HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAIYL NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH SABTI 22-KA ABRIIL 2023-KA

0
Saturday April 22, 2023 - 08:32:22 in Wararka by
  • Visits: 663
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAIYL NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH SABTI 22-KA ABRIIL 2023-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

M/W. Xasan Sheekh oo kumannaan shacab ah Dorraad la tukaday Salaada Ciida

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Masaajidka Isbahaysiga Islaamka kula oogay Salaadda Ciidda, kumannaan ka mid ah shac abka Soomaaliyeed, masuuliyiinta iyo howlw adeennnada dowladda.

Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyay dha mmaan muslimiinta meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan dadka Soomaaliyeed Munaasabad da barakeysan ee Ciidul Fidriga oo astaan u ah is-jacaylka, midnimada iyo is garab istaagga dadka muslimiinta ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku baraar ujiyey dhammaan dadka Soomaaliyeed in ay sii joogteeyaan dhaqamada wanaagsan ee lagu dadaalayey muddadii lagu guda jiray Bishii Ram adaan, kuwaas oo xoojinaya is-caawinta bulsha da, walaalnimada iyo hufnaanta nafta.

Madaxweynaha ayaa munaasabadda Ciidda awgeed, waxa uu si gaar ah ugu hambalyeey Taliyeyaasha, saraakiisha, askarta iyo qoysas ka Ciimada Qalabka Sida, oo xaqiijiyey amniga dalka muddadii lagu gudajiray bisha Ramadan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sh. oo dul istaagay ahmiyadda ay leedahay in dad ka Soomaaliyeed ay farxadda Ciidda deeq sii yaan dadka danyarta ah, ayaa Alle ka baryey in dalkeenna uu ku mannaysto naxariis, horumar iyo barwaaqo.

R/Wasaare Xamse oo Hambalyada Ciidul Fi driga u diray Shacabka Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa Munaas abadda Ciid Fidriga 1444 ee sanadka Hijriga u diray guud Ummadda Muslimiinta, gaar ahaan dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Ra’iisul Wasaare Xamse Barre ayaa Allaha awoodda badan leh u waydiiyay Muslimiinta in uu ka aqbalo so omkii, salaadihii, qur’aankii, sada qadii, ducadii iyo dhammaan khe yrkii ay sameeyeen bishii barake ysan ee Ramadan, ciidan teeda xigtana inagu gaarsiiyo nabad, bashbash iyo barwaaqo.

"Waxaan si gaar ah ugu hambalyaynayaa ciid amadeena kala duwan ee geesiyaasha ah ee — bacdallaahi — suurtagaliyay in magaalooyin badan oo dalka ka mid ah, 15 sano ka dib, si na bad ah oo xorriyad leh loogu afuro” ayuu yiri RW Xamse Barre.

Wuxuu mar kale yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya "Waxaan mar kale, hambalyo, ammaan iyo ducaba u dirayaa hay’ adaheena amniga, booliiska, Nabad-sugidda, Asluubta iyo Milatariga ee hadh iyo habeenba u taagnaa sidii magaalada Muqdisho oo nabad ah loogu soomi lahaa”.

Ugu dambayn, waxaan u mahadceliyay shac abka Soomaaliyeed ee sida wanaagsan ula sha qeeyay hay’adaha amniga ee ayaga u shaqa ynaya, kuna garab istaagay sidii ay amniga u sugi lahaayeen.

Maamulka gobolka oo Banaadir oo ka bila abaya dhaqan-gelinta go’aanadii Golaha Wasiirada Maamulka gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in uu dhawaan maamulka gobolka uu bilaabi doo no dhaqan-gelinta go’aanadii kasoo baxay Gol aha Wasiiradda ee Mooto Bajaajta.

Afhayeenka gobolka Banaadir Saalax Dheere oo warbaahin ta la wadaagay wareegto ka soo baxday maamulka gobol ka ee Dowladda Hoose ee Xamar ayaa sheeg ay in maamulka gobolka uu bilaabi doona mid abeynta Mooto Bajaajta, iyada oo laga dhigayo A iyo B.

Saalax ayaa sheegay inay si rasmi ah u bil aaban doonto dhaqan-galinta go’aanada cusub laga bilaabo maalinta Isniinta ee 24 bishaan April 2023-ka.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa waxa uu faray dhammaan milkiilayaasha iyo shirkadaha Mooto Bajaajta in ay iska diiwaan-galiyaan, go obaha maamulka gobolka iyo dowladda Hoose ee Xamar ay u asteeyeen diiwaan-galinta Moo to Bajaajta.

"Goobaha isdiiwaan-galinta lagu sameena yo waa sida tan; Xarunta Laasareeti ee degma da Cabdicasiis, Xarunta Gaadiidka ee dowladda Hoose ee Xamar ee degmada Warta Nabadda, Xarunta Saldhigga Galbeed ee degmada Dha rkenley,” ayuu yiri Afhayeenka gobolka Bana adir Saalax Dheere.

Afhayeenka ayaa intaas kusii daray in ma amulka uu tallaabo adag oo sharci ah ka qaadi doono cid alaale cidii u hoggaansami weysay amaradan kasoo baxay dowladda Hoose ee Xamar.

Booliska Muqdisho oo soo bandhigay natii jada howlgalada 24-kii saac ee u dambeeyay

Golaha Wasiirada ayaa 30-kii March ee sana dkaan ansixiyey Qaraarka Nidaaminta Gaadi idka Mooto Bajaajta, kaasi oo ka koobna 5 qod ob oo lagu xaddidayo mootooyinka ku soo bad anaya magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Qaraarkan ayaa dhigaya in aan dalka laga soo dejin karin Mooto Bajaajta si kumeel-gaar ah iyo in la tiro koobo Mooto Bajaajta, sidoo ka le loo sameeyaa sumad gaar ah oo ah (A iyo B), shaqadaasi oo xilligaas goluhu fulinteeda u igmaday maamulka gobolka Banaadir.

Maamul Goboleedyada Dalka oo hambalyo u diray shacabka Sooma aliyeed

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa boqolaal sha cab ah Dorraad Salaada Ciidul Fitriga kula duka day Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Sidoo kale ku simaha madaxweynaha Hirsh abeelle,ahna gudoomiye ku xigeenka baarlam anha Hirshabeelle Mahad Xa san Cismaan iyo xubno kale ayaa Dorraad Magaalada Jowhar kula dukaday boqol aal dad aj oo isugu soo baxay salaadda ciigul firtiga,

Dhammaan madaxdaasi ka socotay Gobolka Banaadir iyo Hirshabeelle,waxa ay hambalyo u direen umadda Soomaaliyeed,iyagoo u rajeey ay in sanadkaan kiisa kale ay gaaraan horumar iyo barwaaqo.

Madaxdaasi,waxa ay si gaar ah hambalyo u gu direen ciidamada dalka oo waqtigaan ciida ah ku howlan sugidda amniga dalka iyo la daga alanka kooxaha khawaarijta.

Dhinaca kale ciidamada dowladda ee ku sugan Degmada Xaradheere,ayaa Dorraad la dukaday shacabka degmadaasi oo markii u horysay u ciiday si nabad ah.

Roobow oo ka horyimid arrin la qorsheyna yo in Soomaaliya laga sameeyo

Wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta ee xuk uumadda Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roo bow ayaa sheegay in aysan suurta gal ahayn in la tiro koobo dadka Soomaaliyeed inta kooxda Al-Shabaab ka joogto.

Wasiir Mukhtaar ayaa soo jeediyey in kooxda Al-Shabaab laga xoreeyo dalka in ta aan la sameyn tira koob ay qo rshihiisa wado wasaaradda arrim aha gudaha Soomaaliya.

Kulanka uu Mukhtaar Roobow hadalkaan ka sheegay ayaa waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda arrimaha gudaha, waxaa na looga arrinsanayey sidii dadka Soomaaliy eed loogu sameyn lahaa tira koob sax ah.

Sidoo kale wasiir Mukhtaar Roobow ayaa qir ay in tira koob lagu sameeyo dadka Soomaaliy eed ay muhiim u tahay nabad geliyada iyo hiig siga dowladnimo ee dalka.

"Diiwaan gelinta waxaa ka horeysa in amma anka dalkaan la sugo oo awooda la isugu ge eyo, nolol ma jirto ilaa ammaan la helo, kadib ayaa diiwaan gelin howsheeda la geli doonaa,” ayuu yiri.

Wasiir Mukhtaar ayaa sheegay in adduun uu aragti aan sax aheyn ka heysto tirada dadka So omaaliyeed, "Soomaalidu waa dad badan mar kii la diiwaan geliyana adduunku waa la yaabi doonaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Ugu dambeyntii wuxuu sheegay in wasaarad da diinta ay waajib ku tahay in wax kasta oo la sameynayo ay shareecada waafajiso, "Wax ka sta oo la sameynayo waa in la hubo shareeca deena ma waaf aqsan tahay, wax kasta oo dii nta khilaafsan ma soca doonaan,” ayuu yiri Mu khtaar Roo bow Xigasho:caasimadda.net

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inayar daydii ugu horreysay kasoo saartay dalka Sudan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa she egtay inay ardayda Soomaaliyeed ee ku xayiran dalka Sudan ay u daadgureysay dalka Itoobiya, sida uu xaqiijiyay danjire Cabdiraxmaan Nuur Maxmed Diinaari oo ah ku-simaha xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda Arrimaha dibadda.

Waxa uu sheegay in ilaa hadda 50 ka mid ah arda ydan la geeyay xuduudda Itoobniya, isla markaana ay safaaradda Sooma aliya diyaarisay gaadiidkii ardayda kale looga soo bixin lahaa dalkaas.

Danjire Diinaari oo la hadlay Voa-da ayaa in taas ku daray in maalmaha soo socda ay arday u gudbin doonaan gudaha Itoobiya, iyada oo kaddibna loo soo qaadi doono Soomaaliya.

Qaar ka mid ah ardayda Soomaalida ah ee sugan caasimadda Khartuum ee dalka Sudan, ayaa hore u sheegay inay dowladda Soomaal iya uga codsadeen inay ka daadgurayso dalk aas, waxaana weli meelo kamid ah dalka Suu daan ka socdo dagaalo xoogan

Saraakiil ku eedeysan Musuqmaasuq oo la horgeeyay Maxkamada gobolka Banaadir

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee qaranka ay aa horgeeyay Maxkamada gobolka Banaadir shan sarkaal oo ka tirsan ciidanka Booliiska So omaaliya oo laga soo xiray garoonka diyaara daha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Saraakiishaan ayaa loo heysta eedeymo la xariira musuq maasuq, wax is dabamarin iyo ku takrifal awood dowladeed, kuwaas oo uu shee gay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha qaranka iney hor dhac u yihiin Shabakad balaaran oo ku eedey san musuq maasuq iyo lunsashada xoolaha dadweynaha.

Shanta sarkaal ayaa la tilmaamay iney ka kala tirsan yihiin Xafiisyada kala ah Xisaabiyaha Guud, Wasaaradda Maaliy adda, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo Bangiga Dhexe, kuwaas oo dhamaa ntood ka howlgalyay gar oonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Maga alada Muqdisho.

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa lagu sheegay in maxkamada gobolka Banaadir ay xabsiga u dirtay shantaan sarkaal ee ku eedeysan Musu qa si loo xaqiijiyo kiiska ay ku eedeysan yihiin.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa si doo kale xusay iney ka go'an tahay in sharc iga la horgeeyo qof walba oo lagu soo qabto fal dambiyeed, isagoona uga digay dhamaan sara akiisha dowladda inay ku kacaan falal baal marsan sharciga.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka:-

Magacyada Soomaali kasoo muuqday maxkamad ku taal Kenya – Maxaa loo haysta?

Toddobo qof oo Soomaali ah ayaa kasoo ho rmuuqday maxkamadda ku taal magaalada Eld oret ee dalka Kenya, iyada oo maxkamadda ay u ogolaatay dambi baarayaasha hoostaga qey bta Booliska ee ka hortagga argagixisada inay sii hayaan tuhmunayaasha Soomaalida muddo shan maalmood ah.

Eedeysanayaashan ayaa iskugu jira 4 nin iyo 3 gabdhood, waxaana magacyadooda lagu kala sheegay Cabdulqaadir Cali Xuseen, Cey ruus Maxamuud, Axmed Kooshin, Liibaan Cab di Sugule, Naciima Yuusuf Axmed, Fartum Sug ule iyo Leylo Abshir.

Go’aanka maxkamadda ayaa imanaya kadib markii taliska Booliska uu ka codsaday in loo ogolaado in eedeysanayaasha lagu sii hayo saldhigay dhexe ee Eldoret shanta maalmood ee soo socota.Tuhmanayaasha Soomaalida ay aa la sheegay in looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen fal dambiyeedyo kahor imaanaya sharciga la-dagaalanka argagixisada ee lambar 30 ee 2012, sida lagu soo xigtay taliska Bool iska dalkaasi.

"Eedeysanayaasha maadama aysan kasoo horjeedin codsiga sarkaalka baarista, maxkam addan ayaa amartay in lagu hayo saldhiga Boo liska Eldoret shan maalmood si ay Booliska aw ood ugu yeeshaan inay soo gaba-gabeeyaan baaritaankooda,” ayuu ku amray garsooraha.

Toddobada Soomaalida ah ayaa la soo qabtay dhamaantood 15-kii bishaan, kadib mar kii su’aalo la waydiiyayna ay badankooda awo odi waayeen inay ku hadlaan afka KIswahili iyo Ingiriis midna.

Kiiska Soomaalidan ayaa la qorsheynaya in dib loo dhageysto 24-ka bishaan April, waxayna dhacdadaan kusoo aadeysa xilli saraakiisha so cdaalka Kenya ay ku sugan yihiin xuduudka So omaaliya iyo Ethiopia ee Mooyaale, kadib mar kii ay soo bateen soo galooti sharci darro ah oo ka kala yimid dalalka Soomaaliya, Eritrea iyo Ethiopia.

Soomaaliya iyo inta badan Dunida musl imka oo Dorraad laga Ciidayo

Inta badan dalalka Islaamka ayaa Dorraad waxaa u billowday dabbaal-degga maalinta 1-aad ee Ciidul-Fitriga, ka dib markii oo ay kham iis aheyd 29-kii bisha Ramadaan.

Dalalka Carabta oo ay ugu horreeyaan Sacuud iga, Masar, Imaaraadka Carabta iyo Qatar iyo dalal kale oo farabadan oo ay kamid yihiin Tur key, Pakistan, Indonesia, iyo Iran, ayaa laga cii dayaa.

Sidoo kale meelaha Dorraad sida weyn loo ga ciidayo ayaa waxaa kamid ah Soomaaliya, isla markaana waxaa Dorraad masaajida mag aalada Muqdisho lagu oogay salaada Ciidul Fit riga. Madaxda dowladda Federaalka Soomaal iya oo uu ugu horreeyo Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda Ciidul Fitriga, isa goona shacabka ugu baaqay inay isku gar gaaran.

Waxaa jira dalal Dorraad laga sooman yah ay oo laga dhammeeystirayo 30-ka bisha Ra mad aan, waxaana dalalkaasi ay sheegeen in Dorr aad aysan arag bisha Shawaal, ayna Ciida u no qoneyso maalinta berrito oo sabti ah.

MW Xasan Sheekh oo Booqday Ciidamo ku biiraya howlgalka ka dhanka ah AS +

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh

Maxamuud oo dardar-galinaya halganka dalka ka socda ayaa Dorraad booqday Xerada Jener aal Goordan ee magaalada Muqdisho oo ay ku jiraan cutubyo ka tirsan ciidamada Xoogga da lka Soomaaliyeed, gaar ahaan Qaybta 26-aad ee Ilaalo Qaran ee tababarka kusoo qaatay dal ka Ereteriya.

Ciidamadaan oo noqonaya dufcaddii labaad ee ka tirsan Qaybta Ilaalo Qaran ee ku biiraya howlgalka dalka looga saarayo Al-Shabaab ay aa maalmaha soo aaddan u ruuqaansanaya deegaanada laga xoreynayo AS, si ay garab u siiyaan Ciidanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ciidama da u jeediyay khudbad isugu jirtay dardaaran, dhiiri galin iyo guubaabo ayaa la wadaagay raja da dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan in ay dhammeystiraan halganka gaba gabada maraya.

Ugu dambayn, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah la qaatay sar aakiisha hoggaamisa ciidamada oo uu ka dha geystay warbixino ku saabsan xaaladda ciida mada iyo qorshahooda ka qayb qaadashada dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ciidanka Amniga oo gacanta ku dhigay Ha weeney Canug Umul ah ku xaday Muqdisho

Ciidanka Booliska ee Gobolka Banaadir ay aa gacanta kusoo dhigay haweeney xaday Can ug yar oo umul ah, kaasi oo dhalnaa 13 maalin, waxaana laga xaday Hooyo Soomaaliyeed oo degan duleedka magaalada Muqdisho. Taliska Booliska Gobolka oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa ay ku sheegeen in howlgal ay sameeye en ciidamada lagu guuleystay in lasoo qabto haweeneyda Canuga ka xaday hooyadii dha shay oo degan Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Muqdisho. Sidoo kale Taliska ayaa til maamay in Canuga umusha ah loo diray Isbitaal, si baaritaano Caafimaad loo gu samee yo, halka hawee neyda eedaysanahana ay ku socdaan baaritaano la xiriira sababta keentay in ay soo xado canug dhalnaa 13 maalin oo kal iya. "Taliska ciidanka booliiska Qeybta guud ee gobolka Banaadir oo ka jawaabaya cabasho ay hooyo Soomaaliyeed baraha bulshada ku baahi say, taasoo ahayd in laga xaday canug yar oo 13 bari dhalalan ayaa gacanta ku soo dhigay ca nuugii iyo eedaysanihii qaaday 20-4-2023" ayaa lagu yiri warka booliiska kasoo baxay. Hooyo Soomaaliyeed oo Umul aheyd kuna nool deega anka Tabeelaha Sheekh Ibraahim ayaa sheeg tay in Axadii lasoo dhaafay labo naag oo isla so cda u yimaadeen ayna siiye en raashin sumee san ,kaddibna ka qaateen cunuga oo jiray 13-maalin.


Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa wax aa ay meelo kamid ah dalkaasi ku dileedn Muw aadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Somaalida ka Shaqeysta dalkaas, iyaga oo dilka kadib Goobta ka baxsaday.

Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu Magac aabi jiray Axmed Daahir ayaa waxaa lagu dhex-toogtay bartamaha Xaafada ay Soomaalida ka degantahay magalada Johannesburg ee May fair.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dilka kadib ay go obta soo gaareen ciidamo kat irsan Booliska Koonfur Afrika, ku waas oo sameeyay howlgallo balse aysan ku guuleysan inay qabtaan Kooxihii dilka geystay.

Qaar kamid ah Soomaalida ayaa walwal ka mu ujiyay dilalka soo noq noqday ee ka dhacaya dalka Koonfur Afrika, waxaana dilkaan uu ku soo aadaya xilli ay tahay Maalinta Koowaad ee ciidul Fitriga.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa sanad wa lba si joogta ah uga dhaca, dilka, dhaawaca iyo Boobka lagu haayo Soomaalida, waxaana jirin il aa iyo hadda cid xil iska saartay waxka qaba shada falalkaas.

Garaad Jaamac Garaad Cali oo sheegay in ay Somaliland la dagaalamayaan ciida kadib

Garaadka Guud ee SSC Garaad Jaamac Garaad Cali, ayaa sheegay in ay ciidamada So maliland la dagaalamaya wixii ciida ka dan beeya.

Waxa uu sheegay in ay tudhaale ku jireen mar kii hore lakiin ciidamada Somaliland anay waxba la hadhin sida uu sheegay, isla markaana ay ha da kadib dagaalami doonaan.

"Wali inagu in aynu tudhaale ku jirnaad moodaa iyaguna anay waxba la hadhayn, qaniinyo ayaa qaniinyo ayaa kaa goysa, waxaanu caalamka iyo dowlada Soomaaliyeedba u sheegayna dulq aadkii waa naga soo dhamaaday, wixii ka danb eeya Dorraad ciida wax aanu la hadhayna ma ji rto" ayuu yidhi Garaad Cali.

Waxa uu sheegay in uu Somaliland ugu baaqayo in ay ciidankeeda kala baxdo deegaa nada SSC, wuxuuna sheegay in loo bahanyahy in midnimada Soomaaliya la ilaaliyo, oo laga ho rtago wixii dhibaataynaya.

Waxa uu sheegay in taladoodutahay in ay ka tashadaan talada deegaankooda, isla marka ana anay cid kale u daba fadhiisan cid kale tal ada deegaanada SSC sida uu hadalka u dhigay

Madaxweyne Biixi: Suurtagal maaha xadkii Somaliland ayaa lagu badalaya hab qabali ah

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Ca bdi, ayaa ku baaqay in colaada Laascaanood wadahadal lagu dhameeyo, wuxuuna sheegay inaan xadka Somaliland la badali karin.

Biixi ayaa sheegay in xadka Somaliland uu lamid yahay xadadka kale ee Soomaalida iyo Afrika ee uu jeexay istic maarkii, isla markaana anay suuragali doonin in xad cusub laga sameeyo Somaliland. "Midina suuragal maaha 5 tii Soomaaliyeed ee isti cmaarku qaybiyay ee Afrika la mid ah, xadkii So maliland ayaa la badalayaa oo hab qabali ah loo badalayaa, oo ninka Kenya jooga, ka Itoob iya jooga iyo ka Kenya jooga iyo ka Somaliland ayaa afarta xadba baabiinaya" ayuu yidhi mad axweyne Biixi.

Puntland ayuu madaxweynuhu sigaara ugu eedeeyay in ay wado colaada ka socota maga alada Laascaanood, wuxuuna sheegay in anay ka faa'iidi doonin.

Waxa uu sheegay in colaada Laascaanood ay Somaliland soo gaadhsiisay khasaare naf iyo maalba leh, isla markaana ay tahay kugu dhimay oo kaa dhimay, wuxuuna ku baaqay in colaada wadahadal lagu dhameeyo.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in dadka reer Sool anay Somaliland dhibaataynin oo ay xoriyad ku noolaayeen, isla markaana ay jiraan dad sheega in Somaliland ay cabudhisay dadka reer Sool taasi oo aan run ahayn.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay sala ada ciida oo uu shacabka kula tukaday magaalada Hargaysa.

Faysal Cali Waraabe oo ciidamo beeleed yada Laascaanood gurmadka u yimid ku eedeeyay in ay dhibaatooyin gaysteen

Guddoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe, ayaa ciidamo beeleedya da gurmadka ku yimid magaalada Laascaanood ku eedeeyay in ay dil, kufsi iyo danbiyo kale ka gaysteen Laascaanood.

Faysal Cali Waraabe oo baahi yay muuqaal ku aadan hambaly ada ciida, ayaa sheegay in ciida mo beeleedyada Puntland kasoo gurmaday ay dhibaatooyin gays teen.

"Waad aragtaan 3 billood wax ka yar Laasc aanood waxa laga soo sheegayo, wax cariga reer Somaliland ka dhacay maaha, khamri, kuf sasho iyo dil ay dilayaan dadkii yidhi waan soo gurmanay" ayuu yidhi Waraabe.

Waraabe ayaa dhinaca kale ciidamada Somal iland ku amaanay in ay is xakameeyeen oo an ay dhibaato gaysan, xili hay'adda Amnesty Inter national sheegtay in millaterigu ay duqaymo aan kala sooc lahayn ka gaysteen magaalada Laascaanood.

"Waxan hambalyaynayaa ciidanka qaranka Somaliland ee inta iyaga oo lagu soo duulayo aan mar qudha duulin, ee doonayay in anay ma gaalada Laascaanood wax noqon" ayuu yidhi Waraabe.

Waraabe ayaa garaadada ka codsaday in ay ciidamo beeleedka Puntland ka yimid magaala da ka saaraan, isla markaana ay nabada ka sha qeeyaan oo ay shacabka qaxay dib usoo celi yaan.

Erdogan oo ballan-qaad cajiib ah u sameey ay dadweynaha Turkiga

Madaxweyne Turkiga Recep Tayyip Erdog an ayaa Dorraad u dabbaal-degay gaaska dab iici kii ugu horreeyay ee Turkigu ka helo marin xeebeedka kaydka ah ee Badda Mad ow, isagoo ballan-qaaday inuu siin do ono gaaska dabiic iga ah oo bilaash ah qoysaska dalkaas, kahor doorashada 14-ka May.

Xafladan ayaa ahayd isku daygii ugu dambeey ay ee ay dowladu kusoo bandhigto mashaarii cda tamarta iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee ku aaddan doorashada, taasi oo ra’yi ururintu ay muujineyso in Erdogan uu lumin karo kadib laba atan sano oo uu xukunka hayay.

"Waxaan bixin doonnaa gaaska dabiiciga ah oo bilaash ah oo loogu talagalay isticmaalka qo yska muddo hal sano ah,” ayuu yiri Erdogan oo ka hadlayay furitaanka deked gaaska dabiiciga ah oo ku taalla xeebta waqooyiga gobolka Zon guldak. Turkiga oo leh shidaal iyo gaas aad u yar ayaa si weyn ugu tiirsan gaas iyo shidaalka laga keeno Ruushka, Azerbaijan, Iran, Qatar, Mareykanka, Nigeria iyo Algeria.

Doorashada madaxtinimo iyo tan baarla maanka ayaa ah caqabaddii ugu weyneyd ee doorasho ee uu la kulmo hoggaamiyihii ugu cim riga dheeraa ee Turkiga, kadib markii sicir-bar arku uu saameeyay taageerada loo hayo Erdo gan.Musharraxa mucaaradka Kemal Kilicaro glu ayaa ku horreeya ra’yi ururinta dadweynaha. Reuters + VOA

Ra’iisul Wasaare ku xigeenkii Ingiriiska oo sabab yaab leh isku casilay

R/wasaare ku xigeenka dalka Britian Do minic Raab ayaa iska casilay xilkii uu hayey, ka dib markii baaritaan lagu samee yey, kaas oo la xariira habka uu ula dhaqmay dadka la shaqe eya. Warqadda is-casilaadda oo Dorraad la soo dhigay barta Twi tter-ka ee ra’iisal wasaare ku xig een Dominic ayuu ku caddeeyey is-casil aadaan.

Waxaa la sheegay in is-casilaadaan ay daba socoto baaritaan la xiriiray cago-juglayn la she egay in shaqaalaha xafiiskiisa qaar uu kula kacay. Ninkaan ayaa horay u balan qaaday in uu is casili doono, hadii ay ku soo baxaan mar kii la baaro kadib fadeexadda lagu eedeeyey, isagoo sheegay inuu aaminsan yahay muhiim adda ay leedahay inuu erayadiisa ilaaliyo.

Is-casilaada masuulkaan ayaa noqoneysa mid kamid ah fadeexadihii ugu dambeeyey ee la soo gudboonaata mid ka mid ah wasiirrada u gu sareeya Xukuumadda UK.

Dominic Raab ayaa noqonaya wasiirkii se ddaxaad oo shaqada uga tegay habdhaqankiisa shaqsiga ah, kadib markii ay ka soo dacwoode en xubno ay ula dhaqmeen si ka baxsan habdh aqanka shaqada.

R/Wasaare ku xigeenka ayaa R/Wasaaraha UK u cadeeyey inuu qaatay go’aanka shaqo ka tegidda, ka hor inta aan la shaacin natiijada ba aritaankii lagu sameeyey fadeexadda lagu eede eyey Dominic Raab.

Arrinkaan ayaa dib u dhac ku keenaya doora shada xisbiga muxaafidka, waxaana laga cabsi qabaa in guul darro weyn ay ku muteystaan.

Dominic Raab ayaa warqadii uu isku casilay wuxuu ku cadeeyey in isagu uu dalbay in baar itaan la sameeyo, isagoo xiligaas balan-qaaday in hadii lagu helo dembi cagajugleyn ah uu is-casili doono.

"Waxaan aaminsanahay inay muhiim tahay in aan qowlkeyga ka rumeeyo,” ayuu yiri R/Wasa are ku xigeenkii is casilay ee dalka Ingiriiska.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha dalkaas aqba lay warqadda is-casilaadda ah ayaa sheegay in uu ka xunyahay arrinkaan, balse ay muhiim tah ay in anshaxa wasiirradiisa uu gaarsiisnaado he erka ugu sareeya.



DOORASHADA TURKIGA: WAA KUMAA NINKA DOONAYA INUU SI ADAG ULA TARTAMO ERDOGAN?


Kemal Kilicdaroglu

Aad ayuu u deggan yahay balse mararka qaar kood xitaa saaxiibbadiis ayuu waali yaa, waxaa sidaasi sheegay qof aad ugu dhow Kemal Kilicdaroglu .

Kemal Kilicdaroglu oo 74 jir ah – ay aa haysta fursadda ugu weyn ee uu kursiga kagala wareegi karo ninka ugu awoodda ba dan Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, oo xukunka qab tay 20 sano ka hor.

Mr Kilicdaroglu oo horey u ahaa shaqaale dowla deed ayaa ah nin si dabacsan u hadla , waana nin aad uga soo horjeeda Mr Erdogan.

Dhowr doorasho ayuu ku guul darreystay tan iyo ma rkii uu qabtay hoggaanka xisbiga Jamhuuriga (CHP) 2010-kii,. Waxaa laga yaabaa in uusan ahayn musharaxa ugu cadcad cad, balse waxaa jira 6 xisbi oo mu caarad ah oo u midoobay la tartamidda Mr Erdogan.

Haddana Kemal Kilicdaroglu waa siyaasi khibrad sare leh. Waxaa la doortay 2002, isla sanadkaas waxaa xukunka la wareegay xisbiga talada haya ee Mr Erdogan.

Waxa uu ka badbaaday weeraro gacan ka hadal ah oo lala beegsaday,isaga oo ku kasbaday sumcad ah in uu ka mid yahay siyaasiyiinta sida aadka ah loo bartilmaameedsado Turkiga.

13-kii sano ee uu hogaanka u haayay xisbiga, waxa uu balaariyay taageerada xisbigiisa, waxa uuna "la qaatay dhammaan midabada kala duwan ee dal ka”, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Musharaxiin badan oo mucaarad ah ayaa taageeray

XIGASHADA SAWIRKA,NECATI SAVAS/EPA-EFE/REX/SHUTTERSTOCK

Xisbiga CHP waxay asal ahaan ka soo jeedaan aasaasihii cilmaaniga ahaa ee Turkiga Kemal Ataturk.

Waxaa muddo dheer loo arkay xisbigiisa mid u dhaw militariga, oo iyagu afgembi sameeyay afar jeer tan iyo 1960, waxaana mar walba loo arki jiray xisbi ma yal adag.

Ka dib afgambigii militari ee 1980, tusaale ahaan, waxaa uu xisbigiisa taageeray mamnuucida xijaabka ee iskuulada iyo adeegyada bulshada.

Kemal Kilicdaroglu waxa uu dhashay December 1948 kii, waxa uu ahaa cunuga afraad todobadii car ruur ah oo ay waalidkiis dhaleen.

Hooyadii waxay ahayd shaqaale dawladeed oo ku nool bariga magaalada Tunceli.

Waxa uu ahaa arday wax ka baratay dugsiyo kala du wan maadama uu aabihii oo shaqaale dowladeed ah aa islamarkana marba meel loo badali jiray.

Kemal Kilicdaroglu ayaa qudhiisa waxaa uu sann ado badan shaqaale dawladeed ka ahaa hay’adaha maaliyadda ee Turkiga, waxana uuna sumacad ku helay la dagaalanka musuqmaasuqa isaga oo ahaa agaa simaha guud ee hay’ada badbaadada bulshada

7-sano oo uu baarlamaanka ku jiray ka dib, wax aa loo doortay inuu u tartamo mid ka mid ah jagooyi in ka ugu awoodda iyo sharafta badan ee Turkiga, waana duqa magaalada Istanbul.

Inkastoo uu ku guul darreystay tartanka, haddana wuxuu ku guuleystay aDorraad ololihiisa, waxaana uu noqday nin aad loogu kalsoon yahay oo ku tartam ayay xisbiga CHP oo helay 37% codadkii la dhiibtay.

Hal sano gudaheed guushaas, hogaamiy ihii CHP ay aa is casilay ka dib markii cajalad muuqaal ah oo sir ah uu ka soo muuqday - Mr Kilicdaroglu wuxuu isu ar kay inuu yahay musharraxa koowaad ee jagadada hogaanka xisbiga.

Kemal Kilicdaroglu

XIGASHADA SAWIRKA,ADEM ALTAN/AFP

Markii hore wuu diiday inuu u tartamo hoggaanka, isagoo aan jeclayn inuu ka faa’iidaysto fadeexad. La akin mawqifkiisii ​​wuu badalay oo wuxuu ku guul aystay tartankii cod aqlabiyad ah.

Recep Tayyip Erdogan waxa uu xilligaas waxaa ay awoodiisa mareysay meeshii ugu sareysay, waxa anu noqday ra’iisal wasaarihii ugu guulaha badnaa wakhtigan casriga ah ee Turkiga isaga oo ku dhawa ad ​​kala bar codadkii xisbiga cadaalada iyo horumar ka ku guulaystay doorashadii 2011-kii.

Xisbiga CHP ayaa soo galay kaalinta labaad, laak iin waxay kordhay codkii xisbiga boqolkiiba 5%.

Hogaamiyaha xisbiga CHP ayaa tan iyo xiiligasi waxaa uu la daalaa dhacayay sidii uu sare ugu qaadi lahaa taageerada xisbiga.

Balse 13-kii sano ee uu xilka xisbiga hayay Kem al Kilicdaroglu waxa uu hormuud ka ahaa kacdoon aamusan oo xisbiga dhexdiisa ah.

Waxa uu isku dayey in uu Islaamiyiinta la heshiiyo oo uu la heshiiyo sida in uu ka qayb galo casho Afur ah oo lagu afurayo bisha Ramada an, waxa uuna meesha ka sa aray xeerarkii hore ee milita riga ee xisbiga.

"Markii ugu horeysay ee aan la kulmay, waxaan u maleynayay inuusan ahayn hogaamiye kacaan ah balse uu yahay mid horumar sida," ayay tiri Melda Onur oo hore uga wada tirsanaan jirtay xisbiga.

Marka taariikhdiisa dib loo eego, wuxuu sidoo ka le ilaaliyay anshaxa maaliyadeed ee adag. "Aad buu uga taxadaraa inuusan wax dheeraad ah ku bixin wa xaan loo baahnayn," ayuu yiri Okan Konuralp oo ah nin ay si aad ah isugu dhaw yihiin.

Kemal Kilicdaroglu ayaa lagu weeraray Ankara 2019 XIGASHADA SAWIRKA,AFP

Kemal Kilicdaroglu oo ah nin hadal dabacsan ayaa waxaa la sheegaa in muuqaalka uu ka shabaho hog gaamiyihii hore ee Hindiya taasi oo xi taa keentay naanaysta Gandhi Kemal.

Laba jeer ayuu feer lagu dhuftay xilli baarlamaan ka ku sugnaa 2014-kii xilli uu doonayay inuu khu dbad u jeediyo xildhibaannada xisbigiisa. In kasta oo uu dhaawac ka soo gaaray dhabanka iyo isha, hadd ana wuxuu ugu baaqay asxaabta inay isdejiyaan: "Dariiqa dimuqraadiyadda waxaa ka buuxa caqaba do." ayuu yiri.

Sannadkii 2016-kii, kolonyadii uu la socday ayaa waxaa gantaal ku weeraray kooxda Kurdiyiinta ee PKK, kaddibna sannadkii xigay ayuu ka badbaaday isku day ay isku dayday inay ku qarxiso kooxda Daacish.

Waxa uu ka badbaaday isku day dil 2019 xilli uu aas ka qeybgalayay. Markii la weeraray ayaa waxaa la geeyay guri ku dhowaa.

Markii ay booliisku u so gurmadeen si ay ammaank iisa u sugaan waxa uu yiri : "isku dayadani nama joo jin karaan."

Balse afgambigii dhicisoobay ee 2016 ka dib ayay ahayd markii Kemal Kilicdaroglu sumcadiisu ay ku faaftay Turkiga.

Iyadoo Madaxweyne Erdogan uu ka hortagayay mucaaradka, uuna kula kacay xariga iyo shaqada ka ceyrin kumannaan Turki ah oo loo arkayay inay xiriir la leeyihiin kuwii afgambiga sameeyay, ayuu hogga amiyaha mucaaradka billaabay "dibadbax cadaalad raadin ah", isagoo lugeynaya meel 450km (280 mayl) u jirta Ankara ilaa Istanbul.

Si kasta oo uu socodkiisu ku guulaystay, haddana waxa uu door biday in aanu u tartamin madaxtinima da sannadkii xigay, isaga oo sugaya shan sano oo kale si uu fursaddiisa uga faa’iidaysto. Waxay ku qaadatay bilo inuu ku qanciyo xisbiy ada kale ee mucaaradka ah inay taageeraan ololi hiisa. Xisbiga CHP waxa uu leeyahay dad ugu had lka wanagsan, waxaana la oran karaa waa xubno sarsare oo ku guulaystay tartankii duqa magaalada Istanbul iyo Ankara. Ragga dhaliila ee xisbiga kula jira iyo kuwa taageeraba waxaa ay imika aaminsan yihiin in hadda ay tahay waqtigii hogaamiyahooda.

Waxa kale oo uu ku guulaystay in uu mideeyo lix xisbi oo mucaarid ah – oo aan wax badan wadaagin, balse isku raacay in ay isaga tageeraan.

"Weligay afkiisa kamaan maqal eray nacayb ah, wuu ka caroon karaa qof laakiin wuu is dejiyaa oo si sahlan ayuu u cafiyaa qofkaas," ayuu yiri Okan Konuralp. XIGASHO:-BBC

SAYNISYAHANNO OGAADAY WAXA KEENA CIRRA DA TIMAHA, SHEEGAYNA IN XAL LOO HELI KARO

Cirrada timaha

Saynisyahanno Maraykan ah ayaa rumaysan in ay ogaadeen waxa dhaliya cirrada timaha.

Koox ka tirsan jaamacadda New York (NYU) ayaa muddo darsayay dooli leh un ugyada timaha ee bani’aadan ka oo kale, waxaana ay ogaad een in ay jiraan unugyo samee ya midabada timaha oo hawl gab noqda.

Saynisyahannada ayaa she egay in daraasadda ay fure u noqon karto in dawo loo helo cirrada timaha.

Qaabka ay timaha cirro u yeeshaan?

Timaha bani’aadanka ayaa soo baxa oo kadibna daata iyagoo heerar kala duwan mara.

Timaha cusub ayaa ka soo baxa guntimo ku ya alla qeybta hoose ee maqaarka oo loo yaqaan hair follicles, waxaana halkaa ku keysan unugyada same eya midabada timaha.

Unugyadaas midabka sameeya ayaa muddo kadib isu bedala kuwo cusub, waxaana ay khubara du rumaysan yihiin in cillad ku timaada hannaankaas ay ka dhalato cirrada timaha.

Koox ka tirsan jaamacadda New York ayaa adee gsaday habab casri ah oo ay ku ogaan karaa qaabka ay hawlgabka u noqdaan unugyada sameeya midab ka timaha.

Markasta oo ay timo cusub u soo baxaan qofka, waxaa sii yaraata hawsha ay qaban karaan unugy ada sameeya midabka timaha.

Unugyadaas ayaa gaara heer aanay soo saari ka rin midabka ay u baahan yihiin timaha, waana mar kaas xilliga ay cirrada ku billaabato qofka.

Dr Qi Sun oo madax u ah kooxda cilmi baaridda samaysay ayaa sheegay in ay rejo wanaagsan ka leeyihiin xal u helida cirrada timaha.

"Hannaankan cusub waxa uu sare u qaaday fursa da ah in la helo karo qaab looga hortago ama lagu daweeyo cirrada,” ayuu yiri Dr Qi Sun.

Waxyaabaha keena cirrada

Khubarada ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay waxa sababa in timaha ay cirro yeeshaan.

Cunno xumida, walwalka badan, iyo qaab dhaxal ah ayaa lagu sheegay sababaha ugu weyn ee keena cirrada.

Inkastoo dadka badankood aanay jeclayn cirrada timaha, haddana waxaa jira dad aanay dhib ku hayn oo ku qanacsan madaxa cad.

Khubarada ayaa ka digay in la siibo cirrada tima ha, maadaama tinta soo baxda ay weli cirro ahaan doonto.

Dr. Leila Asfour oo ku takhasustay maqaarka bani ’aadanka ayaa BBC u sheegtay in ganacsiga midabada la mariyo timaha uu yahay mid ballaaran.

"Ganacsiga midabada timaha ee caalamka waxaa lagu qiyaasaa mid qiimo ahaan gaari doona 33.7 bilyan oo dollar sanadka 2030. Waxa ay muujinaysaa baahida loo qabo,” ayay XIGASHO:-BBC

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka SUDAN iyo garabka Xamdaan oo ku dhawaaqay…

Ciidamada RSF ee Sudan ee uu hoggaamiyo Jeneraal Xamdaan ayaa sheegay inay oggo laadeen xabbad-joojin 72 saacadood ah, taasi oo la xiriirta howlaha bini’aadinimo ciidda Mus limiinta ee Ciidul Fidr iga.

"Xabbad-joojintu wax ay ku soo beegantay Ciidda barakaysan ee Ciidul-Fidriga. In la furo waddooyin si loo daad-gureeyo muwaadiniinta, lana siiyo fursad ay ku salaamaan qoysaskooda,” ayay RSF ku tiri ha dal ay soo saartay. Magaalada caasimadda ah ee Khartoum ayaa waxaa gelinkii hore ee Jimci hii Dorraad ka dhacay qaraxyo iyo duqeymo. Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay ciidanka iyo taliyaha guud ee ciidanka, General Abdel Fattah al-Burhan.

Kuma uusan xusin xabbad-joojin hadal ho ray loo duubay oo lasoo dhigay barta Faceb ook-ga ee ciidanka.

Dagaalka u dhexeeya RSF iyo ciidamada Su dan ayaa qarxay Sabtidii, taasi oo meesha ka saartay qorshihii caalamku taageeray ee loogu guuri lahaa dimuqraadiyad rayid ah afar sano kadib markii xukunka laga tuuray Cumar Al-Bashiir oo ahaa mudaaharaadyo waaweyn iyo laba sano ka dib afgambi militari.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa Dorraad codsaday xabb ad-joojin si loogu ogolaado dadka rayidka ah in ay gaaraan goobaha amniga ah.

Dagaalka Sudan oo ah loolan dhanka awoo dda ah oo u dhexeeyay laba hoggaamiye oo ho re isbahaysi u ahaa xukuumaddii militariga ee talada dalka haysay ayaa waxaa lagu dilay ugu yaraan 350 qof.

Labada dhinac ee ku dagaalamaya halkaasi ayaa waxaa kala hoggaaminaya taliyihii ciidan ka Burhaan iyo hoggaamiyaha RSF Jeneraal Maxamed Xamdaan Dagalo, oo iyagu isku haya awoodda u sareysa dalkaasi.

XAYAWAAN SUN BADAN OO 24 INDHOOD LEH OO DHAWAAN AY SEYNISYAHANO HELEEN

Jellyfish

Saynis yahanadu waxa ay sheegeen in noole badeed leh 24 indhood laga helay balli dhoobo ah, taas oo la sheegay in sida la ruma ysan yahay uu xubin ka yahay nooc cusub oo ka mid ah bah-kalluunka lagu magacaabo jell yfish oo aad u badan.

Nooc cusub ee ka tirsan bahda kalluunka jel lyfish , ayaa la sheegay inuu leeyahay jidh huf an oo dhererkiisu ka yar yahay hal inji iyo sad dex teendho dheer oo gaadhaya ilaa 10 sent imitir, kaas oo ku sugnaa balli ku yaal Po Rese rve, Hong Kong.Makhluuqan ayaa sidoo kale leh 24 indhood, oo si siman u qaybsan, kuwaas oo ku yaala gudaha xubnihiisa dareenka, oo loo yaqaan "rhopaliums".

Bahda jellyfish ayaa ka yimi magacbixin ku aad dan qaabka jidhkooda, waxayna leeyihiin dabo dhuuban oo dheer, halkaas oo ay ka soo daay aan sun xooggan oo sababi karta curyaamid, wadne istaag iyo xataa dhimasho dhowr daqiiqo gudahood ah.

Waxaana bahdan loo aqoonsan yahay in ay yihiin xayawaan badeedyada dunida kuwa u gu suntan badan.

Koox saynisyahano ah oo ay hoggaaminay aan baadhayaasha Jaamacadda Baptist ee Ho ng Kong ayaa kormeerayey bahdan kalluunka ee jellyfish muddo saddex sano ah, iyaga oo og aaday in iyaga oo tiro badan ay ku jiraan oo ka soo muuqanayaan barkadaha lagu kaydiyo no oca kalluun ee argoosatada loo yaqaan ee Mai Po Nature Reserve.

Nooca cusub ayaa ah midda keliya laga yaq aan gobolkan, taasoo keentay saynisyahano inay u magacaabaan magac aqooneedka Trip edalia maipoensis si ay ugu sharfaan meeshii laga helay.

"Hadda waxaa lagu yaqaanaa Mai Po oo keliya," ayuu yiri madaxa cilmi-baarista Profes sor Qiu Jianwen, inkasta oo uu sheegay in isa ga iyo kooxdiisa ay aaminsan yihiin in nooc yadan sida oo kale laga heli karo meelo fog oo adduunka kale ah.

Kooxdan kalluunka ah ee loo yaqaano jellyf ish ayaa ka mid xayawaannada yaabka leh, waxa uu ka kooban yahay jidh ahaan jidh biyo u badan oo aan lahayn maskax, dhiig iyo lafo.

Saynisyahannada qaar ayaana qaba inkasta magacoodu kalluun xagga danbe ka wato hadd ana in aan loo tix gelin Karin kalluun ahaan. ayay XIGASHO:-BBC

Diyaarad Dagaal oo Duqeyn la beegsa tay Magaalo ku taalla dalka Ruushka

Wasaaradda difaaca ee magaalada Mos cow ayaa sheegtay in diyaarad dagaal oo Ruu shku leeyahay ay si aan ku talagal ahayn u duq aysay magaalada Belgorod ee u dhow xadka Ukraine.

Guddoomiyaha gobolka Vyacheslav Gladkov ayaa sheegay in qaraxa uu sab abay bohol aad u weyn oo qiyaastii 20 mitir.

Saddex qof ayaa ku dhaawacmay, dhowr dhism ena waa ay burbureen, ayuu yiri. Hal guri oo da baq ah ayaa sidoo kale wax-yeello soo gaartay

Diyaarad tirsigeedu yahay Su-34 oo ah noo ca dagaalka ayaa si lama filaan ah u sii daysay bamka, sida ay sheegtay wasaaraddu.

Qaraxa ayaa ka dhacay isgooska labo wa do oo aan ka fogeyn bartamaha magaalada iyo dhanka dhismooyinka la dego. Baaritaan ayaa socda oo ku aaddan duqey nta.

Mo Faarax " Labadii sano ee la soo dhaa fay xaqiiqdii waxay ahaayeen kuwo adag

Mo Faarax

Mo Faarax ayaa lagu wadaa in tartanka Mar athon-ka London uu noqdo mid "qiiro leh" isagoo isku diyaarinaya inuu ka fariisto ciyaara ha islamarkana tartankan uu yahay midkii ugu dambeeyay ee uu kaga qeyb galo London. La acibka afarta jeer ku guuleystay orodada Olomb ikada, islamarkana 40 jirsaday bishii hore, ayaa xaqiijiyay bishii Janaayo inuu 2023 uu rajey nayo inuu noqdo sannadkii ugu dambeeyay ee xirfadiisa orodka.

"Ma noqon do no orodkeygii ugu dambeeyay laakiin London waxay noq on doontaa marat hon -keygii ugu da mbeeyay" ayuu yiri Faarax oo heysta rikoorka Britain.

"Waxay noqon doontaa mid shucuur leh. Wa xaa laga yaabaa in tartanka ka dib uu noqdo mid oohin iyo qiiro wata."

"Taageerada, dadka isugu soo baxaya Lond on, waxaan u maleynayaa inay taasi ay noqon doonto mid i taabata," ayuu intaa raaciyay. "La akiin waxaan isku dayi doonaa inaanan ka fiki rin oo aan ordo."

Dhaawac misigta ah ayaa Faarax ka hor ista agay inuu ka qeyb galo tartankii sanadkii hore, ka dib labo sano oo niyad jab ah, tartanka Axa dda ee magaaladiisa ayaa lagu wadaa inuu noq do marathon kii ugu horeeyay tan iyo 2019.

Tan iyo markii uu u wareegay masaafada 26.2-mile, Faarax horumarkiisa waxaa curyaami yay dhaawacyo soo gaaray, waxaana uu orday sideed jeer oo keliya tan iyo Oktoobar 2019.

"Xaqiiqdii waxa ay ahayd mid qiiro leh labadii sa no ee la soo dhaafay," ayuu yiri.

"Orodyahan ahaan waxa aad doonayaa in in ta aad soo baxdo aad samayso waxa ugu fiican laakiin jirkaygu iima ogola. "Labadii sano ee la soo dhaafay xaqiiqdii waxay ahaayeen kuwo ad ag. Waxa iigu muhiimsan waa, haddii aan ka soo kabsan karo dhaawac oo aan qaban karo shaqada, waan sii wadi doonaa. Laakin jirkaygu ayaan ogolayn."

Faarax, oo kaalinta ugu wanaagsan ka galay saddexdii orod ee hore ee London uu ka galay kaalinta saddexaad sanadkan 2018, ayaan do onayn inuu xagaagan ka qayb galo tartanka ci yaaraha adduunka ee Budapest.

Laakin wali waxa uu qorsheynayaa in uu galo "labo tartan" ka dib tartanka Axadda.

Mo Faarax ayaa tartankii ugu dambeeyay ee uu uga qeyb galay magaalada Port-Gentil ee Gab on British-ka waxaa uu si niyad jab leh u galay kaalinta toddobaad 30 daqiiqo iyo 41 ilbiriqsi.

Tartanka Axadda ee London, ayaa lagu wadaa inuu tartan la galo rag ay ku jiraan afar ka mid ah shanta orodyahan ee ugu xawaaraha dheer eeya taariikhda.

"Transiiskaas [Gabon] wuxuu ahaa kaliya in aan is tijaabiyo oo aan arko waxaan samayn ka ro," ayuu yiri Faarax. "Sidii aan rabay uma dhi cin laakiin waa inaad u gudubtaa midka xiga.

"Waa inaad xaqiijisaa joogteynta tababarkaa ga, waxaan sameeyay tababar hufan, waana ku faraxsanahay meesha aan joogo."

Agaasimaha Orodka Marathon-ka ee Lon don Hugh Brasher ayaa dadka isugu soo bax ay ku booriyay inay taageero u muujiyaan Faar ax xilli uu halyeyga Orody ahanka Britain mac salaameeyo tartanka.Ayay. XIGASHO:-BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip