Sawirrada socdaalka Mr.
Putin, ayaa la baahiyey, balse lama oga xilliga uu halkaasi safarka ku tagay.
Sida lagu sheegay baahinta Aqalka Kremlin-ka, Mr.
Putin, ayaa waxa uu safarka ku tagay qaybo ka mid ah gobolka Kherson.
Gobolka Kherson ayaa weli kamid ah goobaha ugu muhiimsan ee lagu dagaalamayo dalka Ukraine.
Waxaa la sheegay in Mr.
Putin uu ka qeyb galay kulan uu la qaatay taliyeyaasha ciidamada, uuna ka dhageystay warbixintooda.
Waxa kale oo la sheegay inuu ku hakaday xarunta ciidamada qaranka ee bariga Luhansk.
.
Madaxweyne Putin oo safar qarsoodi ah ku tagay dalka Ukraine
..