jeeyey muwaadiniinta ay dhaawacyadu ka soo ga areen weerarkan arxan darrada ah inuu Alle u boo go dhayo, waxa uuna XFS ku jiheeyay in si degd eg ah ay gurmad caafimaad ugu fidiso.
Maamulka masjidka Sheikh Cali Jimcaale oo hadlay dhacdo masajidka ka dhacday salaaddii Ciida ee Dorraad
Maamulka masjidka Sheikh Cali Jimcaale ee M/Muqdisho ayaa wax laga xumaado ku tilmaam ay, waxay ugu yeereen munkar ka dhacay masjid ka xilli lagu jiray salaaddii ciidul fidriga ee maalintii Dorraad.
Maamulka masjidka ayaa shir jaraa'id ku sheegay in ragga iyo dumarku ay is dhexgaleen intii sala adda lagu jiray, arrintaas oo ay ku tilmaameen fool xumo weyn oo ka fog diinta islaamka iyo aqlaaqda islaamka.
Maamulka masjidku wuxuu sheegay arrintaan inay ku dhacday, kaddib markii masjidka ay soo buux dhaafiyeen kumanaan kun oo shacab ah oo isaga kala yimid magaalada Muqdisho, iyagoo sheegay in la waayay meel dadka lagu kala nidaamiyo.
Waxay sheegeen in qaar kamid ah raggii ay dhex galeen qeybtii dumarka ay ku tukanayeen, arrintaas oo ay ku tilmaameen mid ku dhacday qaab aan ku talo gal ahayn, iyo nidaam xumada timid markii masaajidku buux dhaafay.
Waxay sheegeen in ciidamada amniga iyo kooxaha nidaamka ilaalinayay loo awood sheegtay oo ay xamili waayeen culayska badan ee kaga yimid qulqulka dadka .
"Wixii Dorraad meesha ka dhacay waxay ahayd awood sheegasho. Waxaaba ka baqaynay wax intaas kasii daran. Waxaaba ka baqnay in dad isbuurasho ku dhintaan,” ayuu yiri mid kamid ah culimada maamulka masjidka.
Waa markii ugu horreysay oo Soomaaliya ay ka dhacdo in masjid dhexdiisa ay rag iyo dumar is dhexgalaan xilli salaad lagu jiro.
Fannaankii caanka ahaa ee Cumar Xasan Rooraaye oo Hargaysa ku geeriyooday
Fannaan Caanka ahaa ee Soomaaliyeed cumar Xasan Rooraaye oo ka mid ahaa fannaaniinta Soo maaliyeed ee aad ka loo jecelyahay ayaa Shalay ku geeriyooday mag aalada Hargaysa. Fannaanka oo 30 kii sanno ee u danbeeyay ku no olaa M/Hargaysa, ayaa geeriyood ay sida uu baahiyay muuqbaahiya ha ku hadla afka xukuumada Somaliland.
Rooraaye ayaa fanka ku biiray sannadkii 1965 isaga oo kamid noqday kooxdii Xooga Dalka, ka dibna waxa uu uga sii gudbay kooxda Horseed, ka dibna isaga iyo kooxdii Horseedba waxay ku bi reen kooxdii waynayd ee Waabari sannadkii 1974.
Fannaanka ayaa lagu xasuusta heesaha kala ah Wiil waal, Dhirtu kala udgoon badan, Maxa ii dane aan dooniye adi iiga daran, Talo mudan, iyo kuwo kale oo badan, waxaana uu kasoo muuqday riwaayado badan oo caan ah.
Hablaha uu heesaha la qaaday waxa ugu caan san Khadra Daahir Cige, Aamina Cabdillaahi, Say nab Xaaji Cali Baxsan, Xaliima Khaliif Cumar Mag ool, Sahra Siyaad iyo qaar kale. Fanaan Rooraaye ayaa fanka ku jiray muddo ka badan 50 sanno, wu xuuna fankiisu ugu fiicnaa sannadihi 70 naadkii & 80dameyadii Alle ha u naxartiistee wuxuu ahaa fannaan aad loo jeclaah heesihiisa.
Waare;"Alshabaab Waxay Malaayiin Dollar Ku Bixineysa In Xilka Laga Qaado Cali Jeyte"
Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soo maaliya u qaabilsan xasillinta iyo arrimaha rayidka deegaanada laga xoreeyay Al-Shabaab Maxamed Cabdi Waare ayaa qoraal uu soo dhigey bartiisa Twitterka waxa uu ugu baaqay Madaxweynaha Hir shabelle inuusan xilka ka qaadin Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte.
Madaxweynihii hore ee Hirsha belle Waare ayaa qoraalkiisa ku sheegay in Al-Shabaab ay malaa yiin dollar ku bixineyso sidii xilka looga qaadi lahaa guddoomiye Cali Jayte Cismaan,hase yee shee ma cadeyn Maxamed Cabdi Waare cidda ay siineyso lacagtaas ururka Alshabaab.
"Waxaan helnay xog lagu kalsoon yahay oo sheegeysa in Al Shabaab ay malaayiin lacag ah ku bixineyso sidii guddoomiye Cali Jeyte loo be deli lahaa. Bedelka Guddoomiye Jeyte ayaa ah mid gurmad iyo nasteexo siinaysa Shabaab. Mad axweyne Gudlawe Hussein iska daa Guddoomiye Jeyte!”ayuu ku yiri qoraalkiisa Ergeyga Xasilinta ee Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdi Waare. Baaqan ka soo baxay Ergeyga gaarka ah ee arrimaha xasilinta Maxamed Cabdi Waare ay aa ku soo beegmaya xilli uu khilaaf dhinaca ururin ta canshuuraha gobolka Hiiraan uu ka dhexeeyo Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe Xus een iyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.
Guddoomiye Jeyte ayaa diiday in dhaqaalaha canshuurta laga ururiyo gobolka Hiiraan lagu war eejiyo qasnada wasaarada Maaliyada Hirshabelle isagoo sheegay in gobolka Hiiraan ay kula jiraan dagaal Alshabaab aysana ahayn xilli dhaqaalaha ka imanaya gobolkaas lagu wareejiyo Maamulka Hirshabelle.
Cali Jayte ayaa door weyn ka soo qaatay how lgalladii gobolka Hiiraan oo jab xoogan lagu gaa rsiiyay kooxda Al-Shabaab, kaas oo dhul ballaa ran looga qabsaday kooxda.
Waare; XIGASHO:-JOWHAR.COM
Dalka Muslimka ah ee wadaaddadiisu ay siyaa sad darteed ugu kala qaybsameen maalinta ciidda
Liibiyaanku waxay sanadkan u dabaaldagayaan Ciidul Fidriga Islaamka – oo ah dhammaadka bi sha Ramadaan - maalmo kala duwan, sababo la xidhiidha kala qaybsanaanta baahsan ee siyaas adeed ee dalkaas ka jirta, inkasta oo sannado ba dan ay socdeen dedaallo nabadeed, sida ay baa hisay shabakadda warark a ee Reuters.
Maamulka diinta ee bar iga Liibiya, oo la safan baarlamaanka fadhigi isu yahay halkaas, ayaa sheegay inay arkeen bisha Khamiistii, taas oo ka dhigaysa maalinta ugu dam beysa ee Soonka, halka maalinta Jimcaha ay no qonayso Ciid ayna ciideen Dorraad. M/Tripoli ee caasimadda dalkaasi, ma s’uuliyiinta diinta ee xidhiidhka la leh dowladda ku meel gaadhka ah ee qaranka ayaa iyana dhanko oda sheegay in aysan arkin bishii, fasaxuna uusan bilaaban doonin ilaa laga gaadhayo Sabtida, ta asoo la macno ah in dadku ay soomaan maalin ka le, Shalay oo sabti ah ay u tahay ciid.
"Tani waa waalli, waxaana Alle ka baryayaa in ay halkan ku dhammaato," ayuu u sheegay shab akadda wararka ee Reuters, Ahmed Mesbah, oo 50 jir ah, kuna sugan Tripoli, kaasoo doortay inuu ciidayo Jimcaha. "Waxaan u kala qeybsanahay kuwa sooman iyo kuwa aan soomanayn,” ayuu hadalkiisa raaciyay.
Sida caadiga ah taariikhda ciidda waxaa dej inaya hay'adaha diinta ee rasmiga ah ee waddan kasta, laakiin Liibiya xaalkeedu wuu cakirnaa tan iyo 2011-kii, markii NATO ay taageertay kacdoo nkii looga soo horjeeday hoggaamiye Mucamar Al Qadaafi. Waddanku wuxuu u kala qaybsamay 2014-kii kooxo u dagaalamayay bari iyo galbeed, khilaaf kaas oo weli jira in kasta oo dedaallo nab adeed socdeen.
Dadkii ku sugnaa deegammada barigaee ay maamulaan kooxaha barigu waxa ay ciideen maalintii Dorraad oo Jimce ahayd, halka kuwa ku nool Tripoli iyo qaar ka mid ah deegaanada kale ee galbeedka ay u muuqdeen kuwo u kala jabay kuwa dabaaldegayay Dorraad oo ciidey iyo kuwa weli sooman.
"Kala qaybsanaanta bari iyo galbeed ee munaa sabadan farxadda leh waa mid xanuun badan oo i murugo igu abuuraysa, waxaan ka baqayaa kala qaybsanaan baahsan ee nolosheenna Liibiya ku sii socoto," ayuu yidhi Mohamed Salem, oo ku su gan Tripoli, oo isagu dhalay soomay Shalayna cii daya.
Ra'iisul wasaare Abdulhamid al-Dbeibah oo ku sugan Tripoli ayaa sheegay in dadku ay tahay in ay raacaan go'aanka muftiga ee ah in la sugo ilaa Sabtida. Baarlamaanka oo taageersan maamul ka soo horjeeda ayaa sheegay in ciiddu ay bilaabatay Jimcihii.
Deegaannada galbeedka Liibiya, kala qaybsa naanta ciidda, oo xitaa soo gaadhay xubno kala duwan oo isku qoys ah, ayaa u muuqatay qayb ah aan inay ka tarjumayso kala qaybsanaanta doorka muftiga, Sadiiq Al-Ghariani, oo loo arko inuu ku dhow yahay Ikhwaanul Muslimiin.
Kooxaha Ikhawaanul Muslimiin waxay qayb ka ahayeen khilaafaadyadii gobolka iyo siyaasadda ee Liibiya, oo ay ku jiraan kooxaha ka soo horjee da bariga iyo qaar ka mid ah kooxaha Salafiyiinta.
Sacuudiga oo noqday dalkii ugu horreyay ee muwaadiniintiisa kala baxa dalka Suudaan
Dalka Sacuudiga ayaa noqday dalkii ugu horre yay ee shisheeye ee shaqaalihiisa kala baxa dalka Suudaan, ka dib markii ay guuldareysteen dada aladii xabad joojinta loo ga dhex waday labada jan araal ee ku dagaala m ya dalkaasi.
Caalamka ayaa u muuq da mid ka quustay da daaladii la doonayay in xa bad joojinta looga hirgeliyo dalkaasi, suurtagalni mada in wada hadal laga dhex bilaabo Hoggaamiy aha Militariga Suudaan, General Abdel Fattah al-Burhan iyo Hoggaamiyaha Ciidamada Gurmadka Degdegga ee RSF, Gen.M/med Hamdan Dagalo.
2da nin ayaa fashiliyay xabad joojintii 72 saaca dood ee subaxnimadii Jimcaha bilaaba neysay, si gargaarka bani’aadanimo loo gaars iiyo dadka u baahan, dadweynuhuna ay helaan marin ay maga alada uga baxaan. Dowladda Sacuudiga ayaa she egtay inay daadgureysay 157 qof, oo is ugu jira muwaadinii nteeda iyo dad dalal kale u dhashay, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga, iyadoona Warbaahinta dalka asi ay baahisay muuqaalada dad saaran markab ay leeyihiin Ciidamada Badda ee Boqortooyada.
Wasaaradda ayaa war ay soo saartay ku she egtay "Si nabad ah ayay Magaalada Jeddah ku yi maadeen 91 qof oo muwaadiniintayada ah iyo 66 muwaadiniin kale oo u dhashay 12 waddan, iyag oona u dhashay dalalka Kuwait, Qatar, Emirate-ka Carabta, Masar, Tunisia, Pakistan, India, Banglad esh, Bulgaria, Philippines, Canada iyo Burkina Faso.”
D/Kuwait waxay xaqiijisay in qaar ka mid ah shaqaalaheeda ay gaareen M/Jeddah. Sidoo kale D/Jordan ayaa sheegtay inay bilowday daadgure ynta 300 oo muwaadiniinteeda ah. Dhanka kale Dowladaha Mareykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Shiinaha iyo dowlado kale ayaa labada janan ku wargeliyay in diblomaasiyiintooda kala baxayaan dalkaasi, ayna tahay inay helaan marin amaan ah.
Ururada Bulshada Rayidka ee Suudaan ayaa ta llaabadan ku tilmaamay mid ka tarjumeysa, sida caalamku uu hadda uga rajo beelay labadaasi nin ee haadaanta ka tuuraya mustaqbalka dalka.
Dagaalka 15-kii bishan ka qarxay Caasimadda Khartoum ayaa galaaftay nolosha 413 qof, halka 3,551 kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay she egtay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.
Dadweynaha Suudaan ayaa ka baqdin qaba in da gaalku uu noqdo mid sii daba dheeraada, tani oo dalkaasi u horseedaysa fowdo qoto dheer, mee shana ka saareysa rajadii shacabku ka qabeen in dib loo soo celiyo xukunkii rayidka ahaa, ee ay jan araaladaasi meesha ka saareen 25-kii bishii October ee sanadkii 2021, markaas oo ay si wada jir ah u afgembiyeen Xukuumaddii Raysal Wasa are Abdalla Hamdok.
Waddamad Islaamka qaar ka mid ah oo Shalay ciidaya Dorraadna soomanaa.
Shalay oo Sabti Aheyd ayaa dalal badan oo Ca rbeed ay ku Beeganeyd maalinta 1ad ee Ciidul Fid riga, kaddib markii ay ku dhawaaqeen in aan la arkin bisha Shawaal maqribni madii Khamiista.
Waxayna Awqaafta Boqortooy adda Marooko iyo Saldanada Cumaan u dhigeen Maalinta Sabtida ah ee Ciidul Fidriga oo ay ku beegan tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga, ka dib markii la arkay Bisha Sha waal, iyadoo maalinta Jimcahana ay noqon doon to dhamaystirka Bisha Ramadaan. Dadka Liibiya anka ah ayaa u kala qaybsanaa kuwa Ciidday Ji mcahii iyo kuwa ay Shalay Sabtida u tahay maalinta 1aad ee ciidda, iyadoo Daar Al Iftaa ee Caasimadda Liibiya ee Tripoli oo xiriir la leh Dow ladda Midnimada Qaran ee Liibiya ay ku dhawaaq day in maalinta koowaad ee Ciiddu ay tahay Sabti, halka Dar Al-na ay tahay maalinta koowaad ee Cii dda, Iftaa oo ku taal bariga Liibiya, oo xulafo la ah baarlamaanka fadhigoodu yahay bariga, ayaa ku dhawaaqay in ay bisha arkeen khamiistii, ayna an sixiyeen in Jimciha uu yahay Maalinta koowaad ee ciidda. Sidoo kale xafiiska Cali Al-Sistaani oo ah maamulka ugu sareeya Shiicada Ciraaq ayaa ku dhawaaqay in maalinta Jimcaha ay tahay maalinta ugu dambeysa bisha Ramadaan, maaita Sabtid a aheyd tahay maalinta 1aad ee Ciidul Fidriga ee Shiicada Ciraaq. Iran ayaa sidoo kale ku biirtay da lalka ku dhawaaqay Shalay oo Sabti ah inay tah ay maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga.Haddaba, bisha Ramadaan ayaa ku dhammaatay 30 maalm ood dalalka oggolaaday in la fasaxo maalinta ciida ee Sabtida, iyadoo 29 M/mood laga joogo dalalkii oggolaaday Jimcaha oo ah 1da ee Ciidul Fidriga
Guurre "FSAN waa hay’adda keliya ee sharc iga ah ee Dowladda Netherland ay kala hada sho
arrimaha Soomaalida quseeya” [WARE YSI MAQAL & MUUQAAL AH]
Maxamed Cusmaan [Guure] oo ka tirsan guddi ga sare ee maamulka dalladda FSAN, oo ah dall ad ay ku mideysan yihiin ururo Soomaali ah oo ka dhisan waddanka Netherland ayaa ka hadlay arr imo dhowr oo ku saabsan xaaladda Soomaalida dalkaasi ku dhaqan & qaxooti cusub oo dalkaasi yimid dhowrkii sanno ee ugu dambeeyay
"Waxaan la xiriirnay ururka la yiraa CBS oo soo uruuriya inta qaxooti ee soo gashay, wuxuu noo soo gud biyay in 24,000 oo qaxooti dhowr waddan isugu jir a in ay dalkan soo galeen. Soomaalidu tiradaas ay eey ka yihiin 3%, waxaan ka codsanay in ay inoo soo gudbiyaan cadadka saxda ah ee Soomaalida xerooyinka ku jira waxaan ka sugeynaa in ay dho waan inoo soo gudbiyaan” Ayuu yiri Maxamed Cu smaan Guurre, isaga oo dhinaca kalena sheegay inay soo dhoweynayaan dhaliilaha loo jeediyo gu ddihooda ee ku saabsan in ay sheegtaan in ay ku hadlaan codka Soomaalida, haddana aysan Soo maalida waxba u qaban.
Guurre, oo wareysi siiyay Somali Nederland TV [Youtube] waxaa la weydiiyay in dallada FSAN oo aheyd dallad kulmin jirtay ururada ugu badan ee dalkaasi ka jira, balse ay isaga baxeen ururadii bud-dhiga u ahaa markii ay saluugeen guddiga dal ladda oo fadhiid noqday, wuxuu sheegay in FSAN tahay metalaada dhabta ah ee Soomaalida.
"FSAN waa metelaada dhabta ah ee Soomaal ida, Dowladda dalkan cidda keliya ee ay la soo xir iirto waa FSAN, safiirka Soomaaliya u fadhiya Bru ssels marka wefdi Soomaali ah uu yimaado anna ga ayuu si toos ah inoo wacaa” Ayuu yiri Guurre.
cirbixiyeen Muslim ah oo hawada sare ka soo diray hambalyo qurux badan oo uu Ciidda ugu talagalay
Sultan Al Neyadi
XIGASHADA SAWIRKA,SULTAN AL NEYADI
Muddo bil ah oo la soomanaa kaddib Muslimi inta ayaa waxay waxay isugu soo baxeen si ay u damaashaadaan farxada Ciidda.
Cirbixiyeenka Im aaraatka u dhash ay Imaaraadka Carabta oo la yi rahdo Sultan Al Neyadi ayaa hambalyada Ciidda Mu slimiinta u soo diray isaga oo ku sugan xarunta hawada sare ee caalamiga ah, Wuxuu ka socday Suhail – oo ka tirsan xarunta Mohammed Bin Rashid Space Center.
Qaxootiga Dowlada Ingariiska u dirtay Rwanda oo halis ugu jira nooc ka mid ah duumada oo dilaa ah
Masaafurintii Ruwaanda waa khalad heerar ba dan (Ingiriiska in uu iska indhatiro go’aanka ECHR ee doomaha yar yar ‘kadib markii Sunak godadka Tory midig, 19 Abriil). Waxaan jeclaan lahaa in aan dareenka u soo jeediyo dhinac ka mid ah doo ddan oo aan u muuqan in si ku filan looga hadlay, ama haba yaraatee.
Ruwaanda waxay leedahay duumada holoendemic falcipa rum, tusaale ahaan gudbinta du umada oo aad u saraysa oo ah nooca duumada ugu dilaaga ah, meel kasta, xi lli kasta. Dadka waaweyn ee Ruwaanda waxay lee yihiin heer macquul ah oo difaac ah, in kasta oo ay ku dhici karaan duumada oo ay aad u xanuuns an karaan. Difaaca waxa lagu horumariyaa sanna do badan oo infekshannada carruurnimada ee soo noqnoqda, kuwaas oo carruur badani aanay sii no olaan.Anigoo dhaqtar caruur ah uga soo shaq ee yay aag Kenya ka tirsan oo qaba duumada falcip arum holoendemic, waxaan caddayn karaa sida ay u dilaan. Qorshaha UK ayaa ah in ay Rwanda u soo dirto magan-galyo doon ka kala yimid dhul ballaaran oo caalamka ah, sida waqooyiga Afrika, Albania, Bariga Dhexe, Afgaanistaan iyo Pakistan. Inta badan meelahan ma laha ama ma laha gudb inta duumada. Dalka kaliya ee faafitaankiisu sarr eeyo waa Pakistan, in kasta oo taasi ay tahay kala duwanaansho aad u daran.
Sidaa darteed, Suella Braverman waxay qor she yneysaa inay u dirto dadka duumada-malaariyada ah oo ay u dirto meel ay si xun u faafaan sanadka oo dhan. Waxay u baahan doonaan dawooyinka ka hortagga duumada, shabagyada ka hortagga cayayaanka, iyo helitaanka degdegga ah ee ka hortagga duumada haddii taxaddarradan ay fashil maan.
Rwanda xitaa ma dabooli karto baahiyaha dar yeelka caafimaadka ee muwaadiniinteeda, sidaa darteed fursadaha ay ku dabooli karto baahiyaha caafimaad ee magangalyo-doonka la tarxiilay waa mid aan muuqan.
Ma qiyaasi karo inay sharci tahay in dadka lagu masaafuriyo meel ay suurtogalka tahay inuu ku dhaco cudur daran, oo badanaa dilaa ah, oo aad u sarreeya ilaa ay tahay lama huraan
Dagaalka Sudan oo dib qarxay iyo dibloma asiyiinta oo la amray in laga daad gureeyo Meel qiiqaysa
Reuters Copyright: Reuters
Diblomaasiyiinta iyo muwaadiniinta u dhashay dalalka Mareykanka, UK, Faransiiska iyo Shiina ha ayaa lagu wadaa in laga soo daadgureeyo dal ka Suudaan, iyadoo uu weli dagaalka ka socdo halkaasi, sida lagu sheegay war ka soo baxay ciida mada Suudaan.
Madaxa ciidamada Fattah al-Burhan ayaa ogola aday in la fududeeyo oo la sugo daadgureyntooda "saaca daha soo socda", ayuu yiri.
War ka soo baxay ciidamada ayaa lagu sheeg ay in muwaadiniin u dhashay dalalka Britain, Mare ykanka, Faransiiska iyo Shiinaha lagu soo daadg ureynayo diyaarado kuwa xamuulka qaada ah oo ka imaanaya magaalada caasimadda ah ee Khar toum.
Taliyaha ciidanka Sudan Al-Burhan ayaa tacaa layaa loolan adag oo awoodeed oo uu kula jiro ho ggaamiyaha kooxda ciidamada sida gaarka ah u taba baran ee Ciidanka Birmadka Degdegga ah oo ay iska soo horjeedaaan, . Boqolaal qof ayaa la gu dilay dagaallo todobaad socday oo ka dhacay guud ahaan dalka Sudan.
Qorshihii hore ee lagu daadgureeyn lahaa dad ka ajnabiga ah ayaan la dhaqangelin cabsi dhan ka badqabka awgeed ah. Sacuudi Carabiya ayaa sidoo kale ku dhawaaqday inay qabanqaabinayso daadgureynta muwaadiniinta Sacuudiga iyo muw aadiniinta "walalaha ah” ee ka imaanaya Suud aan.
Ciidanka Suudaan ayaa sidoo kale sheegay in ergadii dublamaasiyadeed ee Sucuudiga laga saaray. Soomaaliya ayaa dhakeeda sheegtay inay soo daad gureysay arday dalkaas wax ku barana yey iyada oo Shalay ay safaaradda Soomaaliya ee Sudan barteeda Facebook soo dhigtay, Mareeg ay ardadu iska diiwaan gelin karaan si looga bad baadiyo dagaalka.
Colaadda ayaa gashay todobaadkii labaad in kastoo labada dhinac -ciidamada iyo kuwa RSF- ay ku heshiiyeen xabbad joojin saddex maalmood ah oo lagu xusayo ciidaha Muslimiinta ee Ciidul Fidriga, laga bilaabo Jimcaha. Garoonka caalamig a ah ee magaalada Khartoum ayaa loo xiray rab shadaha, iyadoo safaaradaha shisheeye - oo ay ku jiraan Mareykanka iyo UK - aysan awoodin inay muwaadiniintooda keenaan dalkooda.
Dagaal waddooyinka la isku eryanayo ayaa ka qarxay magaalada caasimadda ah ee Khartoum, 15-kii Abriil kaddib markii uu soo ifbaxay khilaaf u dhexeeya hoggaamiyeyaasha labada dhinac – General Burhaan iyo RSF-ta Mohamed Hamdan "Hemedti" Dagalka - oo ku saabsan sidii Suudaan loo maamuli lahaa.
Labaduba waxay jagooyin sare ka soo qabt een dawladda milatariga ah ee Suudaan ee hadda jirta, taas oo la dhisay ka dib afgambigii 2019 ee xukunka lagaga tuuray hoggaamiyihii muddada dheer xukumayey dalkaas Cumar Al-Bashiir.
Waxay ahayd in ay ciidamadooda isku daraan bal se RSF-ta ayaa is-hortaag ku sameysay isbedde lkan, iyagoo soo abaabulay ciidamadooda taasoo isu beddeshay dagaal toos ah todobaadkii hore.
Janeraal Al-Burhan, ninka ay is hayaan Janeraal ka geeljiraha soo ahaan jiray Maxay yihiin ciidama da RSF ee la dagaallama ya militeriga Suudaan? Xabbad joojin qasab ah oo lagu wado in ay ka hir gasho Suudaan XIGASHO:-BBC
Xaaskii hore ee Hakimi ayaa fariin diidmo ah u dirtay daafaca PSG
Xaaskii hore ee Achraf Hakimi, Hiba Abouk, ayaa soo dirtay fariin diidmo ah ka dib markii ay og aatay hantida daafaca Paris Saint-Germain.
Abouk, oo ah jilaa, ayaa gudbiyay furriin ka dhan ah xiddiga caalamiga ah ee Morocco wuxuuna sheegtay kala bar hantidiisa.
Si kastaba ha ahaatee, Abouk wuxuu ogaaday in hantida Hakimi aysan ku jirin magaciisa, oo qiimihiisu yahay mid aan macno lahayn.
Hase yeeshe, dhammaan hantida Hakimi wax ay ku jirtaa magaca hooyadiis, taasoo la micno ah in ciyaaryahanku uusan bixinayn Abouk waxba.
"Anigu eber kuma xidhna waxyaabaha maad iga ah,” Abouk ayaa u sheegay Elle Magazine.
"Waxaan ka soo tagay guriga aniga oo gacan hore iyo gacan kale gadaal ka taagan tahay, aniga oo aan taageero ka helin qoyskeyga. Laakiin waa inaan sameeyo sababtoo ah deegaankaygu iima ogola inaan koro ama aan xor noqdo.
"Waxay ahayd noloshayda ama tooda, waxaa na go’aansaday inaan naftayda u dagaalamo.
"Marka aad kala tagtaan, waxaad dib u habey neysaa noloshaada, laakiin sidoo kale maahan wax gaar ah: waa inaad ka saartaa birta arrinta.
"Nolosha, waxaa jira waqtiyo badan oo wana agsan iyo kuwo kale oo xun. Waxaad u guursat aan jacayl, oo waxaad ku furtaan jacaylla’ aan.Abouk iyo Hakimi waxay wada dhaleen laba carruur ah, Amín, 3, iyo Nacim, 1.
Waxay guursadeen 2020, laba sano ka dib markii ay kulmeen 2018
Ruushka oo si khaldan u duqeeyey magaalo ku taal dalkiisa
Ruushka ayaa sheegay in mid ka mida diya aradohoodu inay duqaysay magaalo ku taalla Ruu shka oo aan ka fogayn xuduudda dalkaasi uu la wa daago Ukraine, iyada oo duqayntaasi ay ku dhaawacmeen laba qof, halka ay cabsi badan ku abuurtay dadka deegaanka.
Milateriga Ruushka ayaa qirtay in mid ka mida diyaaradahoodu inay si khaldan ugu tuurtay bamka, magaalada Belgorod, oo ay ku nool yihiin illaa 340 ,000 qof, una jirta xuduuda Ukraine illaa 40 KM. Ruu shka ayaa hore weerarkan ugu eedeeyey ciidamada Ukraine.
Qaraxa ka dhashay weerarkan oo la maqlay xilli dambe oo Khamiistii ah ayaa aad uga xoog badnaa, qaraxyadii ay hore u maqli jireen shacabka ku nool Belgorod. Goobjoogayaal ayaa sheegay in awoodda qaraxan ay ruxday dhismayasha dhaadheer, qaar koodna ay muraayadaha daaqaduhu ka daateen.
Waxyar ka dib weerarkaas, ayaa falanqeeyaya asha Ruushka iyo kooxaha wax ka qora arrimaha mil aterigu waxay bilaabeen aragtiyo la xidhiidha nooca hubka ee Ukraine ay u isticmaashay weerarkaasi, iyaga oo qaar badan oo ka mid ahi ay soo jeediyeen in Ukraine lagu ciqaabo falkan ay ku kacday.
Hase ahaatee saacad ka dib, waxaa wasaaradda difaaca ee Ruushku ay qiratay in hubka sababay qa raxaasi inuu si aan ku talo gal ahayn uga dhacay mid ka mida diyaaradohooda. wasaaradda difaacu ma bixinin faahfaahin intaas ka badan, hase ahaatee wa xaa khubarada milaterigu ay sheeg ayaan in hubkaasi uu yahay bam awooddiisu ga adhayso illaa 500 Kilogram. VOA + AP
Biden oo calaamadeeyay Amarka Dhaqangelinta Cadaalada Bulshada "dhibcaha credit
Joe Biden ayaa dhaw aan saxeexay amar fuli need oo laga yaabo inuu saameeyo malaayi in Ma raykan ah isagoo adee gsanaya magaca cadaa ladda deeg aanka. Amarka waa isku day
lagu sii xoojinayo hay’adaha federaalka oo ujeedad eedu tahay in wax laga qabto waxa loogu yeero "sin naan la’aanta deegaanka” ee saameeya bulshooy inka "midabka, bulshooyinka dakhligoodu yar yahay, iyo bulshooyinka asaliga ah.”
Sida uu dhigayo Amarka Cusub ee Fulinta, cinwa ankiisu yahay "Dib u soo noolaynta Ballanqaadka Qar ankeena ee Cadaalada Deegaanka ee Dhamm aan,” wakaaladaha waxaa la faray in ay tixgeliyaan til laabooyinka wax looga qabanayo loogana hortagayo saameynta xun ee deegaanka iyo caafimaadka ee bulshooyinka, oo ay ku jiraan saameynta isbiirsaday ee wasakhowga iyo culeysyada kale sida cimilada. isbedel.
Amarka waxa kale oo uu uga baahan yahay wakaaladuhu inay ogeysiiyaan bulshooyinka u dhow haddii ay dhacdo in laga sii daayo walxaha sunta ah ee xarunta federaalka oo ay qabtaan shirar dadw eyne si ay ula wadaagaan macluumaadka ku saab san khatarta caafimaad ee ka dhalan karta iyo tax addarrada lagama maarmaanka ah.
Bayaanka Aqalka Cad ayaa sheegaya in Biden uu rajeynayo inuu sameeyo qiimeyn cusub oo ku saa bsan dadaalkooda caddaaladda deegaanka si ay u horumariyaan, u hirgeliyaan, iyo xilliyada qaar cusboonaysiiyaan qorshaha istaraatiijiyada cadaala dda deegaanka. Qorshayaashan Istiraatijiyadeed ee Cadaalada Deegaanka iyo Qiimaynta waxa loo gudbin doonaa Golaha Aqalka Cad ee Tayada Dee gaanka (CEQ) waxaana loo soo bandhigi doonaa si joogto ah, oo ay ku jirto iyada oo loo marayo Kaarka Cadaalada Deegaanka, qiimayn cusub oo dawlada oo dhan ah oo ku saabsan dadaalka wakaaladaha federaalka ee horumarinta deegaanka cadaalada.
Aqalka Cad ayaa qoray:
Noocan koowaad ee Dhibcaha Caddaaladda Dee gaanka, ama Wajiga Koowaad Dhibcaha, waxa uu soo bandhigayaa qiimaynta aasaasiga ah ee talla abooyinka ay qaadeen hay’adaha federaalku 2021 iyo 2022 si ay gacan uga geystaan gaarista yoolalka caddaaladda deegaanka ee Maamulka Biden-Harris
Biden waxa kale oo uu dhisaa Guddi-hoosaadka Caddaaladda Deegaanka oo cusub oo ka tirsan Gol aha Sayniska iyo Tignoolajiyada Qaranka, oo uu hog gaamiyo Xafiiska Siyaasadda Sayniska iyo Tignoola jiyada.
Guddi-hoosaadkan waxa loo xilsaaray inay aqo onsadaan oo ay wax ka qabtaan dal-daloolooyinka sayniska, xogta, iyo cilmi-baadhista ee la xidhiidha caddaaladda deegaanka iyo horumarinta falanqaynta saamaynta isugaynta. Amarka ayaa sidoo kale balla arinaya isku-dubbaridka hay’adaha wuxuuna bil aabay Xafiiska cusub ee Cadaaladda Deegaanka gu daha Golaha Aqalka Cad ee Tayada Deegaanka.
Amarka Biden wuxuu kor u qaadayaa walaac aad u weyn kuwa aaminsan in cadaalada bulshada "dhi bcaha deynta” loo isticmaali karo in lagu qasbo ajan daha maamulka ee shakhsiyaadka
Putin iyo Maxamed Bin Salmaan oo yee shay wada-hadal xasaasi ah oo ku saab san…
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa kala hadlay heshiiska OPEC+ ee lagu xaddidayo soo sa arista shidaalka dhaxal-sugaha Sacuudiga, Maxam ed bin Salmaan, isagoo taleefoon kula xiriiray Jimc ihii, sida uu xaqiijiyay Ruushku.
Labada hoggaamiye ayaa waxay muujiyeen sida ay ugu qanacsan yihiin heerka iskaashiga labada dal, si xasillooni loogu soo dabbaalo suuqa shidaalka adduunka.
Putin iyo Amiirka dhaxal-sugaha ah, oo loo yaqa an MbS ayaa sidoo kale sameeyay xiriir ganacsi oo dhow.
"Wada-hadalku wuxuu u socday hab saaxiibtin imo leh, wuxuu ahaa mid wax dhisaya oo warbixin la gu kala qaatay. Waxaa la isku raacay in la dhiso xir iirro meelo gaar ah oo iskaashi ah,” ayuu Ruushku sheegay.
Ururka Waddamada Dhoofinta Shidaalka (OPEC) iyo Sacuudi Carabiya, oo ah soo saaraha ugu weyn ee batroolka adduunka ayaa aas-aasay sannadkii 2016.
Isbahaysi loo yaqaan OPEC+ oo ay ku jiraan soo saarayaal kale oo waaweyn oo uu hoggaamiyo Ruu shka, waxay si dhow ula fal-galaan suuqa shidaalka.
GABADHAN 6 JIRKA AH: WAXAA LAGU TOOGT AY MAREYKANKA MARKII KUBAD AY KU DHEE
LEYSAY UGA DHACDAY GURI
Booliska gobolka North Carolina ee Mareykanka ayaa baadi goobaya nin lagu eedeeyay inuu toogtay gabar 6 jir ah iyo aabaheed ka dib markii kubbadda lagu dheelo koleyga ay uga dhacday deyrka ama gu riga ninkaas, waxaa sidoo kale dhacdan ku dhaa wacmay laba qof oo kale. Booliska ayaa sheegay in Robert Louis Singletary, oo 24 jir ah oo looga shakisan yahay toogashada uu weli baxsad yahay isla markaana ay ku raad joogaan.
Mr. Singletary ayaa wajahaya afar dacwadood oo ah isku day dil oo heerka koowaad ah.
Booliska ayaa sidoo kale eedeysanaha ku soo oogay labo dacwadood oo kala ah in uu qaaday wee rar isagoo adeegsanayay hub halis ah xilli uu dam acsanaa in uu wax dilo iyo hal dambi oo ah in uu heystay hub.
Booliska ayaa horey ninkan ugu eedeyay in wee rar u geystay saaxibtii, wuxuu bishii December ku weeraray saaxibtii buris.
Booliska magaalada Gaston waxaa markii ugu hor reysay Talaadadii lagu wargeliyay toogashada loo geystay gabadha lix jirka ah iyo aabaheed.
Baarayaasha ayaa markii dambe sheegay in ilmo lix jir ah iyo aabaheed ay labaduba si xun ugu dhaawac meen toogashada.
Sidoo kale rasaasta waxay ku dhacday gabadh iyo nin qaan gaar ahaa oo goobta ka ag-dhawaa.
Qof deriska ah ayaa warbaahinta u sheegay in tooga shada ay ka dambeysay markii kubadda lagu dheelo koleyga ay uga dhacday deyrta ama guriga qofka lo oga shakiyay in uu weerarka geystay.
"Waxay ciyaarayeen kubbadda koleyga, kubadda ayaa ooga dhacday deyrtiisa ama gurigiisa. waxay aadeen gurigiisa si ay usoo qaataan kubadda., wax lala yaabo aya aheyd," ayuu yiri Jonathan Robertson, oo ku nool xaafadda Gaston County.
"Weligey ma fileyn in waxan ay dhici doonaan, ma na fileyn in qofka uu rasaas u furi doono carruurtaas"
Intaa kadib booliska waxay sheegeen in eedeysan aha uu gudaha u galay gurigiisa uuna la soo baxay qori ka hor inta uusan si aan kala sooc lahayn u too gan dadkii deriska ahaa, Mr William iyo gabadhiisa ayaa la toogtay xilli ay waalidiintu ku degdegayeen inay soo kaxeystaan carruurtooda.
Kadib toogashada, gabadha yar ayaa wareysi siis ay warbaahinta ABC news.
"Xabbadda waxay iga gashay dhabarka iyo dhab annada" ayay tiri gabadha oo la shaacin wajigeeda.
Waxay intaas ku dartay in aabaheed uu weli ku jiro isbitaalka Charlotte. Waxaa laga daweynayaa dalool dhanka sambabada ah iyo dhibaato kasoo gaartay beerka kadib markii dhabarka laga toogtay.
Bayaan kasoo baxay booliska ayaa lagu sheegay inay soo saareen warqad lagu soo xirayo Mr Sing letary.
Taliyaha booliska magaalada Gaston, Stephen Zill ayaa sheegay "in aysan sii jiri doonin rabshadaha no ocan ah" oo ay ka takhalusi doonaan.
"Waxaan tan iyo xaley sameynay baaritaan balla aran si aan usoo qabanno Mr. Singletary, waxaan la kaashannay ciidamada gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan soo qabashada dadka baxsadka ah si ay inooga caawiyaan baadigoobka loogu jiro eedeysan aha"
Maalmihii u dambeeyay waxaa Mareykanka ka dhacay weerarro ay ku lug lahaayeen dhalinyaro Mar aykan ah kuwaasoo la sheegay inay si khaldan u adeegsadeen hubka.
XIGASHO:-BBC


0 



HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PEPAR EE MAANTA OO AH AXAD 23-KA ABRIIL 2023-KA
.