
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 16-KA JUUN 2016-KA
Kulankan, ayaa diiradda lagu saaray sidii lagu Xoojin lahaa Wadashaqeynta Xukuumadda Soo maaliya kala dhaxeyso Dowladda Mareykanka waxyaabihii laga wada hadlay waxaa ka mid ahaa in Soomaaliya laga Taageeri lahaa Dhinacyadda Dhismaha Ciidanka, Horumarka Dhaqaalaha iyo Siya asadda .
Sidoo kale, RW Sharma’arke ayaa sheegay in waxyaabaha ugu Muhiimsan ee ay ka rabaan Dowladda Mareykanka ay tahay inay Soomaaliya siiso Taageero ka duwan midka ay hadda siiso xiliga ay soomaaliya hesho dowlad aanan aheyn mida hadda jirto .
Ugu dambeyntii, Xukuumadda Mareykanka Waxay ka mid tahay Dowladaha Somalia ka Taa geera dhanka Ciidamada iyo Siyaasadda, Waxaa xusid mudan in Mareykanka ay ciidan daraasiinga araya ay ka joogaan dalka Soomaaliya kuwaasi oo tobobarka iyo Amaanka ka Caawiya Ciidanka Soo maaliya iyo kuwa ka socda qaar ka mid ah dalalka dhaca Qaaradda Afrika. Kuna jooga Howlgalka AMISOM.
FBIDA MAREYKANKA OO SU’AALO WEYDIINEYSA XAASKA CUMAR MATEEN
Hay’adda dambi baarista Maraykanka ee FBI ayaa wadda baaritaan ay su’aalo ku weydiinayso xaaska Cumar Mateen oo dhawaan dalkaas ka geystay weerar sababay dhimasho iyo dhaawac.
Xaaska Mateen oo lagu magacaabo Nuur ayaa la weydiinayaa su’aalo lagu ogaanayo in ay wax ka ogeyd qorshaha uu ninkeedu fuliyay iyo in kale.
Nuur ayaa haddii ay caddaato inay ka war haysay arrinta, waxaa lagu soo oogi doonaa dacw ad ku saabsan sababta ay u qarisay.
Weerar uu Cumar Mateen ku qaaday goob lagu caweeyo oo ku taalla magaalada Orlando ee gobolka Florida ee carriga Maraykanka ayaa waxaa ku dhintay 49 qof, waxaana ku dhaawacmay tiro kale.
HOOYO SADDEX MATAANO AH KU DHASHAY MUQDISHO OO FARRIIN U DIRTAY SOOMAALIDA MUXSINIINTA AH
Soomaaliya Waa Dhif iyo Naadir Hooyooyinka dhala Mataano gaaraya Saddex iyo Afar iyadoo sidaa jirto ayaa Isbitaalka Suudaaneys ee Magaaladda Muqdisho waxaa ku dhaley Hooyo Soomaali yeed oo dhashey Mataano Saddex ah, Hooyadaas waxay qorsheystey in ay ku dhasho Isbitaalka Banaadir maadaaama ay ay ka soo jeedo Qoys Dan yar ah oo Sabool ah.
Markii ay tagtey Isbitaalka Banaadir oo la baarey ayaa waxaa loo direy inay Kombuuter isa soo saa rto waxaana Ehelkeedu u kaxeeyeen Isbitaalka Suudaaneys si Kombuutar looga soo saaro wax yar markii Kombuutarka la saarey ayay fool ku soo boodey waxaana Dhaqatrkii amrey in Qaliin deg deg ah lagu sameeyo waxaana lagu guuleystey in laga soo saaro sadex Mataano ah oo Caafiimaadkoodu aad u fican yahay.
Mar aan ku booqdey Isbitaalka Ehelada ayaa ii sheegey in Hooyada Dhashey Mataanaha sa dexda ah iyo Qoyskeeda ay ku jiraan Xero Barakacayaal ah oo ku taala agagaarka Garoonka Diya aradaha Muqdisho waxay intaa raaciyeen in Kharaashadkii Isbitaalka weli lagu leeyahay.
"Markii hore waxaa aniga iyo ninkeyga oo Xamaali ah la daalac dhaceyney Maareynta Nolol sha Shan Caruuur ah waa ilaah Mahadii shalay waxaa Reerka ku soo biirey Sadex kale Laba Gab dhood iyo Wiil” sidaa waxaa tiri Hooyada Dhashey Sadexda Mataanaha Ifraax Daahir Maxamuud.
Hooyo Ifraax Daahir Maxamuud ayaa u mahadcelisey Intii gacan geystey in laga soo saaro Caruur Caafimaad qabto waxayna ka Codsatey Shirkadaha, Ganacsatada, Ururada Bulshada, Madaxda iyo ardeyda Jamacadaha iyo Ummadda Soomaaliyeed ee Wax haysata ee ku nool Dalka Gudihiisa iyo Dibadiisa in ku Caawiyaan sidii ay ula Korin lahaayeen Mataanahaas maadaama aanay Awoodin Korintooda.
Hadaba cidii Dooneysa in ay Caawinto Hooyadaas kala soo xiriir
Hooyo Ifraax Daahir Maxamuud
Laga Helo00252615183606 W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
EMailamiinkhasaaro@hotmail.co.ukEMail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
Tel 00252615532494
NINKA MUCAARADKA UGAND UGU WEYN EE COL BESIGYE OO SHALAY MAXKAMAD LA HOR KEENAYO
Hogaamiyaha mucaaradka dalka Uganda Col Kiize Besigye ayaa shalay lagu wa daa in max kamadda la horkeeno.
Besigye waxaa dambiyo dowladda ay ku tilmaamtay qiyaano qaran.Ninkan mucaaradka ah ayaa aaminsan in uu isaga yahay qofka ku guulaystay doo rashadii Uganda.
Waxuu samaystay xaflad uu isku dhaar inayo bartamaha magaaladda Kampala.
Dowladda ayaa dhowr jeer xirtay Col Besi gye balse xarigan dambe ayaa inmudo ah uu ku jiray.
Marar badan ayaa dacwadiisa dib loo dhi gay. waxuuna diiday inuu qabsado abuuk aate.
besigye waxuu ahaan jiray saaxiib dhow oo Musaveni uu leeyahay xiligii jabhadii NRAda
BAARLAMAANKA OO WAX KA BEDEL KU SAMEEYAY QODOBO KA MID AH DASTUURKA
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay wax ka bedel ku sameeyay labo qodob oo ka mid ah Dastuurka KMG ah, iyadoo kulankii shalay ay isugu yimaadeen Xildhibaanada uu shir guddoominayay Guddoomiye kuxigeenka 1aad Jeylaani Nuur Iikar.
Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa soo jeediyay in Baarlamaanka hada jira uu sii shaqeeyo illaa laga soo dhisayo Baarlamaanka soo socda 20ka Agosto.
Labada Qodob ee lagu sameeyay wax ka bedelka ayaa kala ah Qodbka 136aad oo dhigayay Qaadashada wax ka badalka Dastuurka iyo Qodobka 60aad oo isna dhigaya Mudada Xil aheynta Ba arlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Xildhibaanada Codka u qaaday wax ka badalka Dastuurka KMG ah ayaa gaarayay 215 Xildh ibaan, waxaana ogolaatay in wax ka bedel lagu sameeyo labada qodob 208 xildhibaan, afar xildhi baan ayaa diiday, halka saddexna ay ka aamuseen.
Baarlamaanka ayaa dhowaan loo gudbiyay cutubyo ka mid ah dastuurka, kaasoo Wasaaradda Dastu urka ay dib u eegis ku sameysay, iyadoo shirar wada tashi looga hadlayay dib u eegista laga qeyb ga lay qeybaha kala duwan ee bulshada.
MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO SHALAY FURAY KALFADHIGA 37AAD EE BAARLAMAANKA PUNTLAND
Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa shalay furay kalfadhiga 37aad ee Baarlamaanka Puntland, waxaana munaasabadii furitaanka ka qeyb galay Xildhibaanada Golaha wakiilada, Golaha Wasiirada Puntland iyo marti sharaf kale.Kalfadhigan 37aad ee Baarlamaanka Pun tland ayaa waxaa shir guddoominayay Guddoomiye kuxigeenka 1aad ahna Ku simaha Guddoomiya ha C/xamiid Sheekh C/salaam, waxaana uu sheegay in waxyaabo badan uu horyaalo baarlamaanka
Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas oo khudbad dheer ka jeediyay kalfadhiga ayaa ka hadlay waxyaabaha u qabsoomay Puntland intii uu xilka hayay, waxaana uu xusay in horumar la taaban karo uu gaaray maamulkiisa.
Waxaa uu sheegay in ciidamada Puntland ay guulo la taaban karo ka soo hoyeen dagaaladii ay la galeen AlShabaabkii ku soo duulay Puntland, waxaa uu xusay in mar walba ay ciidamada diy aar u yihiin difaaca deegaanada Puntland.
Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in dadaal dheeraad ah u galeen sidii dalka looga saari lahaa nidaamka 4.5, waxaana uu xusay in aan mar dambe hanaankaas dib loogu celin doonin dalka.
Gaas ayaa sheegay in sanadka 2020 ay rajeynayaan in dalka ay ka dhacaan doorasho hal qof iyo hal cod.
Ugu dambeyn waxaa uu ugu baaqay Madaxda dowladda in waqtiga yare e dhiman ay uga faa’idey aan shacabka, isla markaana ay ka shaqeeyaan hirgelinta doorashooyinka dalka ka qabsoomi doona bisha Agosto.
GUDDOOMIYE KU XIGEENKII DEGMADA DHARKIINLEY OO LA DILAY
Kooxo hubaysan oo wata Mooto, ayaa shalay Degmada Dharkiinley waxa ay ku dileen Gudd oomiye ku xigeenkii hore ee dhanka arimaha Bulshada Degmada Dharkiinley.
C/laahi Ibraahin "Isbiimo” oo ahaa Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Degmada Dharkiinley ay aa lagu toogtay Xaafada Salaam ee Degmadaasi, xilli uu watay gaari yar.
Kooxaha falka dilka ah geysanaayo ayaa la sheegay inay wateen Mooto, islamark aana ay ras aas ku fureen gaariga, kadi bna ay goobta ka baxsadeen.
Rasaasta ay ku fureen gaariga ayaa wax aa ku dhintay Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Deg mada Dharkiinley, dhanka arimaha Bulshada C/laahi Isbiimo, wax aana ku dhaawacmay ruux la soc day.
Degmada Dharkiinley ayaa maalmahan dambe xaaladeeda waxa ay aheyd mid degan oo ays an ka dhicin dilalka qorshe ysan, laakiin Dharkiinley ayaa ah Degmo aanan wanaagsaneyn amnigee da.
Ciidamada ammaanka Degmada ayaa gaaray goobta, halkaasi oo ay ka wadaan howlgalo am maanka lagu xaqiijinaayo.
MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO XILALKII KA QAADAY TALIYIHII NABADSUGIDDA PL IYO KU XIGEENKIISA
Madaxwaynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali [Gaas], ayaa wareegto Xafiiskiisa kasoo bax day Xilalkii uga qaaday Sharmake Shiikh Doon iyo ku xigeenkiisa Abshir Aadan, iyadoona la magic aabay Taliye Cusub iyo Kuxigeen oo ahaa Taliyayaasha Hay’adda Nabadsugidda Puntland.
Hay’adda PIAda (Puntland Intelegence Agency) ayaa Taliyaheeda loo magacaabay, Col. Maxamud Cabdi Maxamad, Waxaana ku xigeenna looga dhigay G/lle Dhexe, Siciid Salaad Maxamad.
Sidoo kale, Wareegtadan kasoo baxday Xafiiska Madaxwaynaha Puntland, ayaa sidoo kale la gu Magacaabay Taliyaha ilaalada Xarunta Hay’adda PIAdu ka Deggen tahay Magaalada Garoowe, iyadoo loo magacaabay xilkan Col. C/qaadir Jamac Maxamad.
Ugu dambeyntii, Xilkaqaadista Saraakiishan ayaa timid kaddib Wadashaqayn la’aan ka Dhexji rtay Muddo Agaasimaha Hay’adda PIAda Puntland iyo Taliyayaasha Ciidamada.
CABITAANKA KULUL OO LA SHEEGAY IN UU SABABI KARO CUDURKA KANSARKA
Warbixin ay soo saartay hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan cudurka Kansarka ayaa la gu sheegay in cabitaanada kulul ay sababi karaan cudurka kansarka ee ku dhaca dhuunta.
"Baaritaano la sameeyay ayaa lagu ogaaday in cabitaanada kulul ay sababi karto in cudurka kansarka uu ku dhaco cunaha iyadoo uusan cabitaanku ahayn sababta balse kuleylka uu yahay kan keeni kara cudurka,”ayuu yiri Christopher Wild Agaasimaha hay’ada Caalamiga ah ee Baarista Kansa rka (IARC).
Hay’adda oo cilmi baaris sameysay ayaa waxa ay su’aalo weydiisay dad kabadan kun ruux iya doo lagu ogaaday in cabitaanka Kafeega uusan sababin kansarka balse kuleylka lagu cabo cabita anada ay tahay sababta keeneysa kansarka.
"Baaritaanada oo laga sameeyay wadamada China, Jamhuuriyada Islaamiga ah ee Iran, Tur key iyo South America, halkaas oo dadka dhaqan ahaan ay u cabaan cabitaanada kulklul kuwaasoo kuleylkiisu uu gaarayo (70C),” ayaa lagu sheegay warbixin ay soo saartay IARC.
"Cabitaanada kululeylkoodu ka sareeyo 65C ayaa loo aqoonsaday in uu yahay mid sababa kansarka.” Cudurka Kansarka ayaa waxa uu kamid yahay cudurada caalamka ka jira oo dad badan ay u dhintaan.
GALMUDUG OO SHEEGTAY INAY SOO IFBAXAYAAN KOOXO DOONAYA INAY CARQALADEEYAAN DOORASHADA 2016KA.
Dowlad Goboleedka Galmudug waxay si aad ah uga wallaacsan tahay soo ifbaxa kooxo yar oo doonaya inay carqaladeeyaan hannaanka doorashada sannadka 2016ka.
Doorashada 2016ka iyo hannaanka loo marayo intaba waa kuwo ku saleysan dastuurka KMG iyo heshiisyada sharciga ah ee ay wada gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad gob oleedyada dalka ka jira, iyadoo weliba beesha caalamka ay hannaankaasi taageersan tahay.
Xulista xubnaha guddiga madaxa bannaan ee doorashada ee heer dowlad goboleed, waxaa loo marey dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee sharciga waafaqsan.
Waxaa arin laga xumaado ah in qaar ka mid ah siyaasiyiinta ku guuldareystey inay iska dhex arkaan liiska guddiga ay bilaabaan hurin colaadeed iyo inay iska hor keenaan bulshada.
Waxaa caado ah in marka la gudagalo nidaam kala guur siyaasadeed, inay soo shaac baxaan xubno qaswadeyaal ah oo marka ay nidaam sharci ah wax ku waayaan isku daya inay carqaladeeyaan barnaamijyada dowlad dhisidda iyo isbeddelada siyaadeed ee jira.
Siyaasadda Dowlad Goboleedka Galmudug waa mid ku dhisan inay u adeegto guud ahaan shacabka gobolladan ku dhaqan, iyadoo aan loo kala eexan, isla markaana waxay dhiirigelineysaa in dhammaan siyaasiyiinta ay waddo sax ah u maraan doonista xilalka siyaasadeed.
Sidaa darted waxaan ugu baaqeynaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, UNSOM iyo beesha caalamka inay ka warhayaan dhibaatada ay wadaan kooxahan yar ee danahooda ka hormarinaya danta guud.
CIIDAMADA XDS OO LA WAREEGAY SALDHIG AY SHABAAB KU LAHAAYEEN DEEGAANKA YASOOMAN EE G/HIIRAAN
Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo gacan ka helaya Ciidamada Nabad Ilaalinta Midow ga Afrika Ee AMISOM, ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta Talis ay hore u lahaayeen Cii damada Dowladdii Dhexe ee Soomaaliya oo ku yaalla Deegaanka Yasooman oo hoostaga Degmada Buulo Barde ee gobalka Hiiraan.
Saldhiggan ayaa ahaa, goobtii ay maleeshiyaadka Alshabaab ka soo qorsheeyeen Weerarkii todobaadkii hore lagu qaaday Saldhig ay ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM ku lahaayeen tuulada Halgan, halkaas oo lagu dilay 120 ka mid ah Maleeshiyaadka Alshabaab.
Labo Xidigle Muuse Xasan Garaad oo ka mid ah Saraakiisha Hoggamineysa Ciidamada How lgalka Sameeyay, ayaa Wakaaladda Wararka SONNA u sheegay in Saldhiggan uu yahay mid Istira atiiji ah, Iskuoo isku xira Magaalooyinka Halgan, Buulo Burde iyo Maxaas, islamarkaana aysan wax is ka caabbin ah kala kulmin Maleeshiyaadkii ku sugnaa Halkaasi oo isaga baxay ka hor inta aysan ciid amada Gaarin deegaankaasi.
"si looga hortago weerarrada ay ku talagaleen kooxaha Argagixisada, Bisha Cibaadada ee Alle uu Xa rrimay daadinta dhiigga Muslimiinta, ayaan qaadnay Guluf Colaadeed oo ka dhan ah, waxaana ciida madu ay si nabad ah kula wareegeen deegaanka Yasooman oo Saldhig weyn u ahaa maleeshiyaad ka Alshabaab ee gobalka Hiiraan, waana halkii ay kasoo abaabuleen weerarkii Halgan”. Ayuu Yiri Mu use Afweyne.
Yasooman, ayaa Talis Ciidan u ahaa Xoogga Dalka Soomaaliya, waxa uu hoosta uga jiraa Bu ur Weyn oo aad istiraatiiji ugu ah ciidamada islamarkaana u dhaxeysa Magaalooyinka Maxaas, Halg an iyo Buulo Burde ee gobalka Hiiraan.
DACWADDA BADDA EE SOMALIA IYO KENYA OO LA DHEGEYSANAYO BISHA SEPTEMBER EE SANADKAN 2016
Wargeyska The Star ee kasoo baxa wadanka Kenya ayaa Shalayy oo Arbaco ah daabacay in ay Rasmi tahay in Dacwadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya ee la xiriirta Muranka badda ay Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ.
Kenya waxay ku doodeysaa in Somalia ay rabto in Kenya ay noqoto dhul aan Bad lahayn, Wa xayna Kenya ku sheegeysaa in biyaha la isku haysto ay ku yaallaan 5 Ceel oo Shidaalka hodon ku ah,kuwaas oo ay sheegatay in ay Iyada leedahay.
Dowladda Soomaaliya ayaa Dacwad ka dhan ah Kenya lana Xiriirka Muranka Badda ee ay Kenya ku dooneyso in ay ku qaadato qeyb ka mid ah Biyaha Somalia,waxay Dacwaddaasi u gudbisay Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ.
Maxkamadda ayaa Wrabixinta ay soo saartay ku sheegtay in Dhegeysiga Maxakamadda uu socon doono muddo Afar Maalmood ah oo ka billaabata 19ka illaa 23ka Bisha September ee soo soc otay.
Sidoo kale, Kenya ayey Maxakamadu sheegtay in ay ku horumari doonto hadalka la Xiriira Dacwadda labada dhinac oo iyada la dhegeysan doono maalinta ugu horreysa ee Isniinta ah oo ay Kenya ku soo Bandhigi doonto Waxay qabto halka Soomaaliya la dhegeysan doono Talaado ilaa Kha miis oo ah 3-Maalmood oo laga doonayo in ay ku soo bandhigto Dacwadda ay ka gudbisay Kenya.
Xeerilaaliyaha Guud ee waddanka Kenya, Githu Muigai ,ayaa ka digay in Kiiska Muranka Ba dda ah ee Somalia haddii uu sii adkaado ay Kenya ku xambaari doonto dadajinta xiridda xerada dha dhaab iyo inay Kenya ka bixi doonto AMISOM oo ay sheegtay ij ay Soomaaliya ka caawiso Amaanka.
Ugu dambeyntii, Dacwadda Waxaa lagu Dhegeysan doonaa Daarta Nabadda ee ku Taalla Magaalada Hague, halkaasoo ah Xarunta Maxkamadda.
DIGNIIN LAGA SOO SAARAY KOOXO SIYAABO KALA DUWAN U KAXEYSANAYA CARUURTA DALKA INGIRIISKA
Booliska gobolka West Midlands wuxuu shalayy digniin Ka Soo saaray misna farayaa waalidiin ta deggan Birmingham iyo nawaaxigeeda, in eey foojignaan dheeri ah u lahaadaan caruurtooda gaar Ahaan wiilasha, in ay jiraan qolyo wata gawaaridda qafilan ee VanKa loo yaqaan oo isku dayaya in eey caruurta gaar Ahaan wiilasha Ka afduubtaan wadooyinka Iyo meelaha iskuulada agtooda ah.
Waxaa booliska durba hayaa xog tibaaxeysa in lagu arkay gaarigaas oo caruur wiilal ah daba galay rag saarnaana ay isku dayeen in ay caruurta si xeeladeeysan ku qaataan, deegaanka Little Bloxwich.
Nin gaariga waday ayaa caruurta ku beerlaxawsaday in uu iskuulka hore ugu sii qaadayo, wax aana boolisku sheegeen in falalkani oo sakay oo qur ah dhowr meelood Ka dhacay ay yihiin falal la ra bo in caruurta lagu afduubto.
Boolisku waxeey fareen waalidiinta in eey caruurtooda ilaashadaan kana war qabaan.
Digniintaan ayaa ku socota dhamaan Birmingham Iyo nawaaxigeeda. Aamino Muuse Wehliye
SHIRKAD DIYAARADEED SHAREECADA ISLAAMKA ADEEGSAN JIRTAY OO SHAQADA LAGA JOOJIYAY
Rayani Air oo ah Shirkaddii diyaaradeed ee u horaysay ee dalaka Malayshia ee ku dhaqanta sharecada Islaamka ayaa laga joojiyay in wax duulimaad ah samayso kaddib markii lagu helay in ay jabisay xeerarkii duulimaadyada.
Waaxda duulimaadyada dad waynaha ee DCA ayaa sheegtay in ay kala noqonayso shirkadda ruqsaddii ogolaanshaha kaddib markii ay walaac ka muujiyeen hanaanka bad qabka iyo dabagalka diyaaradda.
Rayani Air ayaa la daahfuray bishii December ee sanadkii hore waxay rakaabka siin jireen cuntooyinka xalaasha ah oo kali ah, wax khamri ah lagama ogolayn shaqaaluhuna waxay u labisan jireen si asturan.
Shirkaddu waxay lahayd labo diyaaradood oo noocoodu yihiin Boeing 737400 oo middiiba ay awoodo in ay qaado 180 rakaab ah, sided duuliye iyo konton shaqaale.
Waxaada maamusha diyaaraduhu waxay sheegtay isniintii in Rayani Air aysan duulimaadyo ganacsi ah samayn Karin.
Arrintaas waxaa dabo socotay in saddex bilood laga mamnuucay duulimaadyadii kaddib markii shirkaddu ay ku guul daraysatay in ay raacdo xeerarka duulimaadyada.
Rayani Air oo fadhigeedu ahaa jasiiradda Langkawi waxay duulimaadyadeedu aadi jireen magaalada caasimadda ah ee Kuala Lumpur iyo magaalada waqooyiga ku taala ee Kota Bahru.
Wararka qaar waxay sheegayaan in shirkaddu ay qorshaynaysay in ay duulimaadyo ku aado magaalada Maka marka ay dadku xajka ama cumrada soo gudanayaan.
Xigasho: BBC
MAAMULKA GOBALKA GEDO OO SOO DHAW EYEY RAASHINKII DHACAY EE LOO WADEY DEGMADA GARBAHAAREY
Maamulka Gobalka Gedo ee dowlada Soomaliya ayaa Soo dhaweyey tilaabadii Dowlada Soo maaliya ay ku xirtay Diyaarad Raashin Dhacay u siday Gobalka Gedo taasi oo Booliska Soomaaliye ed qabteen xili ay ka duuli rabtay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.
Gudoomiye ku Xigeenka Gobalka Gedo Maxamed Xuseen Isaaq (Alqaadi) ayaa Sheegay inay soo dhaweynayaan tilaabadii Ciidamada Booliska Dowlada soomaaliya ay ku hor istaageen Diyaara da ay leedahay Ha’yada Cuntada Aduunka magaceeda loo soo gaabiyo WFP islamarkaan siday Raa shin iyo Agabyo kale oo daawo ay ku jirto oo ku Wajahneyd Degmada Garbahaarey .
Mudane Alqaadi oo sii hadlayey ayaa Dowlada ka dalbaday in Cadaalada la horkeenyo Dadkii ku lugta lahaa Cuntooyinka dhacay ee loo waday Gobalka Gedo taasi oo uu ku tilmaamay inay tahay mid loogu talo galay in lugu dhibaateeyo Bulshada Soomaaliyeed ee Gobalka Gedo oo la daala dhac aya Sameyntii Abaaraha iyo Colaada Mudada ka jirta Degaanada Gobalka Gedo gaar ah degmada Baardheere iyo deegaanada ku Xeeran.
"Dowlada Soomaaliya wax ay qaaday Tilaabo Taariikhi ah oo ay ku badbaadineyso Shacabke eda waxa ayna Gudatay Waajib saaran oo ah ilaalinta Shacabkeeda waan soo dhaweynaynaa tilaab adaas waxaana kala Shaqeynaynaa Dowlada Dabagalka Shaqsiyaada ku talo galay inay Bulshada Soomaaliyeed tabaa laysan ay sii dabar gooyaan ayaga oo adeegsanaya Qiyaanooyin aan la dare emi Karin oo ah qaab Samafal”ayuu yiri Alqaadi.
Daraad ayey aheyd Markii Ciidamada Booliska Somaaliyeed ay Garoonka Diyarada ha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ku qabteen Diyaarad ay leedahay Ha’yada Cuntada Aduunka ee WFP taasi oo baaritaan Taliska Waaxda Canshuuraada Soomaaliya ay Ogaadeen inay sido Cunto Raashin u badan iyo Aga byo kale oo dhacay loona waday Degm ada Garbahaarey ee Gobalka Gedo.
MAAMULKA HALGAN OO KA WARBIXIYAY DUQEYMO KA DHACAY HALGAN
Guddoomiyaha deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan Guhaad Cabdiwarsame ayaa Radio Shabelle waxa uu faah faahin ka siiyay tiro Madaafiic ah oo xalay sida la sheegay Xarakada Al Shaba ab ay ku garaaceen deegaankaasi.
Guddoomiye Guhaad ayaa meesha waxa uu ka saaray in ay gudaha deegaankaasi iyo Saldh iga ay Ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowladda ay ku leeyihiin Halgan in Hoobiyaal ay ku dhaceen, balse waxa uu intaas ku daray in 7 Madfac ay ku soo dhaceen afaafka hore iyo daafaha deegaanka oo uu sheegay in aysan wax khasaaro ah geysan.
Dhinaca kale Guhaad Cabdi Warsame Guddoomiyaha deegaanka Halgan ayaa sheegay in xaaladda deegaanka Halgan ay haatan tahay mid degan.Hadalka Guddoomiyahaan ayaa waxa uu imaanaya xilli tiro Madaafiic ay xarakada Al Shabaab ku garaaceen deegaanka Halgan halkaasoo dhawaan weerar culus dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al Shabaab.
RAMADAAN WAA FURSAD NAFTA LAGU BADALI KARO
Waxa jira hadaba dadyaw farabadan oo bisha ramadaan is yidhaah is badal la kaalay mise waaba iy agoo ay naftu jiidanayso, shaydaankuna jahawareeriyay, Noloshuna ay jeel ku xidhay.
Waxaa ka mid ah:
1.Mid ay salaada tukashadeedu ay ku noqotay culays
2.Mid danbiyada iska dhex muquuranaya
3.Qof caadaystay cayda iyo aflagaada uu dadka u gaysanayo
4.Qof aan asturayn naftiisii
5.Qof ay balwadi daandaamisay
6.Qof aan waxba bixin oo gacan adag
7.Laba ay colaad iyo cadaawadi ka dhaxayso
Sifooyinkaasi iyo kuwo kaloo badanba waxay ku dhacaan nafaha bini’aadamka, laakiinse ilaahay waxa uu siiyay fursad dahabi ah waana bisha ramadaan. Fursadaasi waxaad ku xafidi kartaa shanta salaadood, danbiyada ayaa iska ilaalin adigoo Ilaahayna hadiyo jeer danbi dhaaf waydiisanaya, afk aaga ayaad edbin adigoo akhrinaya xuska Ilaahay,naftaadaad asturi adiguu dareensan macnaha ("Adaan ku caabudaynaa”), balwadaada ka adkaw waayo waad soontay, habeenkiina intaad karto iska ilaali waayo aroor oo dhan soomanoow adoo waliba hurda habeenkii balwadii ku afur waa caafim aad daro iyo doqoniimo,Masaakiinta maalintii 500 Sl sh ha ahaatee sii si aad nafta u bartid bixinta, is ka cafi dadkii aad iska hortimaadeen ee aad arrin yar oo haddii la baadho fududayd noqonaysa aad iskugu cadhooteen waxayna yidhaahdaa dadka u takhasusay cilmiga naftu " Haddii aad caado bada shid oo aad bil ku socotid waxaad arkaysaa adigoo si caadiyan ah u samaynaya”
Bisha ramadaan waa seminar la Bixiyo ka ugu qiimaha badan, ugana faa,iido badan, waa bil ku siina ysa caafimaad iyo Alle ka cabsi, Anshax wanaagsan iyo Asluub wacan, waa bil aad ku baranayso sida loo Ilaaliyo wakhtiga, waa bil muujinaysa Ilaahay raxmadiisa iyo naxariistiisa, waxaase hoogay oo qayrkii ka hadhay qofkay u soo gashay ee ay si dhibyar ku dhaaftay isagoon ka faa,iidaysan fursaddaa qaaliga ah.
