FAALLO :-Maxaad ka taqaanaa Qaraabka Culimada iyo Diinta?.

0
Sunday April 16, 2023 - 14:35:30 in Wararka by
  • Visits: 1879
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    FAALLO :-Maxaad ka taqaanaa Qaraabka Culimada iyo Diinta?.

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

 

Dabayaaqadii 1960aad kii, waxaa Sucuudiga ka yimid koox loo yaqiin Bidco oo uu Hogaaminayay Sh.

 

Nur Cali Colow.

 

Waxaana Bilaawday khilaaf Culimo.

Kadibna waxaa Xigay Qulqul dhowr nuuc oo Culimo Cusub ah oo ka yimid Sucuudiga, khaliijka, Iran iyo meela kale, oo iyaga laftooduna is khilaafsan, kana soo wada hor jeedo Culimadii hore ee Dalka joogtay iyo macalimiintoodii hore.

Waxa ay bilaabeen in dacaayado ay ku furaan Culimadii kale.

 

Waxa ayna la yimaadeen khilaaf dhinaca Diinta ah iyo khilaaf Ku saabsan qaraabka iyo sida loo la dhaqmo Bulshada, Culimadii hore waxa ay ku tiirsanaayeen dhaqaala ahaan Bulshada ay la noolyihiin, kuwan Cusub waxa ay ku tiirsanaayeen jamacadihii ay ka soo bexeen iyo Hayado gaar ah oo hagayay.

Khilaafka Dhinaca Diintu ha noo dhambeeyee, khilaafka dhinaca qaraabka, dhaqaalaha iyo la dhaqanka bulshada maxaa iska bedelay.

Culimada Cusubi maxey ku dacaayadeeyeen Culimadii hore. maxeeyse ku bedeleen? .

1. Waxa ay ku dacaayadeeyen in Wan loo qalo haddii ay Cid u martiyaan.

 

Waxa ay ku bedeleen in Ri loo foorneeyo. ( F.S:1&2aad)

2. Waxa ay ku dacaayadeeyeen Tusbaxa dheer, waxa ay ku beedeleen Tusbax Digital ah. ( F.S: 3&4aad)

3.waxa ay ku dacaayadeeyeen Koofiga Barawaanka waxa ay ku bedeleen Koofiga Dhabdaca. ( F.S: 5&6aad)

4. Waxa ay ku dacaayadeeyeen Loox Qur’aanka lagu qoro iyo macallin akhrinaa, waxa ay ku bedeleen Qalin wax Akhraa iyo Buuq wax lagu qoraa. ( F.S:7&8aad)

5. Waxa ay ku dacaayadeeyeen Bun, Canbuulo iyo Soor, waxa ay ku bedeleen Bariis wato khudaar iyo Calooleey. ( F.S: 9-13aad)

6. Waxa ay ku dacaayadeeyeen Tahliishii Biyaha Zam zamka lagu tufayay.

 

Waxa ay ku bedeleen Tahliil ah saliid, Quraan aan Bisinka lagu qorayn oo diyaar ah lana sii tufay. ( F.S:14&15aad)

7. Waxa ay ku dacaayadeeyeen Xalqadii Dikriga ee Ragga, waxa ay ku bedeen Xalqo Haween ah oo qeylinaa Biyana lagu Rusheeynaa. ( F.S: 16&17aad)

8. Waxa ay ku dacaayadeeyeen, Dhalo dhucey Subaga oo lagu iidaamo, waxa ay ku bedeleen Caag Saliid cadeey ah. (F.S: 18&19aad)

9.waxa ay ku dacaayadeeyeen in ay Muufo Cunaan, waxa ay ku bedeleen Rooti Abuukeey. ( F.S: 20-21aad)

10. Waxa ay ku dacaayadeeyeen Sali lagu tukado, waxa ay ku bedeleen Sijaayad. ( F.S:22&23aad)

11. Waxa ay ku dacaayadeeyeen, Toor ah Xamur iyo Timir, waxa ay ku bedeleen Xalwo iyo Doolshe. ( F.S:24-26aad)

12. Waxa ay ku dhaliileen ilmihii umu sibyaanka qabay ee Daayga madaxa laga marihaayay, waxa ay ku bedeleen ilmo madaxa Basbaas laga marihaa. ( F.S:27&28aad)

Isbedelka Cusub ma waxa uu u muuqdaa Qaraab dhaqaale oo culimadii hore ee Bulshada ku tiirsaneyd laga kacsanayay, mise farsamo ah Qaraab cusub?

Maxaad ka taqaanaa Qaraabka Culimada iyo Diinta?.






FG.Culimadii Hore iyo kuwa Cusubba waxaa ku jiro Xarfaan iyo kitaab gaabloow kuwaa Culimadda magac dilayo, Bulshadana wareerinayo.

Aragtidaada Xur ayaa u tahay, wixii ka khaldan ka sax, wixii ka dhimanna ku dar.


Qore:Yahya Amir

.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip