
HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAIYL NEWSPEPAR EE MAANTA OO AHTALAADO 18-KA ABRIIL 2023-KA
Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan oo u ololey naya in laga qaado cunaqabateynta hubka ee Qaramada Midoobay
Bisha soo socota, Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa mar kale dib u eegis ku sameyn doo na cunaqabateynta South Sudan, si la mid ah Soo maaliya
Dalka Koonfurta Suudaan ayaa waxay rajeyneysaa in xayiraadda laga qaado. Juba ayaa rajeynaysa in daaha gadaashiisa ay uga ololee yaan xubno kamid ah golaha ammaanka ee Qara mada Midoobay.
Dowladda Soomaaliya ayaa kamida ah waddama da si cad ugu baaqay in la qaado xayiraada hubka ee saran dalkaas.
Arrintaan waxay kusoo aaday xilli toddobaadkii hore, Golaha Nabadda ee Midowga Afrika uu shee gay in Qaramada Midoobay ay ahayd inay tixgeliso codsiga soo noqnoqda ee Soomaaliya si looga saaro xayiraadda hubka.
Golaha oo la tacaalaya khataraha amni ee Afrika, ayaa sheegay in Soomaaliya laga qaado cunaqab ateynta saaran "si loo xaqiijiyo in dalku uu si ku filan u qalabeeyo ciidankiisa si wax looga qabto khataraha amni ee Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee argagixis ada ah ee ka hawl-gala Soomaaliya, xilli uu isku diy aarinayo in uu la wareego talada dalka.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max amuud ayaa todobaadkii la soo dhaafay ku celiyay in xayiraadaasi ay waqtigeedu dhaaftay ka dib markii uu marti geliyay wafdi ka socday Qaramada Midoo bay oo uu hogaaminayay Xoghayaha Guud Antonio Guterres.
Howlgallada Muqdisho ka socda oo isbeddal keenay
Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diir iye (Yabooh) oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbi xiyay xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho iyo howlgallada ay wadaan ciidamada dowladda federa alka Soomaaliya.
Yabooh ayaa boggaadiyay howl gallada haatan ka socda caasi mada, wuxuuna tilmaamay inay ke eneen isbeddal weyn oo haatan muuqdo. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in loo baah an yah ay in la kordhiyo howlgalladaas, si caasimada Muqdi sho looga dhigo goob ka caagan falalka amni dar rada ah.
Waxa kale oo uu ku dhiirrageliyay ciidamada am maanka in ay laba laabaan shaqada adag ay haya an, isla-markaana ay u turaan shacabka.
Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda go bolka Banaadir oo hadalkiisa sii wata ayaa farriin u diray shacabka, wuxuuna ugu baaqay inay l shaqeey aan ciidamada ammaanka & horumarka caasimada.
"Amni marka la yiraahdo, marka dadka wax soo dhacay ama kuwa wax dilay si fudud ayaa loosoo qaban karaa, Adduunyadu meelaha ay ka kobocday waxaa kamid ah Caasimadaha, in la qurxiyo waxa ay ku imaan kartaa in Dadka loo shaqeynayo ay noqda an kuwo u nugul oo fahmi kar” ayuu yiri Guddoomiye Yabooh.
Isbeddalkan ayaaa yimid, kadib markii ciidamo Bo olis Milataaro ah oo lagu soo tababaray dalka Ug anda lagu wareejiyay inta badan baraha koontarool ee ku yaalla caasimada.
Si kastaba, ujeedka ayaa ah sidii looga hortagi lahaa weerarada Al-Shabaab, sidoo kalena loo soo afjari lahaa kooxaha burcadda iyo kuwa ciyaal-weer ada ee dhibaatada ka wada xaafadaha magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musiiboyin ka oo Dowladda Sacuudiga kala waree gay Deeq Mucaawino ah.
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyi nka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA Md. Maxa muud Macalim Cabdulle ayaa Shalay Safaaradda Dowladda Boqortooyada Sacuudiga ee Muqdisho ka la wareegay Deeq Mucaawino ah.
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macallin ayaa ku xigeenka Safiirka dowladda sacuudiga u fadhiya Muqdisho kala wareegay Shixnad mucaawino ah oo loogu talagalay in la gaarsiyo Shacabka Soomaaliyed xilli lagu guda jiro maalmihii u danbeeyey bisha barakaysan ee Ramadaan.
Shixnadaan mucaawinada ah ayaa sida qorshuhu yahay waxaa lagu wadaa in la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyed ee danta yar waxaana shixnadaan iskugu jirtaa qeybaha kala duwan ee raashinka
Soomaaliya iyo UK oo heshiis cusub saxiixday
Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Boqorto y ada Ingiriiska ayaa magaalada Muqdisho Shalay ku kala saxiixday heshiis cusub oo is-afgarad.
Heshiiskan oo ku saabsan mashruuc caafimaad oo lagu horumarinayo adeega caafimaad ee hooya da iyo dhallaanka ayaa waxaa kala saxiixday wasiir ka wasaaradda caafimaadka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan iyo Sii-hayaha safiirka safaaradda UM ee Muqdisho Lottie Burrows.
Mashruuca Better Lives oo ay fulin doonto UNIC EF ayaa waxa uu socon doona muddo saddex sano ah, waxaana laga fulin doonaa sida qorshuhu yahay maamul-goboleedyada Jubbaland, Galmudug iyo gobolka Banaadir.Wasiirka caafimaadka iyo daryeel ka bulshada Dr Cali Xaaji Aadan oo munaasibadda ka hadlay ayaa Boqortooyada Ingi riiska uga mahad-celiyay taageera da ay mar walba u muujiyaan da dka Soomaaliyeed.
Wasiir Dr. Cali Xaaji ayaa sidoo kale waxa uu xusay in mashruucan uu Shalay qalinka ku duugay uu ka qeyb qaadan doono yareynta dhimashada Hooyada iyo dhallaanka.
Sii-hayaha safiirka safaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya Lottie Burrows ayaa dhankeeda sheegtay in heshiiskan uu muhiim u yahay nidaamka caafimaad ee Soomaaliya.
Sidoo kale waxay sheegtay in heshiiskan ku qoto mamashruuc caafimaad ee lagu horumarinayo ade ega caafimaad ee hooyada iyo dhallaanka uu qeyb weyn ka qaadan doono dadaallada ay Wasaaraddu u gu jirto Horumarinta adeegyada C/imaadka ee dalka.
Axmed Madoobe "Dhir jarista iyo ugaarta waa ka mamnuuc Jubbaland”
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo xub no ka tirsan Goleyaasha Jubbaland ayaa si wadajir ah xuska maalinta dhir beerista Somaliya ee 17-ka April awgeed dhir kala duwan ku beeray Aqalka Martida ee Magaalada Kismaayo.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa shacabka ugu baa qay in ay ka fogaadaan dhir jarista, isla-markaa na ay dhir kala duwan ku beeraan guryahooda iyo go obaha danta gu ud, si ay uga qayb qaadato bilicda iyo badqabka deegaan ka. Madax wey naha ayaa tilmaamay in Jubbaland ay khatar ku hayso jari sta dhirta, taa oo soo socotay tan iyo xilligii burburka iyo weliba ugaarsiga sharci darrada ah. Madaxweyn aha oo shir jaraa’id ku qabtay Maga alada Kismaayo ayaa bidhaahiyay in hay’adaha shar ciga ay gacanta ku hayaan dad ku eedeysan sida uu sheegay dhir jarista iyo ugaarsiga sharci darrada ah, kuwaa oo sida uu sheegay ay maxkamadi xukuntay, isagoo in taa ku daray in dhir jarista iyo ugaarsiga ay mamnu uc ka yihiin Jubbaland.
Waxa uu muujiyay in ay isku dembi yihiin qofkii ge ed jira iyo kan ugaar dila, isagoona yiri "Aad baan uga mahadcelinayaa garsoorka iyo laamaha amniga go’aanadaa ay qaateen ee dadkaa ay xukunka ku rideen. Waa waxyaalaha dhibaatadaa ee mar walba na hortaagan ay kow, laba iyo saddex ka tahay.”
Dhanka kale Axmed Maxamed Islaam, Madaxweyn aha Jubbaland ayaa sheegay in ay jirto dhuxul mu ddo dheer tiilay Magaalada Kismaayo, khatarna ku ah nolosha bulshada, taas oo sida uu sheegay loo ba ahan yahay in xal loo helo, si looga hortaggo waxye elada ka dhalan karta.
Soomaalida ayaa la tilmaamaa inaysan ku baraar ugsanayn muhiimadda ay dhirtu u leedahay deegaan ka, isla-markaana ay ku badan yihiin kuwa dhirta jira, ee aan mid kale
Ciidamada dowladda oo degaano dhowr ah kala wareegay Al-Shabaab
Ciidamada dowladda iyo kuwa dib-u-xoreynta dee gaanka ee Gobolka Hiiraan ayaa kaabiga ku haaya deegaanka Booco oo dhaca qiyaastii 50KM Koonf urta Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.
Howlgalka hoggaaminaya Guddoomiyaha gobo lka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo ay wehlinay aan saraakiil ciidan oo ay kamidyihiin Taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad Korneyl Maxamuud Xasan Ibra ahim Baakay Taliyaha qeybta 27-aad ee Janeraal Tawane Axmed Maxamed iyo Mas’uuliyiin kale.
Ciidamada xoogga dalka qeybaha guutada 5-aad qeybta 27-aad guutada 8-aad ee Gorgor iyo ciidanka kumaandooska Danab oo aay bar-bar socdaan ciidanka Dib-u-xoreynta deegaanka ayaa fulinta how lgalka iska kaashanaya, waxaana sidoo kale qeyb ka ahDiyaaradaha dagaalka ee saaxiibada Caalamiga ah ee dowladda Soomaaliya ka caawiya la dagaalan ka Al-Shabaab.
Guddoomiyaha Maamulka Go bolka Hiiraan Cali jeyte Cis maan ayaa sheegay in looga baahan yahay Ciidamada de gaanka iyo dadka Shacabka iyo kuwa dowladda Soomaa liya in iyaga oo iskaashanaya ay siwadajir ah degaan nadooda uga xorreeyan Al-Shabaab.
Waxaa uu sheegay in ka guddoomiye ahaan uus an dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab joojin doonin ilaa iyo inta ay ka saarayaan degaannada iyo degmo oyinka ay kaga sugan yihiin Gobolka Hiiraan.
Waa todobaadkii labaad oo xiriir ah oo ay Ciidam ada dowladda iyo kuwa degaanka howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka wadaan degaano u dhaxeeya Mag aalada Beledweyne iyo degmada Buulo-burde, iyaga oo degaano la wareegay.
Madaxweyaha Soomaaliya oo ka codsaday IGAD inay mawqif adag ka qaataan dhibaatada ka jirta Suudaan
Madaxweyaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxam uud ayaa ka codsaday madaxda IGAD inay mawqif adag ka qaataan dhibaat ada ka jirta Suudaan, si loo soo celiyo nabadda dalka, isagoo ka codsaday mada xda inay soo diraan wufuud ka socota IGAD si ay xaaladda u soo farageliyaan.
Madaxweynaha ayaa Axaddii ka hadlay kulan dhanka Internetka ah oo uu la yeeshay Madaxda Urur Goboleedka IGAD, kaasoo looga hadlayay am maanka sii xumaanaya ee Suudaan.
Kulanka degdega ah ayaa waxaa ka qeyb galay madaxweynayaasha Salva Kiir (South Sudan), Yow eri Museveni (Uganda), Ismaaciil Cumar Geelle (Jab uuti) iyo William Ruto (Kenya).
Hogaamiyayaasha ayaa ugu baaqay golaha ku meel gaarka ah General Abdel Fattah al-Burhan iyo General Mohamed Hamdan Dagalo in ay joojiyaan dagaalka ayna ku soo laabtaan miiska wada xaajo odka. IGAD waxay go’aansatay inay u dirto Mada xweyne Kiir, Madaxweyne Ruto iyo Madaxweyne Geelle wakhtiga ugu macquulsan si ay u heshiiyaan kooxaha isku haya. Waxay sheegeen in xasiloonida Suudaan ay fure u tahay wanaagga bulsho iyo dhaqaale ee gobolka. Colaadda, ayay raaciyeen, in ay wiiqayso h orumar radii nabadeed ee la gaaray afartii bilood ee la soo dhaafay.
Puntland: Guddoomiyayaasha gobolada iyo degmooyinka oo la faray in aan qofna urur siyaas adeedka uu katirsan yahay shaqada looga joojin karin
Maamulka Puntland ayaa faray guddoomiyaasha gobolada iyo Degmooyinka in aan qofna aragtidiisa siyaasadeed iyo urur-siyaasadeedka uu ka tirsan yah ay awgeedshaqada looga joojin karin, laguna cad aadin karin.
Go’aankaan ayaa kusoo beegmay kadib markii Dorraad laamaha amniga Garowe ay xireen mid kamid ah gudd oomiyayaasha xaafadaha Garowe, sababa lala xiriiray inuu diiday inuu la shaqeeyo uru rka Kaah uu hoggaamiyo madaxweyne Deni.
Maalmo ka horna, waxaa jiray in qaar kamid ah agaasimaayaasha maamulka degmada Garowe sha qada looga joojiyay kadib markii lagu eedeeyay inay ku biireen ama u ololaynayeen ururada mucaarad ka.Wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Puntl and, Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa ku baaqay in la ilaaliyo xaquuqaha dastuuriga ah ee shacabka Reer Puntland si loo qabto doorasho hufan oo lagu wada qanacsanyahay.
Si kastaba ha ahaayee, bisha may dabayaaqad eeda ee sanadkan ayaa loo madlan yahay in 37 de gmo oo katirsan Puntland laga qabto doorashooyinka dowladaha hoose.
Balse, ururada mucaaradka ayaa ka walaacsan kalsoonida lagu qabo doorashooyinkaas, xilli maam ulka lagu eedeynayo in shaqaalaha maamulka lagu qasbayo inay taageeraan ururka muxaafidka ah ee Kaah.
Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka dhacay Magaalada Laas-Caanood
Wararka naga soo gaaraya duleedka Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa she egaya in Shalay halkaasi uu ka dhacay dagaal xoo ganaa oo u dhaxeeyay Ciidamada degaanka ee SSC iyo Ciidamada Somaliland.
Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii Ciida mada Somaliland oo dhaq dhaqaaqyo ka wada degaannada Bari iyo Galb eed ee magaalada Laas-Caa nood ay weerareen Ciidama da degaanka.
Waxaa jira khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac kala ga aray wallow aan weli la xaqiijin tirade ku waxyeelo obay dagaalka, waxaana goobjoogayaal ay sheeg een in hubka cul culus ay isku adeegsanayeen lab ada dhinac.
Maalmihii la soo dhaafay waxaa deganeyd xaall ada Magaalada Laas-Caanood iyo degaannada hoos taga. Balse dhinacyada ayaa waxaa soo gaarayay gurmadyo kala duwan oo uga imaanayay dhinaca degaannada Puntland iyo Somaliland.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaannada lagu dagaalamay ee duleedka magaa lada Laas-Caanood ayaa sheegaya in weli rasaas go os goos ah la maqlayo , isla markaana dhinacyadu ay weli is hor-fadhiyaan.
Sheekh Suufi oo kamid ahaa culimada ugu waa wayn gayiga Soomaalida oo Hargaysa ku geeriyooday
Sheekh Maxamuud Aw Suufi Muxumed oo ahaa culimada loo daba fadhiisto cilmiga diinta, ayaa mag aalada Hargaysa ku geeriyooday isaga oo 98 jir ah.
Sheekha oo soo noqday wasiirka diint a iyo awqaafta ee Somaliland, ayaa ah aa caalim ku xeel dheer cilmiga diinta gaar ahaan tafsiirka Qur'aanka, luuqada iyo fiqiga, isaga oo soo saaray culimo badan oo caan ah.
"Waa sheekh dadka Afka-Soomaaliga ku hadla oo dhani ay wax ka barteen, waxaana uu wax baray ar day badan...waxaana uu geeriyooday isaga oo tafsiir ka Qur'aanka dhiga" Wasiirka Diinta Awqaafta Somaliland Sh. Cabdirisaaq Xuseen Albaani, ayaa sida BBC u sheegay. Culimad sheekha ka aflaxday waxa ugu caansan Sheekh Maxamed Macalin, She ekh Shariif Cabdinuur, Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, Sheekh Samatar, Sheekh Maxamed Ca li Gadhle, Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Yaasiin, Sheekh Axmed Dhimbiil iyo culimo kale oo badan.
Sheekh Suufi ayaa sidookale ahaa xaakin dadka kala xukuma isaga oo maxkamad shareecada Islaa mku u saltahay ku laha meel u dhow masaajidka ca anka ah ee Ibraahin Dheere oo uu mudo dheer cilmiga diinta dadka ku bari jiray.
Suufi waxa uu kamid ahaa culimada ugu da'ada waa wayn ee qarnigan nool, wuxuuna ahaa imaamka mufasiriinta Qur'aanka kariimka, sida uu Sheekh Cabdirisaaq Rakuub oo sheekha aqoon dheerada u lahaa ku sifeeyay.
Sheekha ayaa lagaga tukan doona masaajidkii Ibraahin Dheere ee uu dadka wax ku bari jiray, wax aana lagu aasi doonaa xabaalaha Qudhaca-Abuuriin, oo hooyadii iyo aabihii ku aasanyihiin.
Taliye ku xigeenkii hore ee Saldhiga Booli iska Baledweyne oo goordhaw lagu dilay magaalada Baledweyne
Kooxo Bastoolado ku hubeysnaa ayaa goordhaw oo Shalay ah ku dilay Xaafada Buundaweyn ee mag aalada Baledweyne sarakaal ka tirsanaa ciidanka Booliiska degmada Baledweyne.
Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Tal iye Nuur Xasan Bidaar oo loo yaqaliinay Nuur Xas aneey, kaasoo horay usoo noqday Taliye ku xig eenka Saldhiga ciidanka Booliiska M/ Bale dweyne.
Dilka sarkaalkaan ayaa ka dhacay afaafka hore ee gurigiisa oo ku yaala xaafada Buundweyn gaar ahaan laanta Isbartiibo
Dableyda dilka geysatay ayaa si deg deg ah uga baxsatay goobta ay ku dil een sarkaalka, waxaana dilka kadib goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa amaanka degmada Baledweyne oo halkaasi baarit aano ka sameeyay, walow aysan jirin cid ay usoo qabteen dilka. Dilka sarkaalkaan ayaa imaanaya, iyadoo amaan ka magaalada Baledweyne uu ahaa mudooyinkii da mbe mid soo hagaagayay, tan iyo markii ay dhalatay bishaBarakeysan ee Ramadaan Xigasho:-hiiraan.com
Beesha caalamka oo si toos ugu hanjabtay Muuse Biixi
Saxiibada Caalamka ee Soomaaliya oo ka koob an Belgium, Canada, Denmark, Midowga Yurub, Finl and, France, Germany, Ireland, Italy, Netherlands, Norway, Sweden, Türkiye, UK iyo Mareykanka ayaa wada-hadal Khadka taleefonka kula yeeshay mada xweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, una hanj abay.
Bayaan kasoo baxay Midowga Yurub ayaa lagu sheegay inay madaxweyne Muuse Biixi kala hadleen dagaalka magaalada Laascaanood iyo sameynta xo oggan ee uu ku leeyahay shacabka, sidoo kalena ay lasoo qaadeen walaaca ay ka qabaan doorashooyin ka dib u dhacay ee Somaliland.
Beesha caalamka oo u hanja beysa Muuse Biixi ayaa ku tiri qora alka "Saaxiibada waxay xuseen in xaaladdan walaaca leh ay si dhab ah u saameyneyso wada-hadallada ku saabsan la-macaamilkooda Somaliland.”
"Saaxiibada ayaa walaac xooggan ka muujiyay ra bshadaha iyo iska hor-imaadyada sii socda ee Laasc aanood, kuwaas oo hadda ku jira todobaadkii toban aad. Saxiibada ayaa rajo ka muujiyay in amniga iyo badqabka shacabka ay u dub dhexaad u noqon do onaan dhammaan go’aannada siyaasadeed, waxa yna carrabka ku adkeeyeen in si degdeg ah oo shu ruud la’aan ah loo joojiyo colaadda, ciidamadana loo kala qaado goobo lagu heshiiyey.”Bayaanka ayaa int aas ku daray in saaxiibada caalamka ay ku celiyeen muhiimadda xaqiijinta marinada gargaarka bani’aad annimo iyo gaarsiinta caawimaadda ee kuwa u baa han. Waxay sheegeen in farriin taas la mid ah ay la wadaageen dhinacyada kale ee ku lugta leh dagaa lka ee aan aheyn Somaliland.
"Dhinacyada ugu waa weyn ee dirirtu ay ka dhax eyso ayaa marar badan si shaacsan u ballan qaaday xabbad-joojin iyo wada-hadal, balse weli ma aysan fulin ballan-qaadyadaas. Saaxiibada waxay ku baaq een dabacsanaan iyo muujinta tanaasul si loo oggol aado saaxad wadahadal,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Waxay saxiibada caalamku sheegeen inay gacan ka gaysanayaan helidda marinno ku wajahan nabad la joogteyn karo, oo ay ku jirto inay gacan ka gaysan ayaan fududeynta wada-hadallada.
"Saaxiibada waxay soo dhoweynayaan dadaalla da iyo hindisayaasha ay wadaan jilayaasha gudaha iyo kuwa gobolka ee lagu xaqiijinayo xabbad-joojin la guna fududeynayo wada-hadallo,” ayaa lagu yiri bay aanka.Dhinaca kale, saaxiibada caalamka ayaa she egay in madaxweyne Muuse Biixi kala hadleen muhii madda horumar deg deg ah oo laga sameeyo doo rasooyinka Somaliland.
"Waxaanu ku casuunay Madaxweynuha inuu daa baco khariidad doorasho, oo uu caddeeyo nidaamka iyo wakhtiga doorashadu dhacayso, si loo ogolaado diyaargarow farsamo. Tallaabooyin la taaban karo ayaa loo baahan yahay si loo xaqiijiyo in doorashadu u dhacdo sida ugu dhakhsaha badan,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Saaxiibada caalamka ayaa sheegay inay uga mahad-celiyeen madaxweyne Muuse Biixi ballan-qaadyada ku aadan inuu diyaar u yahay inuu raadiyo nabadda iyo wada-hadalka.
"Waxa kale oo aanu xusnay ballanqaadka madaxw eynaha ee ah in la oggolaado gargaar banaada nnimo oo aan la xanibin la gaarsiiyo Laascaanood. Waxaan rajeyneynaa in dhammaan ballan-qaadyad aas la dhaqan-geliyo,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Ugu dambeyn saaxiibada caalamka ayaa sheegay inay ka niyad-jabsan yihiin in madaxweyne Muuse Biixi aanu ballan-qaadin in lasoo saaro ciidamada Somaliland ee fadhiggeedu yahay hareeraha Laascaanood. Isha: VOA
Al-Shabaab oo madaafiic xooggan ku garaacday saldhigga Baarsanguuni
Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga hela yaa khasaaraha ka dhashay weerar loo adeegsaday madaafiic oo ay Shalay xubno ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen saldhigga deegaanka Baarsanguuni ee gobolka Jubbada Hoose.
Weerarka oo ahaa mid xoog an ayaa waxaa jawaab ka bix iyay ciidamada Jubbaland oo ku sugnaa sladhigga la weer aray, kuwaas oo iyaguna madaafiic xoogan riday. Dadka deegaanka ayaa inn oo sheegay in ay maqlayeen jugta madaafiicda oo qaarkood ku dhacday saldhigga, halka kuwa kalena ay ku hoobteen xaafado ay dagan yihiin shacab.
Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ayaa shaaca ka qaaday in khasaare ay ku gaarsi isay dhismaha xerada iyo ciidankii ku sugnaa, sida ay hadalka u dhigtay. Dhinaca kale saraakiil u hada shay dowlad gobole edka Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday inay iska difaaceen, isla-markaana ay ka hortgeen xubnaha Shabaab ee soo weeraray.
Sidoo kale waxa ay tilmaamay in haatan ay wad aan howlgallo ay ku baacsanayaan raggii weerarka soo qaaday oo goobta isaga baxsaday.
Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa duleedka magaalada xeebeedka Kism aayo ee gobolka Jubbada Hoose.
Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambee yay sare u qaaday weerarada ku beegsaneyso sal dhigyada ciidamada huwanta ee howlgallada ka wada gobollada dalka. Weerarkan cusub ayaa kus oo aadayo, ayada oo haatan Jubbooyinka uu ka soc do diyaar garow ku aadan wajiga labaad ee dagaa lka Shabaab oo ka bilaabanaya gobolladaasi
Xigasho:caasimadda.net
"Baadigoob Argagax Leh Oo Lagu Raadinayo Mucaarid Sucuudi Ah: Codsiga Twitter-Ka Ee Madaxiisa”
Markii Kornayl hore oo ka tirsanaan jiray Booliska Sucuudiga, oo magangelyo ka dalbaday UK, uu bartamihii bishii March si toos ah ugu soo baxay Tik Tok, si uu u sharaxo sababta uu uga tagay ciidanka booliska, ilaalada internetka ayaa isla markiiba madaxiisa dul dhigay abaal-marin.
Tiro badan oo ka mid ah ako onnada Twitter-ka ayaa 44-jirkan ku dhibaataynayey khadka internetka tan iyo markaas, iyagoo ku tilmaa may "khaa’in” iyo "doxxing” isaga, taasoo daaha ka qaaday macluumaad ku saabsan halka uu ku sugan yahay.
Kornaylkii hore, Rabih Alenezi, ayaa sheegay in uu hadda u baqayo naftiisa, maadaama hanjab aadaha ay ka imaanayaan dhammaan baraha bul shada. Waxa uu u sheegay kooxda Observers inay doonayaan inay dilaan ka hor inta aanu magangelyo siyaasadeed ka helin Boqortooyada Ingiriiska.
Alenezi waxa uu ku nool yahay cabsi joogto ah meel qarsoon. Argagixisadiisu kor ayey u kacday tan iyo markii Twitter-ka qarsoodiga ah uu u yaboohay 10,000 Riyaal Sucuudi ah (qiyaastii €2,400) qof kasta oo xog ka haya halka uu joogo.
March 7, 2023, Rabih Alenezi waxa uu boggiisa Twit ter-ka ku daabacay muuqaal uu ku shaacinayo go’aanka uu uga baxayo booliiska Sucuudiga.
17-kii bishii Maarso ayaa la jabsaday barta uu Al enezi ku leeyahay Twitter-ka, waxaana laga saaray dhammaan qoraalladiisii uu ku dhaliilayay xukuuma dda, waxaana lagu bedelay sawirrada Maxamed Bin Salmaan oo ah dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuu diga.
Dabadeed, 22-kii Maarso, isaga oo si toos ah Tik Tok uga socda makhaayad ku taal bartamaha Lon don, barta Twitter-ka "Fahad Bin Sattam” (@fahadn oic), oo ku faantay inuu awooday inuu helo Alenezi, ayaa madaxiisa dul dhigay abaalmarin.
Alenezi ayaa intaa ka dib joojiyay tabintii tooska ahayd. Riyadu waxay ku sii socotay Alenezi 23-kii Maarso, markii uu ka bilaabay ka qul-qulka kafateeriy ada kale ee London, Bin Sattam ayaa mar kale ku celiyay, isaga oo go’aamiyay goobta uu ku duubayo halkaas oo uu isla markiiba ka baxay kafateeriyada.
27-kii Maarso, Bin Sattam waxa uu soo galiyay no oc xayaysiis ah oo la raadinayo, isaga oo siinaya 10, 000 Riyaal Sucuudi ah (€2,400) qof kasta oo xog ka haya halka uu ku sugan yahay Alenezi, isaga oo she egay in uu Istuudiyaha ka kiraysanayo London, mal aha Kensington.
Waxa uu ku daray muuqaalada gudaha guriga uu ku jiray kornaylkii hore, kuwaas oo uu ka soo qaaday muuqaaladiisa TikTok.
Saddex maalmood ka dib, Bin Sattam wuxuu u shee gay taageerayaashiisa inay ka helaan hantida Alen ezi ee guryaha British-ka ah ee Zoopla Property ama OnTheMarket, isagoo siiya 5,000 riyal (€ 1,200) oo dheeri ah qofkii ugu horreeyay ee hela isaga ka hor.
Boqollaal qoraal oo Twitter ah ayaa ammaanay dada alka Bin Sattam, iyadoo mid xitaa la siiyay 1,000 Riy aal (€200) oo dheeraad ah si uu ugu daro 10,000 Riyaal.
Qaar badan oo ka mid ah taageerayaasha Bin Sattam ayaa ku biiray qulqulka tooska ah ee Alenezi ee TikTok, iyaga oo ka buuxinaya qaybaha faallooy inka hanjabaad iyo aflagaado. Inkastoo ay jiraan war bixino badan, haddana Twitter ma aysan qaadin wax tallaabo ah oo ka dhan ah Bin Sattam, maadaama fariimahiisa hanjabaadda ah aysan ku xadgudbin shuruucda Twitter-ka.
Alenezi waxa uu samaynayaa intii karaankiisa ah si uu u xadido xidhiidhka uu la leeyahay shisheey aha, waxa uuna ka baqayaa in niman wejiyada soo duuban ay soo xaadiraan albaabkiisa si ay u dilaan daqiiqad kasta.
Waxa uu noqday bartilmaameedyo badan oo trolls ah ka dib markii uu ka tagay ciidanka booliska oo uu cabiray fikirkiisa.
Waxa uu sheegay in trolls-ka ay argagaxeen ka dib markii uu jagooyinkiisa qabtay, sida inuu yahay khatar ku soo fool leh Boqortooyada, balse waxa kali ya ee uu sameeyay ay ahayd inuu ka hadlo khibradii uu u lahaa booliska oo uu fikirkiisa ka dhiibtay.
Waxa uu sidoo kale sheegay in aysan jirin cid ku dhiiratay in ay u hanjabto Korneyl iyada oo aan ogol aansho ama amar toos ah ka helin maamulka Sacuu diga, taasoo keentay inuu rumeysan yahay inay ka dambeeyaan hanjabaadaha.
3-da Madaxweyne ee loo xil saarey xalinta dagaalka ka socda Sudan.
Koox ka mid ah dalalka dhaca dhanka bari ee qa aradda Afrika, ayaa qorsheynaya inay saddex hogga amiye u diraan dalka Suudaan, si ay u dhex dhexaa diyaan ciidamada isku haya dalkaas. Axaddii, urur goboleedka IGAD, ayaa wuxuu isku raaceen in ma daxda dalalka Kenya, South Sudan iyo Djibouti loo diro caasimadda magaalada Khartoum ee dalka Sudan.
Sidoo kale ururka, ayaa dalbaday xabbad joojin degdeg ah, oo la dhex dhigo dhinacyada isku haya Suudaan. Marka laga reebo xirnaanshaha ga roonka caalamiga ah, lama hubo xilliga uu bil aabanayo qorshaha nabadda.
Sida ay sheegayaan wararka, dagaalka ayaa weli socda, kaasoo u dhaxeeya ciidamada dowladda, iyo kuwa gurmad ah ee RSF, inkastoo beesha caalamka dalab u dirtay dhinacyada dagaallamaya. Madaxwey naha Kenya, William Ruto, ayaa ka codsaday mad axda Midowga Afrika inay u istaagaan soo celinta na badda magaalada caasimadda ah ee Khartoum.
Xoghayaha guud ee QM oo cambaareeyay dagaal ka ka socda Suudaan.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa si adag u cambaa reeyay dagaallada ka qarxay dalka Suudaan.
Wuxuu ugu baaqay militeriga iyo ciidamada RSF inay joojiyaan colaadda isla markaana ay ka shaqeeyaan nabadda iyo inay dib ugu laabtaan waha dallada lagu joojinayo qalalaasaha. Wuxuu intaa ku daray in xaaladda banii’aadanimo ee Suudaan ‘ay markii hore aheyd mid halis ah haatana ay isu bad dashay masiibo’.
Waa kuma Janaral Xamdan: Hoggaamiyaha xoog aagga Dacmu Sariic ee SUDAN?
Loolan dhanka awooda ah oo u dhaxeeya ciid amada Sudan Xooggaga Dacmu Sariic ayaa gilgilay dalkaasi, iyadoo lagu soo waramayo inay ku dhint een in ka badan 50 qof oo rayid ah.
Xooggaga Dacmu Sariic waxa ay si toos ah uga amar qaataan hogaamiye ku-xigeenka golaha, Jene raal Maxamed Xamdan Daqalo, halka milateriga uu u taliyo Jene raal Cabdifitaax al-Burhan oo ah madaxa golaha talada haya.
Labada janan ayaa wixii ka dambe eyay afgembigii dhacay October 2021 waxa ay Su dan ku xukumayeen gole ka kooban taliska mil ateriga.
Heshiis ku aaddan in xukunka lagu celiyo dowlad rayid ah ayaa socon waayay kadib markii ay labada janan isku khilaafeen qaabka ciidamada gurmadka degdega ah loogu biirinayo milateriga Sudan.
Ciidanka gaarka ah ayaa doonaya in ku biiridda ay dhacdo 10 sano kadib, hase yeeshee milateriga ayaa doonaya in hawsha lagu soo gebagabeeyo laba sano gudahood.
Beesha caalamka ayaa muddo waday dedaal la gu dejinayo xiisadda ka taagan Sudan iyo sidii xuk unka loogu dhiibi lahaa xukuumad rayid ah.
Haddaba maxaan ka naqaanaa Janaraal Jeneraal Maxamed Xamdan Daqalo oo hoggaaminaya xoo gaga ciidamada gurmadka degdega ah ee loo yaqaan RSF?
Waa kuma Jeneraal Maxamed Xamdan?
Waxa uu ka soo jeedaa gobolka fog ee ku yaal Galbeedka dalka Sudan, halkaas oo siyaasadda, gan acsiga, iyo colaadduba ay isku dhafan yihiin.
Ninkan oo hormuud u ah siyaasadda dalka Sudan, ayaa horay uga ganacsan jiray geela, kaas oo dag aal u arka fursad uu noqon karo nin hodan ah oo awood badan.
Maxamed Xamdan Dagolo, oo loo yaqaan "Hem eti”, waa ninka labaad ee Shalay ugu sarreeya mili tariga haya talada dalka Sudan.
Balse dhab ahaantii, Hemeti, oo yaraantiisii Iskuu lka ka saaqiday ayaa haatan loo arkaa ninka ka dam beeyey rasaasta ka dhacaysa Khartoum.
Dagaal oogahaan ka soo jeeda gobolka Darfur ayaa xukuma kumanaan ciidan ah oo ka mushaar ba dan kana qalab wanaagsan ciidamada caadiga ah ee Sudan.
Waxa uuna haystaa lacago fara badan oo uu ku maalgaliyo maleeshiyaadkaas – waxa uu leeyahay goobo laga qodo dahabka oo ku yaal buuraha macd anta hodanka ku ah ee Sudan, waxa uuna ku tiirsan yahay saaxiibbo uu ku leeyahay Sacuudi Carabiya iyo xulufo kale oo Khaliijka ku sugan.
Jidka uu Hemeti xukunka ka soo fuulay ayaa soo bilowday sannadkii 2003-dii, kaddib markii qabaailka Afrikaanka ah ee madoow ee ku dhaqan gobolka Ga lbeed ee Darfur ay hubka qaateen oo ay xuku umadda ka soo horjeesteen.
Sidee ayuu jagadan ku gaaray?
Ciidmada Sudan ayaa halgan u galay sidii ay uga hortagi lahaayeen dagaalkooda ku salaysan ku dhufo oo ka dhaqaaqda, waxa ayna bilaabeen in ay qorta an maleeshiyo Carab ah oo loo yaqaan "Janjaweed” – oo macnaheedu yahay "Jinkii hubka qaatay ee far daha saarnaa”.
Waagaas, Hemeti waxa uu ahaa nin dhalinyaro ah oo 20 jir ah.
Waxa uu sannadkii 1975 ka dhashay Qabiilka Carab ta ah ee geelleeyda ah ee Mahamid, waxa uu Isku ulka hoose dhexe ka saaqiday markii uu 16 sano ji ray, si uu geela ugu kala dhoofiyo Darfu iyo Chad oo loo sii dhoofin jiray Libya iyo Masar.
Hameti adeerkiis Juma Dagolo, waa hoggaamiy aha qabaa’ilka Carabta ah ee ku teedsan xuduudda u dhexaysa Chad iyo Sudan.
Sannadihii u horreeyey ee khilaafka, Hemeti wa xa uu waaardiye ka ahaa kolonyada ganacsiga ee Darfur, halkaas oo uu xoogaa hanti ah ka helay.
Hoggaamiyahaas dhalinyarada ah waxa uu gacan ka agaystay dar dargalinta dagaalyahannada Janjaw eed.
Dadka ku xeeldheer arrimaha dalka Sudan ayaa madaxweynihii xukunka laga tuuray ee Omar al-Ba shir, oo dalkaas 30 sano xukumeyey ku eedeeyey in uu taageeri jiray maleeshiyaadkaas.
Omar El-Tayeb Ahmed oo ah khabiir ka tirsan BBC Arabic ayaa qaba,”in dadka aqoonyahanka ah ee reer Sudan ay Hemeti u arkaan musiibo uu abuur ay Al Bashir,”ISH A: BBC
DARUUSTA BISHA BARAKEYSAN EE RAMADAAN {AXKAAMTA-SOONKA} TOBANKA HABEYN EE DAMBE IYO LEYLATUL QADDARKA
Xaddiis waxaa jira sheegaya in labo bilood aysan nusqaamin, bilaha ci idda: Ramadaan iyo Dul-xijja. Culumadu qaar waxay dhaheen hal sanad kumawada dhammaan karaan 29.
Qaar waxay dhaheen bishu waxay rabto haku dhammaato laakiin a cmaashu waa dhamaystir iyo hadalo kale.
Culumada qaar baa ka hadlay tobanka maalmood ee Dul-xija iyo 10-ka dambe ee Ramadaan kee ajar badan?
Ilaah baa xaqiiqda og laakiin anigu waxaan halkan ka fahmayaa in bisha Ramadaan 29 ama 30 haku dhammaatee la rabo 10 habayn oo u da mbeeya.
Micnaha markay 29 ku dhammaanayso waxaa habaynka toban ka ugu dambe ugu horreeya laga soo bilaabayaa habaynka 20-naad. Ma addaama aan Saxaa biga caanka ah ee Saciid Al-Khudriyi (RC) kasoo ba ranay sida "count down” tir ada tobanka habayn ee dambe loo samaynayo aan soo qaadanno jaan tus aan ka sama ynay Ramadaankan oo 29 ku dhammaada haddii Ilaah idmo iyo innagoo tirada tobanka haybayn ee u dambeeya ka soo biloowna habaynka 20-naad.
Jaantuska 7-aad.Ramaddaan oo 29- ku dhamaada iyo tirinta 10-ka habeyn ee ugu dambe eya oo laga bilaabo habaynka 20-naad. Waxaa jira xaddiis uu Abuu Daa’uud weriyey oo Ibnu Mascuud (RC) leeyahay: intaan nabiga (SCW) la soo meynay, waxaa badnaa kuwii 29-ka ku dhammaanay ey.
Marka mar haddii nabigu (SCW) tirintii 10-ka habeyn ee dambe uu yiri ka raad sha, sagaalaad, todobaad iyo shanaad waxaa maskaxda ku soo degdegaya in arr inta lagu fariisiyo taariikhda uu u badanyahay inuu soonku ku dhammaado.
Inn agoo weli dabojoogna sidii uu saxaabigii Saciid (RC) nagu kordhiyey sida loo ti rin ayo habaynadaas; markaan jaantuska 7-aad, tirsiga 10-ka habeyn ee u dambee ya ka soo bilaano habaynka uu Ramadaan yahay 20-ka waxaa kuu soo baxa ya in sagaalaadku uu ku beeganyahay 21-ka Ramadaan; todobaadku 23-ka sha naadkuna 25-ka (waa markaan sidii saxaabigu wax u tiriyey aan habeynada nab igu (SCW) sheegay u fasirno sidoo kalana aan ku darno tirinta habaynnada as laft ooda).
Xitaa marka bishu 29-tan ku dhammaato oo tirsiga tobanka dambe laga soo bilaabo 21-ka, sagaalaadku wuxuu ku aadi karaa isla 21-ka laakiin toban ha beyn oo "cashra awaakhir ah” ma helaysid oo waxaa la hayaa sagaal habeyn.
Ma rka markii bishu ku dhammaanayso 29-tan haddii tirinta 10-ka habayn ee u dambe eya laga soo bilaabo 20-ka Ramaadaan waxaad heshay sagaalaadkii, 7aad kii iyo shanaadkii oo la mid ah marka tirada laga soo bilaabo 21-ka Ramad aan oo ku dhammaada 30 cisho; welina waxaa kuu sii dheer adoo toban hab ayn oo dambe tirsaday halka marka 21-ka laga bilaabo aad heysato 9 habeyn waa mar ka Soonku ku dhammaado 29 cisho haddaadan 10-ka ka soo bilaabin habay nka 20-naad Jaantuska 8-aad. Waa labadii jaantus ee mid Ramaddaan 30 ci sho ku dhammaanayey iyo markii uu 29 cisho ku dhammaanayey haddii tirinta tobon ka dambe (markuu 29 ku dhammaanayo) laga soo bilaabo habaynka 20-naad.
Magacyada maalmaha |
Tirsiga Ramadaanka |
TirsigaTobanka habayneeambe |
10-ka dambe inta harsan haddii habayn kaas lagu daro |
Axad |
20 |
1 |
10 |
Isniin |
21 |
2 |
9 |
Talaado |
22 |
3 |
8 |
Arbaco |
23 |
4 |
7 |
Khamiis |
24 |
5 |
6 |
Jimce |
25 |
6 |
5 |
Sabti |
26 |
7 |
4 |
Axad |
27 |
8 |
3 |
Isniin |
28 |
9 |
2 |
Talaado |
29 |
10 |
1 |
Sidaan horay u soo aragnay markay bishu ku dhammaato 30 cisho iy adu waa iska caddahay laakiin markay 29-ka ku dhammaato haddii tob anka ugu dambee ya laga bilaabo habaynka 21-naad waxaad heli kartaa 9-aad, 7-aad iyo 5-naad laakiin toban cisho oo buuxda ma leh. Maaddaa ma aan la aqoon intay bishu ku dhammaanayso; qofkii tobanka Ramada an ee u dambeeya u niyeysta inuu ka bilaabmayo habaynka 20-naad ee Ramadaan, hadday bishu ugu dhammaato 29 cisho wuxuu nooleeyey 10 cisho oo Ramadaan laakiin hadday 30 ku dhammaato wuxuu nooleeyey 11 cisho.
Waa uun isagoo habayn dheeraad ah oo kale oo Ra madaan dadaalay laakiin habaynadii is-dheeraa ee Ramadaan sida 21, 23,… iwm. waa isku beeganyihiin labadaas siyoodba.Dulucda faalladeydu waa: anoo dugsanaya xaddiiskii nabiga (SCW) ee ahaa labo bilood nusqaan maleh, labada bilood ee ciidda:
Ramadaan iyo Dil-xijja; waxaan minsana hay in Ramadaan leedahay 10 habayn oo dambe"cashra awaakhir” iyado on loo eegin in bishu 29 ama 30 ku dhamma ato sida 10 cisho ee ugu hor reeya ee Dil-xijja aysan u saameynaynin in bishaas (Dil-xijja) ay 29 ama 30 ku dhammaato. Wa xaa iska cad in raadintu uu nabigu (SCW) Leylatul Qadarka ka raadshay tobanka hore iyo tobanka dhexe ay ahayd ijtihaad ee cibaado jacayl laak iin markii dambe la tusay inuu ka raadsho tobanka dambe.
Marka waxaan aamminsanahay ineysan daliil u ahayn in Ramadaan la yiraah do wuxuu leeyahay seddex tobnaad oo buuxbuuxa. Marka wax aa cad inuu nab igu (SCW) ka raadsha 10-ka dambe. Haddiiladhihilahaa waxaa dadku iska fahm ayaa (curfi) ama la oran karaa bishu waxay lee dahay seddex tobnaad iyadoon loo eegin inay 29 ku dhammato iyo in kale. Maxaa la oran marka nabigu (SCW) yiri ka raadsha toddobada u da mbysa? Ma7 loo qeybiyo bishaa jirta? Xitaa had dii as buuca tusaale loo soo qaato, bishu ma leh tiro is le’eg oo asbuucyo ah. Mar ka waxaan aamminsanahay in nabigu (SCW) u jeeday 10 habayn oo toban habeyn ah. Marka qofkii raba inuu Ilaah waafajiyo Leylatul Qadarka waa inuu tobanka habeynba dadaalaa ama ugu yaraan toddobada habeyn ee ugu da mb eysa. Faalladaan waa mid ay kahadalkeeda leeyihiin culumada Soom aaliyeed il ayn iyagaa Afsoomaali akhrin karee. WABILLAAHI TOWFIIQ
Qeybtaan Dhammad .Xigasho:- Cabdulwaaxid Khaliif cabdul waxid@hotmail.com
…La soco Berri :-qormo kale oo fidrada iyo ciidda ka hadleysa insha allaah
WAR-GELIN:-
ku socota dhammaan Macaamiisha wargeys ka iyo Akhri sata yaashi isa Shar afta leh, wux uu Maamulka wargeyskan ku wargekin ayaainay ilaaliya an Nuqull ada wargeyskan oo qeybo ka mid ah fadaa’isha Bisha Barakeysan ee Ra mad aan Daruus la xiriirta ay ku qoran yihiin iyo Aayado khu mur’aan ka Kariim ah Sida as daraadeed waxaa uu maamulka leeyahay walaala yaal xafida Alle ha idin xafi dee kana ilaali meelaha aan ku habooneyn ee wasa qeysan in aad dhi gtaan ama aad ku tuurtaan War geyskaan. Qaasatan Inta Lagu Jiro Maalmaha Bi sha Rama daan wax aana mar 2aadkaa codsaney naa inaad ka dhowrtaan ka na ilaaliso meelaha wargelinta lagu muujiyey Mahadsanidiin.
RUTO OO KA CODSADAY MUCAARADKA INAY FURSAD SIIYAAN WADAHADALLADA
Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa ka codsaday mucaaradka inay fursad siiyaan wadahadallada, halka Raila Odinga, mucaaridkiisa ugu weyn uu ku boorriyay taag eeryaashiisa inay mar kale isugu soo baxaan dibadbaxyada ka dhanka ah dowladda.
Kumannaan qof ayaa ka qaybqaatay mudaaharaad saddex maalmood socday dabaya aqadii bishii March, kaas oo ay hareeyeen isku dhacyo u dhexeeyay dibadbaxayaasha iyo booliiska. Dibadbaxyada ayaa qeyb ka ahaa eedeymo musuq-maasuq ah oo lagu soo oogay doorashadii madaxtinimo ee dhacday bishii Agoosto ee sa nadkii hore, taasoo uu Ruto si dirqi ah kaga guuleystay Raila Odinga.
Khamiistii, Odinga, ayaa sheegay in mucaaradku ay dib u billaabi doonaan dibadbaxyada – marka ay dhammaato bisha barakeysan ee Ramadaan.
Isbaheysiga talada haya ee Ruto ayaa sheegay in doorashii sanadkii hore ay u dhacday si caddaalad ah, isla markaana difaacay waxqabadkii dhinaca dhaqaalaha Kenya intii uu xilka hayay, wuxuuna ku baaqay in la joojiyo dibadbaxyada, isaga oo sheegay inay shaki gelinayaan daacadnimada mucaaradka ee ka qaybgalka wadahadallada.
Isbaheysiga Odinga ee Azimio La Umoja iyo Isbaheysiga Ruto ee Kenya Kwanza ayaa isku khilaafsan nuxurka wadahadalka iyo cidda hoggaamineysa. Kenya Kwanza ayaa doo naysa in wadahadallada ay ka qayb-galaan oo keliya xildhibaannada lagana doodo oo keli ya soo xulista guddiga doorashada.
Azimio ayaa sheegay in xubnaha kale ay tahay inay ka qeyb qaataan wadahadallada sidoo kale inay dib u eegis ku sameeyaan doorashooyinkii 2022 iyo inay ka wadahadlaan tallaabooyinka wax looga qabanayo qiimaha maciishada.
Wadahadallada ayaa lagu wadaa in ay billowdaan maalinta Talaadada ah, sida uu Sabtidii sheegay hoggaamiyaha aqlibiyadda
WELI MA IS WEYDIISAY SABABTA LABADA SOON EE ISKU XIGA MIDNA UGU SOO AADO GU’ MIDNA JIILAAL AMA XAGAA?
Soomaali Ciidaya Weli ma is weydiisa sababta labada sano ee is ku xiga midna ciiddu ugu soo aaddo gu’ midna jiilaal ama xagaa? Ama waxaad xasuusataa Ramaadaanno hore oo xilli abaar ama kuleeylle ah kuso aaday balse sannadkan wuxuu Ramadaanku la kowsaday Xilli roobaad bilow ah.
Taas waxaa sabab u ah nidaamka tirsiga sannadka iyo bilaha oo go’ aamiya xilliyada munaasabadaha sida Ramadaanka iyo Ciidda, Muslimiintuna waxay ade egsadaan midka afka qalaad loo yaqaan Lunar amaba tirsiga dayaxa.
Haddaba maxay ku kala duwan yihii tirsiga dayaxa iyo kan qoraxda?
Dayaxu wuxuu ku wareegayaa dhulka, Inta badanna waxay qaadataa 29.5 maalmood in dayaxu dhameysto hal wareeg oo dhameys tiran kaas oo uu ku wareego qorraxda. Taasi waa, hal dayax oo cusub ka dib, dayaxa cusub ee soo socdaa wuxuu qaadanayaa 29.5 maalmood.
Muddadan u dhaxaysa labada wareeg waxaa lagu tiriyaa hal bil. 12 bilood oo noocan oo kale ah marka la isku daro waxay ka dhigan yihiin hal sannad dayaxeed. Maaddaama ay bishii noqonays sagaal iyo labaatan maalmood iyo badh (29.5) oo keliya bishii, sannadkan dayaxa waxa uu leeyahay 354 maalmood oo keliya.
Balse waxaan ka war heynnaa in tirsiga qorraxdu yahay 365 maalmood sannadkii. Taa si waa sababta ay u kala duwan yihiin 11 maalmood (365-354) ee u dhexeeya tirsiga day axa iyo tirsiga qoraxda. Waana sababta ciida Ramadaan ay dib ugu dhacdo sannad walba 11 maalmood.Maxay u adagtahay in la go’aamiyo xilliga Ciidda?
Carruur faraxsan
Maalinta Ciidda waxay ku beegan tahay maalinta koowaad ee bisha Shawaal, oo ah bisha 10-aad ee tirsiga dayaxa. Balse maalinta rasmiga ah ee ay ciiddu noqonayso waxaa lagaga hadlay cilmiga Islaamka.
Halka qof waliba iskii u eegi lahaa dhalashada bisha, qaar badan oo ka mid ah waddamada Islaamku waxay ka war sugaan Masuuliyiin ta loo xil saaray inay la socdaan bilshada bisha.
Meelaha qaarkood, jadwalka qoraxda ayaa sidoo kale la isticmaalaa. Meelo kale, xiddigiska ayaa sidoo kale loo isticmaalaa.
Wadamada Muslimka Sunniga ah ayaa si weyn ugu dabaal dega maalinta Ciida marka Sacuudiga uu go’aamiyo. Dhanka kale, dalaka Muslimka ah ee ay Shiicadu ku badan tahay ayaa u dabbaaldega maalmaha ciida ee ay Iiraan u astaysay.
Taasi waa sababta Muslimiinta caalamka oo dhan aysan isku maalin u ciidin. Waxaa jira farqi u dhexeeya hal ilaa laba maalmood oo kala dambeyn maalinta ciidda ah.
Balse waddamada Muslimiinta sunniga ah qudhooda ayaa mararka qaar kala ciida ama kala sooma maalmo kala duwan iyada oo culumada deegaannada qaar aanay ku kal soonayn ku dhawaaqista malinka ciiddu tahay ama Ramadaanku billaabanayo ee Sucu udiga amaba masuuliyiinta dawladdaas, taasina waxay dhashaa in la arka mararka
qaar hal magaalo oo dadkeedu laba maalmood kala ciidayaan ama kala soomayaan.
XIGASHO:-BBC
TRADEMARK CAUTIONARY NOTICE
The Federal Republic of Somalia
Notice is hereby given that MasterCard International Incorporated - a corporation organized and existing under the laws of the State of Delaware (U.S.A.) of 2000 Purchase Street, Purchase , New York 10577, United States of America is sole owner and only proprietor in the Federal Republic of Somalia of the trademark shown below.
Registration No. 3220 Registration Date: 09/10/1983 Class: 49
Which is used and/or to be used in connection with: Financial services related to the issuance and use of bank type cards.
The above named owner by virtue of registration and user of the trademark worldwide in respect of the above named services has the exclusive right to use the said trademark and is entitled to all rights in respect thereof.
The above named owner claims all rights in respect of the above trademark in the Federal Republic of Somalia.
Notice is hereby given that in the event of any person or persons infringing the above named owner’s rights in the said trademark in any manner whatsoever or registering or attempting to register or using a mark similar to the above mark so as to mislead the public into believing that such spurious mark relates to goods manufactured or services provided by the above named owner legal proceedings will be instituted against any such person or persons for infringement of the said trademark and recovery of damages and other reliefs.
Any enquiry relative thereto may be referred to:
Saba & Co. Intellectual Property s.a.l (Offshore)
P. O. Box 11-9421 Beirut – Lebanon
Tel: +961 5 45 48 88
Email:naf@sabaip.com
HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAIYL NEWSPEPAR EE MAANTA OO AHTALAADO 18-KA ABRIIL 2023-KA
..