Isbadalka aan u baahanahay walaal bisha ramadaan waa
1.Inaynu Ilaahay barino habeen iyo maalin goor iyo ayaan inagoo waydiisanayna inuu inagu sugo wadada toosan ee islaamka
2.Inaynu isku dayno in aan shanta salaadood masaajidka ku xafidno
3.Inaynu Quraanka akhriskiisa, dhugashadiisa iyo dhagaysigiisaba badsano si uu inoo anfaco oo aan u dareeno macnihiisa
4.Inaynu saaxiibo cusub oo masaajidka ku xidhan aan samaysano, haddiise ay marka hore saaxiib ada ahaayeen kuwo fiican oo masjidka ku xidhay aan sii xoojinno xidhiidhkooda.
5.Inaan maalintii wax sadaqaysano haba yaraatee, xitaa hadal wanaagsan uun aan masaakiinta kula hadalno
6.Inaynu taraawiixda jamaacada kula soo tukano
7.Inaynu iska ilaalino xanta iyo xasarada
8.Inaan barano siiraddii Rasuulka( Nabadgalyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee) iyo sooyaalkii saxaa bada (Ilaahay raali ha ka ahaadee)
9.Inaad miisaankaaga hoos u dhigto (haddaad ka caban jirtay buurni) oo aanad cuntooyin fara ba dan cunin balse aad barato sida caafimaadka ah ee cuntada loo qaato
10.Inaan nafta ku xidhno xaga sare oo ay Ilaahay si buuxda iskugu dhiibto
11.Inaynu dhadhamino macaanka cibaadada
12.Inaynu dadka sooman quudino si aan ajar la mid ah aan u helno
13.Inaynu badino tasbiixda (Ilaahay Xumaani kaa dheer ) tahliisha (Ilaahay mooye Ilaah kaloo xaq la gu caabudaa ma jiro) takbiirta (Ilaahay baa wayn) iyo mahadnaqa, Danbi dhaaf waydiisashada.
Intaas iyo inkabadanba waxa la samayn karaa marka la qaato go,aan adag oo caqli gal ah maaha inaad go,aan ku qaadato inaad samayn doonto waxaanay naftaadu awoodin samaynteeda, balse wa xaa ka fiican inaad xadidato inta aad karto, oo aad waliba joogtayso Nebiguna (Nabadgalyo iyo Naxa riisi korkiisa ha ahaatee) waxa uu yidhi: ((Camal waxa ugu khayr badan ka la joogteeyo haba yaraa dee))
Walaalayaal Ramadaan waa fursad la helo ta ugu qaalisan, ka faa,iidaysta intaad haleelka iyo caaf imaadka haysataan, waanan idiin tilmaamay faa,idadeeda, Ilaahayna waa uu inoo fududeeyay wan aaga iyo khayraadka bisha Ramadaan,waxa uu kuu furay albaabadii jannada waxaanu kaa xidhay albaabadii naarta markaasuu waliba katiinadeeyay shayaadiintii, maxaa walaal hadhay ee aad sugay saa?! Isku day inaad jadwal samaysato,oo aad naftaada ku badasho bisha ramadaan ((Waxaa Liib aanay Qofkii Naftiisa Daahiriya (9) Waxaanay khasaaray Qofkii Naftiisa Xumaan dhex galiya)) (Ash shams)
ABDILQANI ALBANNA abdilqani@hotmail.com
NATIONLINK TELELCOM
BISHAARO BISHAARO BISHAARO
Shirkada isgaarsiinta Casriga Caalamiga ah ee NATIONLINK TELECOM Waxay Macaamiisheeda Sharafta Leh Ugu Bishaareyneysaa in ay U sameeysay Qiimo Dhimis Ballaaran,taas oo ah ku shubo1$ Doollar Kuna hadal 140 Daqiiqo oo Gudaha dalka ah Xilli kasta Habeen iyo Maalin intaba, Sidoo kale ku Shubo 1$ Doollar kuna Hadal 16 Daqiiqo oo Dibadda ah, waana 35 Dal oo kuwa Soomaalidu ku badan tahay oo ay Wado
HADDABA WIXII FAAHFAAHIN AH WAC NAMBARRADAAN 100 / 222 / 333.
Nationlink Isku Xiraha Dadweynaha
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 16-KA JUUN 2016-KA
SHARMA'ARKE: DOWLADDA MAREYKANKA WAA INAY NAGA TAAGEERTAA DHISMAHA DOWLADDA CUSUB RW Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke oo safar Shaqo u joogo Dalka Mareykanka, ayaa kulan la Qaatay Mas'uuliyiin ka Tirsan Dowladda Mareykanka