FAALLO Sheekh C/Qaadir Jiilaani Khudbadii ugu gaabneed Taariikhda.

0
Wednesday April 19, 2023 - 11:37:21 in Wararka by
  • Visits: 1008
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    FAALLO Sheekh C/Qaadir Jiilaani Khudbadii ugu gaabneed Taariikhda.

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Khudbo gaaban iyo Cimrada sanadkan

Ku dhawaad Kun Sano muddo laga joogo ayaa Sh.

 

Cabdulqadir Jeylaani waxa uu koray Manbarka Masjidka si uu u akhriyo Khudbadii Salaadda waxa uuna yiri:

( 1.Hunguri- Cunto lagu rido Caloosha Qof baahan, ayaa ka khayr badan in aad dhisto Kun Masjid.

2.Waxa ay ka khayr badan tahay in aad Kacbada ku hugiso dharka kacbada ku daboolan.

3.Waxa ay ka khayr badan tahay in aad Alla dartii u istaagto Adiga oo Rukuucayo.

4.Waxa ay ka khayr badan tahay Qofkii ku jihaada Gaalada isag oo wato Seef wax gooyso.

5.Waxa ay ka khayr badan tahay Qof sooma wakhti kuleeyl daran uu jiro.

6.Haddii Quudku ku dhaco Caloosha Baahanaha.

 

Kansiga ama thawaabta aad helee waa sida iftiinka Qoraxda oo kale) ( F.M: 1aad)

Khudbadii intaa ayey ku ekeyd waxaana la galay Salaadii.

Sheekhu waxa uu noo tilmaamay muhimadda ay leedahay in muslimiintu ay caawiyaan walaalahooda Baahan.

Shalay iyo Maanta Xaramku aad ayuu u buuxsanaa, Galab dheer ayaa meel la istaago la waayay.

Sanadkaan Somali Badan ayaa Cimro aaday, Alla ha u aqbalo dhamaantood.

 

Anagana kuwii nooga soo duceeyay halkaa Ducadooda Alla ha noo aqbalo.

Midse aan is xasuusino.

Somali badan oo Cimreeysatay Deriskoodu waa baahnaa, madax badan oo Cimreeysatay shaqaalahooda iyo istaafyaduudu waa baahnaayeen.


Waxaa Sanadkaan Cimrada tagay Xubno ka kala socdo Lix Xisbi siyaasadeed iyo taageerayaashooda.

 

Kuwa kalena waa ku balansanaayeen.

Qaar badan waxa ay dageen "Hoteelka Saacadda” kaa oo ah kan ugu qaalisan magaaladda Kacbadana u dhaw, oo Habeenkii Halka qol lagu seexdo 1000 Dollar, Af furka iyo Saxuurtana waa midkiiba 80 Dollar, haddaan maalmahaan wax laga bedelin. ( F.S: 2 aad)

Cimradiina Alla ha idiin Aqbalo ee Xasuusta Inta Calool Baahan oo deriskiina aheyd ee aad ka soo tagteen, iyo sida Rasuulkeena Muxamed CSW uu noogala dardaarmay in aan quudino walaalheena Muslimiintaa oo masaakiinta ah.

FG: wixii ka khaldan ka sax, wixii ka dhimanna ku dar.

Qore: -Yahya Amir

.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip